Heshiis shaki huwan oo ay kala saxiixdeen Kenya iyo DKMG (Nairobi oo
lagu qaadayo canshuurta DKMG)
Dowlada Kenya ayaa DKMG ah la saxiixatay heshiis dhigaya in
badeecooyinka Kenya laga qaado ee loo dhoofinayo Soomaaliya in
canshuurtooda lagu qaado gudaha Kenya
Sida uu heshiisku dhigayo DKMG ah ayay tahay in ay soo magacaabato
saraakiil laanta canshuuraha ah oo la dhigo garoomada Kenya, dekedaha
iyo xuduudaha si halkaasi ay ugu qaadaan canshuurta badeecooyinka Kenya
laga dhoofiyo ee Soomaaliya galaya.
Sida ay Kenya ku doodeyso, lacagta canshuurta kasoo baxda ayay DKMG ah u
isticmaaleysaa arrimaha amaanka.
Moses Watangule, waa wasiirka amuuraha dibbada Kenya wuxuu leeyahay
“waxaan arrintani u samaynaynaa si aan hogaamiye kooxeedyada oga jarno
dhaqaalaha ay ka helaan canshuurta sharci darada ah ee ay ka qaadaan
badeecooyinka, kadibna qarashkaasi ku wiiqaan dowlad Soomaaliyeed oo
hergasha” wuxuu intaasi ku daray in lacagta canshuurta loogu tallogalay
in lagu kaabo ciidamada amaanka ee DKMG si buu yiri ay ula wareegaan
gacan ku heynta amaanka, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Marka loo fiirsado hadalka wasiirka waxaa la’isweeydiin karaa halka ay
joogaan hogaamiye kooxeedyada uu ka hadlayo ee meel maamula?, hadduusan
ula jeedin maamulada islaamiga ah ee ka dhisan qeybo ka mid ah
Soomaaliya, ma jiraan wax hogaamiye kooxeed ah oo xiligani Soomaaliya ka
shaqeeya oo canshuur ka qaata badeeco Kenya ka timid, waxaa si sahlan
loo garan karaa in doodaasi wasiirka aysan ahayn mid sal leh oo runtii
marin habaabin lagu tilmaami karro.
Taasi ka sokow waxaa isweeydiin leh nooca badeecada Kenya ka tagta ee
Soomaaliya la geeyo, iyada oo aanan waqti lagu luminin jawaabta
su’aashaasi waxaa durbaba lasoo dhufan karaa in jaadka uu yahay
badeecada kaliya ee Soomaaliya uga timaada Kenya ee canshuur fiican laga
heli karro.
Maamulada ka jirra koonfurta ee dowlada Kenya ay sheegeyso hogaamiye
kooxeedyo ay doonayaan in ay ka jaraan dhaqaalaha kasoo gala
badeecooyinka , iskaba dhaaf in ay canshuur ka qaadaane, xittaa waxaysan
ogoleyn in dalkaba la keeno qaadka , talaabo kasta oo Kenya ku
canshuurayso ama ku xanibayso waa war iyaga farxad u ah. Tan kale in
qaadka lagu canshuuro Kenya miyey ka horistaageysaa in ay iyagana ku
canshuuraan marka qaadku yimaado meelaha ay ka taliyaan?
Arrinta kale ee dad baddan ay ku qosleen ayaa ah fikirka Kenya ee ah in
haddii canshuurta gudaha Kenya lagu qaado taasi ay dhaqaalaha ka jarayso
dadka maamula goobaha badeecooyinkaasi ay ku degeyaan, waxaa la’is
weeydiinaayaa waxa ka horistaagaya in ay canshuuraan badeecooyinka kasoo
degta meelaha ay maamulaan, sow arrintu noqon meeyso in qaadka kenyana
lagu canshuro, Soomaaliyana markale lagu canshuuro?, waxayse su’aasha
kale ee ka muhiimsan tahay, kumaa ayay faa’iido u tahay in labbo jeer la
canshuuro badeecooyinka Soomaaliya ay Kenya u dhoofineyso?.
Ka sokow arrinta dhaqaalaha ee ay Kenya maanka ku heyso, inbaddana ka
faa’iidey, Soomaaliya marnaba faa’iido uma lahan qaadka, sababta
arrintaasina waa doqoni garatay.
Waxay u egtahay in ujeedka uu ku koobanyahay in illo dhaqaale loo abuuro
DKMG siduu dooniba dhaqaalahaasi haku yimaadee, xittaa haddii dadka
beecmushtarka ah la canshuurayo 2 jeer.
Sheey kale oo isagana muhiim ah ayaa ah cawaaqibka ay sharci ahaan Kenya
dhexdeeda ka yeelan karto in dowlad kale ay wax ku canshuurto gudaha
Kenya oo ah dal madaxbanaan, mar haddii saraakiishii laanta socdaalka ee
canshuuraha ee Soomaaliya ay fadhiyaan Wilson Airport oo ku yaala
caasimada Kenya ee Nairobi, miyaanan taasi sharci ahaan loo turjuman
karrin in meesha ay joogaan ay wixii hadda ka dambeeya tahay dhul
Soomaaliya ka mid ah, xuduuda Soomaaliya iyo kenyanna ay Nairobi marto?
, si kastaba waxay noqoneysaa markii ugu horeysey oo saraakiisha
kastamka ee xuduudaha ay canshuurta waxa dalka soo galaya ku qaadaan dal
kale gudihiisa. Dooda sharciyeed ee arrintanina waxay u taalaa
muwaadhiniinta Kenya, laakiin halkani waxaa ka dhadhansan kartaa in
arrinkani uu yahay go’aan culus oo aan si sahlan lagu gaarin.
Sharci ahaan waxaa kale oo loo turjuman karaa in Soomaaliya looga taliyo
Nairobi, maadaamaa canshuurtii Xamar lagu qaadi lahaa Nairobi lagaaga
qaadayo, anigu ma ahi sharci yaqaan laakiin tani waa waxa ay cabiran
karto maskaxda fiyoow ee qofka caadiga ah, marka aad u fiirsado tuduca
hoosana, sharaxaadan dambe ayaa runta u dhawaaneysa.
Dhanka kale, toloow heshiiskani baaxada weyn maxaa lagu kala badashay?
Mar saacado laga joogo oo sii horeysey KismaayoNews.com waxay tabisey
war ku saabsanaa Kenya iyo DKMG ah oo kala saxiixday heshiis dhigaya in
Kenya ay la wareegto qeeybo ka mid ah xeebta Soomaaliya ee Raaskaambooni
xigta, halkaasi oo ay Kenya ka waddo shidaal baaris, warkani waxaa si
isku wada mid ah u faafiyey wakaalaha wararka aduunka.
Shabakada afka dheer ee SomaliTalk.com ayaa iyadana daabacday qoraal
cilmi baaris ah oo ka koobnaa 42 bog, meel ka mid ah qoraalka waxaa ku
xusnaa in qeyb ka mid ah xeebta Soomaaliya ay dowlada Kenya shidaal ka
baarayso, isla markaasina ku darsatay xeebta ay iyadu leedahay oo ay ka
mid yihiin jasiirado ay Soomaaliya leedahay, arrintani waxaa laga
ogaaday qoraal ay Kenya u gudbisey Qaramada midoobey.
Haddaba sow macquul ma ahan in arrintani ku saabsan canshuurta DKMG ah
looga badashay heshiiskani badda?.
Marka arrimaha dhan kasta laga eego waa kuwa shaki huwan, waxaana maalin
kastaba soo ifbaxaya waxyaabo lala yaabo oo Soomaaliya kusii jiidaya in
ay noqoto dal la kala qeeybsato oo uu cadawgu maamusho iyada oo dadkii
dalkani lahaa ay iyaga isku mashquulsanyihiin, soo xasuuso maqaalkii
Kipkorir ee jariidada Daily Nation uu ku sheegey in Soomaaliya ay ku
kala goosgoostaan wadamada dariska ah, sow kulama ahan in ay bilaabatay
arrintaasi.
Cabdinaasir Axmed Sh. Bashiir (Saxansoxo).
Email:
saxansoxo1@hotmail.com