SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DAAH FURKA XAQIIQADA

Daah ka Qaadidda Wajiga Beenaalayaasha (iyo Daah furka xaqiiqada)

Video: Kulankii ka dhacay Masjidka Abuubakar ee Minneapolis ee uu ka qayb galay Safiirka Maraykanka u fadhiya Kenya

Sidii caadada inoo ahayd (SomaliTalk) in aan soo bandhigno waxyaabaha ummadeena dal iyo dibadba dan u ah, sida khatar lala maagan yahay, arrimo aan la ogayn oo dahsoon inaan faah faahino, iyo in aan difaacno soona gudbino xaqiiqadooda waxyaabaha lagu wiiqayo ummadda horumarkeeda.

  • Video kulankii safiirka USA ee ka dhacay masjidka Abubakar hoos ka daawo.

Waxaan qoraalkan ku soo bandhigaynaa inaan daaha ka qaadno xaqiiqada waxa ka jira ama sida wax u dheceen fasiraad laga bixiyey arrimo ka dhacay Xarunta Abuubakar As-Saddique Islamic Center, loona soo gaabiyo (AAIC). Xarunta Abuubakar waxay kamid tahay Xarumaha ugu waawayn ee Jaaliyada Soomaaliyeed ku leedahay dibadda. Qoraalkan waa soo bandhigid arrimaha lahadal hayey, faallada iyo tarjumaadda iyo waraysiyo arrimahaan la xiriira. Waxaan ku soo bandhigi doonaa qaybaha danbe ee faallada haddii Allah idmo.

Arrimaha aan qoraalka uga hadli doono waxaa ka mid ah, inaan qeexno "Daah ka qaadidda Wajiga Beenaalayaasha" (ama daah furka xaqiiqada),  Xarunta Abuubakar taariikhdeeda oo kooban, AAIC iyo Maraakista la mid ka ah bulshada waxa ay ugu yaalaan, Safiirka Maraykanka iyo Booqashadiisii Minneapolis iyo AAIC, Lakulankii  maamulka Xarunta AAIC lakulmay lataliye ka socda "Home land Security", Xafladii Xilwareejinta ee Abuubakar ka dhacday iyo siday ahayd, iyo Daah ka qaadidda ama qeexidda ujeedooyinka dahsoon ee kadanbeeya fasiraadahaan iyo danaha ay ka leeyihiin. Faalladeena ka hor waxaan akhristayaasha ugu tala galay inaan u soo gudbino Video iyo codad si ay indhahooda iyo dhagahooda ugaga bogtaan. Waxaana ugu horaysiinaynaa imaanshihii Safiirka ee Minneapolis.

Sannadkii hore markay taariikhdu ahayd May 4, 2010 ayaa safiirka Maraykanka u fadhiya dalka Kenya, Michael E. Ranneberger, waxa uu kulan la yeeshay xubno kamid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolka Minnesota, kulankaas oo ka dhacay masjidka Abuubakar Asaddiiq ee magaalada Minneapolis iyo meelo kale oo magaalada kamid ah.

Tarjumaado kala duwan ayaa laga bixiyey sidii kulankaasi u dhacay, sidoo kale siyaabo kala duwan ayaa loo qeexay wixii ay ka qayb galayaashii kulanku kala hadleen safiirka Maraykanka, ayadoo dadkaas sida kala duwan uga hadlay aysan soo bandhigin Video-gii laga duubay kulankaas si dadweynaha Soomaaliyeed ay indhahooda iyo dhagahooda ugaga dhergaan wixii la isweydaarsaday iyo sidii kulanku u dhacay, si markaas ay go'aan caddaalad ah uga qaataan.

Haddaba, SomaliTalk.com waxa ay heshay nuqul Video laga duubay kulankaas. Waxaana si waadax ah Video-ga uga muuqda in su'aalo kulul la weydiinayo Safiirka, isaguna si qayaxan ayuu u muujinayaa ujeedaddii uu kulanka uga soo qayb galay, Video-ga oo dhamaystiran ka daawo hoose, waana sida uu ahaa ama nagu soo gaarey, anagoo aan waxba ka tifa tirin.

Hoos ka daawo Video-ga oo 3 qaybood ah

  • FG: Qofkii video-ga duubayey ayaa magarafoonka hordhigay safiirka, dadka su'aalaha weydiinaya magarafoonku waa ka durugsanaa, laakiin markasta jawaabta uu bixinayo safiirku si fiican ayaa loo maqlayaa...

Qaybta 1aad (Part 1)
(m4v version) | mp4 version) | blip Version

Qaybta 2aad (Part 2)
(m4v version) | (mp4 version) | blip version

Qaybta 3aad (Part 3)
(m4v version) | (mp4 version) | blip version

Saciid Sh. Cabdi oo ah weriye ka socda Idaacadda Codka Maraykanka (VOA) ayaa markii uu kulanku dhammaaday waxa uu su'aalo weydiiyey, kana duubay, qaar kamid ah, ka qaybgalayaashii kulanka ka dhacay Masjidka ee uu ka qayb galay safiirka USA u fadhiya Kenya. Waxana uu weriyuhu weydiiyey sida ay u arkaan kulankaas iyo wixii safiirka la weydiiyey oo ahaa in Maraykanka siyaasadiisa ku wajahan Soomaaliya ay khaldan tahay.

Sidoo kale qaar dadweynaha oo fikradooda dhiibanaya Dhegeyso (mp3)

Weriyuhu waxa kale oo uu su'aalo weydiiyey Safiirka Maraykanka, mr. Ranneberger.

Sidoo kale waxaa joogay goobta kulanku ka dhacay Wariye ka socda Somali Mai -TV, wakiilna u ahaa Raadiyo Muqdisho, sida aad Video ku argteen in lagu xusay.

La soco Faalladan qaybaheeda kale.... Insha Allah

  • Aragtida Dadweynaha: Waxaad toos loogu qori karaa HALKAN (Fadlan ku qor dhanka hoose ee bogga soo baxa marka aad RIIXDID HALKAN)

Faafin: SomaliTalk.com |  Feb 20, 2011


  • Soomaaliya, waxaa 20-jirsadey dawlad la'aantii soo bilaabatay 1991, ilaa haddana ma muuqato qaab caqliyaysan oo ay Soomaalidu dhexdooda ka wadaan sidii loo soo afjari lahaa colaadda, dagaalada iyo dawlad la'aanta. Waxaa taas bedelkeeda ummadda Soomaaliyeed lagu mashquuliyey in ay ayagu dhexdooda isu toora buuxsadaan, ayadoo ay u muuqdaan nin-tooxsi iyo yaan aniga la iiga dambayn, meeshii maslaxad caam ah laga raadin lahaa, la is cafin lahaa, la isu dul qaadan lahaa, wixii maslaxadda caamka ahna laga wada shaqayn lahaa, marka laga reebo in yar oo ku mashquulsan sidii ay bulshada wax u tari lahaayeen, sida Xarumaha waawayn ee Islaamiga ah ee  laga hirgaliyey wadanka dibadiisa iyo gudahiisa, iyo hay'adaha waxbarashada iyo caafimaadka ee wadanka laga suura galiyey.

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: