Tol Beelaye, Baddeennu ma waxay Sababsanaysaa Cilmi
La'aanta Madaxdeena?
Qasim
Hersi Farah
www.qasimhersi.com
email:
qaasim@mail.com
Markii aan dhawr jeer dhagaystay jawaabo ay qaar
Mas'uuliyiinta dawladda ka mid ihi ka bixinayaan su'aaha ku saabsan dayaca ama
bixinta ula kaca ah ee ay baddeenii qayb ka mid ihi ay qarka u saran tahay,
ayaan waxan dib u xusuustay dhawr oraahood oo kuwaas la falgalaya. Haddaba aan
hadda meeriskaas mariyo.
Su'aasha ah "war meeday baddeenii? Maad Kenya naga
dhicisaan?" ayey mas'uuliyiinta dawladda ku meel gaarka ihi wax jawaba ah ilaa
hadda u la'yihiin. Laakiin jawaabta ay la'yihiin ma ahan mid aqoon li'i kelya ku
maqan ee waa mid ku qotonta macangegnimo iyo madax adayg. Iyaga oo uu midiba
midka kale ku garriin tiranayo ayey qaar isla iyaga ka mid ah isaga reebaan
eedda. Kuwa ayse eedda ku reebayaan ayaa inta badan jawaabta laga hayaa ay tahay
"War Bad maqan baad ka hadlaysaane, tii aan horay u haysanay ayaaba Burcad
badeed looga cararay ee aan ka fikirno sidii aan Burcad badeedda isaga celin
lahayn."
Haddaba aan isla barbardhigno Burcad badeed iyo baddii
ooba la dhacayo. Taasi waxay la mid tahay iyada oo intuu reerka deriskaaga ihi
gurigaaga soo galay ku yiri "isaga bax gurigaan aniga ayaa qaadanayee" oo markaa
uu willkaagii curadka ahaa eed ciidanka ka sugaysay kugu war celiyey 'Aabbe
adigu guriga la dhacayaad ka hadlaysaaye sow ma ogid in uu guriga inoo joogo
wiilkeenaan yar ee ciyaala suuqa ah". Waa muuqataa in uu odaygaasi ku jawaabayo
"war wiilkayga anaa edebsanaya, ciddii uu xoolo ka soo dhacayna way iga soo
doonan kartaa ee yaa iga qabta kuwan gurigaygoo oo dhanba iga dhacaya".
Intaa
waxaa dheer in ay markii horeba dawladda Kenya dawladdeena uga siratay in ay
labo wax ka kaalmayso iyaguna ay baddaas ka tanaasulaan. Labada wax oo kala ah:
1) in ay Qaadka laga soo dhoofiyo Carro Miirow ee Kenya canshuurta uga qaadayso
Gegida dayuuradaha ee Wilson, illeen iyagu Somalia ugama qaadi karaane. 2). In
ay ka caawin doonaan la dagaallanka Burcad badeedda iyo weliba bad ka
faa'iidaysiga.
Aniga oo la qarracansan jawaabtaas aan munaasibka ahayn
iyo sida uu qof mas'uul ihi sidaa oo kale ugu fikiri karo ayaan hadana soo
xusuustay labo qiso oo kale. Waa mide, sanadkii 2004 tii ayaan aniga oo ka mid
ah Murashaxiintii Jagada Madaxweynenimo ee Soomaaliya, kolkii la joogay
shir-ku-sheeggii Mpagathi (Doofaareey) ayaa maalin la soo hor dhigay Ergadii
shiraysay qaar ka mid ah qodobadii Axdiga ku meel gaarka ah si ay uga doodaan,
oo doodooda ka dibna loo ansaxiyo sida xeerka waafaqsan. Qodobadii markii la
akhriyey oo Ergadii oo u badnayd Qabqabayaal dagaal lagu yiri 'maxaad ka dood
qabtaan" ayuu mid Dagaal ooge ihi soo istaagay oo ku qayliyey "Arreey kuwaan wax
giir giira (qora) aanba la yaabee xay waraaqaha uga buuxiyaan wax aan macno
lahayn oo xabadna tarayn. Bal fiiriya qodobkaan "Khayraadka Dabiiciga ah
Soomaaliyeed waa kan saaran ama ku jira dhulka, dhulka korkiisa, dhulka
hoostiisa, Hawada, Badda korkeeda, badda dhexdeeda, iyo badda hoosteeda." Dagaal
oogihii oo qoraalka qodobkaas naqdinaya ayaa yiri 'dhuka korkiisa waaba garanoo
beeraa ka baxa, badda korkeeda iyo dhexdeerana waaba garanoo malaayaa ku jiree,
Xay yihiiin waxa ku jira Badda hoosteeda?
Halkaa markuu hadalkii dooduhu marayo ayaan ka war helay
ilmo iga gofo' leh ka dib markii aan soo xusuustay qisadatan oon hadda ka hor
akhriyey: Nin Ciidan culus wata ayaa qaadayey weeraro is dabo jog ah oo uu ku
qabsanayey dalka uu markii uu qabsaday u bixiyey magicii Aabihiis ilaa hadana
loo yaqaan magacaas, firkiisuna ilaa hadda ka boqorro yahay, waa dalka Sacuudi
Carabiya. Ina Sacuud waxa uu qoladuu soo kor degaba u dirayey ergo intuusan
weerar ku qaadin waxa uuna usoo bandhigayey in ay heshiis la galaan, ama ay
doortaan in uu qasab ku qabsado oo ku xukumo. Heshiiskaas qodobkiisa koowaad
waxa uu ahaa; 1) in ay udaayaan in uu isagu ardiga ka ahaado Boqor ka fir ka
firna ay caruurtiisu xukumaan oo aysan cid kale weligeed xukunkaas soo faro
gelin, 2) in ay isaga iyo umadda kale oo dhan kala qaybsadaan waxa khayraad uu
dalku leeyahay. Khayraadkaas oo loo kala lahaanayo: B. in ay isaga u daayaan
dhammaan wixii khayraad ah ee dhulka hoostiisa iyo badaha hoostooda ku jira, T.
Iyaguna ay gaar uleeyihiin dhammaan wixii khayraad ah ee dhulka dushiisa iyo
badaha dushooda ama dhexdooda ku jira oo uusan marnaba ugu imaan doonin. Gobol
kasta oo uu hareereeyo ama kor dago, markuu odayaasha beelaha heshiiskaas usoo
bandhigo waxay is weydiinayeen "war horta maxaa nafci ah oo ku jira dhulka
hoostiisa iyo badda hoosteeda"? waa waxba. Hadde naga daaya intaan dagaal ku
jabi lahayn bal ninkaan iyo ciidankuu wataa waxay rabaan ha sameeyeene.
Laakiin maanta oo la joogo ninkii iyo firkiisii waxay
dhammaan dadweynihii dalkaas ka masruufaan intii uu qaybta isagu qaatay ee lagu
heshiiyey in aan loogu tagin – waa Batroolkee. Haddaba si ay mas'uuliyiiinteenu
u gartaan khayraadka ku jira badeena, siiba qaybta la dhacayo ayaan maqaalka
dambe ku falanqayn doonaa noocyada khayraad dabiiciga ah ee ka buuxa goobta
badda ee laynaga boobayo ee la soco qormada damabe.
Dr. Qasim Hersi Farah
www.qasimhersi.com
email:
qaasim@mail.com
Faafin: SomaliTalk.com | September 22, 2011
Maanso- Deelleey-Difaaca Badda Soomaaliya
Jiiftadan
oo ah Deelleey, kuna saabsan diffaaca Difaaca Badda Soomaaliyeed waxaa tiriyey
Maxamuud Axmed Cabdalle oo ku magac dheer Maxamuud Shiine.
Abwaanku waxa uu jiiftada ka tiriyey damaca la soo cusboonaysiiyey ee lagu
doonayo in lagula wareego qayb kamid ah badda Soomaaliyeed. Waxana uu abwaanada
iyo gabayaaga kale ku boorinayaa in ay jiiftadan ka qayb qaataan.
"Damacaa Badda Gaarey Yaa Dareemi karaaya", ayaa abwaanku ku hal qabasanayaa.
"Yaa damiir ku dambeeyo, yaa difaaci baddeena."
Halkan ka
dhegeyso jiiftada. (MP3)