Hordhac
Qoraalkaan waxaan ooga hadli
doonaa ciidankii Soomaaliya ee noqday kan sedexaad xaga nidaamka iyo
diyaargaroowga Africa, xagee ku danbeeyay,? Ma xasuusataa qaabkii lagu aasaasay?
Ma'ogtahay hada qaabka lagu aasaaso? Ma'ogtahay dawlada iyo mucaaradka in
ciidamadoodu isla tababartaan isku meelna wax kahelaan? yaa hortaagan dhismaha
ciidamada? Ma taqaan sadexda nin ee qora ciidamada Soomaaliya iyo
takhasuskooda?.
Dhalashadii ciidankii
Soomaaliya.
Waxaa la sheegaa in
ciidamada Soomaaliya la unkay 12kii-Apriil 1960 kii, Soomaalidii markaas joogtay
waxay dareemayeen mas'uuliyad weyn oo ka saran sidii ciidan qaran loo samayn
lahaa, fikirkii la keenay ee ahaa in Soomaaliya loo dhiso ciidan awood badan
lana gaarsiiyo 20,000 oo askari reer galbeedkii waa ka gadmi waayay, inkastoo
markaas xamaasad loo hayay dawladihii xornimada qaatay, hadana 20,000 oo askari
baa u cuntami weyday, dawladii Mareykan-ku waxay sheegtay inay Soomaaliya ka
caawinayso dhismaha 6000 (6-kun) oo ciidan boolis ah.
Dr. Cabdirashiid Cali
Sharmaarke waxaa uu ku qancay in aan
wax niyad ah loo hayn arinta ciidan dhisidda ah ,waxaa kaloo uu hadana ka baqay
dhibaatada ka imaankarta hadii uu u jeesto dhanka reer bariga (midawgii
soofiyeeti ) MS.

1962-dii, ayuu Dr.
Cabdirashiid sharmaarke booqasho rasmi ah wuxuu ku tagay dalka shiinaha,
wuxuuna sii maray magaalada MOSCO oo uu kula kulmay hogaamiyihii shuuciga
NIKITA KHRUSHCHE, kulankaas waxaa uu ahaa mid qarsoodi ah oo ayasan saxaafadu
ogayn in kulankaas dhacana waxaa ka danbeeyay hogaamiyihii kacaankii Masar
Jamaal Cabdinaasir, waxaana shirkaas la,isku afgartay arimo muhiim ah oo ay
kamid ahayd in ciidankii Soomaaliya dhismihiisa uu ka qayb qaato midawga
soofiyeeti, dhanka qalabaynta iyo dhaqaalaha intaba, deeqahaasna wax shuruud
kuma xirnayn laakiin Midowgii Soviet waxaa uu aad u xiiseenayay afrika in uu lugta lasoo galo
oo kaliya waxaa uu markaasi ogolaaday deeq
lacageed dhan 32.000.000 oo
doolar, heshiiska waxaa ku jiray in lacagtaas lagu dhiso ciidan gaaraya 20,000
iyo qalabkoodii waxaa intaas weheliyay tababaro lasiinayo saraakiisha,
deymahaas waxaa lagu heshiiyay muda
labaatan(20) sano gudahooda in lagu bixiyo, kadib ciidankii Soomaaliya tiradiisa
iyo tayadiisaba aad ayaa loo hormariyay, kacaankii 1969-kii markuu dhashayna
horumarinta ciidanka waa lasii laba laabay, xariirkii ciidan ee midawgii
soofiyeeti wuu sii socday ilaa uu mugdi soo galay 1977 dii dagaalkii Soomaali
galbeed waxyar kahor.
Abuurkii ciidamada
Soomaaliya wuxuu ahaa sidaas waxaana meesha joogay hogaamiyayaal miskaxdoodu
shaqeynayso, ogaana meesha iyo waqtiga haboon in wax lagu qabsado danta guudna
ka hormarinayay mida gaarka ah, ciidankaas aad u jeedid qaabka lagu soo dhisay
maalin gudaheed ayaa lagu bur buriyay markii la yiri jamhadihii hubaysnaa ee
dawladda bur buriyay isku dhiiba hubkiinana ku wareejiya, markaas ayuu noqday
tusbax go'ay oo meel loo kala raadiyo la garan waayay.
Ciidamada ha'isku
dhiibaan maleeshiyaadka.
Sanadkii 2000
markii dawladii uu madaxweynaha ka ahaa Cabdilqaasim Salaad Xasan lasoo
dhisay waxaan kamid ahaa dadkii ka qayb galay xafladdii ay ku qabteen Muqdisho staduim, dad aad u fara badan ayaa maalintaas isku yimid oo
garoonka buuxiyay ilaa barxadii lagu ciyaari jiray dad laciirtay, maalintaas
wuxuu ku dhawaaqay in ciidamadii qaranka is aruuriyaan oo garoonka isugu
yimaadaan, garoonkii wuu buuxsamay ciidamadii oo qaarkood odayaal noqday ayaa
wax u bidhaameen, soona buuxiyay meeshii,waxaa maalintaas ii waramay nin ka
tirsanaa warshadii hubka samayn jirtay ee Mahadaay wuxuu igu yiri: ma,u
maleynaysaa in la isla helay ciidamadii iyo madaxdii guuto hebel oo dhan labo
ama sadex qof ma'ahane intii kale, ciidamadaas waxay seexan jireen garoonka
kubada cagta inta aan haysan meel ay aadaan, waxayna diyaar u ahaayeen in la
shaqo galiyo, intii iskugu timid meesha markay bil kabadan joogeen oo meesha
gaajo iyo daryeel la'aan ku dishay, wax la hadla iyo wax booqdana ay waayeen
ayay waxay is weydiiyeen war horta yaa noo yeertay?, qaarkood ayaa yiri war
waxii noo yeeray ma haatuf buu ahaa?, waxaa xaqiiqa ah in dadkaas loo yeeray
laakiin dadkii u yeeray ay is tuseen ama la tusay wax kale, 24 saacadood
gudohood ayay ku kala yaaceen ciidankii, fursadii qaaliga ahaydna sidaas sahlan
ayaa loo burburiyay, nimankii gobolada ka yimidna magaalada ayaa tirisboor looga
aruuriyay si'ay reerahoodii ugu laabteen, dawladdiina waxaa lagu qanciyay inay
maleeshiyooyin adeegsadaan intay ciidan nidaamsan adeegsan lahaayeen.

Sanadkii 2004 -tii,
markii dawladii uu madaxweynaha ka ahaa Cabdulaahi Yuusuf Axmed
Soomaaliya
timid ma,aysan jirin ciidan u sii diyaarsanaa ee wuxuu isku jaaf jaaftay xoogaa
maleeshiyooyin ah oo uu qaarna Puntland ka keenay qaarna Xamar ka helay,
ciidamadii uu asagu kamid ahaa iyo saraakiishoodii inuu ka faa'idaysto iskuma
shuqlin, wuxuu garab ka dhigtay ciidankii Itoobiya iyo maleeshiyooyin ay wax
tababar ah siin jirtay oo aan tayo lahayn siday u kala fakanayeena Itoobiya tiri
waxaan soo tababarnay 20 kun waxna lagama hayo , hadda kadibna anagaa
maamulkooda la wareegnay, oraahdiina waxay isku bedeshay Ciidamada Qaranku
kuwa Itoobiya hubka haku wareejiyaan!.

Sheikh Shariif oo ku lebisan Tuute (2010)
Sanadkii 2009 ka
markii ay Muqdisho u soo guurtay dawladii uu madaxweynaha ka ahaa Shariif Sh.
Axmed waxaan kamid ahaa dadkii lasocday madaxweynihii cusbaa ee lasoo doortay ee
muqdisho yimid 23 Febaraayo 2009, markaas ayada ah dadkii nasoo dhaweeyey ee na
keenay madaxtooyada waxaa kamid ahaa ciidan aan badnayn kuna hubaysnaa baabuurta
loo yaqaan tiknikada oo ku buufsan rinjiga dharka tuutaha oo kale ah, ciidankaas
qaarkood cimaamado gaduudan ayay wateen qaaarna tuute, waxaan meesha ugu nimid
baabuur badan oo kuwo ciidan iyo kuwo kaleba leh, oo ay ilaalinayeen ciidamada
Afrikaanku si aan loo qaybsan.
Dawalad aan isku ciidan
ahayn.
Dawlada hadda jirta ayaa ka
liidata kuwii hore xagga isku dayga ciidamada, waxaadna mooddaa arrintaasi
inaysan taladaba ugu jirin, waxaana xusid mudan labadaan qodob:
Kan Koowaad:
Ciidankii ay dhaxashay dawladaan waxaa uu ahaa ciidankii lagu soo tababaray
Ethoipia mana badnayn oo markii ay maqleen inuu is casilay madaxweyne Cabdulaahi
yuusuf ayay kala danaysteen, ciidan u badnaa maleeshiyooyinkii hogaamiye
kooxeedyadii muqdisho iyo qaar sahay la'aan ku dhacday ayaa joogay, waxay kaloo
dhaxashay qayb ciidamadii Maxkamadaha kamid ah oo kuwii aan soo xusay awel
dagaal kula jiray.
Ciidanka TFG sargaalka ugu
sareeya waxaa la oran jiray gacma-dul, waa ciidamadii Itoobiya lagusoo tababary,
qaybtii maxkamadaha waxaa horjooge u ahaa Sh. Cabdulqaadir wasiirka arimaha
gudaha ee hada jooga, qaybta kaloo magaca dawlada ku joogay hadana aanba ku
shaqeyn waxaa qaarkood madax u ahaa Cabdi Qaydiid, ragii magaalada ka ahaan
jiray gudoomiyayaasha ayaguna ciidan bay lahaayeen sida C/fataax shaaweeye iyo
Dhagaxtuur, istaas isku tababarna ma'ahayn isku maamulna ma'ahayn, sidoo kale
qofkii biili kara 10 askari wuxuu wataa hal gaari oo gaarigaas u saaran ayaguna
cid qofkay ilaalinayaan ayay ka amar qaataan, kamana midaysna xagga labiska,
hogaanka iyo caqiidada midna. Waxa kaliya oo ay ka mideysan yihiin waa midba
qori inuu wato waxna dilo hadii loo baahdo, isku magac looguma yeeri jirin kuwa
waxaa loogu yeeri jiray muqaawamadii kadibna darwiish bay la baxeen hadana waa
looga dabatagay oo laga baa,biyay, qaar kale waxaa loo yaqaanaa ciidankii hebel
waxaa loogu abtiriyaa nin magaci, qaarna wax aanba la sheegi Karin laga yaabee
dadka qaar in ay xasaasiyad ka qaadaan.

Markii dawlada ay muqdisho imaanaysay
dawladu ilaa jidka warshadaha waa ay jirtay oo ragii maxkamadaha qaybtii dawlada
soo raacday ayaa waxay joogeen ilaa warshadaha dadkuna ma kala baxsanayn,
Bakaaraha ayaa laga wada adeegan jiray dhamaan dawlad iyo mucaaradba, dawlada
niyada ayaa u dhisnayd oo waxaa jabuuti lagu soo heshiiyay in ururkii ARS iyo
TFG ay ciidamada isku darsadaan, lana hawl galiyo niyad dhiska waxaa keenay
qaybtii ARS ta waxaa warbixin lagu siiyay in ay haystaan ciidan dhan 10 kun oo
askari oo bishii ugu danbeysayna ay mishaar ku qaateen, tiradaasi niyadda
madaxweyne Shariif aad ayay kor ugu qaadday, tiradaas oo ciidan ah inuu haysto
ayaa mushaar looga qaaday, laba bilood gudohood waxaa soo baxday in kun kaliya
lahayo, liiskii markii hala keeno layiri waxaa ku qoran hebel waa shahiiday,
hebel islaatii uu ka tagay ayaa qaadata mishaarka, hebel lug ayaa ka go'day,
yaab aniga liiskaas waan akhriyay inkastoo uusan dhamayn boqol qof.
"Dhibkii ugu badnaa ee soo wajahay
ragaas kasoo go,ay maxkamadaha wuxuu ahaa in laga dhaadhicin waayay dawlad ayaad
noqoteen, weli waxay isku arkayeen niman dawladda Marti u ah, ayagoo
madaxweyne-nimadii lasiiyay, meeshaas waxaa ku burburay ragii loo yiqiinay
maxaakinta waxaa kasoo haray shakhsiyaad iyo ciidan ayaga ilaaliya oo kaliya." |
Waxaa intaa
dheer markii ay soo baxday in si khaldan dadku waxa ku cunayeen ayaa bil kadib
ragii lacag soo codsadeen maalintaas ayada ah qof baa ii yimi masuul ah, wuxuu
igu yiri waxaan kaa codsanayaa in hebel aad wax la fiirisid waa ragii
maxkamadaha oo lacag baa lasiin rabaa buu ii sii raaciyay, ciidamada ay
sheegayaan la taxqiijisid, ha ila yaabin oo aniga waxba kama aqaan ciidan,
laakiin waxaa caada xamar ka ah in aad mararka qaar iska qabatid shaqo aadan
garanayn, dabcan hadii wax la dhacayo waan garan karay,ana waxaan ku iri nin
raba in uu wax dhaco see loo taxqiijiyaa?, kadib waan ka yeelay, bal inaan wax
ka fahmo waxa socda, markaas qol baa la iskugu tagay, hadal kadib waxaa iisoo
baxaday ninkii masuulka ahaa wax uu iga qariyay oo ahaa in raga lacagtii ay
ciidanka ku magacaabeeni jeebka ugu jirto, marka aniga shaqo iimaba taal, ragii
waxoodii waa ay haystaan, kadib waxaan go,aansaday, inaan weydiiyo su'aalo guud,
sida ciidankaan aad lacagta ku qaadanaysaan koow iyo labo mala dhihi karaa? wax
aqoonsiya maleeyihiin? waxaa ii soo baxday ragaan inay yihiin ragii tobanka kun
ee ciidan lacagta ku qaadan jiray, anigana hada aanan waxba kaqaban Karin,
maadaama ay lacagtoodii jeebka ugu jirto, ragaas maalintaas fadhiyay waxaa kamid
ahaa nin aan magaciisa hilmaamay, laakiin su'aalaha badanaa kama jawaabayn,
kadib ayaan ogaaday inuu cilad ka qabay dhanka maqalka oo uusanba lasocon waxaan
kahadlaynay waana ninkii qaadayay lacagta. Dhibkii ugu badnaa ee soo wajahay
ragaas kasoo go,ay maxkamadaha wuxuu ahaa in laga dhaadhicin waayay dawlad ayaad
noqoteen, weli waxay isku arkayeen niman dawladda Marti u ah, ayagoo
madaxweyne-nimadii lasiiyay, meeshaas waxaa ku burburay ragii loo yiqiinay
maxaakinta waxaa kasoo haray shakhsiyaad iyo ciidan ayaga ilaaliya oo kaliya.
Qodobka Labaad:
ciidamadii TFG da waxaan kor ku soo xusay inta
ay ahaayeen, waxaan kaloo soo sheegay ilaa dhowr ciidan oo aan hal meel ka amar
qaadan inay jireen, dawladaan sidii kuwii ka horeeyay ayay ayaguna iska indha
tireenn inay ka faa,idaystaan khibrada ciidankii hore, si taxadar ku jiro ayay
hal hal aan aad looga aqoon bahdii ciidamada ama markaas ahaa sarkaal yar u
yeerteen, si hoose oo dadka qaar ayaa laga adeejiyay oo loo diray, macanaha
codka kor looma qaadin, waxaa kaloo jiray saraakiil 15 ahaa oo laga codsaday in
waxii ciidama ahaa hoos loogu yeero, sababta hoos keentay waxay ahayd ayadoo
aysan beesha caalamku maqli karin ciidan wax la yiraahdo in Soomaaliya loo
dhiso, laakiin kuma aysan fakarin xeeladdii 1960 kii lasameeyay mid u dhaw oo
noqon karta inaan reer galbeed kaliya la hoos tagin ee albaabo badan la garaaco.
Dawladu waxay ku dhacday khalad weyn marka laga hadlayo qorida ciidamada iyo
tababarkooda, waxaa isla og ciidanka la qorayo ilaa dhowr nin badanaa shuruud
looma samayn jirin waxaa soo dhacayo war ah dawlada Ugaandha ama Jabuuti ayaa
ciidama noo tababarayso, ama saraakiil baa loo dirayaa dalka suudan, majiro
guddi u qaabilsan arinkaas sidoo kale majiro kanaalo la raacayo, kaliya waxaa la
sameenayaa afar qof baa isla hadlaysa habeenkii taleefanana isku diraya, oo la
is leeyahay war ciidan baa la dirayaa mahaysaa dhalin yaro diyaar ah kan kale
waxaa uu ku jawaabayaa hada muqdisho majoogaan laakiin taleefan baan u dirayaa,
12 saacadood waa ku imaan karaan, afartii qof afar kalay gaarsiinaysaa, hadii
loo baahdo 400 (afar boqol) oo askari 7 casho gudohood waa joogaan, meel laga
keenay mataqaanid iyo sida loo qaybiyay.
Wasiirkii hore ee difaaca Cabadalla
Boos ayaa maalin madaxtooyada soo galay asagoo xanaaqsan, wuxuu leeyahay war
ciidankan la,iska qoranayo maba ogiye yaa qoray?, wasiirkii sidii ayaa lagu
marsaday oo waa la dar daray, ciidankiina waa la diray, sidoo kale wasiirkii ka
horeeyay asaga sidaas ayaa ku dhacaday asagoo jooga ayaa dad ciidamada qortaan,
hadana dirsadaan, taliyihii hore ee ciidamada asagu maba uu lasocon waxa la qoro
iyo waxa la diro.
Waxaan baaritaan ku sameeyay dadka qora ciidamadaan waxaan
ogaaday in aysanba ahayn dad ciidan waligood noqoday, nin waxaa la'iigu sheegay
inuu ahaa ragii kacaanka oryateeshinada joogi jiray hadana waa xildhibaan, nina
waxaa la'iigu sheegay inuu madaxwenayaashii Soomaaliya soo maray midkood mar la
shaqeyn jiray, nina tima jare ayuu ahaa hadana shaqadaasna waa uu wataa
mishaarna waa uu ku qaataa, mida aruurinta dhalin yarada waa uu wadaa, intaa
waxaa dheer dad markay maqlaan wax baa la aruurinayaa si xoog furnaansho iskala
shaqeeya qoloda aruurinaysa.
Su'aal baan weydiiyay nin
kamid ah ragaas waxaan ku iri meeqaa ciidan baa adiga keentay oo la soo
tababaray markaas buu ku jawaabay waxaan keensaday (200)laba boqol baan ilaa
hada keensaday,inta ciidan ee lasoo tababaray tira koob malahan, kuwa hadda la
tababaro iyo kuwii xilligii C/laahi Yuusuf kuwii lasoo tababaray iyo, waxaa
lagu tilmaami karaa waa wax kuwa soo aruurinaya aanba la,ogayn waxa ay u soo
aruurinayaan iyo cida ay u aruurinayaan, su'aasha ah war sidee wax loo soo
tababarayaa? magaaladii muqdisho kuma soo hoydaan qof aan aqoon sida xabada loo
rida, ma waxaa loo baahan yahay ciidan tababar raba mise mid asagu wax tababara?
Ugandha iyo Jabuuti ayagu marabaan inaan u soo dirno ciidan ayaga tababara
ciidankooda?
Oohintu orgiga ka weyn, waa
lugta aan kaa gooyo, maa la daryeelo kuwa jooga maxaa loogu naas nuujinayaa
dawaladahaan Afrikaanka ah? maxaase Soomaaliya loogu sii badinayaa dadka dad-dil
ka ah? hadii aad ogaan jirtay in Itoobiya wax soo barto ciidamada Soomaaliya iyo
ugandha, hada waxaa khadka soo galay midowga yurub oo ayuga sheegay laba kun
(2000) oo kale inay Soomaaliya u tababarayso. waa ciidan wareeray xataa
dawaladaha waa kala tababar gadisanyihiin, waxaa muqdisho la'iskugu keenayaa mid
qoriga midigta ku qabsada iyo mid bidixda ku qabsada iyo mid markuu dhaqaaqayo
bidixda ka dhaqaaqa halka kan kalana midigta ka soconayo.
"ciidan
dibadda laga hagayo inuu ciidan qaran noqdana suura gal
ma'aha...." |
Waxaa muuqata ilaa
laga soo bilaabo 1992-2010 hal mar isma badalin qaab dhismeedka ciidamada,
dawaladihii is dhaxlay ee dibadaha lagusoo wada dhisay wax hor mar ah kama
samayn dhanka ciidamada ,waxaana ugu liidata tan hada jirta 2010 ka ,waxaan
dhihi karaa ciidamada hada lasoo tababaro dawlada kaliya looma soo tababaro ee
waa lawada dirsadaa, markay soo laabtaana waa lakala qaybsadaa, oo hadaad
maqashay ciidamada lasoo tababaro xagee aadaan? jawaabtu waxay tahay qaar
saldhigoodu waa dhanka dawlada hada ay xukunto ee wadada Maka Al-mukarama wixii
dhanka bada kasoo xiga ayay joogaan,waxii kale dhankas kalay aadaan ama qorshe
haku aadaan ama is dhiibide, dhanka mucaaradka waxaa shaki iiga jiraa oo kaliya
inay qorshe ahaan ugu darsadaan ciidamada dibada loo dirsado iyo inay tahay Alle
kusii, dhanka hubka iyo rasaastuna waa lawadaagaa oo dhanka dawlada ayay ka
iibsadaan, waayo askarigan waxaa mishaar u ah raasaastiisa, mucaaradkuna
ilahooda gaarka ah ayay mararka qaar rasaasta ka helaan, marka dagaalku ma
istaagayo maadaama dadku wada bartay sida xabada loo rido, rasaastii wadanka
timaadaana u dhaxayso, tababaradana la wada aado, marka dhiiggu ha daato talo
aan ahayni ma muuqato.
Gabagabo
waxa arimahan usoo aruuriyay in sida wax u
dhacayeen dadku xasuusnaadaan, hadii uu jiro qof ku fikiraya inuu wadanka
maamulkiisa isku fiiriyana uu la socdo wixii ka horeeyay, dadka qaar ayaa laga
yaabaa inay is dhahaan ciidankii Soomaaliya mala hawl galin karaa waxaan
leeyahay HAA ,waxa kanool dad badan oo shaqeyn kara ama looga faa'idaysan karo
tababar ahaan, waxaana aaminsanahay hada sida ay xaalada tahay ciidan
soomaliyeed lama dhisi karo sababtuna waxaa weeye hogaanka iyo istiraatiijiyada
ciidanka Soomaaliya waxaa gacanta ku haya dawlado shisheeye, marka ciidan
dibadda laga hagayo inuu ciidan qaran noqdana suura gal ma'aha.
AKHRI Qaybta 9aad