Khilaaf ku saabsan Badda
Soomaaliya oo soo Kala Dhexgalay
Madaxweynaha DFKMG Sheikh Shariif iyo
Ra’iisul wasaarahiisa
- Axmed Walad Cabdalla oo
Booqday Hargeysa iyo Garoowe
- Mudaharaad ka dhacay
Hargeysa oo dad ku dhinteen
- Dr. Faroole oo fariin adag u
dhiibtey Axmed Walad Cabdalla (Puntland
waxay kalsoonida kala laabanaysaa DFKMG
haddii aan…..)
Warar
laga helayo ilo wargal ah ayaa tibaaxay in
khilaaf soo kala dhexgalay madaxda ugu
saraysa xukuumadda DFKMG, gaar ahaan
madaxweynaha DFKMG Sheikh Shariif Sheikh
Axmed iyo ra’iisul wasaaraha Cumar
Cabdirashiid Cali Sharmaarke.
Si rasmi ah looma shaacin waxa uu
khilaafkaasi ku salaysan yahay. Laakiin
warar laga helayo ilo wargal ah, oo
weydiistey inaan la magcaabin, ayaa tibaaxay
in khilaafka xubnaha sare ee xukuumadda FKMG
uu salka ku hayo Badda Soomaaliya. gaar
ahaan meesha laga samaynayo xarun lagala
dagaalamo burcad badeeda.
Arrintan ayaa sii xoogaysay kaddib markii
ay heshiis ku saabsan xarun loo samaynayo la
dagaalanka burcad badeedka ay galeen wafti
uu hoggaaminayey Sheikh Shariif ,
heshiiskaas oo DFKMG ay la gashay jabuuti,
ayadoo uu jiray heshiis kaas la mid ah oo ay
hore u wada saxiixdeen Cumar C/rashiid iyo
madaxweynaha DGPL C/raxmaan Maxamed Faroole.
Qodob ka mid ah heshiiskii DGPL iyo
ra’iisul wasaaraha DFKMG ay saxiixdeen
Augsut 23, 2009 waxa uu
dhigayaa sidan: “Waxay labada dhinac ku
heshiiyeen maadaama ay burcad badeeda faro
ba’an ku hayaan Puntland in gobalada
Puntland laga dhiso xarun weyn oo ciidamada
bada, loona dhameystiro agabka iyo qalabka,
ayadoo beesha Caalamka lagala kaashanayo.” (EEG
HALKAN – Heshiiskii Garoowe).
DGPL iyo DFKMG
oo heshiis saxiixanaya August 23, 2009
Wafti uu hoggaaminayay madaxweynaha DFKMG
oo toddobaadkan tegey Jabuuti ayaa (September
10, 2009) waxay heshiis ku saabsan
in xarunta la dagaalanka burcad badeedka
laga dhigo Jabuuti la galeen dalka Jabuuti.
Heshiiskaas waxaa xukuumadda FKMG u saxiixay
ra’iisul wasaare xigeenka ahna wasiirka
Kalluumaysiga Prof. Cabdiraxmaan Xaaji Aadan
(Ibbi). (EEG
HALKAN – Heshiiskii Jabuuti).
Jabuuti iyo DFKMG oo heshiis galay Sept 10,
2009
Prof. Ibbi oo Jimcadii (Sept 11, 2009)
laga waraystay arrimo la xiriira heshiiska
uu saxiixay waxa uu yiri “Shirkani horta ma
ahayn shir lagu sii talo galay, waa shir ka
dhex dhashay imaanshaha madaxweyne Sheikh
Shariif Xafiduhu-Laah, markii uu yimidna
waxay abuurtay in labada Madaxweyne ka wada
hadlaan Center-kan (Xaruntan) lagu
tababarayo ka hortagga burcad badeeda in
laga sameeyo magaalada Jabuuti, sagaal dal
ayaana saxiixay, annaga ayaana ugu
horaynay.” (Halkan
ka dhegeyso).
Halkaas waxaa ka cad in ay jiraan laba
sheshiis oo isku arrin ku saabsan (meesha
laga hirgelinayo xarunta la dagaalanka
burcad badeeda) oo ay kala galaan laba wafti
oo ay kala hoggaaminayaan labada xubnood ee
ugu sareeya xukuumada kumeel-gaarka ah.
Arrimaha la xiriira badda Soomaaliya
waxaa muran ka taagnaa badanaa intii ay
jirtey xukuumadda uu hoggaamiyo Sheikh
Shariif. Sababtoo durbadiiba markii la
dhaariyey xukuumada ayadoo aan waqti badani
ka soo wareegin ayay Kenya la gashay heshiis
ku saabsan xuduud badeedka Soomaaliya iyo
Kenya oo la saxiixay April 7, 2009.
Heshiiskaas oo muran weyn ka dhex dhaliyey
xukuumadda iyo baarlamaanka FKMG, ugu
dambayntiina ay baarlamaanku heshiiskaas ka
dhigeen “Waxba kama Jiraan.”
Taas oo jirta ayaa madaxweynaha DFKMG
waxaa laga soo xigtey in uu yiri
“arrintaasi
Baarlamaanku si khaldan ayey u fahmeen,”
sida uu SomaliTalk u sheegay
Wasiirka Tiknaloojiyada iyo Cilmi Baarista
Dowlada Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cali
Xagaa oo aan wareysi gaaban kula yeelanay
Hoteel Kempinski ee caasimada dalka Jabuuti,
September 11, 2009-ka, isagoo ka mid ahaa
waftiga madaxweynaha DFKMG. Hadalkaas oo aad
uga caraysiiyey xildhibaano ka tirsan
baarlamaanaka.
Heshiiskaas oo baarlamaanku waxba kama
jiraanka ka dhigay waxaa Qarammada Midoobay
u gudbiyey ra’iisul wasaaraha DFKMG, asagoo
ku lifaaqay warqad uu ku saxiixan yahay
magaciisu. Ma jiro war rasmi ah laga hayo
xafiiska ra’iisul wasaaraha oo lagaga
hadlayo go’aankii baarlamaanku ka qaatay
heshiiskii isfahamka.
Laga soo bilaabo sannadkii 2000 oo la soo
dhisay Xukuumadii KMG ahayd waxaa xukuumad
kasta oo soo martay Soomaaliya ay la
kulmaysay khilaaf soo dhexgalayey madaxdeeda
ugu saraysa, sida: Khilaafkii madaxweynahii
xukuumaddii lagu soo dhisay Carta, C/qaasim
Salaad Xasan iyo ra’iisul wasaare Cali
Khaliif Galayr oo sababay in Galaydh ay
baarlamaanku xilkii ka qaadeen isagoo dalka
bannaanka kaga maqan. Khilaafkii
madaxweynahii xukuumaddii lagu soo dhisay
Mpagathi, Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo
ra’iisul wasaare Cali Maxamed Geeddi oo
sababay in Geeddi uu xilka iskaga tago.
Khilaafkii ra’iisul wasaarihii bedeley
Geeddi, Nuur Xasan Xusuun (Nuur Cadde) iyo
madaxweyne C/laahi Yuusuf oo sababtay in
Yuusuf xilka iskaga dego.
Wafti uu hoggaaminayo madaxweynaha DFKMG
Sheikh Shariif ayaa la filayaa bishan
September 2009 in ay tagaan New York oo ay
kaga qayb galaan kulanka Guud ee
64aad ee Golaha Qarammada Midoobay. Sida
laga soo xigtey safiirka Soomaalida u
fadhiga UN-ta waxaa la filayaa waftiga
Sheikh Shariif in ay tagaan Washington DC,
Columbus iyo Minneapolis. Lama oga in
waftigaasi ay jaaliyadaha Soomaaliyeed ee
deggan Maraykanka ay si xaqiiqo ah uga
warbixin doonaan arrimaha la xiriira badda
Soomaaliya iyo heshiiska is afgarad ee
Soomaaliya iyo Kenya ee baylahda ka dhigaya
dhul badeed baaxad weyn oo ah badda
Soomaaliya.
Madaxda DFKMG waxay si cad uga
warwareegayaan in ay wajahaan oo jawaab
sugan ka bixiyaan sababta rasmiga ah ee ay u
difaacayaan heshiis aan wax dan ahi ugu
jirin shacabka Soomaaliyeed.
Heshiiskii Puntland iyo DFKMG ee Agoosto
2009
Axmed Walad Cabdalla oo Booqasho
ku tegey Puntland iyo Faroole oo farriin
adag u dhiibay Walad Cabdalla
Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee
Qarammada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya,
Axmed Walad Cabdalla, ayaa Sabtidii (Sept
12, 2009) waxa uu booqasho gaaban ku tegey
magaalada Garoowe, halkaas oo uu kula kulmay
madaxweynaha DGPL, C/raxmaan Maxamed
Faroole. Waxayna halkaas ku qabteen shir
jaraa’id oo wada jir ah.
Shirkaas jaraa’id madaxweynaha DGPL waxa
uu ku cadeeyey in Puntland ay tahay qayb ka
mid ah DFKMG. Sida ay werisay Idaacada Codka
Maraykanaka “Madaxweyne Faroole ayaa
tilmaamay in Puntland ay ka mid tahay DFKMG
ee somalia isaga oo xaqiijiyay inaanay ahayn
dawlad madaxbanaan ee ay tahay Dawlad
goboleed, waxaana uu xusay shirkii ay
magaalada Gaalkacayo kula yeesheen wafdigii
Ra’iisal Wasaaraha DFKMG ee Soomaliya Cumar
Cabdirashiid, Faroole ayaa sheegay in ay
shirkaasi ku xalliyeen mad madow badan oo ku
kala dhex jiray xidhiidhka Dawladda
Federalka ah iyo Maamulka Puntland.”
Dhegayso (MP3) .
VOA waxa uu intaas raaciyey “Ergayga
Gaarka ee Xogahaya Qaramada Midoobay u
qaabilsan Somalia Axmedou Walad Cabdalla
ayaa soo dhaweeyay hadalka Madaxweyne
Faroole isaga oo tilmaamay in xaqiijinta ay
Puntland xaqiijisay in ay ka mid tahay
maamulka DFKMG ee Somalia uu horseed u yahay
in la dhiiri galiyo isku duubnida loo
baahanyahay in lagaga gudbo dhibaatada
dagaallada Somalia ragaadiyay.”
Waxaa jira warar laga helayo ilo wargal
ah oo tibaaxay in madaxweynaha DGPL uu
fariin adag u dhiibey Walad Cabdalla.
Fariintaas oo ku saabsan: “Haddii aan DFKMG
ka laaban heshiiskii (Sept 10, 2009) ay la
gashay Jabuuti ee ku saabsanaa xarunta
burcad badeeda, in markaas ay Puntland
kalsoonida kala laabanayso dawladda uu
madaxda ka yahay Sheikh Shariif.” Waxaa
warku intaas ku daray in Walad Cabdalla yiri
waxaan fariintaas gaarsiinayaa Sheikh
Shariif ee iga warsug.
Sida ku qoraalkii hordhaca ahaa ee ka
koobnaa 15-ka bog ee ku lifaaqnaa heshiiska
isfahamka badda ee DFKMG ay u gudbisay
Qarammada Midoobay April 14, 2009, Axmed
Walad Cabdalla waxa uu ku lug lahaa
diyaarinta dukumiintigaas ay Soomaaliya u
gudbisay UN-ta ee ku saabsan xadaynta
qalfoofka qaaradda ama dhulka badda hore u
sii gashan.
Axmed Walad Cabdalla oo Booqday
Hargeysa
Ergayga xoghaya guud ee QM Walad Cabdalla
ayaa Khamiistii (Sept 10, 2009) waxa uu
booqday magaalada Hargeysa halkaas oo uu
kula kulmay madaxweynaha Somaliland Daahir
Riyaale Kaahin.
Sida laga soo xigtey warsaxaafadeed ka
soo baxay madaxtooyaha Somaliland waxay
Daahir Riyaale iyo Walad Cabdalla ka wada
hadleen xoojinta xiriirka iyo wada shaqaynta
labada dhinac.
Dhankiisa Axmed Walad Cabdalla waxaa laga
soo xigtey in uu yiri Somaliland waxaan ka
taageeneynaa dhanka horumarinta iyo la
dagaalanka Burcad Badeedda.
Hargeysa oo rabshado ka dhacay ay
ku dhinteen 3 qof
Mudaharaad ka dhacay magaalada hargeysa
ayaa waxaa sabtidii (Sept 12, 2009) waxaa ku
dhintay 3 qof, dhawr kalena waa ku
dhaawacmaan.
Waxaa wararku tibaaxeen in dadja
mudaharaadayey ay iska hor yimaadeen
ciidamada ammaanaka, halkaas oo dadka
mudaharaadayey tuurayeen dhagxaan iyagoo
daqiiqyada ku gubey taayiro. Ciidamada ayaa
furay rasaas.
Dadka mudaharaadayey waxa kale oo ay
gubeen gawaarida Booliska. Wasiirka Arrimaha
Gudaha ee Somaliland , Abdulahi Osmail Ali ,
waxa uu weriyaal u sheegay in dadka
mudaharaadayey ay adeegsadeen hub iyo
bombaanooyin, waxayna dhaawaceen afar boolis
ah ayuu yiri.
Sida ay werisay AFP waxaa boolisku xireen
saddex weriyey oo ka warbixinayey
mudaharaadka, kuwaas oo kala ah Abdiqani
Husein iyo Abdifatah iyo Abdiqani Abdulahi.
Talaadadii (Sept 8,2009) ayey ahayd
markii ay boolisku xoog ku galeen xarunta
baarlamaanka Hargeysa kaddib markii ay
dagaalameen xildhibaanadu, ayey qortay AFP.
Waxaa wararku tibaaxeen in arrintu ay
cakirantey kaddib markii dib loo dhigay
doorashadii la qaban lahaa September 27.
Daahir Riyaale waxa uu madaxweyne ka noqday
Somaliland bishii May 2002. Waxana uu u
taaganyahay sharaxaad cusub.
Mudaharaadka
Hargeysa Ka daawo VIDEO-ga Halkan….
- Isha Sawirada iyo qaar ka mid ah
akhbaarta: AFP, Radio Hormuud, VOA, BBC,
horseed, AP, Google video, Youtube,
somaliland, Google news..