SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYA

"Haddii uu sii socdo Muranka Xuduud-badeedka Soomaaliya iyo Kenya wuxuu sababi karaa Dagaal" Wasiirka Arrimaha Dibadda DFKMG

iyo Kenya oo si xad gudub ah ugu andacooneysa in xuduudda badda ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya ay kala qaybiso xarriiq jiifta oo u socota dhanka Bari.... taas oo ah middii ay hore uga dhiidhiyeen shacabka Soomaaliyeed ee Baarlamaanka Soomaaliya.

  • SomaliTalk.com | April 20, 2012

Wasiirka Arrimaha Dibadda DFKMG, Cadullaahi Xaaji Xasan, ayaa hay'adda wararka ee Reuters u sheegay in haddii uu sii socdo muranka xuduud badeedka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya uu sababi karo dagaal.

Halka Guddoomiyaha Kenya u qaabilsan Batroolka uu sheegay in xuduudda u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya ee ay aqoonsan yihiin Kenya uu yahay mid ay kala qaybiso Xarriiq Jiifta oo u socota dhanka Bari oo ka bilaabansa xeebta.

Hadalladaasi waxay ka mid ahaayeen warbixin dheer oo ay Reaters ka qortay  xuduudka badda ee Soomaaliya iyo Kenya, cawaaqibka ka dhalan kara iyo raadka arrintaasi ku leedahay shidaal sahaminta iyo cidda leh bixinta xuquuqda lagaga baari karoshidaal iyo dalka leh dakhliga ka soo baxa khayraadka laga helo aaggaas.

Qoraalkii Reatuers oo AfSoomaali loo rogey hoos ka akhri:

  • Qormadii Reuters, waxaa Tarjumay SomaliTalk.com

Muranka Xadka Soomaaliya iyo Kenya waxa uu Caqabad halis ah ku yahay Shidaal Sahaminta

NAIROBI, April 20, 2012 (Reuters) - Muranka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya ee ku saabsan xuduudda badda waxaa uu sababi karaa in shirkadaha caalamiga ah aysan batrool iyo gaas ka baarin badda la olloga ah xeebta Bariga Afrika, waxaana sarkaal Soomaaliyeed uu ka digey in murankaasi uu cirka isku shareeri karo.

Labada dal ee xeebta leh waxay isku khilaafsan yihiin halka ay marto xarriiqda xadka ee Badweynta Hindiya. Arrinta meesha taal waxaa saldhig u ah yaa sharci ahaan u leh in ay iibiyaan xuquuqda halkaas lagaga baari karo shidaalka, isla markaas cidee ayaa yeelanaysa dakhliga ka soo baxa haddii shidaal laga helo.

Kenya waxay dhowaan shaacisay sidddeed aag "Blocks" (ama goobood) oo cusub oo diyaar u ah in ay ku bixiso Laysan, dhammaantood marka laga reebo hal aag waxay dhacaan dhulka la isku hayo.

Arrinta ka dhexaysa Soomaaliya iyo Kenya ma ah muran; waa ilaaq (ama dood) la xiriirta dhul taas oo kadhalatay markii shirkadaha Batroolka iyo Gaasku ay bilaabeen inay daneeyaan gobolka," Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdullahi Xaaji ayaa sidaas waxa uuu sheegay hay'adda wararka ee Reuters isagoo ku sugnaa Muqdisho.

Somalia: "If the argument continues unsolved, it will change into a dispute that may result at least in souring the deep relation between our two countries and (cause a) war at last," Abdullahi Haji, Somalia's minister of foreign affairs, told Reuters in Mogadishu.

Kenya: "The maritime border between the two countries should run horizontally east from the point at which the two countries touch on land. The practice in east Africa has been for boundaries to run along the line of latitude," Martin Heya, Kenya's petroleum commissioner told Reuters. "For the time being, this is where we believe the border should be," he said, referring to the horizontal east-west maritime border. Kenya is pushing on with oil and gas exploration, but petroleum commissioner Heya acknowledged the border dispute could cause problems in the future. Heya said companies will be unable to drill in their respective blocks until the boundary is settled, because it will be unclear where to direct revenue from a resource discovery. "Where the revenue goes is not apparent," Heya said.

 

Cadullaahi Xaaji Xasan waxaa wasiirka Arrimaha Dibadda DFKMG bishii Febraayo 2012 u magacaabay Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo soo saaray wareegto  XRW/246.02.2012.
Isha sawirka: demotix.com
Joshua Brien, a legal adviser with the Commonwealth Secretariat, who has consulted with Kenya on maritime border matters, said Somalia's government has been battling an insurgency by al Qaeda-linked rebels for years and barely controls the capital, even with the help of an African peace-keeping force executing a U.N. mandate to prop up its Western-backed government. It is unlikely it would have the ability to wage a war on Kenya. Isha sawirka: www.flickr.com.

"Haddii ilaaqdu sii socoto oo aan la xallin, waxay isu bedeli kartaa muran sababi kara ugu yaraan in uu xumaado xiriirka u dhexeeya labadayada dal, kaas oo ugu dambaynta sababi kara dagaal," ayuu yiri (Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya).

Bariga Afrika waxa uu noqday meel ay kusoo bateen sahaminta batroolka iyo gaaska, arrintaas oo ay dhiiri gelisey sahaminada cusub ee shidaalka laga daah furay dhul-biyoodka dalalka Uganda, Tanzania iyo Mozambique. Dhinaca Geeska Afrika, Puntland iyo Somaliland waxay sidoo kale bixiyeen shatiyo (laysanno) sahamin shidaal.

Shirkadda Tullow Plc oo laga leeyahay dalka Britain ayaa bishii March sheegtay inay shidaal ka daah fureen meel ah berriga Kenya.

Muranka Kenya iyo Soomaaliya waxa uu caqabad hortaagan ku noqday qaar ka mid ah xuquuqda sahaminta ee Kenya siisay shirkadaha Batroolka iyo Gaaska, kuwaas oo bilaabay in ay sahamiyaan aaggaas.

Shirkadda Total ee Faransiiska iyo shirkada Anadarko ee xarunteedu tahay Texas waa labada shirkadood oo keliya oo Kenya ka haysta shatiga ama laysannada sahaminta ee aagga lagu muransan yahay. Ma jiro qorshe degdeg ah oo ay aaggaas kaga qodayaan shidaal. Labada shirkadood waa diideen in ay jawaab ka bixiyaan arrinta la xiriirta xuduudka.

SOO DHEXGELIDDA QARAMMADA MIDOOBEY?

Martin Heya oo guddoomiyaha Batroolka Kenya ayaa sheegay inuu kalsooni ku qabo Qarammada Midoobey, taas oo la weydiisan karo in ay jeexaan xariiqda xuduudka, waxana uu sheegay in ay ku raaci karaan aragtida dalkiisa, waxana uu rajaynayaa in shirkaduhu sii wadaan hawlgalka sahaminta.

"Ma waxaan joojineynaa shaqada ayadoo sababta keliya oo jirtaa ay tahay in aan la cayimin xuduudaha? waa maya," ayuu u sheegay Reutures.

Lataliyalaal ka qayb qaatay calaamadin xuduudka waxay sheegeen in labada dal aysan lahayn xuduud sharci ah ilaa ay ka saxiixayaan heshiis calaamadinta xuduudka, laakiin taasi waa mid aan dhici karin ilaa Soomaaliya yeelato dawlad xasilan. (Hadalkaas cidda tiri hoos ayaad ku arki doontaa).

Martin Heya waxa uu yiri xuduudda badda ee u dhexeeya labada dal waa in ay kala qaybisaa xarriiq jiifta oo u socota jihada Bari ayadoo ka bilaabanaysa barta xeebta ee labada dal. Habka ka jira Geeska Afrika waa in xuduudu raacdo loolka, ayuu yiri Heya.

"Waqtigan la joogo, halkaas weeye meesha aan rumaysan nahay in xuduudku yahay," ayuu yiri isagoo taas ula jeeda xarriiqda Jiifta ee u socota Bari-Galbeed ee badda.

Saraakiil Soomaaliyeed ayaa yiri xuduud badeedkaasi waa in uu ahaado xaqiig ku qotonta xeebta oo u socota jihada Koonfur-Bari, waxaana caddaalad darro ah xariiqda jiifta ee xadka.

Haddii xuduudka Soomaaliya-Kenya marka laga bilaabo xeebta oo loo socdo bad-weynta uu ahaado xariiq xeebta ku qotonta oo ka imanaysa WoqooyiGalbeed kuna socota KoonfurBari, waxa Kenya u haraya aag saddex xagal ah oo Badweynta Hindiya oo ay markaas sheegan karto in ay ku bixiso xuquuda macdanta.

Kenya waxay xiriir dublomaasiyadeed la lahayd dalka deriskooda ah oo dagaalku halakeeyey, laakiin wadanka dhaqaale ahaan xoogga badan waxa uu Oktobartii la soo dhaafay ciidankiisa u diray Soomaaliya ayagoo daba jooga Shabaab oo lagu xiririyo al Qaeda, ayagoo ku eedeeyey in ay ka soo gudbeen xadkooda soona weerareen.

SOOMAALIYA OO AAN DEGANAYN

Joshua Brien, oo xagga sharciga kala daliya Barwaaqa Sooranka  (Commonwealth), kaas oo Kenya kala taliyey arrimaha la xiriira xuduud badeedka, ayaa sheegay in labada aysan lahayn xuduud sharciyeed ilaa ay qorayaan oo saxiixayaan heshiis.

Dawlad deggan oo aan ka jirin Soomaaliya ayaa arrintaas caqabad ku ah, ayuu yiri.

Dawladda Soomaaliya waxay sanado dagaal kula jirtay muqaawamo ku xiriirsam al Qaeda, waxayna si hal-haleel ah u xukuntaa caasimadda, xitaa ayadoo caawinaad ka heleysa ciidanka Nabad ilaalinta Afrikaanka ee ku shaqaynaya ogolaanshada Qaramada Midoobey si loo kobciyo dawlada taageerada ka haysata reer Galbeedka. Waa arrin aan suurtagal ahayn in ay awood u yeelato inay dagaal ku qaado Kenya.

Brien waxa kale oo uu sheegay in labada dal xuduuda aysan isku waafaqsanayn aysan ahayn mid ay la gaar yihiin. Adduunka oo dhan waxaa ka jira xuduudo badeed oo aan la xallin, ayuu yiri.

"Waa arrin dhacda in ay kululaadaan arrimaha xuduud badeedku, gaar ahaan meelaha la xiriira shidaal sahaminta iyo horumarinta,' ayuu yiri.

"Arrinta Soomaaliya, waxaa arrinta sii cakirey xukumida iyo ammaanka la xiriira badda dalka, labadaas arrimood oo aad loo ogyahay."

Kenya waxay sii wadaa sahaminta Batroolka iyo Gaska, laakiin guddomiyaha batroolka Kenya Heya waxa uu qiray in muranka xuduudku uu mustaqbalka keeni karo dhibaato.

Heya waxa uu sheegay in shirkadahu aysan awoodi doonin ay qodaal aagagga loo qoondeeyey ilaa la xaliyo arrinta xuduudda, sababtoo ah ma cadda cidaa leh ama meesha loo jihaynayo dakhliga ka soo baxa khayraadka la daah furo.

"Meesha uu aadayo dakhligu ma cadda," ayuu yiri Heya.

Halkaas waxaa ku dhammaaday turjumadii qoraalkii Reauters.

Muranka ay Kenya hadda ku doodeyso ee aagga xeebta Soomaaliya, taariikhda Soomaaliya kama jirin murankaasi ka hor intii aysan iman xukuumadda KMG ee uu madaxweynaha ka yahay Shiekh Shariif, taas oo si indho la'aan ah heshiis loogu magac daray Is-faham la saxiixatay Kenya, kaas oo markii koowaad taariikhda Soomaaliya muran gelinayey xuduudka xeebta Raas Kambooni, waxaana arrintaas ka hor tegey shacabka Soomaaliyeed iyo baarlamaanka Soomaaliya oo laalay heshiiskaas ay gashay Xukuumadii ugu aragtida gaabnayd ee soo marta Taariikhda Soomaaliya.

Sida ka muuqata qoraalka Reauters, xukuumadda Kenya arrintaas kama aysan samrin ayadoo kaashanaysa saaxibaadeed.

Sida uu sheegay guddoomiyaha u Kenyau qaabisan batroolka Martin Heya, waxay ku hamiyayaan in ay soo galaan gudaha xadka Soomaaliya, sida ku qeexan hadalkiisa uu yiri "xuduudda badda ee u dhexeeya labada dal waa in ay kala qaybisaa xarriiq jiifta oo u socota jihada Bari ayadoo ka bilaabanaysa barta xeebta ee labada dal." Hadalkas oo xad gudub weyn ku ah xornimada Qaranka Soomaaliyeed.

Waxaa qormadu xustay in "Saraakiil Soomaaliyeed ayaa yiri xuduud badeedkaasi waa in uu ahaado xaqiig ku qotonta xeebta oo u socota jihada Koonfur-Bari, waxaana caddaalad darro ah xariiqda jiifta ee xadka."

"Haddii ilaaqdu sii socoto oo aan la xallin, waxay isu bedeli kartaa muran sababi kara ugu yaraan in uu xumaado xiriirka u dhexeeya labadayada dal, kaas oo ugu dambaynta sababi kara dagaal," sidaas waxaa reuters u sheegay Cadullaahi Xaaji Xasan Wasiirka Arrimaha Dibadda DFKMG ee Soomaaliya.

Hadalkaas ka soo yeeray wasiirka Arrimaha dibada ayaa intii aan Kenya ka jawaabin waxaa durbadiiba ka jawaabey Barwaaqa Sooranak Yurub, gaar ahaan Joshua Brien, oo xagga sharciga kala daliya Barwaaqa Sooranka  (Commonwealth), kaas oo Kenya kala taliyey arrimaha la xiriira xuduud badeedka. Waxa uu yiri "Waa arrin aan suurtagal ahayn in (Dawladda Soomaaliya) ay awood u yeelato inay dagaal ku qaado Kenya."

Faafin: SomaliTalk.com | April 20, 2012

Oil Exploration Companies in Troubled Kenya-Somalia Maritime Border

Heshiiska DFKMG iyo Shirkadda HallidayFinch waxa uu shacabka Soomaaliyeed soo xasuusinayaa Heshiiskii TopCat

 

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: