SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SoomaaliYA

Abwaan Badmaceeye “Baddeena Ma Gadanto Mana  Is Dhinto”

Maxamuud Warsame  Faarax oo ku Magacdheer Badmaceeye  oo ka mid Siyaasiyiinta Soomaaliyeed isla markaana ah Abwaan Soomaaliyeed ayaa wax ka weydiiyey arrimo la xiriira Duulaanka la rabo in lagu soo qaado Badda Soomaaliya taasoo ay wado Dowladda Federaalka Ku meel Gaar iyo Dowlado Shisheeye maadaama uu hore wax uga yiri Wejigii hpre ee lagu doonayey Badda Soomaaliya in lagu boobo isla markaana ka tiriyey Gabey uu ku Cabirayo Arimahaas wuxuuna yiri”Dowladd aan Dasuur lahayn ma geli karto wax Heshiis  ah markii Afti loo qaado Dasuurkaas,haddii Dastuurkaas uu u ogolaado in Dowladda Heshiis geli karto iyo in kale  markaa ha la gaaro laakiin inta ka horeysa Dowladda Heshiis ma geli karto waayo waxaan Aaminsanahay in  Dalka uu  Koomo ku jira marka Dal  aan Miyir lahayn wax Heshiis ah ma geli karo markii Dalkaan Koomada ka  baxo Ilaah ha nagaarsiiyo”

“Baddeena ma Gadanto , Isma dhinto sidaa darteed waxaan la yaabanahy dadka maanta ororanayo Baddeena ha la Xadeeyo waa kuwa aan ka war qabin waxa laga soo marey Heshiiskii hore ee Sanadkii 1972 dii  marka Heshiis ay hore Qaramada Midoobey u ogeyd ma garan karto in Dib wax looga badelo”ayuu yiri Abwaan Badmaceeyey oo intaa raaciyey “Waxaan u soo jeedinayaa Xeer Ilaaliya Qaranka in uu isha ku hayo waxa lala damacsan yahay Badda Soomaaliya waayo waxaan ka rabnaa in uu meel saaro wixii Xad gudub ahaa ee lagula kacay Badda Soomaaliyaa oo gaarya Bilyanis Doolar “

Ugu Dambeyn Waxaan Shacabka soomaaliyeed u soo jeedinayaa in inta aan la gaarin 19 Desmber in ay u guntadana sid looga hortigi lahaa Qowleysata Badda Soomaaliya sidoo kale waxaan soo jeedinayaa in la qabanqaabiyo Bananbaxyo looga hortagyo Duulaankaas balaaran ee la doonayo in badeenna lagu soo qaado

Hadaba Abwaan  Badmacaaye waa kan Fikirkii iyo Gabeygii uu hore uga Tiriryey wajigii hore  ee ku aadanaa  kuwa Duulaanka ku ah khayraadkeenna Badda   Soomaaliya   waa kan gabeygiisii iyo Fikirkiisii   

Somaalida Caqliga Dhuuban

"Caano Qubtay Dabadoodaa la Qabtaa”

Dhawaan ayay ahayd markii Dowladda cusub ee uu madaxda ka yahay Sheekh Shariif Sheekh Axmed ay heshiis (is-afgarad) dhanka Badda ah la saxiixatay Dowladda Kenya, heshiiskaas oo dhigayay in qayb ka mid ah Badda Soomaaliya Dolwadda Kenya muran galisay, ayaa waxa uu dhaliyey qaylo dhaan ka kala imaanayay qaybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed gudaha iyo dibaddaba, waxayna ku tilmaameen in heshiiskaasi uu yahay mid lagu boobayo Badda iyo bBerriga Soomaaliya. Haddaba dadka muhiimka ah ee waxka yiri arrintaasi waxaa ka mid ah Abwaan Maxamuud Warsame Faarax (Bad-Maceeye) oo ka mid ahaa Xildhibaanadii Dowladdii uu C/qaasim Salaad Madaxweynaha ka ahaa.

"Arrintani mid loo dul qaadan karo ma ahan, sababtoo ah haddaan nahay ummadda Soomaaliyeed waxayna ku waayi karnaa Dhul ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliyeed iyo waliba Badda iyo khayraad fara badan oo ku jira dhulkaasi oo manaafacaad badan ugu fadhiya Soomaaliya, Dowladduna ma ahan mid haatan saxiixi karta ama sharciyad u haysata in ay heshiisyada noocaas ah gasho, waayo Dowladdu ma ahan mid shacabku ay soo doorteen balse waa mid loogu talagalay in ay dalka u diyaariso qabashada doorashooyin xor ah, arrinta noocaas ah ee Dowladdu ku talaabsatayna waxaa sababi kartaa in la galo dambi khayaano Qaran" ayuu yiri Abwaan bad-maceeye oo intaa ku daray "caano qubtay dabadoodaa la qabtaa, Abwaanka ayaa tix gaaban oo Gabay ah ku cabiray ra'yigiisa iyo sida ay maanta wax ula muuqdaan, waxa uuna yiri:

  1. Taariikhda dhigan ee dhigneyd dhaxalka ay reebtay.
  2. Dhoosaalligii falani waa Dhabar Wareemaaye.
  3. Hashayada Dhaqaaq-Joogasadaay Dhalanka loo Uumay.
  4. Dhukaaniyo Haddaan Cudur ku dhicin Kudiyo Geel Dhaame.
  5. Dhisaneey Dhadhaabiyo ka adag Dhagax Dixeedkiiye.
  6. Dhaqdhaq Dhooba Ceeliyo Hadday Dhanaq Biyood Weydo.
  7. Hawd Abaartu Dhaaciratay bay Dhacarataa Goode.
  8. Dhimbilaha Xagaagiyo Hanfiga Dhacaya Jiilaalka.
  9. Dameeraho Dhashii Diiday bay Godolka Dhiiqdaaye.
     
  10. Mageydada Dhawaan Curatayoo Farowgu Dheeg saaray.
  11. Dhengediyo Ushuu uga Turaa Kureyga Dheelmaaye.
  12. Markii Dhacanta laga soo Rogoo Dhebi la Haaneedo.
  13. Dhakal Buuxiyaay Caanihii laga Dhamaa Dheefe.
  14. Markuu Dhool Gu' da'o bay haddana Dhogor Samaataaye.
  15. Dhudhun Caws bixiyo Dhira Caleen Ubax Dhalaal weyn leh.
  16. Dhabta Ciida Hooyiyo Hurdada Dhereg Macaankeeda.
  17. Dhadhabkiyo Hawaawiga markaan Qarow ku Dheeraaney.
  18. Dhulkayagi la Boobiyo Dadkii Cadowga loo Dhiibay.
  19. Kuwii kala Dhanbalay baa Haddeer Dhuraya Beentiiye.
     
  20. Somaalida Caqliga Dhuuban iyo Dhimirka Naafoobay.
  21. Sidii loogu Dheygagay markay jabisey Dhiilkeeda.
  22. Dhakafaariyaay Uunku waa Dhabana Haystaaye.
  23. Dabadhilifka Hiinraagayoo Dhagar Walaahoobay.
  24. Dhafar adag Haddii lagu Xirxiro ama la Dhaad-gooyo.
  25. Dhutinmaayo oo Orodka waa Dhababeceeyaaye.
  26. IBBI wuxu Dhimiyo wuxu Dhunshiyo wuxuu ku Dheeldheelay.
  27. Sidii looga Dhaadhicin lahaa Shacabka Dhiileysan.
  28. Cabiriyo Dhudhumin bay rabtaa Dhamacda Hoos taale.
  29. Bahdii Dhagarta loo Daadayayeey Dhebi Hanaankeeda.
  30. Markaad keli u Dhaaransateen dhigay Warkiiniiyie.
     
  31. Badda Dheemantii iyo Batrool wixii dhex Ceegaagey.
  32. Kuwii Dhiibayoow Dalan Dhiciyo Gurasha Dhaameelka.
  33. Markuu Dhayla-Dubadkii Gacmaha idin Dhamaajeeyey.
  34. Haddaad dhowr Malyuun kala xaddeen Dhimira Gaabnooyin.
  35. Taariikhda Dhigan ee Dhigneyd Dhaxalka ay Reebtay.
  36. Idinkoon Dhadhamin iga wallay dib u Dhanaanaane.
  37. Hashiyoo Sidkeedii Dhanyahay Dhaysna Kiciweyday.
  38. Sidii Dhuugga Goortaad Jaqdeen Carunka Dhiigeeda.
  39. Intaad Dhabaqdanteen sida Tukaha dhacaya Guudkeeda.
  40. Dhuunyeeriskii baad Hilbaha wada Dhaguugteene.

Abwaan Maxamuud Warsame Faarax (Bad-Maceeye)

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | October 1, 2011

 

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


 Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: