Magacaabida Guddigii badda bixinayay iyo Siyaasada Cusub.??!!
- W/Q: Prof. Yaxye
sheekh Caamir
A)-((baddu
ma ahan biyaha madoow oo kaliya, Nafleey badanaa ku nool, sida malaay heeysata
jinsiyada soomalida, dhir, buuro,dhagxaan qaali ah iyo khayraad badan oo gunta
hoose buuxa.)).
Waan
maqalnay in dhawaan guddi loo magacaabay fuliinta Road map-ka,yaa magacaawday ?
ma soomaali mise cid kale?. Ma cadda,laakin sida ku cad warqda gudigan lagu
howlgaliyay waxaa la yiri: Guddigan waxaa wada gudoominaya 3 qof ,laba Ajnabi ah
iyo hal ruux oo Soomaali ah ( haddi eey cod noqoto sow hal iyo laba maaha oo cod
dheeri looga qaadi maayo go'aanka) maxaa keenay in ajnabi uu go'aan ku yeesho
arrin khuseeya masiirka ummadda? si fiican u sii fiiri warqadda, waxaa ku qoran;
4 wasiir ayaa xubna ka ah kumana jiro wasiirka kaluumeeysiga iyo khayraadka
baddu. Waxaa kadaran waxaa xubna ka ah gudiga IGAD iyo AMISOM, waxaa yaab ah
AMISOM ma ciidanaa mise waa hayad siyaasadeed? Goormee mandeeydkeedii la
badalay? Waxaa ku qoran warqada ( GUDIGU WUXUU SHARCIYEEN DOONAA SHAQADIISA )
yaa maqlay guddi shaqada loo dirsaday asagu sii sharciyeeysanaya? Waxaa kale oo
ku qoran warqadda ( GUDIGU WUXUU AWOOD U LEEYAHAY IN UU GUDOOMO.....) maxaa
looga jeedaa? Ma fahmin! Ma shaqadii baarlamaanka ee aheed gudoominta iyo
ansaxinta ayuu la wareegay,oo baarlamaankaa laga baqaa in uu markale go'aanka
diido. .
Abwaan
Soomaaliyeed ayaa mar hore yiri: (Qosol beena, fool wada qayaxan, Qiil
aan garanayo, qowlaaf afkii loo gadiyay khabarna hooseeyo, ma anbaa la ii qarin
magliga leygu qali doono), Annaga ma waxaa naloo qarinayaa saxiixa Annaga
iyo caruurteena nalagu qali doono. Magaran weeynay qosolka beentaa ee......
foolka qayaxan ee.....magliga/khabarka. Ma ogtahay in dad Soomaali ah oo aan wax
qorin waxna aqrini u dhinteen oo god ugu jiraan in aan 5ta soomaali la kala
gooyn,maantana,qorigii 21aad in kuwa wax bartay ,wax qora waxna aqriya ,weliba
yaqaan sida mobeylka loogu hadlo,jaaka loo qaato,kaffeena loo walaaqdo ay rabaan
inay intii la xorta ahayd sii kala gooyaan, illeyn wax barashadoodu garaadkooda
wax kama badaline. Xil iyo xoolaa kala weyn xoriyad iyo xuduud.
Haddii
add si fiican u fiirisay, heshiiska badda lagu boobayo waxaa ka horeeyay qorshe
kale oo lagu ilaalinayo heshiiska, kaa oo ahaa heshiiskii (kampla accord)
oo si dadban eey ugu qorantahay, qofkii road map-ka diida waxaa loo aqoonsanayaa
qof nabada soomaaliya diidan waana la soo xiri karaa. wadama badan baddooda ayaa
uga khayraad badan berriga waxaana loo sameeystay wasaarad u gaar ah khayraadka
badda iyo kaluumeeysiga, annaga teena haddaan qaar ka bixino inta soo harta ma
waxaan u bixinaynaa wasaaradda 12NM-ka iyo xeebaha, ileeyn badd iyo khayraad
kale sooma harine.
Fiiri: Wikikipedia Somalia: marka looga hadlayo badda
Soomaaliya, waxaa ku qoran ((geology-suggest the presence of valuable mineral
deposit in Somalia, it is more than 3.300 miles the largest in Africa and middle
east)) oo macnaheedu yahay, badda Soomaaliya sida ay qabaan aqoonyahanada
cilmiga Geologigu waxaa ku kaydsan macdan qiima badan, waana 3.300 Mile waa tan
ugu dheer Africa iyo bariga dhexe. Celceliska balaca baddena dhinaca ku
dheefsiga, EEZ.exculisive economic zone waa: 637.540sq.mile
(wikikipedia). taa macnaheedu waxay tahay haddii xuduud baddeedkeena laga
soo reebo 12NM.( 200NM-118NM) ogow, weliba maylka baddu waa ka duwan yahay kan
berriga, haddaan ka cabirno dherer dhinac dhinac kaliya ah oo cabir jajab inta
la binayo waa 118x3.300=389.400 waxaad dhumineeysaa dhul badded ka ballaran 13
gobal oo ka mid ah goballada dalka ama laba eg berriga Soomaaliya.
Hadalkii
wasiir TFG-da ka tirsan ee Londan uga qeeyb galay shir (Sept.2011), loogana
hadlayay dib u eegida xuduud baddedka Soomaalida, sidda uu ku doodayo waa ka
duwan tahay arrinta dhabtaa eeTerritorial waters, law no.37 ee soo baxay 1972,
kuma qora in la badali doono, ama dib u eegid London loogu sameyn doono,
heshiiskuna uu dhaqan ka bax noqonayo 39 sanno iyo 100 maalin kadib,
uuna jiri karo oo kaliya mudadaa oo ah inta u dhexeeysa (10 sept .1972 ilaa 19
dec 2011). Inkastoo wasiirku yiri: taako baddaa lama bixinayo haddana ??????.
Maalmo
kadib markii Road map-ka la saxiixay, waxaa ku xigay UN oo soo saartay sharci
lagula xisaabtamayo masuuliyiinta dowlada!!!! Waa fiican tahay haddii looga
jeedo sida uu u qoran yahay. Balse dhinac kalena ka fiiri. Nin Ceel galay qoyaan
la'aan kama soo baxo, nin siyaasadda Soomaaliya mudooyinkan ku jirayna ma jeeb
marna, mana qoyan la'a, min tin iyo cirib fushuq ka ah iyo mid fanfaniin
gaarayba. UN waxay haysaa cadeeyma ku fillan qoyaanka, danta go'aanka UN ee
waqtigan lagu beegay wuxuu noqon karaa in la yiraa, heshiiska badda saxiixa amma
xogtan ayaan daabaceeynaa!!!. Qofkii saxiixa waa arrin shaqsi ku ah, yaan loo
nisbeeyn, qaran ,qabiil, qooys iyo gobal. Qof saxiixaha intaa la wadaaga ayaa ka
feker duwanaa kara oo ka nadiifsanaa kara kana Soomaalisan.
Haddii
aan dib u eegno bogga 5aad ee warqadii lagu saxiixay shirkii wada tashiga ee
Mogadisho 4-6 sept.2011, waxaa ku qoran Nus Sadar ah (prime minister special
envoy for EEZ issue) Road map-ka oo loo tarjumay, Tubta La
tiigsanayo manaqaan tubtanu meesha ay tageeyso iyo cidda tiigsaneeyso yaa
fahmay xogta ku qarsan?, fadlan haddaad fahamtay noo sheeg ama xukuumadu haddii
ay lafteedu fahamtay ha noo sheegto. waxaan mar kale u mahad celinayaa web
side-ka somalitalk ,oo macluumaadka ugu badan arrinkan ka keeydiyay iyo
saxafiyiinta kale ee Soomaliyeed .
B)
Siyaasadda cusub.waxaa
kale oo aanan fahmin itijaaha cusub ee siyaasada xukuumadda oo aan jeeclaan
lahaa walalkii /walaashii iiga garaad roon in eey ii sheegaan, Sida shirkii
dhawaan ka dhacay xarunta UN-ka ee New York, markii uu ka hadlayay madaxweeynaha
Iran, waxaa shirka isaga baxay 27 dal oo Soomaalidu ku jirto. waan ogahay in
siyaasada Iraan si u takooran tahay, wadamadaasina danahooda siyaasadeed ayay
uga baxeen, laakin wadamadii aan isku ururada ahayn ma bixin, sida Afrika,
Carabtii iyo kuwii Islaamka, xattaa wadamaddii Reer Galbeedka qaar ma bixin.
Annaga maxaa na bixiyay? Ma ergada Soomaalida ayaa ahayd rag heeystay jinsiyada
waddamada baxay oo markay arkeen wadamadii ay u dhaarteen in siyaasadooda
difaacayaan markii dhalashada la siinaayay oo baxaya ayay iyana la baxeen,
Jinsiyadaad doonto hayso ee waxaad tahay Soomaali, Soomaaliya usoo dirsatay
shirka. Aawday dhaartii xilka Soomaalida ay u dhaarteen markii xilka loo
dhiibayay?, Mise way hurdeen intii shirku socday oo markay arkeen dad baxaya
ayay u maleeyeen in shirkii dhamaaday iskana raaceen. Ma fahmin sababta nagu
kaliftay siyaasad ahaan, iisheeg haddad fahamtay..wax badan oo kale ayaanan
fahmin ee wallalkeey/walaasheey ha igula yaabin aqoon la'aanteeyda aan wax kaa
barto, ha uqaadan in aan shakhsi , koox ama wadan aan ku xumeeynayo.
W/Q: Prof. Yaxye
sheekh Caamir
Waa Maxay Mayl-Badeed (Nautical Mile)
Mayl-Badeed Waxaa loola jeedaa maylka lagu cabiro badda, waayo waa mayl
(mile) ka duwan kan berriga lagu cabiro. Mile-ka badda waxaa loo yaqaan
"Nautical Mile" oo AfSoomaali ku noqonaya Mayl-Badeed, waxana uu u dhigmaa 1.85
km (ama 1,852 metres). Halka mile-ka caadiga ah ee berrigu uu u dhigmo 1.6 km
(ama 1,609 metres). Taas oo muujinaysa in Mayl-badeedku uu waxyar ka badan yahay
Mayl-ka berriga (1852 mitir - 1609 mitir = 243 mitir). Mayl-Badeedka waxaa loo
soo gaabiyaa NM. Tixraac: NM:
http://en.wikipedia.org/wiki/Nautical_mile iyo Mile:
http://en.wikipedia.org/wiki/Mile