SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYA

"Wasaaradda Arrimaha Dibadda Faransiiska ayaa ii Sheegtay in Badda Soomaaliya la doonayo in loo sameeyo cabbir cusub" Dublomaasiyad Soomaaliyeed oo ku sugan Faransiiska..

  • "Shirkii Xamar ka dhacay ee wadatashiga loo bixiyey yoolkiisu waxa uu ahaa in ay saxiixaan xuduud beenaadkii Kenya iyo Itoobiya aan la lahayn iyo biyihii badda."

"Xukuumadda FKMG oo Saxiixday in Soomaaliya laga Gooyo Qayb ka mid ah Badda Soomaaliyeed" Qamar Haashim

Dublomaasiyad Soomaaliyeed oo magaceeda la yiraahdo Qamar Haashim kuna sugan magaalada Paris ee dalka Faransiiska ayaa sheegtay in ay heshay cadaymo rasmi ah oo tibaaxaya in DFKMG ay saxiixayso xuduud beenaadkii Soomaaliya la lahayd Kenya iyo Itoobiya iyo xuduudka Badda Soomaaliya.

Somalia mapQamar oo waraysi siisay Idaacadda Alfurqaan ee Muqdisho ayaa tiri Arrintaasi "Waxay igu soo gaartey qaar kamid ah xildhibaanada iyo odayaasha ku jira aqablka Senate-ka ee dalka Faransiiska, kuwaas oo si gaar ah iigu soo sheegay in la saxiixi rabo xuduudaha beenaadka berriga ee Soomaaliya".

Ayadoo hadalkeedii sii wadata waxay tiri " Bishii Ramadaankana bartamaheedii ayaa sidoo kale waxaa Xildhibaano Talyanai ahi iiga soo sheegeen Roma in la saxiixaayo xuduudkii biyiha badda" Soomaaliya.

Waxay intaas raacisay "Shirkii Xamar ka dhacay ee wadatashiga loo bixiyey yoolkiisu waxa uu ahaa in ay saxiixaan xuduud beenaadkii Kenya iyo Itoobiya aan la lahayn iyo biyihii badda. Tan biyaha ma aha aagga dhaqaalaha oo keliya ee waxa laga hadlayaa waa in xuduuddii guud la sameeyo oo guud ahaanba loo cabiro, waxaana laga codsaaday Norway in ay samayso cabbirka."

Qamar ayadoo cadaynaysa in Faraansiisku ka mid yahay dalalka wada qorshaha in badda Soomaaliya la cabiro waxay tiri "Ragga raba in biyaha Soomaaliya la cabiro waa dadkan aan aniga la joogo oo aan dalkooda ku noolahay ee martida u ahay (Faransiiska), ayaga ayaa si toos ah markii ay Ramadaankii ka hor wasaaradda Arrimaha dibadda igu qaabileen si cad iigu sheegay arrintaas."

Waxay Qamar sheegtay in shirkii Muqdisho waxa ka soo baxay oo ahaa Roadmap, taas ayaa Ra'iisul wasaaraha DFKMG uu la tegey Qarammada Midoobey, halkaas oo markaas Qarammada Midoobay ay si cad u tiri waa in la cabiraa biyaha badda Soomaaliya..

Qamar waxay sheegtay in waraaqaha uu ra'iisul wasaahau la tegey Qarammada Midoobey in la sheegay oo keliya in laga ansixiyey golaha wasiirada, laakiin in lagu tuntay xuquuqdii golaha baarlamaanka oo aan arrinta lagala tashan ama laga ansixin oo la garab maray, oo golaha baarlamaanku aysan arrintan ansixin.

Bishii December 2009 ayey ahayd markii ay Faransiiska ka soo yeertay in Soomaaliya aysan lahayn 200 nm oo ah badda ayagoo doonayey in ay uran geliyaan badda Soomaliya. Laakiin mar dambe ayaa arrintaas waxaa ka laabtay madaxweynaha Faransiiska Nicolas Sarkozy mar uu magaalada Tripoli kula kulmay Muammar Qaddaafi oo xilligaas ahaa madaxa ururka Midowga Afrika. Sarkozy waxa uu markaas Qaddaafi u xaqiijiyey in uu aqoonsan yahay 200 nautical mile oo badda ah (inkasta oo uu yiri waa EEZ. Halka Soomaaliya ay 1972 QM u gudbisay xeerkii badda oo dhigayey in 200 nautical miles uu yahay TERRITORIAL WATERS) - waxaa halkaas ka muuqatey in Zarkozy uu qirsanaa 200 nautical miles, su'aasha is weydiinta leh ayaa ah maxaa hadda keenay in madaxda Soomaaliyeed aqbalaan in cabbir cusub loo sameeyo bad inoo xadidnayd ilaa 1972. Tan kale oo jirtaan ay tahay in adduunku inoo ogol yahay 350 nautical mile.

"Roadmap-ka in aan ka dhabaynaa danteena ayaa ku jirta, ma ah wax nalaku khasbaayo" RW GAAS..

September 17, 2011 Idaacadda Codka Maraynka ee VOA ayaa oo waraysi la yeelatey ra'iisul wasaaraha DFKMG C/weli Gaas oo ku sugnaa Washington (Virginia) waxa ay weydiisey su'aal ahayd in uu Qarammada Midoobey u ballan qaaday in ay fulinayaan Roadmap-ka, waxa uu ku jawaabey "Khasab ayey nagu tahay in aan ka baxno Transitional-ka, 10 sano ayaan ku jirnaa Transition. Maxaa loogu baahan yahay in Kumeel-gaarka (transitional-ka) loogu gudbo? Waxaa loogu baahan yahay sababtoo ah dawlad dhab ah ma ahin, xiriir laba-dhinac ah (Bilateral ah) amase xiriir lama geli karno waddama qaarkood. Sababtoo ah ma ah in sidii dawlad "permanent". Xataa adduunka haddii aynaan ka helin mucaawanada aan u baahanahay annaga Soomaali ahaan ayey khasab nagu tahay in aan ka baxno waxa aanu ku jirno oo aanu noqono dawlad dhab ah oo dalkeeda iyo dadkeeda gaarsiin karta horumar dhan walba ah ama dhalka ijtimaaciga, dhaqaalaha iyo dhanka siyaasaddaba. Marka roadmap-ka in aan ka dhabaynaa danteena ayaa ku jirta, ma ah wax nalaku khasbaayo, annaga Soomaali ahaan ayaa dani noogu jirtaa." (DHEGEYSO).

Roadmap-ka waxaa ku qoran in 19-ka December 2011 lagu dhawaaqo cabirka badda Soomaaliya oo ah EEZ, taas oo lagu baabi'inaayo sharcigii badda Soomaaliya u dhignaa 40-ka sano.

"Haddii Aynu 200nm Sheeganno, Baddeennu waxay gelaysaa Jidda, Sucuudi Arabia" Ra'iisul Wasaaraha DFKMG

Faafin: SomaliTalk.com | September 17, 2011

 

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


 Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: