SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA

Sheikh Shariif:  Is-fahamkii Badda "Lagama hadli karo.... maxaayeelay waaba la baabi'iyey"

  • Su'aal ay Sheikh Shariif weydiisey Amaal Cali (Xisbiga Hanoolaato)
  • Waraysi Idaacadda British Broadcasting Corporation la yeelatay Sheikh Shariif

Sheikh Shariif oo Amaal Cali iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed Ka Qancin waayey Su'aal ku saabsanayd Heshiiskii Badda ee Xukuumadiisu la gashay Kenya oo ay weydiisey Amaal Cali

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Kumeelgaarka, Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo wafti uu hoggaaminayo oo booqasho ku tegey dalka Ingriiska (Maarso 8, 2010) ayaa la kulmay ra'iisul wasaaraha dalkaasi Gordon Brown iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee UK David Milband. Isla markaasna waxa ay la kulmeen jaaliyadda Soomaaliyeed.

Sheikh Shariif waxaa su'aalo la weydiiyey (Maarso 8, 2010) mar uu khudbad ka jeediyey Xarunta Chatham House ee London.


Amaal iyo Shariif: Isha Bartamaha (Video)

Amaal Cali oo ka tirsan Xisbiga Hanoolaato oo ka mid ahayd dadkii su'aalaha weydiiyey ayaa hadalkeedii waxaa ka mid ahaa: "Waxaad ku xad gudubteen (ama jebiseen) Dastuurka hadda ee Dawladda Federaalka kumeelgaarka, khaas ahaan Qodobka 2aad oo dhigaya in dhulka Soomaaliyeed oo uu ku jiro qalfoofka Qaaradda uu yahay laguma xadgudbaan, oo aan la kala qaybin karin. Is-faahamka (Memorandum of Understanding) ee aad la saxiixateen Dawladda Kenya waa sharci darro, waayo waxa uu ka hor imanayaa Qodobka 2aad, waxana (is-fahamku) shaki iyo mugdi gelinayaa dhulka Soomaaliyeed  oo uu kala qaybinyo ama dhibaato u geysanayo. Arrintaasi ma aha dimoqraadiyad, mana aha mid haysata taageero, sidaas daraadeed waa waxba kama jiraan."

Sheikh Shariif waxa uu Amaal Cali ugu jawaabey: "OK, OK, waa fiican tahay... Marka hore waxa lala galay Kenya heshiis ma aha ee waa is-faham, baarlamaanka ayaana diidey, markaa wax laga hadlo meesha ma yaalliin, hadduu heshiis fiican ahaa iyo hadduu heshiis xun ahaaba lagama hadli karo maxaayeelay waaba la baabi'iyey, taas ayaanu ku celcelinaynaa mar walba, aad ayaad u mahadsan tahay." (DHEGEYSO).

Ugu horayn waxaa muhiim ah in akhristayaashu fahmaan in Amaal Cali hadalka sida ay u dhigtay ay ku xustay in DFKMG iyo Kenya ay wada galeen heshiis Is Faham (MoU), waayo waxay Amaal fahamsan tahay in haddii Is-fahamkaasi dhaqan galo ay Soomaalidu ku waayi karto dhul baaxaddiisu dhan tahay 116,000 km2, waayo taariikhda ayaa ina baraysa in Is-fahamkii kan ka horeeyey oo ahaa Caruusha MoU 1967 in ilaa hadda uu ku maqan yahay dhul Soomaaliyeed oo baaxaddiisu dhan 384,000 km2 oo ku maqan Kenya.

Dhanka kale sida aan hoos ku arki doono Madaxweynaha DFKMG ilaa hadda majirto meel uu si rasmi ahaan ku ansixiyey xeerkii ay baarlamaanku ku diideen heshiiskaas is-faham, si markaas uu ugu soo baxo Faafinta rasmiga ah ee xukuumadda.

Waxaa halkaas ka cad in Sheikh Shariif uusan Amaal Cali iyo Shacabka Soomaaliyeed oo dhan ka qancin arrintii ay Amaal Cali qeexday ee ahayd in Heshiiskaas is-faham uusan ahayn sharci maadaama uu ka hor imanayo Qodobka 2aad ee Dastuurka DFKMG oo dhigaya sidan: (1) Wadajirka dhuleed iyo siyaaddada Jamhuuriyadda Soomaaliya waa laguma xadgudbaan, lamana qaybin karo. (2) Siyaaddada dhulka ee Jamhuuriyadda Soomaaliyeed waxay ka kooban tahay dhulka, jasiiradaha, dhul-badeedka, gunta dhulka, hawada sare iyo goobta ay qaaradda kaga taal.

Waxaa cad shacabka Soomaaliyeed in ay heshiiskaas "is-faham" aysan ka aamusi doonin oo ay ka hadli doonaan ilaa Sheikh Shariif uu ka saxiixayo xeerkii uu baarlamaanku ku diidey is-fahamkaas.

Waxaana is weydiin mudan: Mar haddii uu qiray in Is-fahamkaas la baabi'iyey, maxaa Sheikh Shariif ka hor taagan in uu saxiixo xeerkii diidmada, oo markaas uu nuqul u diro Qarammada Midoobey si adduunku u ogaado in Is-fahamkaas ay Soomaalidu baabi'isay. Hoos ka akhri falanqayn dheeraad ah iyo waraysigii Yuusuf Garaad la yeeshay Sheikh Shariif oo uu wax ka weydiiyey Is-fahamkaas.


London, March 10, 2010

Sheikh Shariif oo Ka hadlay Heshiiskii Badda: Heshiiskaas sida baarlamaanku u diidey ayuu noqonayaa

  • (Heshiiskaas is-faham): baarlamaanka maadaama la dhex geeyey oo uu diidey ma rabno in baarlamaanka iyo xukuumadda dhexdooda uu buuq ka abuurmo, markaa  sida baarlamaanku u diidey ayuu noqonayaa

Idaacadda British Broadcasting Corporation (Maarso 11, 2010) la yeelatay Sheikh Shariif - waa kaddib markii Amaal Cali ay Sheikh Shariif hor dhigtay sida is fahamkaasi ku noqonayo sharci darro)

Idaacaddu waxay madaxweynaha DFKMG weydiisey su'aal ku la xiriirta heshiiskii ku saabsanaa badaha iyo xuduudahooda oo dhex maray DFKMG iyo Kenya iyo in heshiiskaas looga haray sidii uu baarlamaanku u diirey, waxa uu ku jawaabay:

"Horta marka hore Is-faham ayuu ahaa, waxaan is leeyahay dadka Soomaalida waa dad shaki ku nool... dareen ku nool aan dhaho, dad badana waxay isku dayeen markiiba inay heshiiskaas wax ka sheegaan, arrintaasi waxay saamayn ku yeelatay baarlamaanka, baarlamaanka maadaama la dhex geeyey oo uu diidey ma rabno in baarlamaanka iyo xukuumadda dhexdooda uu buuq ka abuurmo, markaa  sida baarlamaanku u diidey ayuu noqonayaa. Haddii loo baahdo marka heshiiskii in dib loo soo celiyo waa in si wanaagsan looga wada hadlo, asagoo tafaasiil leh oo marka ugu horeysa golaha wasiirada si wanaagsan loogu falanqeeyey kaddibna markaa la geeyo Golaha baarlamaanka si dawladdii qaybaheedii kala duwanaa ula socdaan waxa lagu heshiiyey oo aysan uga faa'iidaysanin qola kale oo hore in loo dhaqaaqo aan ogolayn." (Dhegeyso).

Bishii Agoosto 1, 2009 ayey ahayd markii xildhibaanadda Baarlamaanka DFKMG ay si aqlabiyad buuxda ku diideen heshiiska Is-faham ee dhex maray xukuumadda FKMG iyo Kenya. Markaas, sida uu dhigayo dastuurka DFKMG, ayaa guddoomiyaha baarlamaanka Sheikh Aaden Madoobe waxa uu xeerkaas diidmada ah u gudbiyey madaxweynaha DFKMG si u u saxiixo oo markaas u noqdo xeer rasmi ah oo ku soo baxa FAAFINTA RASMIGA ah ee dawladda. Ilaa hadda (Maarso 11, 2010) ma muuqato in Sheikh Shariif saxiixay xeerkaas.

"Marka Golaha Shacabka uu soo saaro sharci waxaa loo gudbinayaa Madaxweynaha si uu u ansixiyo. Madaxweynahu labaatan iyo kow (21) maalmood gudahood, marka sharci loo soo gudbiyey si uu u ansaxiyo" Sidaas waxaa dhigaya qodobka 36aad ee dastuurka u dhigan xukuumadda Sheikh Shariif.

Waxaa xusid mudan in Waftigii Kenya markii ay xogtii ay wateen ka hor akhriyayeen Qaramada Midoobey (September 3, 2009) ay si weyn cuskadaan uga dhigteen Heshiiskii is-afgarad ee April 7, 2009 dhexmaray iyaga iyo Xukuumadda FKMG. Waxa kale oo Kenya ay arrintaas tiir uga dhigtay warqaddii August 19, 2009 uu qoray "Prof. Ibbi" ee garabka siinaysey heshiiska is fahamka. Ilaa hadda ma jiro qoraal rasmi ah oo dhanka xukuumadda FKMG oo arrintaas Kenya ka hor imanaya.

Agoosto 7, 2009 ayey ahayd markii Sheekh Shariif ayaa yiri: Heshiiskaas dantii laga lahaa waa laga gaaray waaba laga gudbay, hada waxaa loo baahan yahay si rasmi ah in loo diyaariyo ... yacni.. Is-Afgaraduu ahaa .., heshiis rasmi ah in hada ladiyaariyo ayaa loo baahan yahay. (Dhegeyso)

Oct 4, 2009: Madaxweynaha DFKMG ayaa yiri: warqadda la qoray waxay ku socotey UN-ka, ujeedaduna waxay ahayd dhul maqan in la sheegto… dhinaca kalena waxay ahayd dhulka naga maqan aan wada doonano oo wada sheegano, ma garan karo intaas wax khiyaano ah oo ku jira….

October 28, 2009 ayaa ra'iisul wasaaraha DFKMG Cumar C/rashiid oo la hadlayeeye Jaaliyadda Soomaaliyeed ee London isaga oo ka hadlaayey heshiiska Kenya waxa uu yiri “Kenya waxay runtii VIOLATION ku samaysay International Law (Violation = Sharci-jebin, heshiis jebin, xad-gudub, kutumasho xurmo la’aan ah, waa sharaxaada qaamuuska afka Soomaaliga). Safarkaas kaddib Cumar C/rashiid waxa uu sii maray Kenya manamuuqan meel uu si rasmi ah Kenya ugu caddeeyey in ay ku xad gudbeen badda Soomaaliyeed.

Dhanka kale bishan Maarso 2010 horaanteedii waxaa Norway safar ku tegey xildhibaan ka tirsan DFKMG, Xildhibaan Cabdi Abshir, ayadoo wararka ka soo baxay safarkaas ay la xiriiraan heshiiskii is-fahamka ee dhex maray Kenya iyo Soomaaliya oo ay Norway ku lug leedahay. Baarlamaanka DFKMG arrintaas weli war sugan kama soo saarin maadaama xubin baarlamaanka ka tirsan uu dalkaas booqday.

Xubno ka tirsan baarlamaanka DFKMG oo ka dhiidhiyey Heshiiska Kenya oo Qoraal u qoray Ban Ki Moon

Sheikh Shariif intii uu hayey xilka Madaxweynaha DFKMG waxaa baylah galay dhul-badeedka Soomaaliyeed, kaddib markii xukuumadiisu ay heshiis la gashay Kenya, heshiiskaas oo loogu magac daray IS-AFGARAD oo ku saabsanaa in Kenya cabiratay baaxad weyn oo ah dhul-badeedka Soomaaliya. Inkasta oo xildhibaanadda baarlamaanku ay muujiyeen geesinimo ay ku diideen heshiiskaas, kana dhigeen waxba kama jiraan, ayaa xukuumadda uu hoggaamiyo Sheikh Shariif aysan ilaa hadda (March 11, 2010) sharci ahaan oo qoraal ah u caddayn in ay heshiiskaas ka laabteen, isla markaasna aysan qoraal diidmada caddaynaya u gudbin Qarammada Midoobey.


Ban Ki Moon iyo Sheikh Shariif | Isha: innercitypress.com

Kaddib markii xukuumadda Sheikh Shariif iska dhega tirtay go'aankii baarlamaanka (oo weliba xeerkii diidmada baarlamaanka ee loo gudbiyey Sheikh Shariif uusan jawaab ku soo celin baarlamaanka sida uu dhigayo xeerka/dastuurka DFKMG loo sameeyey) ayaa xildhibaano ka tirsan Baarlamaanku waxay Sannadkii hore (bilihii dambe ee 2009) qoraal ay ku caddaynayaan mowqifka baarlamaanka DFKMG waxa ay u direen Xogyahaya Guud ee Qaramada Midoobay iyo qaybta UN-ta u qaabilsan Badaha.

Ilaa hadda Qaramada Midoobay arrintaas jawaab kama bixin, qoraalkii xildhibaanadana kuma daabicin bogga qaramada Midoobay, sida ay xildhibaanadu codsadeen - FG: Qarammada Midoobay waxay si fudud oo degdeg ah u daabaceen qoraalkii uu u gudbiyey Cumar C/rashiid ee baylahda gelinayey badda Soomaaliyeed iyo qoraalkii ka dambeeyey ee kaas taageerayey oo sida ay xildhibaano sheegeen uu saxiixay Prof. C/raxmaan Ibbi, inkasta oo lagu qoray magaca ra'iisul wasaaraha DFKMG - Laakiin Qaramada Midoobay tii arrintaas lagu burinayey ama lagu diidanaa weli ma daabacin, jawaab sugana ma siin xildhibaanadda.

Waxaa soo dhaw sannad guuradii koowaad ee ka soo wareegtey xilligii ay DFKMG saxiixeen heshiiska Is-afgarad ee ku saabsan dhul badeed Soomaaliyeed ee baaxadiisu dhantahay 116,000km2. (Akhri qoraaladdii badda).

Maxaa hadda la gudboon Sheikh Shariif

Madaxweynaha DFKMG mar haddii uu qirsan yahay in heshiiskaasi noqonayo sida baarlamaanku u go'aamiyey waxaa arrintaas kala gudboon in uu wareegto rasmi ah ka soo saaro isagoo saxiixayo xeerkii uu guddoomiyaha baarlamaanku u gudbiyey (Diidmadii baarlamaanka ee heshiiska Is faham), si markaas ay u noqoto rasmi la tixraaco. Dhulka Soomaaliyeed ma aha in uu galo gorgortan.


Markii la diidey heshiiskii is fahamka
http://somalitalk.com/2009/may/13/badda87.html

Xildhibaanada Barlamaanka oo xukuumada Cumar Cabdirashid Ku eedeeyey in ay dib u soo nooleysay Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya Akhri

Xafiiska Walad Cabdalla oo Qiray inaan Heshiiska Is-afgarad Lagu Qasbin Dowlada Kumeelgaarka ah iyo Norway Shidaal ka baari doonta Xadka marka lacabiro Akhri

UN: Daawo Su'aalo Dalka Norway laga weydiiyey Heshiiskaas (Jan 28, 2010)

Faafin: SomaliTalk.com | Maarso 12, 2010

LIFAAQ 1:

Haddii heshiiskaas is fahamka lagu socodsiiyo Soomaalida, markaas dhulka Soomaalidu ay waayi karaan waa dhul badeed baaxaddiisu dhan tahay 116,000 km2. Si loo fahmo baaxadda cabirkaas, waxaan tusaale u soo qaadanaynaa qiyaas cabirka bedka dhulka Soomaalida guud ahaan, sida ku qoran buugga uu qoray Khaalid Cali-Guul Warsame (2003 Denmark) oo cinwaankiisu yahay Taxanihii Taariikhda Soomaaliya,  waxaa ku qoran sidan:

Bedka Dhulka Soomaalida:
Jamhuuriyadda Soomaaliya: 640,000 km2
Jamhuuriyadda Jabuuti: 23,000 km2
NFD (dhulka ku maqan Kenya): 384,000 km2
Soomaali galbeed (ku maqan Itoobiya): 416,000 km2
Jasiirada Suqadara (oo ay sheegato Yemen): 2,655 km2

Halkaas waxaad ka arki kartaa baaxadda lagu waayi karo Isfahamka Kenya iyo Soomaaliya in ay dhan tahay dhulbadeed cabirkiisu shan-jeer (5) ka weyn yahay bedka dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

LIFAAQ 2:

QODOBKA 36 ee Dastuurka DFKMG oo ku saabsan SHARCI DEJIN
  • 1. Marka Golaha Shacabka uu soo saaro sharci waxaa loo gudbinayaa Madaxweynaha si uu u ansixiyo.
  • 2. Madaxweynahu labaatan iyo kow (21) maalmood gudahood, marka sharci loo soo gudbiyey si uu u ansaxiyo sida ku qeexan qaybta (1), waxaa uu u cadeynayaa Gudoomiyaha Golaha Shacabka in uu ogaaladay ama diiday sharcigaas.
  • 3. Haddii Madaxweynaha diido inuu ku ansaxiyo sharci la soo hordhigay afar iyo toban (14) maalmood gudahood, wuxuu qoraal tilmaamaya faritaanada sharcigaas ee ay la tahay in dib loo eego si wax looga beddelo uu u gudbinayaa Gudoomiyaha Golaha Shacabka.
  • 4. Golaha Shacabka wuxuu dib u eegayaa sharciga Madaxweynuhu ku soo celiyey iyadoo tixgelinaya faalada Madaxweynaha waxayna :
  • a) Ogolaanayaa soo jeedinta madaxweynaha iyagoo wax ka beddelay ama aan wax ka beddelin, kuna celinaya mar kale Madaxweynaha si uu u ogolaado, ama
  • b) Diidayaan soo jeedinta Madaxweynaha waxayna ansixinayaan sharcigii hore oo aan waxba laga bedelin iyadoo lagu meel marinayo cod bixin aan ka yareyn 65% xidhibaanada Golaha Shacabka taasoo Madaxweynaha ogolaan doono sharciga afar iyo toban (14) maalmood gudahood maalinta sharciga la soo gudbiyey.
  • 5. Faafinta sharci uu sameeyey Golaha Shacabka ma dhaqan geli karo ka hor inta aan lagu daabicin faafinta rasmiga ah ee dowaladda.

Tixraac: Dastuurka DFKMG: 2002: www.somalitalk.com/dastuur/tfg.pdf – 38 bog.


Ururka ay ka tirsan tahay Amaal Cali, oo lagu magaacaabo Ururka Wadaniyiinta Soomaaliyeed (Hanoolaato) waxaa magaalada London lagu asaasay April 26, 2008.

Daawo Amaal Cali iyo Jawaabtii Shariifka

Hadalkii Sheikh Shariif ka jeediyey CHATHAM HOUSE March 8, 2010: oo qoraal ah AKhri

Interview Channel 4 UK with Sharif

Khudbaddii Sheikh Shariif u jeediyey Jaaliyadda Soomaalida London Maarso 10, 2010 (DAAWO)

 

BAARID | SEARCH


Addis Ababa: Sheikh Shariif oo Sannad Guuradiisii Koowaad la Qaatay Zenawi.... Feb 2, 2010

TVCodadka iyo Video Ku Saabsan Heshiiska Is-Afgarad ee Ku Saabsan Badda ee Dhex maray DFKMG iyo Kenya....


aadan

Guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG oo Shaaca ka Qaaday in Heshiiskii Dhexmaray Soomaaliya iyo Kenya uu Ku Saabsan yahay Xadayn Badaha...
iyo in Isniinta June 15, 2009 uu Baarlamaanku ka doodi doono heshiiskaas..
Akhris/Dhegeysi


Walad Cabdalla oo sheegay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay... waa akhbaartii hore loo sheegay in uu isagu bilowgeeda lahaa... iyo in shirkadda batroolka Norway ay..
Video/Akhris


Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad..
iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...: Admiral Faarax Qare oo Sheegay in Bedka Badda Soomaaliya yahay 2,000,000 km2, Xuduudda Baddeenuna ay Caddahay....
Akhri/Daawo


aadan

Sh. Aaden Madoobe oo Sheegay in Baarlamaanka DFKMG yeelan doono kulan ku saabsan Heshiiska is-afgarad
"Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe, ayaa sheegay in xildhibaanno ay mooshin ka keeneen in laga hadlo is af garadkii dhawaan dhexmaray Kenya iyo Soomaaliya" waraysi uu siiyey Yuusuf Garaad....
Dhegeyso ama soo rogo (mp3)


Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay
"Waa run (Kenya) badda Soomaaliya khalad bay ka gelayaan oo waa soo gelayaan." "Waa RUN iyada hadda xarriijinta ay samaysay ee hadda map-yada addunyada la soo geliyey kii (Kenya) wuu ka soo durkoo toos ayuu u socdaa," Prof. Ibbi Akhri/Daawo...


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya


Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version



Waxaan ku baaqeynaa in Heshiiska badda ee dhexmaray dowladda Kenya & DFKMG loo soo bandhigo culimaa’uddiinka iyo qaanuunyahanno, kadibna baarlamaanka DFKMG.. Akhri