Home » Badda, Warar »

Cumar C/rashiid: Dawladdu waxay u Hoggaansameysaa Go’aanka Barlamaanka (Arrinta Heshiiskii Is-Afgarad ee Badda Soomaaliya)

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Jaaliyadda reer London ma u cadayn doonaa Mowqifkiisa ku aadan warqaddii loo saxiixay… ee garabka siinaysay heshiiska Is-faham….

Xafiiska Afhayeenka Dawladda Federaalka KMG Soomaaliya war uu faafiyey ayaa sheegay in Ra’iisul wasaaraha DFKMG uu  yiri waxaa Dawladdu u hoggaansamaysaa go’aankii baarlamaanku ee ku saabsanaa heshiiska Is-fahamka ee dhul-badeedka Soomaaliya ee dhexmary DFKMG iyo Kenya.

cumarabdiHadalkaas waxa uu Cumar C/rashiid u sheegay Telefishanka Aljazeera oo uu waraysi siiyey October 18, 2009, waa sida ku cad warka uu October 21, 2009 faafiyey Xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Waraysiga oo dheeraa qodobka ku saabsan heshiiska is-faham waxa Xafiisku Ra’iisul wasaaraha DFKMG u qoran sidan:

Qoraalki isfahamka (Memorandum of Understanding) ee dhex maray Soomaaliya iyo Kenya oo ku saabsanaa fidinta xadka badda Soomaaliya inta ka shisheysa 200 ee maylka badda ee dhul biyoodka, Dr. Cumar Cabdirashiid wuxuu sheegay in qoraalkaas si khaladan loo fahmay. waxay ahayd in la calameeyo inta ka baxsan 200 ee maylka badda ee Soomaaliya iyo Kenya waxa loo yaqaan “continental shelf”. iyadoo ay sidaas tahayna dawladdu waxay u hoggaansameyso go’aanka barlamaanka.


Cumar C/rashiid Sharmarke

Hadalkaas (dawladdu waxay u hoggaansameyso go’aanka barlamaanka) waxa uu ka duwan yahay hadalkii madaxweynaha DFKMG Sheikh Shariif oo uu kaga gows qabsaday go’aankii baalamaanka kaddib markii uu Agoosto 7, 2009 waraysi siiyey idaacadda British Broadcasting Corporation uu ku sheegay erayadan: “….Baarlamaanka sida aad lasocotid waxa uu xaqa u leeyahay waxa ay tahay heshiis inuu buriyo, laakiin kani heshiis ma’ahayn wuxuu ahaa IS-AFGARAD“.

Waxay ahayd Agoosto 1, 2009 markii ay Baarlamaanku si aqlabiyad ah ugu codeeyeen in heshiiska Is-Afgarad laga dhigo waxba kama jiraan (NULL & VOID). Waxaa markaas la filayey in Qarammada Midoobey loo gudbin doono go’aankaas baarlamaanka. Laakiin waxaa Agoosto 19, 2009 Qarammada Midoobay loo gudbiyey warqad loo saxiixay Cumar C/rashiid, warqaddaas oo garab siinaysey heshiiskii Is-faham. Waxaa taas xigtey in October 12, 2009 ay Muqdisho shir jaraa’id ku qabteen xubno kamid ah baarlamaanka DFKMG ay ku muujiyeen sida ay uga soo horjeedaan warqadda cusub ee loo saxiixay Ra’iisul wasaaraha (Halkan dhegeyso)

Ilaa hadda Xukuumadda FKMG go’aankii baarlamaanku ku diidey Is-Afgaradka uma gudbin Qarammada Midoobay.


Shirkii jaraa’id ee xubnaha Baarlamaanka, Oct 12, 2009

Ra’iisul wasaaraha DFKMG ayaa booqasho tegey magaalada London ee UK (October 26, 2009), waxana la filayaa in uu jaaliyadda Soomaaliyeed halkaas kula kulmo, una jeediyo hadal. Su’aashu waray tahay, Cumar C/rashiid Sharmaarke jaaliyadda Soomaaliyeed ee reer London ma u caddayn doonaa mowqifkiisa ku aadan warqadda loo saxiixay, ee magaciisa lagu qoray laakiin qof kale saxiixay, taas oo taageero siinaysay heshiiska Is-Afgarad.

Horraantii Bisha October 2009 mar uu gobolka Minnesota booqasho ku yimid wafti uu hoggaaminayey Madaxweynaha DFKMG ayaa su’aalahii ugu badnaa ee Jaaliyadda reer Minnesota intii la kulmay ay weydiiyeen waxay ahaayeen kuwo la xiriira heshiiskii Badda dhexmaray DFKMG iyo Kenya, iyo in Kenya cabiratay baaxad weyn oo ah dhul-badeedka Soomaaliya oo gaaraya 116,000 kiilomitir oo laba jiraabbaaran.

Laakiin, Sheikh Shariif reer Minneapolis madashii uu kala hadlay uma uu furin in ay su’aalo toos ah weydiiyaan.

Waxana uu madashaas Minneapolis (October 5, 2009) ka yiri: “Dacayadaha waxaa ka mid ah, dhul ayaa la gatay, bad ayaa la gatay, annagu waxaan u nimid oo dawladdani u timidey in ay wax hagaajiso, in ay horumar samayso, laakiin uma imaanin in ay bad iibsato, haddii nin walba intuu idaacad qabsado wuxuu rabo ka sheego asagoo aan xaqiiqada haynin waa dhibaato, qofkii xitaa wax la xunyihiin waxaa fiican in uu dawladda la soo xiriiro, macluumaad qaato, talo bixiyo, laakiin dadka in la jaah wareeriyo waa arrin aad iyo aad aan uga xunahay. Waxaad la socotiin warqadda la qoray waxay ku socotey UN-ka, ujeedaduna waxay ahayd dhul maqan in la sheegto, dawladda Kenya iyo dawladda Soomaaliyeed weligood xuduud kama heshiin weligood oo waad la socotiin mid bad iyo mid barri, waxa laga hadlay waxay ahaayeen aan ka wada hadallo xuduudda badda, dhinaca kalena waxay ahayd dhulka naga maqan aan wada doonano oo wada sheegano, ma garan karo intaas wax khiyaano ah oo ku jira.”

  • Warkii uu Oct 21, 2009 faafiyey Xafiiska Ra’iisul wasaaraha DFKMG ka akhri halkan.

QORAALADDII DIFAACA BADDA SOOMAALIYEED: 00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 | 71 | 72 | 73 | 74 | 75 | 76 | 77 | 78 | 79 | 80 | 81 | 82 | 83 | 84 | 85 | 86 | 87 | 88 | 89 | 90 | 91 | 92 | 93 | 94 | 95 | 96 | 97 | 98 | 99 | 100 |

Xildhibaanada Barlamaanka oo xukuumada Cumar Cabdirashid Ku eedeeyey in ay dib u soo nooleysay Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya – Shir jaraa’id

Xildhibaanadda Baarlamaanka Soomaaliya oo Cod Aqlabiyad ah ku diidey Heshiiska Badda ee Soomaaliya iyo Kenya

Cumar C/rashiid oo Qarammada Midoobay u Gudbiyey Waraaq Burinaysa Go’aankii Baarlamaanka, Kenyana u ogolaanaysa Badda Soomaaliya ee ay Cabiratay… Akhri Halkan…

Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay
“Waa run (Kenya) badda Soomaaliya khalad bay ka gelayaan oo waa soo gelayaan.” “Waa RUN iyada hadda xarriijinta ay samaysay ee hadda map-yada addunyada la soo geliyey kii (Kenya) wuu ka soo durkoo toos ayuu u socdaa,” Prof. Ibbi Akhri/Daawo…

Sh. Shariif oo ka gows qabsaday go’aankii BaarlamaankaSh. Shariif oo ka gows qabsaday go’aankii Baarlamaanka” Baarlamaanka sida aad lasocotid waxa uu xaqa u leeyahay waxa ay tahay heshiis inuu buriyo,laakiin kani heshiis ma’ahayn wuxuu ahaa IS-AFGARAD”…”heshiis rasmi ah in hada ladiyaariyo ayaa loo baahan yahay”. Akhr…

Sheikh Shariif oo Imanaya Maraykanka xilli ay dhici karto in UN ay Goaan ka Gaaraan heshiiskii Isfahamka ee Kenya-Somalia... Sheikh Shariif Soomaalida deggan Maraykaanka ma u sharxi doonaa sababta xukuumaddiisa ku kalliftay in heshiis aan wax dan ahi ugu jirin shacabka Soomaaliyeed ay la galaan Kenya… AKHRI...Sheikh Shariif oo Imanaya Maraykanka xilli ay dhici karto in UN ay Goaan ka Gaaraan heshiiskii Isfahamka ee Kenya-Somalia… Sheikh Shariif Soomaalida deggan Maraykaanka ma u sharxi doonaa sababta xukuumaddiisa ku kalliftay in heshiis aan wax dan ahi ugu jirin shacabka Soomaaliyeed ay la galaan Kenya… AKHRI…

Madaxweynaha DFKMG Shariif oo Xilku kaga egyahay October 14, 2009, sida uu dhigayo Axdiga DFKMG? Akhri Halkan…

Minneaplis: Ururka USD oo Caddeeyey Mowqifkooda in aysan taageersanayn Sheikh Shariif, kuna soo dhaweynayn Minnesota… Akhri.. Daawo…

Cilmibaaristii, warbixinadii, wararkii iyo maqaallada la xiriira badda Soomaaliya iyo heshiiskii is-faham Halkan ka akhri…

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Cumar C/rashiid: Dawladdu waxay u Hoggaansameysaa Go’aanka Barlamaanka (Arrinta Heshiiskii Is-Afgarad ee Badda Soomaaliya) "

  1. durraan shirwac says:

    dagaal oogayaashii hore waxyaabo badan oon ka suura geli jirin oo aan dhaqan noo ahayn ayeyba dawladaanu la timid oo taasi waa maxay-
    dhulka iibso
    dhaqaalahana guro
    dhimasho joogtaaba
    dharaar qura adoon
    joogin dhoof
    dhaawacii badi
    30 dhimasho
    50tan kale dhaqaatiirti ay
    wada dhabiibayso
    madfac soo dhacaa wada diloo
    dhoofki uu sababay
    dhulka joog shariifoow dadkii
    dhibsay socodkaaga
    iska dhoof
    madaafiic dhacdiyo
    dhimashadaan keentay
    dhan u bayr shariifoow adaa
    dhaawacaa sababay

  2. Maxamed Soomaali says:

    Dowlad ku sheega raba inay bad iyo dhulba iibiyaan waqtigoodii waa dhamaaday Cumar C/rashiid hadalkiisa waxba ma ahan yuu u sheegayaa beenta muu ilowbay warqadii uu u gudbiyay qaramada midoobay, war ragan muqalasiinta ah yaa wadanka ka qabta.