SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA

Gudoomiye Ku xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Dalxa oo soo dhaweeyay go’aankii lagu diiday heshiiskii Badda ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya

  • SomaliTalk.com | March 15, 2010
Prof. Maxamed Cumar Dalxa Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho (March 15, 2010) ku sheegay in guddoonka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya uu soo dhaweynayo qaraarkii ay Qarammada Midoobay ay ku diiday heshiiskii badda ee dhexmaray Soomaaliya iyo Kenya.

Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya wuxuu sheegay in heshiiskaasi ay horay u diideen xildhibaannada Soomaaliya isagoo ku tilmaamay inuu ahaa mid lagu doonayay in badda Soomaaliya qayb ka mid ah ay la wareegto xukuumadda Dowladda Kenya.

“Qarammada Midoobay go’aanka ay ku diiday heshiiskii Badda ee Soomaaliya iyo Kenya dhexmaray sannadkii hore waa mid aan soo dhaweynayno, waayo wuxuu ahaa mid lagu doonayay in Juquraafi ahaan lagu qaato Badda Soomaaliya” ayuu yiri Prof. Maxamed Cumar Dalxa.

Guddomiye ku xigeenku wuxuu sheegay in heshiiskaas uu ahaa mid muran badan ka dhex dhaliyay dadka Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibadda dalka ku nool, ayna soo dhaweynayaan ka maamul ahaan qaadacaadda Qarammada Midoobay.


Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Prof. Maxamed Cumar Dalxa Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya wuxuu sheegay in dhawaan ay fadhiyada Baarlamaanku ka furmi doonaan Golaha shacabka oo uu dayactir ka socdo, isagoo xusay in fadhiyada Baarlamaanka ee soo socda looga hadli doono qaraarkan Qaramada Midoobay ka soo baxay.

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com | March 15, 2010

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: