TALO ADUUNEEY MAXAY GALINBA HEER JOOGTAY
- Nuur Axmed Sheekh Qureyshi
SALAAMUN CALAYKUM WARAXMATULLAH Mahad oo idil Allah ayay u sugnaatay nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaato
Nabigeena suuban, ehelkiisii saxaabadii iyo inta xaqa ku raacday ilaa malainta
qiyaame: Intaas ka dib Waxa markii ay taariikhdu ahay (27/9/2011)
waxaan booqasho ku tagay shir caasumada Denmark loogu qabtay Dr.
Cabdiweli Gaas, oo ah raysul wasaaraha DFKMG, sababta aan u tagay waxa ay
ahayd in aan shacabka Soomaaliyeed ee wax badan kala socon hagardaamada iyo
qorshaha qarsoon ay la damacsan yihiin dawladaha reer galbeedka iyo kuwa africa
taas oo la doonayo in lagu xalaalaysto dhul badeed aad u baaxad weyn soomaaliya
ka tirsanayd in ka badan 40 sano loona aqoonsanaa. Habada aniga oo aad ugu kuur
galay baaridna ku sameeyay arinta badda anoo la kaashanaya Allah S.W iyo
walaalha sharafta mudan ee SomaliTalk ayaan is xilqaamay waxaana aan daabacay
warbixin aad u xasaasi ah kana sameeyay koobi aad u badan si aan ugu qaybiyo
walaalihii meeshaas lagu casuumay.
Runtii aad ayay ii farax galisay in aad loo
daneeyo arintaas dadkiina shirkii oon bilaaban la-iga wada dhamaystay waraaqihii
oo idil aniga oo reebtay dhawr koobi si aan u siiyo sadexda nin ee matalayay
wafdiga. Waxaan sugnaba markii ay soo gaareen goobtii shirka albaabkiina lay
kusoo dhawaadeen ayaa waxaan warqadihii u taagay Dr. Cabdiweli gaas kuna iri waa
muhiim warqadahan iga gudoon laakiinse nasiib daro intuu i eegay ayuu iga sii
dhaqaaqay. Hadaba shirkii markii la bilaabay dadkiina ay u ciil qabaan in bal ay
wax ka ogaadaan arintan badda ee lasoo celceliyay ayaan waxa sidii qorshohoodu
ahaa waxa lagu buuxiyay heeso iyo madadaalo si aan waqti loogu helin fursadna
loo siin in shacabku su'aalo waydiiyaan raggan aan isleeyahay wax badan ayay
qarinayeen. Waxay dad badan ii hambalyeeyaan kuwa aad iigu xanaaqaanba waxaan fariistay
halka ugu dambeeyay ee shirka waxaan dhuuxay qudbadii Dr. Abdiweli Gaas oo ahayd
mid uu kaga hadlayay abaarihii wadanka iyo in uu la hadlayo alshabab inta rabta
in lala hadlo isagoon marnaba soo qaadan arintii weynayd ee ku saabsanayd badda
soomaaliyeed ee la dhaxal wareejinayo 19 december 2011. Cabdiwali Gaas waxa uu
shacabka hortiisa ka cadeeyay in si ay uga baxaan kumeel gaarka ay muhiim tahay
in la dhaqan galiyo waxa loogu yeero ROADMAP oo ah habka ama jidka loo meel
marinayo heshiiskii mugdiga badan ku jiray ee lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Aniga oo taas aad ula yaaban dhafooradana haysta ayaa waxa uu Dr. Cabdiweli gaas
baasiinkii uu hayay ku daaray dab oo ay meeshii isla holaycday markii uu si
qayaxan u sheegay in dastuurka ay rabaan dawlada soomaaliya uu ku salaysan yahay
SECULAR oo ah DIIN iyo DAWLAD in lakala ilaaliyo taas oo ay wadamo badan looga
dhaqmo maanta oo muslim ah wuxuuna kusii daray waa in arintaas la waafajiyaa
diinta islaamka!!!. Haddaba waxa runtii aan dareemay intii karaankayga ahayd in aan qabtay ayse igu
dhacday oraahdii ahayd (OO GACAL II HIILIYIYO GARABNA AAN HAYSAN, OO GO'DOOMAY
OO GACANGALOO GEDHAN BAA AAHAY) Waxan shacabka soomaaliyeed u sheegayaa in ay
fadhiga ka kacaan oo dano gaar ah iyo qabyaalad aysan waxba na tarayn beritana
ay adag tahay dhub badeed nalaga dhacay in aysan noo noqon doonin, waa in ay si
fiican sisha uga hayaan cida ay garabsanayso iyo ida ay cadow ka dhiganayso,
waxan sidoo kale mahad balaaran usoo jeedinayaa walaalahayga aadka qaaliga u aha
ee sharaftii islaamka iyo tii dadka iyo dalkaba ilaalinayay inay sii labo
jibaaraan hawsha adag ee khatarka ku dheehan inaysan ka caajisin ayna furaan
account si members badan aanu u helno inshallah loogana qaado lacag bilkasta
lagu samaynayo baaritaan ama lagu qabayo qaryaqaano daacad ah si aan shacabkeena
loo duudsiin badaeena ay ceegaagaan khayraad ay gaaladiiba ka samri la'dahay.
Nuur Axmed Sheekh Qureyshi
nuur21@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | September 29, 2011
Waa Maxay Mayl-Badeed (Nautical Mile)
Mayl-Badeed Waxaa loola jeedaa maylka lagu cabiro badda, waayo waa mayl
(mile) ka duwan kan berriga lagu cabiro. Mile-ka badda waxaa loo yaqaan
"Nautical Mile" oo AfSoomaali ku noqonaya Mayl-Badeed, waxana uu u dhigmaa 1.85
km (ama 1,852 metres). Halka mile-ka caadiga ah ee berrigu uu u dhigmo 1.6 km
(ama 1,609 metres). Taas oo muujinaysa in Mayl-badeedku uu waxyar ka badan yahay
Mayl-ka berriga (1852 mitir - 1609 mitir = 243 mitir). Mayl-Badeedka waxaa loo
soo gaabiyaa NM. Tixraac: NM:
http://en.wikipedia.org/wiki/Nautical_mile iyo Mile:
http://en.wikipedia.org/wiki/Mile
Xeerka Badaha Adduunka
Xeerka badaha adduunka waxaa in la saxiixo loo furay December 10, 1982,
waxana uu dhaqan galay November 16, 1994 kaddib markii ay dhaqan geliyeen 60
dal. Dalalka ilaa hadda saxiixay tiradoodu waa 161 dal.
Dalalka saxiixay, laakiin aan ilaa hadda dhaqan gelin waxay gaarayaan
ugu yaraan 17 dal oo ay ka mid yihiin Afghanistan, Bhutan, Burundi, Cambodia,
Central African Republic, Colombia, El Salvador, Ethiopia, Iran, Democratic
People's Republic of Korea, Libya, Liechtenstein, Niger, Rwanda, Swaziland,
United Arab Emirates, United States.
Dalalka aan xitaa saxiixin, oo aan dhaqan gelin waxay gaarayaan
ugu yaraan 17 oo ay ka mid yihiin Andorra, Azerbaijan, Ecuador, Eritrea, Israel,
Kazakhstan, Kyrgyzstan, San Marino, South Sudan, Syria, Tajikistan, Timor-Leste,
Turkey, Turkmenistan, Uzbekistan, Venezuela iwm.. |