Prof. Ibbi oo u Ololaynaya Xadayn Cusub oo Dhulbadeedka Soomaaliya Lagu soo
koobayo 12 mayl-badeed.
- Faalladii: SomaliTalk.com | Oct 4, 2011
Prof. Ibbi oo Markale arrintii badda ee Barlamaanku ku diiday soo rogaal
celiyey. --- Territorial Waters waa dhul-badeed soo hoos gelaya xornimoda
(Sovereignty) Qaranka Soomaaliya oo dhaqaale iyo lahaansho isugu jira, Ibbi taas
waa ka soo horjeedaa, waxana uu u ololaynayaa in laga dhigo EEZ oo aagga
Dhaqaalaha oo keliya ah....
Idaacadda VOA waraysi (Oct 3, 2011) ay Prof. Ibbi layeelatay ayaa lagu
soo qaaday arrimaha badda ee hadda taagan iyo heshiiskii Prof. Ibbi odayga ka
ahaa. Arrinta kusaabsan MOU ama Is-afgarad loogu yeero, heshiiskaas oo dowladii
Cumar C/rashiid lagashay Dowlada Kenya markii la magacaabay bil kadib,
heshiiskaas oo howshiisa horay u dhamaatay Barlamaanka ayaa meel saaray oo ka
dhigay waxba kama jiraan,
faah faahintiisa halkan ka
akhri.
Sidoo kale Prof. Ibbi wuxuu ka hadlay arinta hadda taagan
ee ah xadaynta badda, isagoo hadalkiisu ahaa marin habaabin ummadda iyo isku day
labaad. Waxaan halkan ku iftiimin doonaa dhowr hadal oo kamid ah hadalkiisii,
sida saxda ahna aan u sharxi doonaa.
Prof. Ibbi waxa uu yiri “200nm waxay ku qorantahay
Territorial waters kuma qora EEZ, khayraadka badda 200 ee mayl baddeed ee
khayraadka badda Soomaaliyeed uguma diiwaan gashana UN-ka, sidaa darteed ayey
waxay ku andocoodaan dowladaha badda boobaaya, war baddaada adiga maba lihidba,
maba, kuuma diiwaan gashana, kuma diiwaan gashana Exclusive Economic Zone ee
maxaad aniga igula diriraysaa? Mar, marwalboo shirarka aan tago waxay ku
leeyihiin, war adiga badda 200nm Territorial waters ayey kuugu diiwaan
gashantahay, Territorial waters kaagana waa 12nm, aduunkana badda qofka isagu
leeyahay 12nm weeye, laakiin khayraadka uu leeyahay 200nm ah, khayraadka badda”.
Prof. Ibbi laba midkood weeye, inuusan fahamsanayn waxa uu
ka hadlayo gabi ahaanba, iyo inuu doonayo inuu abuuro jaah wareer. Hadalkan kore
waxaan uga jawaabaynaa si sharci ah ee aan ahayn si fikir ah, waxaana haboon
qofkasta oo arintan ka hadlayo inuu soo bandhigo aqoon iyo tixraax, ma’ahan arin
fikir laga dhiiban karo ee waa arin qaranimo iyo xornimo ku xiran.
Waxaana tixraac loogu
noqon karaa Cilmi baaristii arimmaha badda aan kasamaynay.
Hadalka Prof. Ibbi waxaan ka jawaabaynaa dhowr qodob oo
muhiim ah oo xusay: Wuxuuna yiri:
-
1)
200 oo mayl baddeed waxay ku qorantahay Territorial waters ee kuma qora
Exclusive Economic Zone
-
2)
200 ee mayl baddeed ee khayraadka badda Soomaaliyeed uguma diiwaan
gashana UN-ka.
-
3)
Mar marwalboo shirarka aan tago waxay ku leeyihiin, war adiga badda 200nm
TS ayey kuugu diiwaan gashantahay,
-
4)
TS kaagana waa 12nm, aduunkana badda qofka isagu leeyahay 12nm weeye,
laakiin khayraadka badda uu leeyahay 200nm weeye,”
-
5)
before (ka hor) 19-ka December (2011) in la ansixiyo EEZ
Inta aanan ka jawaabin hadalka kore aan isla
fiirino xeerka badda ee Soomaaliya, si aan u fahano waxa inoo qoran iyo hadalada
Wasiirkii hore ee MOU soo diyaariyey Prof Ibbi.
Waxaan akhristayaasha usoo bandhigaynaa in sharciga badda
ee Soomaaliya ay ku cadahay sida Soomaaliya ula jeedo (Territorial Waters)
fadlan si taxadar leh u akhri sharciga badda ee Soomaaliya.
Sharciga No. 37 ee Dhul-Badeedka
Wadanka (Somalia Territorial Sea) iyo Dekedaha ee soo baxay 10 –kii September
1972
Qodobka 1aad
Dhul-Badeedka Wadanka (Somalia
Territorial Sea)
1. Dhul Badeedka Wadanka Soomaaliya (Territorial Sea) waa qayb kamid ah badda
oo gaaraysa 200 mayl badeed (nautical miles) ee xeebaha qaaradda iyo xeebaha
jasiiradaha, oo lagu xadeeyey sida ku qeexan qodobka 2aad iyo 3aad ee Sharcigan.
2. Dhul Badeedka Wadanka Soomaaliya waxa uu soo hoos gelayaa Xornimada
(Sovereignty) Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya. Dembiyada ku saabsan xagga
caafimaadka iyo ammaanka shacabka ee ay galaan maraakiib maraysa gudaha xuduudka
dhulbadeedka Soomaaliya, waxaa lagu xukumayaa Sharciga Soomaaliya.
Qodobka 2aad
Cabbirka Dhul-Badeedka Wadanka
(Somalia Territorial Sea)
1. Asaaska caadiga ah ee laga cabbir qaadanayo fogaanta uu xeebta ka durugsan
yahay xaduud badeedka Wadanka Soomaaliya, waa xarriiq toosan oo xeebta ku
dherersan, taas oo dhacda meel joogga biyaha baddu hooseeyo.
2. Goobaha xeebta ee sii gashan gudaha berriga ama meesha leh jasiirado
yaryar oo ku teedsan cirifka xeebta, markaas nidaamka (xadaynta ee) la raacayaa
waa xarriiq toosan oo isku xireysa laba barood oo ku haboon, taas oo looga
cabbir qaadanayo fogaanta uu xeebta ka durugsan yahay xadka dhul badeedka
wadanka (Somalia Territorial Sea).
3. Biyaha dhanka xeebta ka xiga xarriiqda asaaska u ah cabbirka dhul badeedka
wadanka (Somali Territorial Sea) waxay la mid noqonayaan biyaha xiga gudaha
dhulka qaranka, waxaana taas sii qeexaya qodobka 4aad ee hoose.
Qodobka 3aad
Dhul-badeedka Jasiiradaha iyo
Jasiiradaha yaryar ee teedsan
1. Meelaha ay jasiiradi ku dhextaal gudaha xadka 200-mayl-badeed biyaha
halkaas ku dhex wareegsani waxay soo hoos gelayaan dhul-badeedka wadanka
Soomaaliya (Territorial Sea). Biyaha halkaas ku xeeran ballacoodu wuxuu
noqonayaa 200 mayl badeed, waxaana laga cabirayaa meesha ugu hoosaysa ee biyuhu
u gaarayaan jasiiradda.
2. Jasiiradaha yaryar oo isku xiriirsan waa in loo tixgeliyo in ay isku
dhegan yihiin, isla markaasna dhul badeedka (Territorial sea) waxaa laga cabbir
qaadanayaa jasiiradda dhexda u ah jasiiradahaas aadka u yaryar ee isku
xiriirsan.
Qodobka 4aad
Biyaha Gudaha (ka xiga xarriiqda
cabbir qaadashada) iyo Dekedaha Badda
1. Biyaha badda ee dhanka gudaha (ee xeebta ka xiga xarriiqda looga cabbir
qaato xadaynta), oo ay ka mid yihiin biyaha lagu dhex safri karo ee webiyaasha
Soomaaliya ee u furan maraakiibta badda iyo dekedaha badda ee ku yaal aaggaas,
waxaa cabbirkooda sugaya shaxda ku lifaaqan sharcigan.
2. Biyaha gudaha Soomaaliya waxay la xeer yihiin xornimada/madaxbannaanida
Jamhuuriyadda sida ay dhigayaan Qaanuunadda Soomaaliya iyo qodobada kamid ah
sharcigan. (Tixraac:
Law No. 37 oo soo baxay 1972)
Haddaan u soo noqono jawaabta hadalladii Prof. Ibbi:
200 oo mayl baddeed waxay ku qorantahay Territorial
waters ee kuma qora Exclusive Economic.zone
Hadalkaan sax ma’ahan, Sharciga Soomaaliya u qoran ee aan
soo aragnay, aduunka uga diiwaan gashan wuxuu qorayaa in 200 mayl baddeed ay
tahay dhulbaddeedka wadanka Soomaaliya. Hadaad haysato dhulbaddeed,(Territorial
Sea (TS) waxaad haysataa EEZ maxaa yeelay, TS waxaa lagu dhaqayaa sharciga
wadanka oo ugu horayso in dhulbaddeedkaas wadanka uu leeyahay siduu sharciga
gudaha ee wadankaas dhigayo lagu maamulo, haday ahaan lahayn khayraadka ama
arimaha kale ee badda la xiriira, sida amaanka, iwm.
“200 oo mayl baddeed ee khayraadka badda
Soomaaliyeed uguma diiwaan gashana UN-ka”
Arintan waa arinta Prof. Ibbi dowladuu ku
jiray usoo gogol xaartay, hadda dowlada jirtana ay indha la’aan isugu tuurayso,
200nm oo EEZ ah Soomaaliya uma baahno inay UN ka diiwaan galiyo hada iyo mar
horeba, maxaa wacay waxaa baaba’aya dhulbaddeedka wadanka Soomaaliya (TS) oo
noqonaya 12nm, sidaa daraadeed waxaan leenahay, horayna aan u lahayn 200nm oo TS
ah, UN-ka ka diiwan gashan. Su’aasha is waydiinta leh ayaa waxay tahay yaa yiri
200nm oo TS ah khayraad lagalama bixi karo, ama ma aqoonsani.
“Mar, marwalboo shirarka aan tago
waxay ku leeyihiin, war adiga badda 200 oo mayl baddeed oo Territorial waters
ah ayey kuugu diiwaan gashantahay, Territorial water kaagana waa 12nm, aduunkana
badda qofka isagu leeyahay 12nm weeye, laakiin khayraadka badda uu leeyahay 200
oo mayl baddeed weeye”
Soomaalidu waxay ku maah maahdaa
“Laxiba lageed bay u xaarataa/farataa” Adduunka iyo Safaaradaha Nairobi waa
kuwa Badda iyo Barrigaba horror ka ku ah, oo la rabay inaan kawada difaacdo,
hadaan su’aal ku waydiino maxaa baddaada ka dhigay arrin Safaaradaha ka dhaxaysa
oo shaaha lagu cabo? Sida baddaada kuugu diiwan gashantahay ma shisheeyaa kuu
sheegaya, oo walibana inay 12nm baddeed tahay kuu dhigaya, Su’aasha kale miyaad
haysaa sharci kasoo baxay Qarammada Midoobay oo Soomaaliya ka dhan ah, maxaa
naga galay Diplomatic/siyaasiyiin wax badsi doonaya? Waxaa kaloo haboon waxaad
tiri dhowr jeer badda Soomaaliya waa 200nm oo Dhul baddeed ah TS, hadana waxaad
tiri waa 12 mayl baddeed aduunkuna sidaas ayuu ku dhaqmaan, miyaanay is
burrinayn!
Arinta kale oo saxida u baahan waxay
tahay, Adduunku wax isuma yeeriyo, wadana wadan ma xukumo ee nin walba aqoontiis
iyo daacadnimadiis ayuu socdaa, waxna ku helaa. Aduunka dhinaca badda wuu kala
xeer duwanyahay isku midna ma’ahan, Soomaaliya waxay ka midtahay wadammada leh
200 oo mayl baddeed aduunkuna wuu u citiraafsanyahay, laakiin waxaan
citiraafsanayn dad gooni ah oo shisheeye iyo shisheeye kalkaal ah, ummadu la
xisaabtami doonto sharcigana la hor keeni doono, badda Soomaaliya waa 200 mayl
baddeed sida ku cad xeerka kore oo TS dhulbaddeed.
Arinta Prof. Ibbi leeyahay “laakiin
khayraadka badda uu leeyahay 200 oo mayl baddeed weeye” waa EEZ-ga Aaga
Dhaqaalaha ee gaarka ah, waa nasiib daro wasiirkii dhamaa ee badda inuu leeyahay
khayraad baa 200 oo mayl baddeed ah, Mudane adoo raali ah waxa la cabirayo waa
“Dhul Baddeedka” ee ma’ahan khayraadka badda ku jira, dhulkaas ayaa waxaa loo
kala qaybiyaa dhowr qaybood oo ay ka mid yihiin, a) Territorial water, TS b)
Exclusive Economic Zone, EEZ iyo qaar kale, sida badweynta dad u dhexeeyaha-
Ogowna Dhul-badeedka waxaa ku jiri kara khayraad. Territorial Waters waxaa ku
jiri kara khayraad. Waxaa dheer Territorial Waters waxaa iska leh dalka xeebta
leh, taas ayaa inoo ah 200 mayl-badeed, dabcan khayraadna ka buuxi karo.
(Territorial Waters waa dhul-badeed dhaqaale iyo lahaansho isugu jira).
"Xubin ayaan ka ahay baarlamaanka, waxaa nala gudboon in aanaan marna ka
seexanin oo (1) in go'aankii ay golaha wasiiradu kagaareen la ansixiyo in
Exclusive Economic Zone-ka 200 mayl-badeed in laga register-gareeyo Qaraammada
Midoobey before (ka hor) 19-ka December (2011) oo la yiraahdo khayraadba Badda
Soomaaliya waa 200 nautical miles (mayl-badeed) annagaa iska leh horta."
Prof. Ibbi waxa uu halkaas ku sheegay in uu jiro waqti go'an oo shardi ku ah
Soomaaliya, lagana doonayo in la diiwaan geliso 200 mayl-badeed oo ah Exclusive
Economic Zone-ka ay leedahay Somaaliya. Hadaalkaasi sax ma aha, shan (5)
arrimood ayuusan sax ku ahayn:
- Ugu horayn, haba yaraatee ma jirto cid Soomaaliya ku khasabtay in ay
19-ka December 2011, taariikhdaas meesha keliya oo ay ku qoran tahay waa
bogga 5aad ee Roadmap-ka ee go'aamadii laga soo saaray shirkii Muqdisho si
xukuumadda looga saaro kumeel gaarka, waana aqodobka uu barlamaanku ka
doodayo in laga saaro gebi ahaan Roadmap-ka maadaama uu meel kadhac ku yahay
xornimada qaranka Soomaaliya;
- Tan kale, Soomaaliya waxay leedahay sharci badeed oo soo jirey 40 sano,
xeerka Law no. 37, waxaana Soomaaliya ay sharciga badaha saxiixday 1982
ayadoo aan ka tanaasulin xeerkaas, isla markaasna 1989 ayey ansixisay ayadoo
aan ka tanaasulin xeerka Law # 37.
- Waxa intaas dheer, sida uu dhigayo sharicga badda Soomaaliyeed ee uga
diiwaan gashay Qarammada Midoobey, Soomaaliya dhul-badeedkeedu waa 200
mayl-badeed oo ah TERRITORIAL WATERS.
- Prof. Ibbi waxa uusan kala fahmin faraqa u dhexeeya Territorial Waters
(TS) iyo Exclusive Economic Zone (EEZ) - Aan u bidhaamino: Territorial
Waters haddii ay kuu tahay 200 mayl-badeed, maxaad ugu soo koobeysaa 12
mayl-badeed. Tan kale EEZ waa aag dhaqaale keliya, halka Territorial Waters
uu yahay dhul-badeed soo hoos gelaya xornimoda (Sovereignty) Qaranka
Soomaaliya oo dhaqaale iyo lahaansho isugu jira.
- Prof. Ibbi waxaa hadalkiisa ka mid ahaa "badda ilaa hadda waa la boobaa,
waxaa booba dawladaha xoogga badan sida Norway....", waxaana Norway kamid
tahay dalalkii sida weyn ugu lug lahaa heshiiskii Is-faham ee Prof. Ibbi
garwadeenka ka ahaa ee Baarlamaanku laalay, sidoo kale Norway waxay u xusul
duubtay in ay tiraahdo badda Soomaaliya waxaa loo samaynayaa xad cusub -
sidee marka loogu aamini karaa talada dal doonayo in uu ku duudsiyo.
Dhanka kale, Prof. Ibbi waxa uu qiray safaaradaha shisheeye ee Nairobi ku
sugan sida ay uga welwelsan yihiin dhibaatooyinkii wadamadoodu badda Soomaaliya
u geysteen, ayagoo doonaya in xad cusub badda Soomaaliya loo sameeyo oo lagu soo
koobo 12 mayl badeed, si aan sharciyan loogu raacan ama loogula xisaabtamin
wixii hore.
Waakan Prof. Ibbi oo arrimahaas qiraya: "safaaradaha Nairobi fadhiya ayaaba
kugu dhega hadlaaya, oo ku dhehaayo horta diiwaan gasho (register-garayso
baddaada) maxaad igala hadlaysaa aniga, markaad register-garaysid aniga markaas
sharci ayaa i qabanayaa.".... "Territorial Waters-kana waa 12 mayl-badeed,"...
in la ansixiyo in Exclusive Economic Zone-ka 200 mayl-badeed in laga
register-gareeyo Qaraammada Midoobey, before (ka hor) 19-ka December (2011)..."
Hadalkaasi waxa uu caddaynayaa sida dalalka uu ku sheegay kuwa "badda
boobaya", ay u doonayaan in waagii ay Soomaaliya lugaheeda isku taagto in aan
lala xisaabtamin dalalkasta wixii uu ka geystey dhul-badeedka Soomaaliya 20-kii
sano ee dawlad la'aanta, sida kalluumaysiga sharci darrada iyo sunta lagu duugey
iyo shacabka Soomaaliyeed oo sida xaqdarada ah loogu dhibaateeyey.
Hadalka Prof. Ibbi waxaa ka mid ahayd inuu
aad u soo xigtay waraaq uu’u qoray Qarammada midoobay kadib markii Baarlamaaku
diiday MOU heshiikii is Afgarad, waraaqdaas oo aad khatar u ahayd ayaa xiligaas
September 2009 Somalitalk.com tarjumaad iyo turxaan tusid isugu dartay, fadlan
markale akhriso isna barbardhig hadaladii Prof. Ibbi.
Website-ka Guddiga Qarammada Midoobay u qaabilsan Xadaynta Badaha ayaa lagu
daabacay warqad ku taariikhaysan August 19, 2009. Warqaddaas waxaa ku cad
in ay ka soo baxday Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha DFKMG, isla markaasna loo
saxiixay (for) Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke. Inkasta oo magaciisa
lagu qoray haddana saxiixa isagu ma leh. (gadaal waxaa laga ogaaday in Prof. Ibbi
uu saxiixay, sida uu ka sheegtay meelo kala duwan)
Waa warqad si qeexan u muujinaysa in DFKMG ay si bareer ah u doonayso in ay
dhul-badeedka Soomaaliyeed si toos ah muran u geliso, si markaas loogu
sharciyeeyo Kenya akhbaartii ay u gudbisatey Qarammada Midoobay ee sida aan
gabashada lahayn u cabiratay 116,000km2 oo ah dhul-badeedka
Soomaaliyeed.
"Waxaa ah arrin aad looga yaxyaxo, looga xishoodo, isla markaana laga
argagaxo, in qof sheeganaya mas'uul Soomaaliyeed uu qoro warqad noocan oo kale
ah. Waana arrin aad looga xumaado." Sidaas waxaa yiri aqoon yahan Soomaaliyeed
oo akhriyey warqadda loo saxiixay Cumar C/rashiid.
Warqadda ka tixraac
halkan.
Ugu dambayntii waxaa muhiim ah in laga digtoonaado qorshayaasha aan caddayn
ee dawladaha shisheeye ay wataan, doonayaana in ay ka saxiixdaan rag aysan u
muuqan hagardaamada ka dhalan karta.
Waxaan talo ahaan ugu soo jeedinaynaa baarlamaanka iyo DFKMG in ay:
- ogsoonaadaan in Badda Soomaaliya xadaysan tahay, leedahayna shuruuc
caalami iyo khaasba ah; kuna cabiran tahay 200 mayl-badeed oo ah Territorial
Waters,
- In aan la-aqbalin qorshaha xukuumaddu waddo oo loogu yeero xadayn cusub
ee EEZ,
- Sida baarlamaankaba laga xusay, in roadmap-ka laga saaro xadaynta cusub
ee EEZ,
- Baarlamaana si khaas ah waxaan uga codsanaynaa in sharciga badda Law
No. 37 ee soo baxay 1972 lagu daro dastuurka waddan si aan mar dambe su'aal
uga iman.
- In Baarlammaanku Digniin iyo Cabasho u diro waddamadda dammaca waalan
kaga jiro Soomaaliya gaar ahaan arinta badda, sidda Norway,Kenya,
Ingiriiska, iwm.
Waxaa diyaariyey:
Eng. Maxamed Cali & Xasan Dhooye
Faafin: SomaliTalk.com | October 4, 2011
|