Itoobiya iyo Kenya oo dadaal ugu jira sidii Xuduudka Badda Soomaaliya loogu
soo koobi lahaa 12 mayl, iyo Dawladda Shiikh Xasan oo arrintaas u dhega nugul
- Faalladii SomaliTalk.com | April 5, 2013
Itoobiya, Kenya, Shiikh Xasan iyo Cumar C/rashiid ma u hir geli doontaa in
ay xudduuda badda Soomaaliya kusoo koobaan 12 mayl, oo baabi'iyaana xeerkii
Badda Soomaaliya ee Law No. 37 oo dhigaya in xuduud baddeedka Soomaaliya yahay
200 mayl badeed oo ah TERRITORIAL WATERS.
Waxaa dhawaan magaalada Addis Ababa ee caasumadda Gumeysiga Itoobiya lagu
qabtay kulan lagu gorfaynayey in Badda Soomaaliya xuduudkeeda lagu soo koobo 12
mayl.
Kulankaas Addis Abab oo la sheegay in ay soo qaban qaabilsay hay'adda
Qarammada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya (ee loo soo gaabiyo UNPOS) iyo Midowga
Yurub, waxaa ka qaybgalay Dawladda Federalka Somaaliya, maamullada Puntland,
Somaliland, iyo Galmudug. (Xafiiska UN u qaabilsan Soomaaliya, Xilligii
Axmed Walad Cabdalla waa laga dheregsan yahay in uu qayb ka ahaa muran
gelintii badda Soomaaliya. Dhanka kale barwaaqa sooranka Yurub
Commonwealth waa kuwii Kenya ka caawinayey sidii xuduuda badda loogu kordhin
lahaa).
Waxaa arrin laga xishoodo ahayd in rag sheeganaya masuuiyiin Soomaaliyeed ee
12-14 Maarso 2013 lagu shiriyey Addis Ababa in laga hir gashado in ay yiraahdaan
sidan:
- "Waxaan u maleynaynaa in uu mugdi ka jiro sharciga Namberkiisa yahay 37,
ee khuseeya arimaha Badda Soomaaliyeed ee soo baxay 1972 lana xiriira
heshiiskii sharciga badaha caalamiga ah ee soo baxay 1982. Waxaana
garwaaqsanahay in arintin si weyn caqabad ugu tahay habkii kaalmo balaaran
iyo kor u qaadista xirfadaha Dadka Soomaaliya ee ka shaqeeya arimaha Badaha.
Waxaan rajaynaynaa in caqabadahan laga gudbo waxaana waydiisaynaa Bulshada
Caalamka sidii loogu gudbi lahaa arintan." Sidaas waxay ku qoran tahay
warsaxaafadeedkii 14-kii Maarso 2013 ka soo baxay UNPOS. (Eeg
UNPOS ama
halkan).
- Markale
dhegeyso waraysiga Cabdiwaaxid Maxamed Xirsi oo ka mid ah saraakiisha
wasaaradda kalluumaysiga Puntland kana qaybgalay shirkaas wuxuuna 31-dii
Maarso 2013 u waramay wariyaha BBC Axmed Maxamed Cali (DHEGEYSI - BBC).
- Waxaa haboonaan lahayd in Cabdiwaaxid Maxamed Xirsi oo ka mid ah
saraakiisha wasaaradda kalluumaysiga Puntland oo hadalkaas 12 mayl ah yiri
in la xusuusiyo: in 200 mayl oo Territorial waters ah marka dalku leeyahay
in ay soo hoos geleyso labada boqol ee EEZ (waayo 200 territorial ah waxay
kuu tahay sida dhulkaaga oo EEZ-na waa kuugu dhex jirtaa, cidi kulama leh).
Marka adigoo labadiiba haysta maxaa kugu jirabay in aad aqbashid 12 mayl,
mase ogtahay adduunka aad ka hadleysid in uusan wada aqbalin xeerka badaha
ee aad cuskatay, qaarna leeyihiin xeer u gaar ah oo dastuurkooda ku
qoran oo u dhigma kii Soomaaliya ee 1972 sida Peru.
Shacabka
Soomaaliyeed waxay aad isu weydiiyeen, layaabna ah, sababta keentay in kulan
sidaas u miisaan weyn oo lagu go'aaminayey mustaqbalka xuduuda badda Soomaaliya
sababta loogu qabtay Addis Ababa oo xitaa aan bad lahayn, ahna dal cadow soo
jireen ah u ah Soomaaliya, welina gumeysi ku haysta dhul baaxad weyn oo ay
leedahay Soomaali.
- FG: Dalka Itoobiya waxa uu ka mid yahay dalalka aan ilaa hadda dhaqan
gelin xeerka badaha adduunka, sidee marka Soomaaliya oo bad leh, xeer
badeedna leh, wax ugu yeerinayaan (hoos ka eeg dalalka aan ilaa hadda dhaqan
gelin xeerka badaha**)
Waxaa kale oo jira warar tibaaxaya qorshaha in badda Soomaaliya xuduudeeda la
soo koobo, oo Kenya wadato, in beryahan dambe uu markale qayb ka yahay Cumar
Cabdirashiid Sharmaarke, Ra'iisul Wasaarahii hore ee Dawladdii Kumeelgaarka
ahayd, oo ayad xukumaddii bilwoday in taariikhda Soomaaliya markii ugu horeysey
ay muran geliso badda Soomaaliya, kaddib markii ay heshiis loogu yeeray is-faham
la gashay Kenya - heshiiskaas oo ay ganafka ku dhufteen baarlamaankii
Soomaaliyeed ee hore, oo ah kuwo taariikhdu xusi doonto.
Col. Riiraash "Xadka baddu wuxuu dhulka ka soo galaa tuulo yar
oo loo yaqaan Daarasalaam, tuuladaas ayuu xadka baddu toos uga baxaa,
isagoo xagal qumman oo 90 degree ah dhulka la samaynaya. Waxana uu
hoosta ka maraa jasiiradaha dhagaxa ah ee loo yaqaanno Lamashaaqa." |
Dhanka kale Dawladda Federaalka ayaa beryahan wadey siminaaro ay madaxda kala
duwan ee dawladda kaga dhaadhicinayso in dhul-badeedka Soomaaliya yahay 12 mayl
iyo in 200 miles ay tahay EEZ, si markaas loo garab mariyo 200 miles oo
Territorial Waters ah.
Barnaamijyadaas xukuumadda waxaa ka mid ah barnaamij kharidado watay oo uu
Corneyl Xasan Riiraash oo ka tirsan Ciidanka Badda ee Soomaaliya dhawaan ka
jeediyey Muqdisho goob ay ku dhammmaayeen wasiiro ay ka mid ahaayeen Wasiiradda
Arrimaha Dibadda, Wasiirka Gaadiidka badda iyo dekedaha, Wasiirka garsoorka,
wasiiro ku xigeenno, xildhibaanadda Baarlmaanka iyo saraakiil ka tirsan ciidanka
badda Soomaaliya.
Col. Riiraash waxa hadalkiisii ka mid ahaa, mar uu sharaxayey xadka u dhexeeya
Soomaaliya iyo Kenya "Waan ogahay in sanadahan dambe muran ka taagan yahay xadka
badda ee u dhaxeeya Dawladda Soomaaliya iyo Kenya waan ogahay, hase yeeshee
wixii xaqiiqo ah haddaan si kooban halkan uga sheego, Xadka baddu wuxuu dhulka
ka soo galaa tuulo yar oo loo yaqaan Daarasalaam, tuuladaas ayuu xadka baddu
toos uga baxaa, isagoo xagal qumman oo 90 degree ah dhulka la samaynaya. Waxana
uu hoosta ka maraa jasiiradaha dhagaxa ah ee loo yaqaanno Lamashaaqa."
Hadalkaas qayb ka mid ah ayaa markii hore intii maqshay u riyaaqday, maadaama uu
xusay in xadku ku suntan yahay xagal 90 derejo ah oo ka bilaabanaysa xeebta,
hoosna ka maraysa jasiiradaha Lamashaaqa.
Laakiin, Riiraash wuxuu dadkii madasha fadhiyey u hoos geliyey isagoo dhahaya
sidan: "(12 mayl) oo loo yaqaan biyaha dalka waxaa lagu dabakhaa sharciga dalka
Soomaaliyeed oo si buuxda loogu dabakhaa. Qaybta kale waa 200 mayl EEZ oo ah
qaybta aan ku leenahay dhaqaalaha, ayuu hadalka ku xoojiyey Col Riiraash.
Ugu horayn shacabka Soomaaliyeed xilligan waaa ku baraarugsan yihiin in xeerka
qaybta 12-ka mayl ee uu Riiraash ka hadlayo uusan ahan xeer Soomaaliyeed,
dalalka qaarkoodna aysana ilaa hadda aqbalin xeerka badaha amaba dhaqan gelin.
Soomaaliya waxay ka mid tahay dalka xuduudda badoodu tahay 200 mayl badeed oo
Terrirorial waters ah, arrintaas Soomaaliay keli kuma ah. Tan kale muranka
Badda ee Kenya iyo Soomaaliyana taariikhda kuma jirin wixii ka horeeyey
dawladdii Shariifka. Arrinta muranka ah waa dhulka NFD ee ka mqan Soomaalida.
Haddaba Riiraash sidaas in uu madaxda jamaahirada ah ka dhaadhicin lahaa ayaa
wanaagsanaan lahayd.
Sawirkan waa Col. Riiraash oo sharaxa xadka badda ee
Soomaaliya iyo Kenya, waxaan ka qaadnay Video uu duubay Muuse Jiisow
(Video tayadiisa ayaan wanaagsanayn, hadduu hagaagona waa soo daaabci doonaa,
insha Allah.)
Tan uu ku ammaanan yahay Riiraash waa xusidda uu sheegay xagasha 90-ka degree
ee lagu socodsiinayo xarriiqda xadaynta badda ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo
Kenya, arrintaas oo dhabar jab ku ah heshiiskii la dhoodhoobay ee Kenya aysan
weli ka samrin.
Dhulbadeedka Soomaalia Territorial Sea (200 mayl-badeed)
Wixii ka dambeeyey 2009 waxaa loo ogol yahay in ay ku darsato 150 nautical
mile oo dheeraad ah (350 nm)
Arrimaahas
xiriirka ah waxaa ka sii yaab badnaa, hordhacna u ahaa, kaddib markii qodob ay
golahii wasiiradii KMG ahaa ka saareen waxa loogu yeero Roadmapka uu cuskaday
madaxweynaha hadda ee DFS, Shiikh Xasan.
11-kii October 2011 ayaa wareegto ay soo saareen Golahii Wasiirada ee
Xukuumaddii Kumeel gaarka ahayd ay ku go'aamiyeen in arrimaha badda ee EEZ laga
saaro dhammaan dokumentiyada Roadmapka. Taas oo jirtey ayaa Cusmaan Macallim
Mukhtaar oo ah khabiir Soomaaliyeed ee Oil-ka waxa uu bsihii Febraayo 2013
magaalada London su'aal ku saabsan badda oo uu weydiiyey Madaxweynaha DFS waxa
uu kaga jawaabey sidan:
"Arrinta Oil-ka, annaga iyo Kenya waa run in beri dhaweyd ay dood badani ka dhacday.
Haddaad
xasuusataan barnaamijkii Roadmap-ka ee lasameeyey waxaa ku jirtey in EEZ
(Exclusive Economic Zone-ka Soomaaliya) la xadeeyo. " Sidaas waxaa yiri
Shiikh Xasan, isagoo aan xusin in qodobkaas uu cuskanayo gebi ahaanba laga
saaray Roadmapkii.
Waxana madaxweynaha DFS uu hadalkiisa raaciyey sidan "Dawladii Soomaaliya waxay
burburtay ayadoo processkii ugu jirta sidii ay u register-garayn lahayd ee ay u
sharciyayn lahayd EEZ (Exclusive Economic Zone-ka Soomaaliya), oo processkii
bilowday oo dhex marayo ayaa burburkii yimidey, intii ka damabseyna lagama
shaqaynin, annagu hadda markii aan nimid shaqadaas waa bilownay, nin khabiir ah
oo Soomaali ah ayaan dibadda ka keenay oo shaqadaas yaqaanno, softwares iyo
charts (shaxanno), iyo adduunyo wuxuu ubaahnaa ayaan samaynay, markaas dawladda
Soomaaliya mardhow waa register-garaynaysaa EEZ-ka. Kenya iyo anaga hadii uu
khilaaf naga dhexeeyeno caalamka sida uu ku kala baxo ayaan ku kala bixi doonaa.
Qawaaniin ayaa caalamku waxaas ka leeyahay. Qawaaniintaas ayaan isticmaali
doonaa." Waxana madaxweyanaha DFS ka boodey oo uusan xusin in Soomaaliya
lahayd xeer badeed Law No. 37. (Farqi
aad u weyn ayaa u dhaxeeya EEZ iyo Territorial Waters).
Arrimahaas oo dhan marka la dhuuxo waxaa ka soo ifbaxaya nidaam qorshaysan oo
ay Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah madaxdii Dawladdi hore ee
Kumeel garka ahayd oo garabsanaya Kenya iyo Itoobiya in ay qorshaynayaan sidii
loo dhaxal wareejin lahaa baaxad aad u ballaaran oo badda Soomaaliyeed, laguna
soo koobo 12 mayl, shacabkana laga dhaadhicinayo "Adduunka ayaa 12 mayl leh",
ayadoo aan marna la xusayn in dalal badan oo adduunka qaarkood aysan xeerka
badda gebi ahaantiisba saxiixin ama dhaqan gelin, qaarna ay leeyihiin xeer u
dhigma kan Soomaaliya lahayd in ka badan 40 sano ka hor intii aysan muranka
gelin xukuumadii hore.
Ra'iisul Wasaaraha DFS
Shirdoon iyo Golahiisa wasiirada
Ra'iisul wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya, Shirdoon, oo hoggaamiya
golaha fulinta ee xukuumadda, ilaa hadda lagama hayo wax hadal ah oo ku saabsan
arrintaan ay dawladiisu waddo, waxaana haboon saxaafaddu in ay weydiiso haddii
taas fursad loo siiyo, ama xafiiskiisu shacabka u caddeeyo mowqifka ra'iisul
wasaaraha iyo golaha wasiiradiisa ee ku aadan badda Soomaaliya iyo xeerkii Law
no. 37.
Shacabka Soomaaliyeed waxay u riyaaqi lahaayeen haddii Shirdoon oo maanta
(April 5, 2013) diyaarad Itooobiyaan ah ku tegey Addis Ababa in uu xusuusin lahaa Addis Ababa in ay
arrimaha badda Soomaaliya cabir u samayn teeda faraha kala baxaan, maadaama
aysan ayaguba (Itoobiya) ilaa hadda ansixin xeerka badaha adduunka. Taas oo dal
aan asaguba aqbal sanayn xeerka badaha adduunka (Itoobiya) uusan war u yeerin
karin dal leh xeer badeed (Soomaaliya).
- Sida lagu faafiyey
warsaxaafadeed April 5, 2013 ka soo baxay xafiiska Ra'iisul wasaaraha
"Ujeedada safarka ayaa ah sidii Ra'iisal Wasaaraha iyo wafdigiisu ay uga
qeybgali lahaayeen dhismaha hay'adda loogu magac daray Ra'iisal Wasaarihii
hore ee Itoobiya Meles Zenawi oo lagu magacaabo (Melese Foundation), waxaana
munaasabadan lagu soo bandhigi doonaa waxqabadkii Meles Zenawi." Waa sida
hadalka uu u dhigay warsaxaafadeedku.
Baarlamaanka Cusub iyo Guddoomiyahiisa Jawaari
Baarlamaankii hore ee kumeel gaar ahaa ayuu ahaa kii ka hor tegey qorshahii
xumumaddii hore ee KMG iyo Kenya ay ku doonayeen dhaxan wareejinta badda
Soomaaliyeed. Waxaase shacabka Soomaaliyeed hadda walaac weyn ka qabaan in
baarlamaanka Soomaaliya ee hadda uu noqdo mid aan arrintaas ka dhiidhiyin, oo
ayagoo soo taagan badda la dhaxal wareejiyo, laguna soo koobo 12 mayl.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Jawaari, oo booqasho ugu ambabaxay
Norway, waxaa wanaagsanaan lahayd in uu Norway xusuusiyo in ay arrimaha
badda Soomaaliya faraha kala baxaan, sidaasna shacabka u caddeeyo. Taasi markaas
waxay meesha ka saari lahayd tuhunka shacabku qabo oo ah in Norway ay Jawaari u
marayso sidii Kenya loogu hir gelin lahaa heshiiskii is-fahamka ee ay
fashiliyeen baarlamaankii hore.
- Sida ku cad
warsaxaafadeed (April 6, 2013) ka soo baxay Xafiiska Warfaafinta Gudoomiyaha Baarlamaanka,
ayaa sheegay in Gudoomiyaha Baarlamaanka
Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari uu gaarey Oslo Norway, "waxaana socdaalkiisa ku wehliya
Gudoomiye Ku Xigeenka Koobaad ee golaha Baarlamaanka Mudane Jeeylaani
Nuur Iikar, gudoomiyeyaasha 15ka gudi ee Baarlamaanka iyo saraakiil ka
tirsan xafiiska Gudoomiyaha."
- Waxaana warsaxaafadeedku intaas raaciyey "Socdaalka Gudoomiyaha
Baarlamaanka iyo wafdigiisa ay ku joogaan magaalada Oslo ee dalka Norway
ayaa yimid kadib markii uu Gudoomiyaha casuumaad rasmi ah ka helay Dowladda
Norway."
Tan kale, Hadalka arrintana waxa uu ku dhammaanayaa haddii baarlamaanka
Soomaaliya uu xeer dastuuri ah
ka soo saaro oo dastuurka ku qoraan in 1972 ilaa 2009 uu dhul badeedka
Soomaaliya ahaa 200 mayl badeed oo Territorial waters ah, wixii ka dambeeyey
2009 ay kordhisteen cabbir u dhigma inta dalalka badaha leh loo ogol yahay oo ah
ilaa 350 mayl badeed, xusaana sidii uu qornaa xeerkii badda Soomaaliyeed ee
1972 Law No. 37.
Col Riiraash waxaad ku mahadsan tahay hadalkan "Xadka baddu wuxuu dhulka ka
soo galaa tuulo yar oo loo yaqaan Daarasalaam, tuuladaas ayuu xadka baddu toos
uga baxaa, isagoo xagal qumman oo 90 degree ah dhulka la samaynaya. Waxana uu
hoosta ka maraa jasiiradaha dhagaxa ah ee loo yaqaanno Lamashaaqa." Laakiin
fadlan ka laabo hadalka ah badda Soomaaliya xeerkeeda in lagu dabakhayo 12 mayl
oo keliya, waxaad tiraadaa waxaa Soomaaliya leedahay xeer dhigaya 200 mayl
badeed oo TERRITORIAL WATERS ah, adduunkana sidaas ayaan u sheegeynaa.
Taariikhdana ka gal baal wanaagsan. Gabagabadii waxaa muhiim ah in shacabka
Soomaaliyeed in ay ku baraarug-sanaadaan qorshaha socda ee badda Soomaaliya, una
foojignaadaan "Wareegga 3aad ee Difaaca Badda Soomaaliya".
** Dalalka aan dhaqan gelin xeerka badaha (Eeg khariidada hoose waxay
muujinaysaa dalalka saxiixay iyo kuwa aan saxiixin iyo kuwa saxiixay laakiin aan
dhaqan gelin.) Dalalka aan gebi ahaanba ilaa hadda saxiixin xeerka baddaha
adduunka waxaa ka mid ah
- Eritrea, Israel, Peru, Syria, Turkey, United States of America,
Venezuela, Andorra, Azerbaijan, Kazakhstan, Kyrgyzstan, San Marino, South
Sudan, Tajikistan, Turkmenistan, Uzbekistan, Palestine, Taiwan, Kosovo
Dalalka markii hore saxiixay xeerka badaha, laakiin aan ilaa hadda dhaqan
gelin waxaa ka mid ah:
- Cambodia, Colombia, El Salvador, Iran, Democratic People's Republic
of Korea, Libya, United Arab Emirates, Afghanistan, Bhutan, Burundi,
Central African Republic, Ethiopia, Liechtenstein, Niger, Rwanda
Sawirka Wikipedia.
Qeexid: Territoriaa
Waters:
Territorial Waters (ama Territorial Sea) waa qayb kamid ah badda oo ah hanti uu
leeyahay dalku, taas oo la mid ah dhulka berriga ee dalka, sida magaalada
Hargeysa ama Kismaayo ama Xaafuun. Waa dhulbadeed uu leeyahay dalka xeebtaas
leh, wax kasta oo kujirana uu dalkaasi leeyahay, sida shidaalka, macdanta,
kalluunka iyo khayraad kasta oo kujira, waxaa dalku leeyahay hawada ka saraysa
Territorial Waters iyo dhulka badda ka hooseeya. Waa dhul-badeed aan dal kale
kula lahayn. Soomaaliya Territorial Waters-keedu waa 200 nautical miles
(mayl-badeed). Waa aag aysan soo geli karin maraakiib dagaal ee shisheeye oo aan
ogolaansho cad ka haysan dalka xeebtaas leh.
sii akhri
Faafin: SomaliTalk.com | April 5, 2013 |