SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BADDA SOOMAALIYA

Prof. Ibbi oo sheegay in aysan jirin xiligan Kaluumaysi Sharci daro ah oo ka socda Biyaha Soomaaliya..

"Sheikh Shariifna waxaa la tusay Satellite markii uu tegey Yurub" ayuu yiri Ibbi...

  • June 13, 2010

Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan Ibraahim (Ibbi) oo ah Wasiirka kalluumaysiga iyo kheyraadka badda, ahna ra'iisul wasaare xigeen xukuumadda FKMG ah ayaa sheegtay "in aysan jirin kaluumaysi sharci daro ah oo ka soconaya xeebaha Soomaaliya." Isagoo intaas raaciyey in "Maraakiibta ilaalada u joogta Biyaha Soomaaliya ay wax badan ka qabteen arrintaasi." Waxa uu intaas sii raaciyey in "Sh. Shariif Sh. Axmed uu soo arkay mar uu tagay dalka Ingiriiska Qalabka Satalaytka ee lagula socdo dhaqdhaqaaqa ka jira biyaha Soomaaliya, kaasoo muujinaayay in aysan jirin wax kaluumaysi ah oo ka socda badda Soomaaliya."

Waxaa xusid mudan in Shirkii Istanbul ee 21-23 May 2010 loogu qabtay Soomaalida, qoraaladii ay Qarammada Midoobay ku soo bandhigay waxaa ku xusnaa in Soomaaliya ay Kalluumaysiga sannad kasta kaga khasaarto US$95 million oo ah kalluunka sida sharci darrada ah looga guranayo badda Soomaaliya. Qoraalku wuxu uu qornaa sidan: "It is also an area that suffers heavily from Illegal, Unreported and Unregulated (IUU) fishing, particularly for tuna but also for inshore species. It has been estimated that about US$ 95 million in export revenue each year is lost due to IUU activities." (Eeg Halkan)"- Prof. Ibbi ma uusan xusin arrintaas.

Jariidadda Daily Nation ee ka soo baxda Kenya oo caddadkeedii Maanta (June 13, 2010) soo xignaysay hadalka Wasiirka Kalluumaysiga DFKMG ayaa qormadeedii waxay ku gababaysay : "Hadalka rasmiga ah (ee ka soo baxay DFKMG) waxa uu yimid xilli ay dad badani aaminsan yihiin in Xoogagga Ciidamada Caalamiga ah ee ka socda Dalalka US, EU, Russia, South Korea iyo kuwo kale in la dagaalanka "Burcad Badeeda" ay ugu hoos qarsoon tahay qorshe ay ku difaacayaan kalluumaysiga sharci darada ah ee badda Soomaaliya." Ayey qortay Daily Nation oo sawirka ay ku muujisay uu ahaa Qaddaafi maadaama (sida loo malaynayo ay jariiddadu ula jeeday in) uu hore uga hadlay Kalluumaysiga Soomaaliya iyo burcad badeeda (Eeg halkan)

Hoos ka akhri warkii Prof. Ibbi ku sheegay in xeebaha Soomaaliya aysan ka jirin kalluumaysi sharci darro ah:


Sawirka sare waxa uu la socdaa warkii Jariidadda Daily nation ka qortay hadalkii Ibbi ee ahaa in aysan jirin cid si sarci darro ah hadda uga kalluumaysan Soomaaliya, waxaana jariidadda reer Kenya ay warkeeda ku gaba gabaysay sidan: "The official’s statement comes at a time many people believe that the international navy forces from US, EU, Russia, South Korea and other nations are ‘fighting piracy’ with the hidden agenda of protecting illegal activities in the Somali waters." MORE.....

Prof. Ibbi oo sheegay in aysan jirin xiligan Kaluumaysi Sharci daro ah oo ka socda Biyaha Soomaaliya.

Muqdisho, (TFG): Wasaarada kaluumaysiga iyo kheyraadka badda ee xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan jirin kaluumaysi sharci daro ah oo ka soconaya xeebaha Soomaaliya.

Ra’isal wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka kaluumaysiga iyo kheyraadka badda ee xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan Ibraahim (Ibbi) oo u waramaayay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in aysan xiligan jirin wax kaluumaysi sharci daro ah oo laga wado badda Soomaaliya, islamarkaana ay Maraakiibta ilaalada u joogta Biyaha Soomaaliya ay wax badan ka qabteen arrintaasi.

Ra’isal wasaare ku xigeenka ayaa intaa ku daray in sidoo kale markii ay abuurmeen Kooxaha Burcad baddeeda ay ka baqeen Maraakiibtii sida sharci darada ah uga kaluumaysan jirtay xeebaha Soomaaliya in Burcad baddeedu ay qafaalato, wuxuuna sheegay in xitaa Madaxweynaha Soomaaliya mudane Sh. Shariif Sh. Axmed uu soo arkay mar uu tagay dalka Ingiriiska Qalabka Satalaytka ee lagula socdo dhaqdhaqaaqa ka jira biyaha Soomaaliya, kaasoo muujinaayay in aysan jirin wax kaluumaysi ah oo ka socda badda Soomaaliya.

Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan ayaa sidoo kale sheegay in Burcad baddeeda Soomaalidu ay xiliyadii danbe bilaabeen in ay Maraakiibta ka soo qabsadaan meelo ka baxsan biyaha Soomaaliya, wuxuuna sheegay in sidoo kale ay laaleen islamarkaana joojiyeen dhamaan Sharciyadii iyo Shatiyadii horey loo siiyay Shirkaddaha Aduunka ee Kaluunka ka shaqaysta qaarkood oo u fasaxayay in ay ka kaluumaysan karaan biyaha Soomaaliya, islamarkaana aysan Wasaaradu kuwo cusub weli bixin, taasoo uu sheegay in looga hortago Xaalufinta kheyraadka Badda Soomaaliya.

Ra’isal wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka kaluumaysiga iyo kheyraadka badda Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan ayaa dhanka kale soo dhaweeyay dadaalka Beesha Caalamku ugu jirto sidii loo ciribtiri lahaa Kooxaha Burcad baddeeda, wuxuuna amaan u soo jeediyay Maamul Goboleedyada dalka oo uu sheegay in ay wax badan ka qabteen Burcad baddeeda ka howlgasha Xeebahooda, wuxuuna sidoo kale ka digay Qatarta Kooxaha Burcad baddeedu leeyihiin, taasoo saameyn dhan walba ah ku yeelankarta dadka iyo deegaanka, wuxuuna ugu baaqay Maamuladaas in ay sii xoojiyaan dadaaladdooda ay kual dagaalamayaan Burcadda badda.

Isha warkan: Wasaarada Warfaafinta, Muqdisho

Aragtida dadweynaha:  Jawaabaha Warkan waxaa ku qori kartaa HALKAN (FG. Jawaabta ku qor dhanka hoose ee bogga soo baxa....)

Faafin: SomaliTalk.com | June 13, 2010

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: