Admiral Faarax Cumar Axmed "Xuduuda Badda Soomaaliyeed ma ahan 12nm ee waa 200nm"
- Taliyaha Ciidammada Badda Soomaaliyeed ayaa si qayaxan u diidey mashruuc
lagu doonayo in badda Soomaaliya lagu soo koobo 12nm, shir ka dhacay
Seychelles ayuuna warqad diidmo ah u gudbiyey....
Faafin: SomaliTalk.com | September 18, 2011
Sida aan ka helayno warar lagu
kalsoon yahay oo ku saabsan shir lagu soo gabagabeeyey Dalka Seychelles
magaala madaxdiisa ee Victoria September 17, 2011 kaas oo looga hadlayey
ammaanka gobolka Geeska Africa, ayna ka soo qayb galeen gunaanadkiisii Wasiirada
Gaashaandhigga iyo Taliyayaasha Ciidamada ee Dawladaha Geeska Africa ee ku
midoobey ururka loo yaqaan EASTERN AFRICA STANBDAY FORCE (EASF)*, ayaa
Taliyaha Ciidammada Badda Soomaaliyeed waxa uu si qayaxan u diidey mashruuc
ay soo wada diyaariyeen waddamada deeqaha bixiya qaarkood, (oo ballan qaaday
maalgelinta mashruucaas haddii Dawladaha Geeska Africa ay isku raacaan), iyo
Dawlado ka tirsan ururka EASF, kaas oo la rabey in la keeno Dekedda Muqdisho
ciidamo ka tirsan dalalkaas si ay u ilaaliyaan nabadgalliyada dekedda Muqdisho
iyo waxa loogu yeeray xuduudaha badda ee Soomaaliya , ayna gacan siyaan AMISOM.
Soo jeedintaas waxaa gaashanku ku
dhiftay Admiral Faarax Cumar Axmed oo ah Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliyeed
oo shirkaas ka qayb galay, wuxuna ku tilmaamay mashruucaas mid meel ka dhac ku
ah qaranimada iyo hantida ma guuraanka ee Ummadda Soomaaliyeed ay leedahay (An
attack on the Somali soveregnity and the natural heritage of the Somali people),
markii uu arkay, sida ku cad maababka ku jira mashruucaas, in xuduuda badda
Soomaliyeed oo ay ciidamadaasi ilaalin lahaayeen (Haddiiba la oggolaado) in ay
ku kooban tahay ilaa 12nm, wixii intaas ka baxsanna ay ku tilmaamaameen "International Water". (Eeg Lifaaqa 1aad).
Admiral Faarax Cumar Axmed wuxuu u
qoray Taliyayaashii Ciidamada ee shirkaas ka qayb galay iyo shir-guddoonkoodaba
warqad caddayn ah (Eeg Lifaaqa 2aad) oo uu ku sharraxayo in Somalia ay
ledahay xuduud badeed waafaqsan xeerarka badaha caalamka sida ku cad
(Law No. 37 on the Territorial Sea and Ports,
of 10 September 1972) (Eeg Lifaaqa 3aad). Sharcigaas oo ay ku
caddahay in xuduuda badda Somaaliyeed ay tahay 200nm ama 370 Km,
isaga oo ka soo sheekeeyey qaababkii uu soo maray diyarinta iyo hirghelinta
sharcigaa Law 37, sida ku cad warqaddiisa, maadaama uu ilaa waqtigaas uu
ka tirsanaa Taliska Ciidanka Badda Soomaaliyeed.
Wuxuuna shirguddoonka ka dalbaday qodobada kala ah:
-
In cidda ku tilmaantay xuduuda badda ee Soomaaliya in ay tahay 12nm, in ay hor
keenaan shirguddoonkan qaanuunka ay arrintaas u cuskanayaan, maadaama uu
isagu cuskanayo qaanuunka sare ku xusan oo qeexaya in xaduud badeedkanagu
yahay 200nm.
-
In gebi ahaanba laga saaro ajendaha laga doodayo shirkaas mashruucaan wax
yeelaynaya qaranimada xuduudaha badda Soomaliyeed.
-
In raalli gelin (Apology) ay ka bixiyaan ciddii soo diyaarisay mashruucan looga
been sheegayo xuduud badeedka Soomaaliyeed iyada oo sharciga ah ee ay
leedahay Ummadda Soomaliyeed,
Kaddib markii Dawladihii mashruucan gadaal ka riixayey ay soo hordhigi waayeen
shirguddonka wax qaanuun caalami ah oo beddeley Law No. 37 ee Territorial Sea and Ports, of 10 September 1972,
Shirguddoonkii waa uu ka aqbalay codsiyadii Taliyaha Ciidanka Badda
Soomaaliyeed Admiral Faarax Cumar Axmad, raali gelin ayaana halkaas looga soo
jeediyey Soomaaliya, sida qaldan oo loogu xusay xuduud badeedka Soomaaliya
dokumentiighii mashruucaas lagu soo diyaariyey, iyo iyada oo mashruucaas gebi
ahaantiis laga saaray go'aamada laga soo saarayey shirkaas, maadaama ay Soomaaliya
caddaysay in aysan u baahnayn in ciidamo shiisheeye oo ka socda Dawladaha ku
jira EASF.
Kulanka EASF ee Seychelles - Sept 17, 2011, Isha sawirka:
www.nation.sc
(11th Ordinary Session of the
EASFCOM)
Kulanka lagu qabtay dalka Seychelles ee Eastern Africa Standby Force
Coordination Mechanism (EASFCOM) waa kulankii 11aad ee ay yeeshaan
saraakiisha iyo taliyayaasha ciidamada ee 10 dal ku jira ururkaas.
Faarax Qare oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho 2009
Faarax Qare ma aha markii ugu horesey ee uu difaaco Badda
Soomaaliya. Waxay ahayd
June 3, 2009
markii uu Muqdisho ku qabtay shir jaraa'id oo ku caddeeyey qaabka ay u cabiran
tahay badda meesha u dhaxaysa laba dal. Xilligaas oo DFKMG ay heshiis is-afgarad
ah la gashay Kenya oo lagu leexinayey cabbirka badda, ayuu waxa uu Admiral
Faarax Qare yiri
"Laba dawladood hadday deris yihiin Qaanuunka Dawligu wuxuu qabaa iyo kaayaga
lafteedu labaduba wuxuu qabaa in ay u dhaxayso khad taagan, xarriijin taagan oo
sagaashan digrii ah (90o)
in ay u dhaxayso, ilay waad ogtihiin haddii 90o khad qaadato labada
dhinacba sagaashan ayey ka tahay, waa u simanahay, khadkaas ayaa dhexdayada
taagan, kaas ayaa la sii jiidayaa, kaas ayaana xuduud ah sidaas ayaana
Qaanuunkeenu qabaa, qaanuunka dawliguna qabaa, marka waxaan filayaa anaga iyo
Kenya waxaan isaga hor nimdaanoba meesha kuma jiraan."
Video: Halkan
ka daawo... | Audio ama MP3
- June 2009
Admiral Faarax Cumar Axmad (Faarax Qare), Taliyaha Ciidanka Badda
Soomaaliyeed
========================
*EASF
Dawladaha ku midoobey waxaa ka mid ah: Burundi, Comoros, Djibouti, Ethiopia,
Kenya, Rwanda, Seychelles, Somalia, Sudan, Uganda. Waxaana ururkan la asaasay 2004:
http://easfcom.org/HTML/About_Us.html
-- Lifaaqa 1aad: Khariidaddii (Map) xadgudubka ahaa
ee uu Taliayaha Ciidan Badda Soomaliyeed uu diidey in
shirka Seychelles la horkeeno. (Riix halkan)
-- Lifaaq 2aad: Warqaddii Admiral Faarax
Cumar Axmad u qoray Taliyayaasha Ciidammada Geeska Africa (ALL Chiefs of Defence Staff of
the Eastern Africa Region) (Riix halkan).
-- Lifaaqa 3aad: (Law No. 37 on the Territorial Sea
and Ports, of 10 September 1972... RIIX/GUJI).
Draft Protocol ee asaaskii ururka EASF (Jinja, Uganda) eeg halkan
http://www.issafrica.org/AF/RegOrg/unity_to_union/pdfs/igad/easbrigfeb04prot.pdf
Shirkii koowaad ee 2004 (Addisaba Itoobiya) ee ay yeesheen ururka EASF eeg
halkan
http://www.iss.co.za/AF/RegOrg/unity_to_union/pdfs/igad/easbrigjul04.pdf
Faafin: SomaliTalk.com | September 18, 2011