Cumar C/rashiid: Kenya waxay VIOLATION (Xad Gudub) ku samaysay International Law (ee xuduudda badda)
Oct 28, 2009: Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo muujiyey in
lagu Khalday heshiiska Is-afgaradka
Oct 4, 2009: Madaxweynaha DFKMG: warqadda la
qoray waxay ku socotey UN-ka, ujeedaduna waxay ahayd dhul maqan
in la sheegto... dhinaca kalena waxay ahayd dhulka naga maqan
aan wada doonano oo wada sheegano, ma garan karo intaas wax
khiyaano ah oo ku jira....
Wafti uu hoggaaminayo ra'iisul wasaaraha DFKMG oo October 28,
2009 kulan la yeeshay jaaliyadda Soomaaliyeed ee deggan London, UK,
ayaa qiray in Kenya ay ku xad gudubtey Qaanuunka Caalamiga ah ee
xuduudaha badaha, kaddib markii ay cabirka baddeeda u dhigtay qaab
ka hor imanaya qaanuunka. Waxaana arrintaas qiray Cumar C/rashiid
Cali Sharmaarke mar uu ka hadlaayey heshiiskii Is-afgarad (MoU)
ee xuduudaha badda ee dhexmaray Kenya iyo Soomaaliya. Waxana uu yiri
"Kenya waxay runtii VIOLATION ku samaysay International Law."
Inta ayanaan u gudbin hadalka uu Ra'iisul Wasaaraha DFKMG
arrintaas ka yiri oo dhamaystiran, aan eegno hadaladii ay heshiiskii
badda ka yiraahdeen laba wasiir oo hadalka uga horeeyey oo ka hadlay
arrintaas.
Wasiirka
Boostada iyo isgaarsiinta, C/risaaq Cusmaan Juurile oo la
hadlayey jaaliyadda London, UK waxa uu yiri: "Waxaan maqlayaa baddii
ayaad gadateen. War ma gadan.. War Wallaahi ma gadan. Haddii ay
jiraan wax khalad ah oo aanu samaynay, bini'aadam ayaanu nahay oo
malihin masamayn karno, laakiin in qaabkii loo sixi jirey oo
wanaagsanaa loo saxo, haddii aan hal khalad ah galo ha igu wada
nicin, haddaan labo galo ha igu nicin, laakiin waxaad xaq iigu
leedahay in aad timaado oo igu qabsato oo ila saxdo oo ila
toosiso."
Kaddib
waxaa hadlay Wasiirka Iskaashiga iyo Xiriirka Caalamiga,
C/raxmaan C/shakuur Warsame oo yiri: "Waxaan rabaa (in aan ka
hadlo) arrin laga dhawaajiyey oo saaxiibkay wasiirku ka hadlay,
anigu waxaan ahay wasiirkii saxiixay heshiiskii lagu galay
Nairobi ee badda ku saabsanaa. Sida uu wasiirka sheegay xaq
ayaad u leedihiin dadka Soomaaliyeed in ay ka danqadaan waxa allaale
iyo wixii dhibaato ku ah qaranimadooda iyo hantidooda, aad iyo aad
ayaan ugu faraxsanahay runtii sida RADUL-FICLIGA ama reaction-ka
laga bixiyey in ay dadku ilaashadaan dhulkooda. Anigu wasiir ayaan
ahay, gole wasiir ayaan ka tirsanahay, prime-minister-kii oo idin
hor fadhiya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke amarkiisa ayaan aniga
ku saxiixay heshiiska, marka caawada isagaa idin hortaagan,
heshiiskaas wixii ku saabsan iyo waxa aad ka qabtiin waxaan
rajaaynayaa ra'iisul wasaaraha isagaa ka jawaabi doona.
Ra'iisul wasaaraha DFKMG ayaa markii uu hadalka qaatay waxa uu
yiri: "Waxaan hal ka dhehayaa arrintii badda oo uu hadda C/raxmaan
C/shakuur ka sharqamiyey".
Cumar
C/rashiid oo markaas ka hadlay heshiiskaas (MoU) waxa uu yiri:
"Arrintaas horta waxay ku timid aasaaskeeda anagoo joogna ayaa waxaa
noo yimid UN-ka ninka haysta Walad Cabdalla iyo nin khabiir ku ah
arrimaha badda, wuxuu nagu yiri 'war nimanyahow ma la socotaan in
bisha May 12-keeda in deadline (waqti kama dambays ah) uu jiro.'
Deadline-kaas oo haddii aynaan inaga codsan in naloo saa'idiyo waxa
la dhaho Continental Shelf, baddeena in ay u badan tahay in ay la
wareegto qolo la dheho
International
Seabed, oo Soomaaliya loo dhaafi doono 12 mayl inta kalena la
siin doono UN-ka hay'addaas inta dawladda Soomaaliyeed ay dib uga
soo codsaneyso. Runtii arrintaas waa codsanay in la cusboonaysiiyo."
"Waxa kale oo aan codsanay in annagu hadda waxaan haysanaa 200
mayl oo la yiraahdo Exclusive Economic Zone (EEZ), in annaga
dhulkeena uu intaas dhaafo laakiin aan la ogeyn meesha uu ku
dhammaado. Dhibka dhacay ayaa waxa uu noqday in aan anaga codsano
dhul 200 (mayl) ka badan waxay khasabtay in annaga,Yemen iyo Kenya
labadaba maadaama aanu xuduud leenahay oo ay dhulkeenaana haddii
dhulka la sii dheereeyo uu is gaaraayo in inta la kala saarayo aan
saxiixano waxa la dheho MoU. MoU-ga marna ma ahayn bad la bixiyey ee
waxa uu ahaa in aan UN-ta ka codsano in annaga dhulka nalooku daro
oo aynaan iska hor istaagin. Kenya waa run waxay damacsan tahay in
ay khalado xuduudka badda sida uu yahay," ayuu yiri ra'iisul
wasaaraha DFKMG.
Cumar C/rashiid oo hadalkii sii wata waxa uu yiri: "Kenya
waxay runtii VIOLATION ku samaysay International Law (Violation
= Sharci-jebin, heshiis jebin, xad-gudub, kutumasho xurmo la'aan ah,
waa sharaxaada qaamuuska afka Soomaaliga). Sharciyan baddu waxay
u go'daa hadba dhulka xuduudku sida uu u go'anyahay, haddii aan taas
raacno 90-digrii ayaan hoos u geleynaa iyaga dhulkooda, waxay
jeeceen line (Xarriiq) toos ah. Dacwo ayaan ka geyney in sharciga
runtii waxa uu raacsan yahay annaga sida aan rabno. Waxaan idiin
sheegayaa oo aad nooga seexanaysaan inta aan noolnahay ama aan
kursiga saaranahay taako dhul Soomaaliyeed ah ama bad Soomaaliyeed
ah in aysan qofna qaadan."
Marka la dhuuxo hadalka Ra'iisul wasaaraha DFKMG Cumar C/rashiid
waxa uu uu muujinayaa in DFKMG lagu khaldan heshiiska MoU
(Is-afgarad), taas oo uu sheegay in Kenya jabisay sharciga caalamiga
ah ee xuduudaha badaha, kaddib markii ay badda u cabirataay qaab ka
duwan sida uu dhigayo sharciga International Law. Waxa uu qiray in
Kenya jeexatay xarriiq toos ah (oo aadeysa dhanka Soomaaliya),
halkii ay ka ahaan lahayd in cabbirku maro xarriiq 90-digrii u jirta
xadka labada dal, xarriiqdaas oo u socota dhanka badda.
Su'aashu waxay tahay aaway wax ka qabadkii arrintaas ee
xukuumadda FKMG?
Waxa
kale uu Cumar C/rashiid qiray in Heshiiska MoU uu asaaskeeda lahaa
ergeyga Gaarka ah ee UN-ta u qaabilsan Soomaaliya Axmed Walad Cabdalla.
Arrimahaas oo
jira, ayaa madaxweynaha DFKMG Sheikh Shariif mar uu booqasho ku
tegey Minnesota, isagoo jaaliyadda Soomaaliyeed October 4, 2009 kula
hadlayey magaalada Minneapolis waxa uu yiri: “Dacayadaha waxaa ka mid ah, dhul
ayaa la gatay, bad ayaa la gatay, annagu waxaan u nimid
oo dawladdani u timidey in ay wax hagaajiso, in ay
horumar samayso, laakiin uma imaanin in ay bad iibsato,
haddii nin walba intuu idaacad qabsado wuxuu rabo ka
sheego asagoo aan xaqiiqada haynin waa dhibaato, qofkii
xitaa wax la xunyihiin waxaa fiican
in uu dawladda la soo xiriiro, macluumaad qaato,
talo bixiyo, laakiin dadka in la jaah wareeriyo waa
arrin aad iyo aad aan uga xunahay. Waxaad la socotiin
warqadda la qoray waxay ku socotey UN-ka, ujeedaduna
waxay ahayd dhul maqan in la sheegto, dawladda Kenya iyo
dawladda Soomaaliyeed weligood xuduud kama heshiin
weligood oo waad la socotiin mid bad iyo mid barri, waxa
laga hadlay waxay ahaayeen aan ka wada hadallo xuduudda
badda, dhinaca kalena waxay ahayd dhulka naga maqan aan
wada doonano oo wada sheegano, ma garan karo intaas wax
khiyaano ah oo ku jira.”
April 7, 2009 ayaa magaalada Nairobi waxaa heshiis Is-afgarad ku
kala saxiixday Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya iyo Wasiirka xiriirka
caalamiga ah ee DFKMG. Waxaa xigey in May 6, 2009 ay Kenya u
gudbisay Qarammada Midoobay (QM) akhbaar iyo Khariidad muujinaysa in
ay cabiratay dhul-badeed Soomaaliyeed oo baaxaddiisu dhantahay
116,000 oo laba jibbaaran. Arrintaas DFKMG go’aan ama qoraal rasmi
ah ilaa hadda kama soo saarin.
Agoosto 1, 2009 ayaa golaha Baarlamaanka DFKMG waxay si aqlabiyad
ah ku diideen in heshiiskaas is-faham uu yahay waxba kama jiraan
maadaama uu muran gelinayey badda Soomaaliyeed. Halkii Shacabka
Soomaaliyeed ka sugayeen in go’aankaas baarlamaanka loo gudbiyo QM
ayaa waxaa website QM lagu arkay warqad la saxiixay Agoosto 19, 2009
oo uu ku qoran yahay magaca Ra’iisul wasaaraha DFKMG laakiin uu qof
kale u saxiixay, warqaddaas oo garab siinaysay heshiiskii
Is-fahamka.
October 18, 2009 waraysi uu Cumar C/rashiid siiyey Aljazeera TV
ayuu ku sheegay in xukuumaddiisu u hoggaansameyso go’aanka
Baarlamaanka (Waa
sida uu faafiyey xafiiskiisu’e). DFKMG ilaa hadda (Oct 29, 2009)
QM uma gudbin go’aankii baarlamaanka ama qoraal ay ku muujineyso
diidmada cabbirka ay Kenya u gudbisatey QM
ee ku daabacay website-ka Qarammada Midoobay.