SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYA

Madaxweynaha Soomaaliya ma wuxuu u ololaynayaa in Badda Soomaaliya lagu soo Koobo 12 mayl-badeed

  • Faafin: SomaliTalk.com | March 16, 2013

Warsaxaafadeed Maarso 15, 2013 uu shaciyey Xafiiska UN u qaabilsan Soomaaliya oo muujinaya in dhaqaale Soomaaliya la siiyo uu ku xiran yahay inay Soomaaliya ka tanaasusho xeerka Badda Soomaaliya ee Law No. 37.

Wareegtadii Golahii Wasiiradii DFKMG October 11, 2011 ay Roadmapka kaga saareen EEZ oo u muuqata inaysan weli gaarin xafiiska Madaxweynaha DFS.

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa bishii hore waxa uu magaalada London ka sheegay in dawladiisu ay diiwaan gelineyso waxa uu ugu yeeray EEZ, isagoo aan soo hadal qaadin in Soomaaliya ay leedah sharci badeed oo qeexaya Territorial Waters ama dhul-badeed gaaraya 200 mayl-badeed.

Cusmaan Macallim Mukhtaar oo ah khabiir Soomaaliyeed ee Oil-ka ayaa madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya, Shiikh Xasan, oo bishii Febraayo 2013 ka qayb galay shir lagu qabtay London, waxa uu weydiiyey su'aal la xiriirta badda Soomaaliyeed oo la sheegay in Kenya Shidaal ka qodaynayso, waxana uu kaga jawaabey:

"Arrinta Oil-ka, annaga iyo Kenya waa run in beri dhaweyd ay dood badani ka dhacday. Haddaad xasuusataan barnaamijkii Roadmap-ka ee lasameeyey waxaa ku jirtey in EEZ (Exclusive Economic Zone-ka Soomaaliya) la xadeeyo. Dawladii Soomaaliya waxay burburtay ayadoo processkii ugu jirta sidii ay u register-garayn lahayd ee ay u sharciyayn lahayd EEZ (Exclusive Economic Zone-ka Soomaaliya), oo processkii bilowday oo dhex marayo ayaa burburkii yimidey, intii ka damabseyna lagama shaqaynin, annagu hadda markii aan nimid shaqadaas waa bilownay, nin khabiir ah oo Soomaali ah ayaan dibadda ka keenay oo shaqadaas yaqaanno, softwares iyo charts (shaxanno), iyo adduunyo wuxuu ubaahnaa ayaan samaynay, markaas dawladda Soomaaliya mardhow waa register-garaynaysaa EEZ-ka. Kenya iyo anaga hadii uu khilaaf naga dhexeeyeno caalamka sida uu ku kala baxo ayaan ku kala bixi doonaa. Qawaaniin ayaa caalamku waxaas ka leeyahay. Qawaaniintaas ayaan isticmaali doonaa."

Hadalkaas Madaxweynaha DFS Shiikh Xasan waa hadal ka khatarsan kii Dawladdii hore ee bilowday xagal daacinta arrinta badda Soomaaliyeed. Waxana uu si cad uga horo imanayaa qodobkii ay Roadmapka kaag saareen EEZ golahii wasiiradii hore, isla markaasna waxa uu hordhac u noqon karaa in badda Soomaaliya lagu soo koobo 12 mayl badeed.

Hadalkii Shiikh Xasan ee ku saabsanaa Badda, ka daawo Video hoose, videoga uu duubay TVga Universal, uuna sii faafiyey Saafifilsm. (FG: Linkigii hore waa ka bedelay waxaana geliney link cusub)

Haddaba waxaa muhiim ah in madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya (DFS) la xasuusiyo arrimo dhawr ah:

1. In madaxweynaha DFS loo sharraxo faraqa u dhexeeya EEZ iyo Territorial Waters iyo raadka arrintaasi ay ku leedahay xornimada dhul iyo dhaqaale ee dalka. Waayo wuxuu ku celceliyey EEZ isagoo aan marna xusin territorial Waters. Haddii arrintaas afku ka boobay in uu shacabka Soomaaliyeed u caddeeyo in Soomaaliya leedahay sharci badeed oo lambarkiisu yahay Law No. 37 kuna saabsan Territorial Waters (dhul-badeed). (Law No. 37 ee soo baxay 1972)

2. In madaxweynaha DFS la xusuusiyo arrinta uu ka dhawaajiyey macnaheedu inay tahay haddii uu sharciyeeyo EEZ oo ah 200 mayl-badeed in markaas dhulbadeedka Soomaaliya (Territorial Waters) lagu soo koobayo 12 mayl-badeed. Taasna ay ku dhumeyso xuquuqda 188 mayl-badeed oo badda Soomaaliyeed oo aan cidna loo raaci doonin tacadiyadii iyo xad gudubkii laga geystey 21 sano ee xukun burburkii iyo dhaqaalo lunsigii iyo suntii lagu duugey aan cidna loo raacdi doonin wixii ka shisheeye ama ka durugsan 12 mayl ee xeebta.

3. In madaxweynaha DFS la xasuusiyo intii ka dambeysey burburkii in arrinta badda laga shaqeeyey, oo laga qabtay laba hawlood: mid ah in la isku dayey in badda Soomaaliyeed la dhaxal wareejiyo ayadoo la adeegsanao heshiis loogu magac daray Is-faham, taas oo ah hawl aan dhammaan, damacii Kenyana weli socdo oo ay shirkado shisheeye heshiis kula gashay aagga la olloga ah jasiiradaha Lama Shaaqa oo ah gudaha Soomaaliya. Shaqada labaad ee laga qabtay waxay ahayd in shacabka Soomaaliyeed oo kaashanaya baarlamaankii KMG ahaa ay ka hor tageen arrintaas. Waxaana shacabka Soomaaliyeed ku adkaysteen Law No. 37, kaas oo la loodin waayey.

4. In madaxweyanah DFS la xasuusiyo in qodobka uu cuskanayo ee ah EEZ in laga saaray Roadmapkii kaddib markii shacabka Soomaaliyeed ka hor yimaadeen. Waxaana haboon in xafiiska ra'iisul wasaare Shirdoon uu xafiiska madaxweynaha gaarsiiyo wareegtadii 11-kii October 2011 ay soo saareen Golahii Wasiirada ee Xukuumaddii Kumeel gaarka ahayd ay ku go'aamiyeen in arrimaha badda ee EEZ laga saaro dhammaan dokumentiyada Roadmapka.

  • Warsaxaafadeedkii ay xilligaas soo saareen Golahii wasiirada oo uu shir guddoominayey C/weli Gaas, ayaa waxay  arrintaas ka tiri sidan "Wasiirka Kalluumeysiga, Qeyraadka Badda iyo Bey’ada iyo qubaro Soomaaliyeed ayaa laga dhageystay warbixin la xiriirta arrimaha Badda. Dood dheer ka dib golaha Wasiiradu waxey go’aamiyeen in arrimaha badda sida EEZ laga saaro dhammaan dokumentiyada sida Qorshaha Qaranka ee Xasilinta Nabadgelyada iyo Roadmapka."

5. In madaxweynaha DFS la xasuusiyo in shacabka Soomaaliyeed u arkayaan in hadal-kiisii London uu arar u noqon karo sallaankii lagu baabi'in laaha sharciga Law No 37 ee badda Soomaaliyeed. Waayo, bal akhri warsaxaafadeedkii shalay (Maarso 15, 2013) uu Xafiiska Qarammada Midoobey u qaabislan  ka soo sareen magaalada Addis Ababa.

  • Warsaxaafadeed uu Maarso 15, 2013 faafiyey xafiiska Qaramadoobey u qaabilsan Soomaaliya ee loosoo gaabiyey UNPOS, ayaa tibaaxay sidan: "Waxaan u maleynaynaa in uu mugdi ka jiro sharciga Namberkiisa yahay 37, ee khuseeya arimaha Badda Soomaaliyeed ee soo baxay 1972 lana xiriira heshiiskii sharciga badaha caalamiga ah ee soo baxay 1982. Waxaana garwaaqsanahay in arintin si weyn caqabad ugu tahay habkii kaalmo balaaran iyo kor u qaadista xirfadaha Dadka Soomaaliya ee ka shaqeeya arimaha Badaha. Waxaan rajaynaynaa in caqabadahan laga gudbo waxaana waydiisaynaa Bulshada Caalamka sidii loogu gudbi lahaa arintan."
     
  • Lama hubo cidda warkaas tiri waayo warsaxaafadeedku ma lahan cid saxiixday, laakiin hordhaciisa waxaa ku xusan sidan "Xubno ka socdey Guddiga la Xiriirka Arimaha Soomaaliyeed ee qaabilsan ka hortaga burcad badeedda (waa geedi socodkii Kambaala) kana kooban Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, Puntland, Galmudug iyo Somaliland ayaa ku kulmay Addis Ababa inta u dhaxeysay 12-14 Maarso 2013, si ay u soo saaraan Qabyo Qoraal khuseeya habkii la isu kaashanayo. Shirka waxaa marti galyey UNPOS, UNODC, IMO, FOA oo ay taageerayaa xafiiska lagu magacaabo (Oceans Beyond Piracy – badaha ka shisheeya goobaha Burcad Badeedda)."

Waxaa cajiib ah warsaxaafaeedka marka laga soo tago muran gelinta xeerka badda Soomaaliyeed, in la raaciyey hadal muujinaya in dhaqaale Soomaaliya la siiyo uu ku xiran yahay inay ka tanaasulaan xeerka Law No. 37. bal u fiirso hadalkaas (Waxaana garwaaqsanahay in arintin si weyn caqabad ugu tahay habkii kaalmo balaaran iyo kor u qaadista xirfadaha Dadka Soomaaliya ee ka shaqeeya arimaha Badaha.)

6. Haddaba waxaa muhiim ah in madaxweynaha DFS laga codsado haddii uusan awoodi karin in uu xoojiyo xeerkii badda Soomaaliy Law No. 37 ee 1972, ee dhigayey in badda Soomaaliya Territorial Waters uu yahay 200 mayl-badeed, haddii aan xukuumadiisu taas awoodin, in markaas uu caalamka u sheego in xeerkaas ka hadalkiisu uu dib ugu dhigay madaxweynaha isaga xigi doona. Shacabka Soomaaliyeedna uu sheego in meeshii ay dhaqaale helid ku bedel lahaayeen badda oo la waayo in ay shacabku u jeestaan sidii ay isugu fillaan lahaayeen, gaar ahaan khayraadka badda u adeegsan lahaayeen, ugana manaafacaadi lahaayeen kalluunka iyo khayraadka kale ee Allah ku manaysay.

Dalka Territorial Sea Sharciga (Law) Taariikhda
Peru  200 nm  Supreme Decree  Aug. 1, 1947
Somalia  200 nm  Law No. 37  Sept. 10, 1972

Dalka Peru si aan muran loo gelin dhul badeedkiisa, ama madaxda dawladdu ugu gacan bannaanaan wax ka bedellida xad-badeedkaas, waxay cabbirka dhul badeedkooda ku qoreen Dastuurka. Waxaana Axdiga Qaranka Peru ku cad in Territorial Waters soo hoos geliya dhulkooda xorta ah uu yahay 200 mayl-badeed. Qodobka Dastuurka Peru ee arrintaas qeexaya waa qodobka Article 54aad. Qodobkaas oo dhul-badeedkooda (maritime dominion) ku xadaynaya meel xeebta ka durugsan 200 mayl-badeed. (Tixraac Dastuurka Peru).

Haddaba, maxaa Dawladda Soomaaliyeed, xukuumadeeda iyo baarlamaankeeda, sida Peru, ka hor taagan in ay dastuurka dalka ku qoraan in dhulbadeedka Soomaaliya 1972 ilaa 2009 uu ahaa 200 mayl-badeed oo ah TERRITORIAL WATERS. Wixii 2009 ka dambeeyana ay doonayaan inay gaarsiiyaan 350 mayl-badeed (648 km).

Waayo maxaa loo kordhinayaa: Qodobka Article 76 ee Xeerka Xadaynta Badaha waxa uu si qeexan u sheegaya macluumaadka looga baahan yahay dalalka leh xeebaha si loogu kordhiyo ballaca badda ay xuquuqda u leeyihiin. Waxaa loo baahan yahay cabbir ka soo bilaabanaya Xeebta dalka ilaa 350nmi (648 km) oo dhanka badda ah. Golaha baarlamaanka DFS waxaa la gudboon in ay arrintaas xeer qeexaya oo ku qoran dastuurka ka soo saaraan.

Dawlad waxay ka tarjumtaa shacabkeeda. Shacabka Soomaaliyeed waxay ku baraarugeen jiritaanka xeerkii badda Soomaaliyeed ee Law No. 37 ee soo baxay 1972, waxayna ka soo horjeesteen in la baab'iyo, ayagoo taas ka diidey Xukuumadii hore ee Kumeelgaarka ahaa. Waxaa muhiim ah Dawladda Cusub fahamto cidda ay meteshaa in ay yihiin danaha Soomaaliyeed.

Shacabka Soomaaliyeed sidii looga bartay waxaa la gudboon in ay Xukuumadda Shirdoon, baarlamaanka Jawaari iyo Dawadda Shiikh Xasan emailada hoose kala xiriiraan xafiisyadooda ayagoo u muujinaya dareenkooda ku aadan Badda Soomaaliyeed ee Sharciga Law No. 37.

Xafiis

Email

Telefoon

Xafiiska Madaxweynaha

media@presidency.gov.so

 
Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha media@opm.gov.so 25265536608
+252 (0) 616 440 028
Xafiiska Baarlamaanka Lagama hayo email
lagala xiriiro baarlamaanka
Lagama hayo telefoon
lagala xiriiro baarlamaanka

Faafin: SomaliTalk.com | March 16, 2012

Dawladdii Soomaaliya ayaa 10kii September 1972 Muqdisho ka soo saartay sharciga Law No. 37, kaas oo qeexaya dhul-badeedka Soomaaliya in uu yahay Territorial Sea , kaas oo xoojinaya sharcigii Soomaaliya ay hore u soo saartay 1967 oo Badda Soomaaliya ku xadaynayay 200 mayl-badeed oo ah (TERRITORIAL SEA). Sharcigaas halkan kaakhri

"Haddii uu sii socdo Muranka Xuduud-badeedka Soomaaliya iyo Kenya wuxuu sababi karaa Dagaal" Wasiirkii hore Arrimaha Dibadda DFKMG, April 2012

Kenya oo Shidaal ka Baaranaysa 3900 Sq Km ee Gudaha Dhulbadeedka aagga Raas Kambooni ee Jamhuriyadda Soomaaliya

DFKMG oo u Ololaynaysa Qorshahii Badda EEZ ee 1970-kii Soomaalidu ku diidey Kenya!

Cabdi Qaasim Salaad Xasan “Baarlamaanka Go’aan kaliya lagama Rabo ee waxaa laga Rabaa in uu Maxkamad soo taago kuwii ka dambeeyey Heshiiskii Hore ee Badda iyo kuwa Hadda ku Howlan ”

 

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: