SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BADDA SOOMAALIYA

Weli Ma Quusannin Waraabayaashii Baddu !!

  • Inj. Maxamed C. Cibaar| Email: Mohamed_ebar@hotmail.com | May 21, 2010

    Arrimaha muujinayaa in horarradii shalay ay hagardaameynta halkoodii ka wadaan wey badanyihiin, aanse ka soo qaadanno qoraal hordhac ah oo laga soo saaray qodobbada looga hadli doono shirka Istanbul. Qoraalkaasi  wuxuu sheegayaa: "Marka la eego xeebta dheer, Soomaaliya ma lahan aag ganacsiga ee gaarka ah EEZ (Exclusive Economic Zone) oo lagu sameeyay hab waafaqsan Xeerka Qarammada Midoobay ee sharciga badaha (UNCLOS). Dooddaani waxay la micno tahay in Soomaaliya uusan ka jirin xeer u qoran oo ku saabsan aagga ganacsiga  ee badda. Waxaa la iska indhatirayaa in Soomaaliya ay tahay dal xuduudihiisa dhulka iyo badduba ay calaamadeysanyihiin, waxaana sida muuqata aan la qirsaneyn in aagga ganacsiga ee badda Soomaaliya uu yahay 200 mayl badeed, in la sii kordhiyana warkeedaba daa.


Maanta oo ay taariikhdu tahay, 21 May 2010, waxaa ka furmay magaalada Istanbul ee waddanka Turkiga shir saddex maalmood soconaya oo looga hadlayo arrimo muhiim ah oo khuseeya Soomaalida. Shirka waxaa garwadeen ka ah Ururka Qaramada Midoobay, mana aha midkii ugu horreeyay ee noociisa oo kale ah. Waxaa horay shirar la sheegay in looga hadlayo arrimaha cakiran ee Soomaaliya lagu qabtay magaalooyinka New York (USA), Oslo (Norway), Brussels (Belgium), Rome (Italy) iyo meelo kale.

Dowladda Turkiga oo martigelineysa kulankaan saddexda maalmood soconaya, waxaa Soomaaliya kala dhexeeya xiriir saaxiibtinnimo oo soo jireen ah. Sanadihii la soo dhaafay dowladda Turkigu waxay muujisay dareen wanaagsan iyo dadaal ay ku dooneyso in Soomaaliya ay ka hirgasho nabad iyo degganaansho. Sidoo kale dowladda Turkiga iyo dadkeeduba waxay si firfircoon uga qaybqaataan kaalmooyinka samafaleed ee loo sameeyo Soomaalida dhibaateysan. Haseyeeshee, marka la qiimeeyo qaabka shirka loo abaabulay, cidda hoggaamineysa shirka, ergada la filayo in ay ka soo qaybgasho, waqtiga shirka lagu beegay iyo qodobbada xasaasiga ah ee looga hadlayaba, waxaa abuurmaya shaki weyn.

Sidaan kor ku soo xusnay, Shirka Istanbul ma aha kii koobaad, labaad iyo saddexaad midna. Waxaana la isweydiin karaa dhib iyo dheef waxa shirarkaas hore ee malaayiinta doollar ku baxday ay u soo kordhiyeen ummadda Soomaaliyeed.

Maxaa looga hadlyaa shirka Istanbul?

Qodobbada horay loo asteeyay ee la sheegay in shirkaan lagu lafaguri doono waxaa ka mid ah arrimo la xiriira: Tamarta, Bangiyada, kalluumeysiga, Xoolaha, Isgaarsiinta iyo Waddooyinka ay gaadiidku isticmaalaan. Arrimahaan loo xushay shirku dhamaantood waa kuwo muhiim ah oo wax-ka-qabasho u baahan. Haseyeeshee, marka si fiican loo derso qaabsocodka shirka iyo halka loo jiheeyay, waxaa muuqaneysa in si cad la iskaga indhatirayo, loogana meermeerayo arrimo kale oo aad uga mudnaa.

Sida lala wada socdo, Koofurta Soomaaliya siiba caasimadda Muqdisho, waxaa weli ka socda xasuuq, waxaana magaalada weli qulqulaya dhiigga shacabka aan waxba galabsannin. Waxaa weli ololaya suuqyadii, masaajiddadii, dugsiyadii iyo goobihii lama taabtaanka ahaa. Waxaa maalin walba barakacaya kumannaan dad ah oo ku dandarreysan duurkii ay u qaxeen. Waxaa sidoo kale Isbitaallada daadsan dhaawacyo loo la’yahay wax lagu dhayo. Qolooyinka shirkaan horboodayaa arrimmahaas musiibada ah ee taagan si fiican ayay uga dheregsanyihiin, haddana iska daa wax-ka-qabashadooda oo la isku howlee, waxaa dhacda si aan gabbasho laheyn loo dhiirrigeliyo gumaadka socda, lana gacan siiyo inta wadda ficillada gurracan.

Waxaa haddaba isweydiin mudan: Haddiiba aan dan laga laheyn dadkaa la dabargoynayo oo aan cidi u diireynin, maxaa loogu mashquulayaa ka hadalka Badaha,Batroolka iyo Bangiyadooda? Maatida la xasuuqayaa maxay ku waayeen mudnaanta ay leeyihiin xoolaha iyo kalluunku? Macnaa meesha ku jiree qof walbow malee !!

Mar i dage Alle ha dago

Si bal aan u qiimeyno shaxdan Istanbul,  shar iyo khayr waxay Soomaalidu ka filankarto, aan dib u milicsanno shirarkii hore iyo mirihii laga gurtay macaan iyo kharaar waxa ay ahaayeen. Shirarkii la qabtay wey badnaayeen, waxaanse si gaara diiradda u saareynaa laba shir oo saameyn weyn ku leh waxa ka soconaya Soomaaliya.

Shirka hore, waa kii ka dhacay June 15, 2006 magaalada New York carriga Mareykanka, laguna aasaasay ururka loo yaqaan “International Contac Group”. Waqtiga uu dhacayay shirka New York, waxay warbaahinta caalamku aad wax uga qortay in waddanka shirka martigaliyay, waa Mareykankee, uu si toos ah ugu lug lahaa dagaalladii lagu hoobtay ee Muqdisho ka dhacay billowgii 2006dii. Taasina waxay ururkii ICG ka dhigtay ilmo dhashay isaga oo cudur la dhibban. Halaaggii ka dhashay hoosaasintii ICG iyo ciidamadii hororrada ahaa ee ay soo hubeeyeen waa mid mahadhooyin reebtay, taariikhdana jiilba uu jiilka ka dambeeya u sii tabin doono.

Shirka labaad, waa kii 29-30kii April 2008dii lagu qabtay magaalada Oslo, waxaana shir-guddoominayay waddanka Norway oo dan aad u balaaran ka lahaa Soomaaliya. Shirkaas go’ aannadii ka soo baxaa waxaa ka mid ahaa in Ahmed Oloude Abdalla (ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya) looga dambeeyo wixiiba khuseeya Somaaliya. Waxaa kale oo ka soo baxay in dowladda Norway ay ballanqaaday in dhaqaale gaaraya ilaa 50 milyan oo doollar ay ku caawineyso Soomaaliya. Laakiin, darajadaas lagu sharfay  Ahmed Abdalla iyo deeqda dowladda Norway maxaa ka dambeeyay: Dareen, mise diirsasho?

Dowaladda Norway muddo dheer ayay mashquul ku aheyd sidii  shirkadaheeda batroolka baaraa ay uga howlgali lahaayeen Afrikada bari. Waxaa xusid in shirkadda WESTERN GECO ay ka sanadkii 1980 shidaal ka sahmisay Soomaaliya kuna guuleysatay. Wixii waqtigaas ka dambeeyay Norwey si aad ah ayay isha ugu haysay fursadaha qaaliga ah ee Soomaaliya ka soo muuqanayay, waxaase jiray caqabado ka hor istaagay in ay howl halkaas shirkadaheedu ka qabtaan. Sanadahaan dambe ayuu damacii shidaal doonista ee Norway sii laba lixaadsaday. Waxay Norway la shirkowday Kenya oo ay heshiisyo dhanka shidaal baarista ah la gashay, waxayna ku taageertay hanti badan iyo khubaro howsha shidaal baarista ku xeeldheer.

Dhaqdhaqaaqa shidaal baarista ee ka socday gobolka, Soomaalida badankeedu wey ka diimoonaayeen. Nasiibwanaagse waxaa jiray aqoonyahanno Soomaaliyeed oo arrinkaan si fiican uga warhayay, ishana ugu hayay.  Si kastaba ha noqotee, waxaa arrinka lagu wada baraarugay markii Kenya oo gacan ka heleysa waddanka ay shirkada yihiin ee Norway iyo waliba wakiillada QM ay heshiiskii IS-AF-GARAD ( MOU) ka saxiixdeen shaqsiyaad Soomaali matalaya oo aan waxba ka fahamsaneyn waxa ay qalinka ku duugayaan. Wuxuuna arrinku ka sii daray markii laga warhelay in dowladda Soomaalidu ay QM u gudbisay codsi qaldan oo taageeraya damaca Kenya ay ku sheegatay dhul-badeed uu badkiisu ku dhowyahay 38,000km2 ( soddon iyo siddeed kun kiilomitir oo laba jibbaaran). Qorshahaas dhagareed waxaa gacan ka geystay dowladda Norway iyo Qaramada midoobay oo u bareeray in Kenya ay ugu hiilliyaan boobkeeda bahalnimada ah, waana arrinkaas tan ay ku muteysteen in warbaahinta caalamku ay ku magacowdo Buracadda Qalinka. Waxaa xiiso gaar ah leh in shaqsiga abbaanduuliyaha ka ah dhagartaan ee isku dubbarididdeeda u xilsaarani uu yahay Ahmed Oloude Abdalla oo ah ninka maanta laga sugayo in uu Soomaaliya gaarsiiyo nabad iyo horumar. Reer ba’ow yaa ku leh!!

Soomaalidu waxay horay ugu maahmaahday “ Nin sigtay ma noola”. Waan sigannay oo Alle Weyne wuxuu naga samatabixiyay cadowyadii isi soo baheystay oo cududdoodii ugu cusleyd cagacaddaan waddanka looga ceyriyay, ceeb kaleba ha ka dabeysee. Waan sigannay, oo Rabbi wuxuu naga badbaadiyay Buracaddii Qalinka ee isku soo baheysatay in dhul-badeedkeenna ay boobaan. Arrintaas Alle Weyne ka sokow waxaa mahaddeeda leh intii u istaagtay, naf iyo maalna u hurtay. Waxaase loo baahan yahay in hadda wixii ka dambeeya aad loo feejignaado, waxna laga barto wixii la soo maray. Daad inta uusan ku soo gaarin ayaa la iska moosaa.

Halis miyaa hadda taagan ?

Ugu horreyn, marka la qiimeyno abaabuleyaasha iyo ergada shirka, waxaa soo baxaya in arrinku yahay “ Raggu waa raggii, raqduna waa raqdii”. Waa marka horee, ergada Soomaalida uga qaybgaleysa shirku waxay la mid yihiin kuwii ka horeeyay ee ka qaybgali jiray shirarkii luggooyo ee hore. Waa hubaal in ay jiri karaan dad samaddoon ah oo goobjoogeyaal ka ah shirarkaas, laakiin badanaaba ergada Soomaalida mataleysa waa kuwo ay ku yartahay aqoonta iyo waayo-aragnimada ay u leeyihiin arrimaha miiska saaran. Taas waxaa u raacda daacadnimo darro iyo daneysi kooxeed ama qof ahaaneed. Waxaana arrimaas ka dhalan kara in lagu degdego go’ aanno aan la fahmin ama laga aan fiirsan oo saameyn ku yeesha aayatiinka ummadda, sida heshiiskii IS-AF-GARAD, heshiisyadii sunta lagu aasay Soomaalya iyo kuwo kale ka sii halis badan. Waa marka labaade, waxaa muuqata in Buracaddii Qalinka iyo kuwo ka sii hawo badani ay weli howsha horboodayaan. Nin aad taqaannana yaad tahay lama yiraahdo.

Arrimaha muujinayaa in horarradii shalay ay hagardaameynta halkoodii ka wadaan wey badanyihiin, aanse ka soo qaadanno qoraal hordhac ah oo laga soo saaray qodobbada looga hadli doono shirka Istanbul. Qoraalkaasi  wuxuu sheegayaa: "Marka la eego xeebta dheer, Soomaaliya ma lahan aag ganacsiga ee gaarka ah EEZ (Exclusive Economic Zone) oo lagu sameeyay hab waafaqsan Xeerka Qarammada Midoobay ee sharciga badaha (UNCLOS). Dooddaani waxay la micno tahay in Soomaaliya uusan ka jirin xeer u qoran oo ku saabsan aagga ganacsiga  ee badda. Waxaa la iska indhatirayaa in Soomaaliya ay tahay dal xuduudihiisa dhulka iyo badduba ay calaamadeysanyihiin, waxaana sida muuqata aan la qirsaneyn in aagga ganacsiga ee badda Soomaaliya uu yahay 200 mayl badeed, in la sii kordhiyana warkeedaba daa.

Waxaan hore u soo sheegnay doorkii  Qaramada Midoobay iyo urrada gacansaarka la lihi ay ka geysteen iskudaygii dhicisoobay ee lagu boobayay badda Soomaaliyeed. Weyna muuqataa in iskudaygaasi uusan noqon doonnin kii ugu dambeeyay ee lagu duudsiinayo dadka Soomaaliyeed.haddii aan lala imaannin feejignaan iyo fiiro dheeri ah.

Maxaa Soomaali la gudboon?


Dhul-badeedka Soomaaliyeed Wuu Leeyahay Soohdin Cabbiran
| Bashiir Shiikh Maxamed

Walow ay jiraan cillado badan oon cidi inkiri karin, haddana waxyaalihii laga bartay dhacdooyinkii sanadihii la soo dhaafay waxaa ka mid ah, in haddii dadka Soomaaliyeed ay doc u wada jeestaan ay iska caabbin karaan cadow kasta oo duullaan ku ah. Cadowgaasi qori ha ku soo duulo ama qalinka wax ku duudsiiyee. Waa wax la fahmi karo in marxaladda qallafsan ee lagu jiraa ay keeneyso niyadjab, daal iyo isku-kalsooni la’aan badan. Waase in lagu baraarugsanaadaa in xaalku marayo “ cidi uma maqna , ceelna uma qodna”

Waxaan qabaa in xaalku uu meel halis ah marayo, loona baahanyahay in cidkastoo gacan ka geysan karta badbaadada umaddaani aysan wixii ay tari karto la bakheylin. Si gaar ah waxaan qaylodhaan ugu dirayaa dadka aqoonta iyo waxqabadka leh oo hubaal haddii ay iskaashadaan wax badan badbaadin kara. Nin la sugayow adna yaad sugi?

Dhanka kale, waa in si weyn looga feejignaado oo lala xisaabtamo qolooyin aan ku magacaabayo sheegato oo ummaddaan duminteeda u taagan, ayagoo sheeganaya in ay u daneynayaa. Kuwani waxay noqon karaan dowlado, ururro iyo shaqsiyaad shisheeye iyo sokeeyaba leh. Waxaanan si gaar ah u xusayaa damiirlaaweyaasha Soomaalida ah ee caadada ka dhigtay in aayatiinkii ubadkooda ay ku gorgoriyaan geed iyo goob kasta oo ay itaagaan. Kuwaas oo haddii aan si geesinnimo leh looga hortagin geli kara heshiisyo-dhagareed ka noqoshadoodu ay hadhow aad u adkaan doonto. Heshiisyada sida gaarka ah isha loogu haynaya waxaa ka mid ah, kuwa la xiriira xuduudaha sida kii IS-AF-GARAD, iyo kuwa kale ee iyaguna halista gelin kara madaxbannaadida ummadda Soomaaliyeed.

Waxaanan in hubaa Soomaalida wanaagga jeceli ay aad uga badantahay, inta yar ee dulmi-ku-noolka ah, waxaan Rabbi ka baryayaa inuu garansiiyo inaan danteenna iyo badbaadadeenna u istaagno, dariiqa toosanna nagu hago.

cibaar

Inj. Maxamed C. Cibaar

Mohamed_ebar@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 21, 2010

.. Sawirada:  www.bing.com & Google Earth / images
.. Eeg Agendaha shirka Istanbul
.. Warqad DRAFT ah ee shirka Istanbul EEG HALKAN

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: