SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYA

Shacabka Soomaaliyeed oo soo Dhaweeyey Go' aamadii ay Baarlamanka Federaalka ka soo saareen Badda Soomaaliya, kuna Tilmaamey Mid Taariikhi ah.

  • SomaliTalk.com | Oct 9, 2011

Iyadoo markii ay taariikhdu ahayd 8/10/2011 kulankii ay isugu yimaadeen Xildhibaanada Baarlamaanka waxay Go' aamo Taariiikhi ah ka soo saareen Badda Soomaaliya, waxaana Go' aamadaas si weyn u soo dhaweeyey Shacabka Soomaaliyeed ee lagu difaacayo Badda Soomaaliya ka dib markii 21 Sanno ee la soo dhaafey ay soo baxeen Shaqsiyaad heshiisyo Beenaad ah la galeen Dowlado iyo Shirkado Shisheeye

Shacabka Soomaaliyeed ayaa Go' aamadaas ku tilmaamey mid si aad ah loogu baahnnaa iyagoo sheegey in mar hore laga doonayo Baarlamaanka Soomaaliyeed ay soo saaraan Go' aamadaan oo ay sheegeen in uu wax ka tarayo Badda Soomaaliyeed oo ay soo Hunguriyeeyeen Dowlado iyo Shirkado Shisheeye, waxayna qaarkood ay sheegaan in Go' aamo kaliya aysan wax ka tareyn Difaacida Badda Soomaaliyeed ee loo baahan yahay in Maxakamad la soo taago kuwii Bilaabey in badda Soomnaaliya Muran geliyaan iyo kuwa hadda ku howlan in ay heshiisyo beenaadyo la galaan Dowlado iyo Shirkado shisheeye..

Carab Ibraahim Cabdullaahi ayaa isagoo ka hadlaya Go' aanka Baarlamaanka uu ka qaatey Badda Soomaaliya ayaa waxaa uu yiri "Aad baan ula yaabanahay in marar badan ay soo noq noqdaan ka hadlida Badda Soomaaliya waayo hore ayuu Baarlamaanka Go' aan uga qaatey marka looma baahna in la soo celiyo ee Waxaa loo baahnaa in Maxkamad la soo taago kuwii ka dambeeyey in Muran la geliyo Xadka Badda Soomaaliya. Waxaan maqlayey Cabdiraxamaan Cabdishakuur oo Baarlamaanka hortiisa iska Difaacaya oo sheegey in isagu uusan ka mid ahayn Golahii Wasiirada ee ansaxiyey Heshiiskii loogu yeerey Isafgarad ee dhexmarey Soomaaliya iyo Kenya. Sidoo kale wuxuu sheegey in uu san ahayn Madaxweynihii Heshiiskaa ogolaadey. Marka waxaan leehayahay Cabdiraxmaan CabdiShakuur adiga ka mid ma ahayn miyaa Golahii Wasiirada Xukuumadii Cumar Cabdirashiid oo Ma Dowlad kale ayaa Wasiir u ahayd , Shacabka Soomaaliyeed kuma hilmaansana mar ay ahaataba Maxakamad baa lagu soo Taagi doonaa waayo waxaad ahay shaqsigii arrimahaan oo dhan horseedka u ahaa".

"Marka hore waxaan soo dhaweynayaa Go' aanka uu Baarlamaanka uu ka qaatey Badda Soomaaliya, marka Xiga waxaan Baarlamaanka leeyahay waxaad Qodobadda aad ka hilmaanteen Dowladihii iyo Shaqsiyaadkii Badda Soomaaliya Sunta ku shubey labaatankii sanno ee la soo dhaafey waxaan doonayey in Shaqsiyaadkaas aad ka soo saartaan Goaamo shacabka Soomaaliyeed ay ku farxaan waayo waxay ogolaadeen in Baddooda lagu shubo Qashin Halis ah oo lagala soo cararey Dad kale in ku waxyeeloobaan marka ninkii sidaa sameeyey ayaan doonayey in aad Bulshada ku hor ceebeysaan oo aad u qalqaalisaan Maxakamad waayo waa nin dhamaan Shacabka Soomaaliyeed lumiyey" ayuu yiri Yaasiin Nuur Gaab oo intaa raaciyey:

"Waxaan sidoo kale Halkaan uga Hambalyo uga dirayaa bahda SomaliTalka oo iyadu u tafaxeydatey Difaacida Badda Soomaaliya islamarkaana soo bandhigtey Heerarkii ay soo mareen Heshiis ku sheegyadii la doonayyey Badda Soomaaliya lagu dhaco, sidoo kale waxaan ugu hambalyeynayaa qoraalkii aad Turjunteen ee ku saabsanaa Sharciga Badda Soomaaliya, marka waxaan idiin kula talinayaa in aad ka sameysaan Qoraaladii aad ka sameyseen Badda Soomaaliya labaatankii sanno ee la soo dhaafey Buug si ay taariikh ay u noqdaan oo ay ka faaiideystaan Ubadka Soomaaliyeed ee soo koraya oo aan wax ka aqoon Badda Soomaaliya waayo waxaan dhawaan la yaabey wiil dhalinyaro ah oo leh "Yaakheey Baddaan waa naga badan tahay ee Cidii doonto ha qaadato waxaaba nagu filan Dekadda kaliya, waxaa jira Dowlado aan Bad lahayn oo iska nool marka hadal haynteeda waa nagu soo noq noqotey ee Cidii doonto qayb halaga siiyo wax badan baa noo soo harayaa " Markaas baan ku iri "Haddii aad ogaan lahayd wax Baddaan laga soo marey sidaan uma hadasheen ee waxaa tahay wiil yar oo aan wax badan la socon".

"Kuwa Qol Mugdi ah la galaya Heshiis Beenaadyada Badda Soomaaliyeed Shacabka marnaba idiin ma Cafin doonto oo goor ay ahaataba Maxkamad waa la idiin soo taagi doonaa waayo shacabka iyo Dalka ayaa ka gasheen Dambi weyn kuwa hada ku howlan arrimaha Badda Shacabka waa idiin jeedaa ee ka hara waxa aad ku howlan tihiin , Baddaan dadka Soomaaliyeed ayaa iska leh. Sidoo kale Baarlamaanka Soomaaliyeed waa in aad Dabagal ku sameysaan dambiyadii iyo Xadgudbyadii laga galey Badda Soomaaliyeed oo aad soo bandhigtaan Magacyada Shaqsiyaadkii ka dambeeyey in Badda Soomaaliyeed la iibsado iyo weliba shaqsiyaadkii ka dambeeyey in Badda Soomaaliya lagu shubo labaatankii sanno ee ugu dambeeyey" ayey tiri Faadumo Muuse Nuur.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | October 9, 2011

 

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


 Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: