Salaadda waxay ka mid tahay guud ahaan marka laga hadlayo cibaadada kuwa ugu
muhiimsan, waana marka laga eegayo aragtida islaamka. Waxaa salaadda lagu soo
waajib yeelay samada ama cirka, waxayna ahayd habeenkii Nebi Muaxammad (scw) la
dheelminayay, iyadoo lambarka koowaad ka gashay cibaadadii kale ee tiirarka
islaamka. Sababta loogu beegay waajibinta salaadda cirka ama samada ayaa ka
tusinaysa ahmiyad goonni ah oo ay wadato salaadda.
Madaxda xukuumadaha maanta
dunida kajira, markay soo korodho xaalad degdeg ah oo aad u muhiim ah, waxay
durbadiiba u yeertaan danjirayaashooda/safiiradooda. Tani waa tan uu bini
aadamku si fudud u fahmikaro, ee aan eegno dheelmidii nebi Muxamad.
Nebi Muxammad (scw)
maadaama uu yahay safiirkii ummadda islaamka, ayuu Eebbe (sw) ugu yeeray arrin
degdeg ah, aadna muhiim u ah, kadib markii loo dheelmay xagga samada, si uu si
toos ahaaneed ula soo hadlo Rabbigii sarreeyay, ayna uga wada hadlaan arrinta ku
saabsan waajibinta salaadda ee ummadda islaamka. Halkan waxaa mudan inaan xusno,
in markii hore lagu waajibiyay oo loo soo dhiibay Rasuulka (scw) 50 salaadood,
hase ahaatee wuxuu la kulmay Nebi Muse (cs), isagoo kula taliyay inuu u laabto
xagga Alle (sw), uuna weydiisto inuu ka khafiifiyo tirada salaadaha, maadaama uu
isagu soo arkay qoomkiisii reer Banuu Israa’iil. Sidii ayuu Rasuulka (scw) ugu
noqday Eebbe (sw), isagoo sidaas sameeyay dhowr jeer, jeer markii danbe loo soo
dhiibay salaado shan, laakiin xagga ajarka ay ka yihiin 50 salaadood oo kale. [
Tixgelinta islaamka ay ku leedahay salaadda
Rukniga ama tiirka Salaadda waxaa la waajibiyay 3 sanno kahor waqtigii
hijrada. Waana cibaado ay la iman jireen ummadihii naga horeeyay iyo
Nebiyadoodaba, sidoo kale ay waajib tahay inay la yimaadaan ummadda Nebi
Muxammad (scw). Meel weyn ayuu islaamka gaarsiiyay ahmiyadda cibaadada salaadda,
isagoo digniin iyo gooddi daranna uga digay ciddii ka tagta, ee aan la imaan
salaadda. Salaaddu waa saldhiga ugu weyn ee diinta islaamka, waa furaha Jannada,
dhinaca kale salaaddu acmaasha la qabto ayeey ugu kheyr badan tahay, waana
camalka ugu horreeya ee addoonka la weydiin doono maalinta aakhiro. Dhammaan
tiirarka kale ee aan ka ahayn salaadda waxaa lagu waajibiyay isagoo Nebiga (scw)
saaran dhulka, halka salaadda keligeed loogu waajibiyay isagoo ku sugan samada
ama cirka, waana habeenkii la dheelmiyay suubbanaha Nebiga (scw), waxayna taasi
ku tusinaysaa miisaanka culus ee ay wadato salaadda.
Nebiyadii hore iyo Salaadda
Nebiyadii hore dushooda nabadgelyo iyo naxariis Eebbe (sw) ha yeelee si
goonni ah ayeey u qaddarin jireen ilaalinta salaadda. Matalan, waxaynu qur’aanka
ka heli karnaa tusaalooyin fara badan oo arrintan la xiriirta. Matalan waxaynu
arkaynaa Nebi Ibraahim (cs) oo ku duceysanaya “Rabbiyow waxaad iga dhigtaa
kuwa salaadda ooga, sidoo kale ubadkayga, Rabbiyoow naga aqbal ducadayda” Suuradda Ibraahim lambarka 40. Sidoo kale, wiilkiisa Ismaaciil (cs) ayuu misna
Eebbe (sw) ku ammaanayaa inuu ehelkiisa fari jiray salaadda, wuxuuna yiri “Wuxuu
(Ismaaciil) fari jiray reerkiisa salaadda iyo zakada, Rabbi agtiisana wuxuu ahaa
mid looga raalli yahay”. Suuradda Maryama aayadda 25.
Markii ugu horeysay ee loo waxyoonayay (Eebbe la hadlayay) Nebi Muse (cs)
wuxuu Eebbe (sw) faray inuu oogo salaadda, wuxuuna ku yiri “waan ku doortow (Muusow)
ee maqal waxa laguu waxyoonayo, Annigu waxaan ahay Allaha aan anniga mooyee
Ilaah kale jirin ee anniga i caabud, salaaddana oog xuskayga” Suuradda Daha
aayadaha 14 iyo 15. Sidaas oo kale ayaan qur’aanka ku arkaynaa dardaarankii
addoonkii wanaagsanaa ee Luqmaan, markii uu u dardaarmayay wiilkiisa, waxaana
hadalladiisa ka mid ahaa “wiilkaygayow oog salaadda, macruufkana far (dadka)
munkarkana ka reeb (dadka), wixii dhibaato ku soo gaartana u sabar, sidaas ayaa
ummuuraha kuwooda loo qasdo”. Suuradda Luqmaan aayadda 17. Nebi Ciise (cs)
markii ugu horeysay ee uu hadlay isagoo ku sugan dhabta hooyadii, hadalladii
waxyiga ahaa ee uu qur’aanka noo sheegay waxaa ka mid ahaa “waxaa la ii
daardaarmay salaadda iyo zakada intaan noolahay”. Suuradda Maryama aayadda 31.
Ugu danbeyntii waxaa Suubbanaha Nebigeena Muaxammad (scw) la faray inuu isna la
yimaado salaadda, wuxuuna Alle ku yiri “Akhri (Muxammadow) wixii xaggaaga la
waxyooday oo kitaabka ah, salaaddana oog, maxaa yeelay salaadda waxay (dadka ka)
reebtaa xummaanta iyo waxa la naco...” Suuradda Al-Cankabuut aayadda 45.
Dhinaca kale, wuxuu Eebbe (sw) sii adkeynayaa ahmiyadda salaadda ugu leedahay
xagga sifada ama tilmaanta Alle-ka-cabsiga (taqwa), wuxuuna Eebbe (sw) leeyahay
“(qur’aanka) waa hanuun dadka Alle ka cabsada, waa kuwa rumeynaya waxa
qaybka (qarsoon aan la arkeyn ee xaqa ah) ah, salaaddana oogaya, lana baxaya-na
wixii aan ku arsaaqnay xaggiisa” Suuradda Al-Baqara aayadaha 2 iyo 3.
Markale
salaadda iyadoo aan aan eegayno, wuxuu qur’aanka ku billaabayaa, misna ku
gabagabeenayaa sifooyinka dadka liibaanay, waana billoowga suuradda Al-mu’minuun.
Waqti iyo xaalad goonni ah ma laha salaadda
Haddaba, qofka muslimka ah markasta iyo xaalad kasta waa laga doonayaa la
imaanshaha salaadda, hadduu negaasho yahay, iyo hadduu safar yahay-ba, hadduu ku
jiro xaalad cabsi, iyo hadduu ku jiro xaalad nabadeed, hadduu nabadgelyo haysto,
iyo hadduu ku jiro xaalad colaadeed, hadduu buko, iyo hadduu caafimaad qabo,
intuba waa inuu la yimaadaa salaadda. Wuxuu Eebbe (sw) isagoo na faraya inaan
ilaalinno salaadaha yiri “xifdiya salaadaha (shanta ah) iyo salaadda dhexe (ee
sharafta badan, waana salaadda Casar), una istaaga Eebbe (sw) dartii idinkoo u
khushuucsan”. Al-Baqara aayadda 238 iyo 239. Taasna waxaa loola jeedaa, inaan
xaalad kasta aan jirno ilaalinno salaadaha faralka ee shanta ah. Ma awoodi
wayday inaad istaag ku tukatid, ku tuko fadhi, xittaa haddaad awoodi wayso inaad
fadhi ku tukatid, waa inaad u tukataa dhinac-dhinac, ama-ba aad ku tukataa si
ishaaro ahaan ah, siday culumada islaamka yiraahdeen oo kale.
Gooddiga haysta qofkii ka taga salaadda
Maadaama aan sidaas u soo aragnay ahmiyadda ay u leedahay ilaalinta iyo
xifdinta salaaddaa, sidoo kale-na aynu soo aragnay siday ummadihii hore iyo
nebiyadoodiiba ay u ilaalin jireen salaadda, ayaa wuxuu haddana qur’aanka
gooddi daran u jeedinayaa kuwa iyaga aanan ilaalin salaadda, isla mar ahaantaana
aan waqtigeeda ku tukan, ama-ba aan gebi ahaanba u tukan. Wuxuu Eebbe (sw)
isagoo uga digaya kuwaas aanan ilaalin waqtiyada salaadda ku yiri “ halaag
waxaa u sugnaaday kuwa tukanaya (ee munaafiqiinta ah), ee haddana halmaansan
salaaddooda” Suuradda Al-Maacuun aayadda 4 iyo 5.
Markii uu Eebbe (sw) soo magacaabay Nebiyaal fara badan, isagoo ku amaanay
acmaashoodii wanaagsanayd ee ay soo sameeyeen, ayuu misna wuxuu Nebiyadaas
gadaashood Eebbe (sw) ku xusay kuwo kale oo garabmaray wadiiqadii Nebiyadaas ee
suubbanaa, wuxuuna yiri “waxaase ka gadaal maray (nebiyadaas) kuwo xun oo
dayacay salaadda oo raacayna shahawaadkooda (waxay naftoodu jecleyd), kuwaas
waxay la kulmi doonaan (aakhiro) shar”. Suuradda Maryama aayadda 59.
Haddaba, haddii aad doonaysid inaadan lagula kulmin shar iyo tog weyn oo ku
yaala naarta Jahannamo, Ilaahay ha naga badbaadiyee, waxaad ku dadaashaa
salaadda, oo ilaali waqtigeeda iyo axkaamteeda.
Haddii aan dib u milicsanno xagga axaadiista, waxaa hubaal ah inaan arkayno
iyadoo uu Rasuulka (scw) ka dhigayo salaadda waxa lagu kala sooco qofka muslimka
ah, iyo kan aan ahayn. Xaddiis uu werinayo Imaam Axmed iyo Muslim iyo sidoo kale
Asxaabu-sunanku, wuxuu Rasuulka (scw) yiri “qofka iyo shirkiga iyo kufriga
waxaa u dhaxeeya iyadoo laga tago salaadda”. Xaddiis kale oo saxiix ah, ayna
werinayaan imaamyada shanta, wuxuu Rasuulka (scw) yiri “ballanta annaga (muslimiinta)
iyo iyaga (gaallada) noo dhaxeysa waa salaadda, qofkii ka taga-na waa gaaloobay”.
Maalin maalmaha ka mid ah isagoo Rasuulka (scw) ka hadlaya mustaqbalka uu ku
danbeyn doono qofka xifdiya oo ilaaliya salaadda iyo kan aan ilaalin ayaa wuxuu
yiri “qofkii xifdiya (salaadaha shanta) waxay u noqon qofkaas (aakhiro) iftiin,
xujjo iyo nabadgelyo maalinta qiyaamaha, qofkiise aan xifdin (salaadaha shanta)
uma u noqoto qofkaas (aakhiro) iftiin, xujjo iyo nabadgelyo-ba, wuxuuna
noqonayaa maalinta qiyaamaha la jirka Qaaruun, Fircoon iyo Haamaan (wasiirkii
Fircoon) iyo Ubayu Binu Khalaf”. Culumada islaamka waxay iyagoo xaddiiskan
fasiraya yiraahdaan “qofkay hantidiisu salaadda ka mashquuliso wuxuu noqonayaa
(qiyaamaha) la-jirka Qaaruun, qofkay boqortooyadiisu salaadda ka mashquuliso
wuxuu noqonayaa la-jirka Fircoon, iyo qofkay madaxtinimo iyo howlo wasaarado ay
salaadda ka mashquuliso wuxuu noqonayaa la-jirka Haamaan, iyo ugu danbeyntii
qofkay ganacsigiisu salaadda ka mashquuliso wuxuu noqonayaa la-jirka Ubayu Binu
Khalaf.
Salaadda la iska doonayo
Salaadda uu Islaamka doonayo ma ahan salaadda lala imaanayo oo keliya
xarakaadka iyo qiraa’ada qur’aanka, isla mar ahaantaana aan wadan khushuuc
iyo isu-dulleyn xagga Alle ah. Balse, salaadda uu islaamka doonayo, uuna
aqbalayo waa tan wadata khushuuca iyo iyadoo lala yimaado dhammaan axkaamta
salaadda. Cabdullaahi
Binu Cabbaas Ilaah ha ka raalli noqdee wuxuu yiri hadal uu
macnahiisu ahaa “labo rakcadood oo si khushuuc leh loo dhammeystiray ayaa
waxay ka kheyr badan yihiin dunida iyo waxa saaran”.
Rasuulka (scw) salaadda ayaa u ahayd waxa uu ku il-qabowsado, wuxuuna ku oran
jiray mu’adinkiisa Bilaal “noogu raaxeey Bilaalow”. Qofka mu’minka
dhabta ah markii uu salaadda galo, wuxuu gebi ahaanba ka baxaa dunida uu joogo.
Wuxuu si khushuuc ay ku dheehan tahay ula faqaa/hadlaa Allihii sharafta badnaa
ee isaga abuuray, isaga ayuu weydiistaa waxa uu u baahan yahay, dhibaatooyinka
iyo muragada haysatana wuxuu weydiistaa inuu ka qaado. Salaadda dhabta ah waxaa
laga helaa xasilooni iyo degganaansho xeel dheer.
Qofka wuxuu salaadda ku
galayaa takbiirta (allahu akbar) [