Cali Maxamed Geeddi Wasiiradiisii mid kamida oo ugu baaqay in Hantidii
ummmadda Soomaaliyeed uu ka dhacay uu u soo celiyo ee uusan kursi uga raadsan:
Dr. C/casiis
Dr.
Cabdicasiis Sheikh Yuusuf oo ahaa wasiirkii Caafimaadka ee Xukuumaddi Cali Geeddi oo u soo
jeediyey Ra'iisul wasaarahiisii xilligaas iyo kuxigeenkiisii in ay dib u soo
celiyaan lacagtii qaranka ee ay qaateen...
Dr. Cabdicasiis oo Cambaarayn ugu soo jeediyey dawladda Shariif in ay weli ku
dhegan yihiin heshiiskii is afgarad kaddib markii barlamaanku diidey....
- Waraysi SomaliTalk.com | Minneapolis | December 26, 2009
Waraysiga oo dhamaystiran
ka dhegeyso halkan
ama soo rogo (mp3)
"Waxaan u diyaar garoobey in aan ummadda horteeda ka markhaanti kaco dembiga
uu ninkaasi galay iyo hantida qaran ee uu qaatay. Ilaahay Hortiisna waa kaga
markhaanti kacayaa haddii Allah idmo...."
Waxaa
SomaliTalk.com waraysi la yeelatay Dr.
Cabdicasiis Sheikh Yuusuf oo wasiir kasoo noqday xukuumaddii uu madaxweynaha
ka ahaa Cabdullaahi Yuusuf Axmed.
Dr. C/casiis waxa uu ka mid ahaa guddigii ka koobnaa 24-kii xubnood ee loo
xilsaaray in ay soo xulaan baarlamaanka DFKMG ee lagu soo dhisay Kenya, ayagoo
la kaashanayey odayaal Soomaaliyeed ayeyna soo xuleen xubnahii baarlamaanka.
Markii la soo dhisay dawladdii kumeelgaarka ahayd waxa uu ka noqday Wasiirka
Caafimaadka iyo xubin ka tirsan baarlamaankii ilaa markii dambe uu iska casiley.
Dr. Cabdicasiis oo aan wax ka weydiiney arrimo badan oo ay ka mid yihiin
lacagahii faraha badnaa ee xukummadda Federaalka loogu deeqay, gaar ahaan
lacaagahii loogu deeqay mashruucii loo bixiyey "dib u heshiisiinta
Soomaaliyeed". Waxana uu sheegay in uu wax badan kala socdo lacagahaas, gaar
ahaan waxa uu sheegay in sannadkii 2006 ay dawladda Sacuudigu ay DFKMG ugu
deeqday lacag gaareysey $32 million oo doolar. oo uu ogyahay kacagtaas
ciddii ay jeebkeeda ku dhacday iyo sidii shacabka Soomaaliyeed loo dhacay.
Dr. C/casiis waxa uu sheegay in Sucuudigu uu shardi lacagtaas uga dhigay in
ay xukuumadda Soomaaliyeed ay ku qaadan karto go'aan ka yimaada golaha wasiirada
(council of ministers). Waxana uu sheegay in Sacuudigu uu lacagtaas dhigay
Bangiga AL-AHLI ee laga leeyahay Sacuudiga, waxaana bangiga lagu
wargeliyey in lacagtaas lagu qaadi karo ogolaanshada Golaha Wasiirada DFKMG oo
keliya.
Markii SomaliTalk.com ay weydiisey waxa uu ahaa nidaamka u yaalay xukuumadda
Federaalka ee ku aadan lacagtaas iyo cidda ay ahayd in loo dhiibo waxa uu ku
jawaabay "Nidaamka ka yaalay waxa uu ahaa in qof wasiirada ka mid ah ama
dawladda ka mid ah uusan ku tagri fali karin iyo in lacagtaas sida keliya ee
lagu bixin karaa ay tahay qorshe ay isla wada ogolaadeen golaha wasiirada."
Dr. Cabdicasiis oo ka jawaabayey su'aal ahayd lacagtaas Sucuudigu bixiyey
xaggee ku dambeysey yayse gacanta u gashay waxa uu yiri: "Lacagtaasi waxay si
khalad ah, oo boob ah, oo tuugnimo ah, gacantiisa u gashay ninkii markaas
ra'iisul wasaaraha ka ahaa dawladda, oo ahaa Cali Maxamed Geeddi, kaas oo
forgery (Been abuur) sameeyey oo uu ka dhigay in guddigii golaha wasiiradu ay
isla ogolaadeen oo laacagtii baahi loogu qabo xagga amniga, xagga ciidanka,
xagga shaqaynta wasaaradaha iyo xagga dib u heshiisiinta - wuxuu qoray dukuminti
Forgery ah, sidaas oo weliba uusan ogeysiin wasiirkii Maaliyadda ee markaas
Xasan Maxamed Nuur (Shaati gaduud), waxa uu watay (kaxaystay) nin kale oo
ahaa ra'iisul wasaare ku xigeen iyo wasaaradda xanaanada xoolaha oo la yiraahdo
Saalim Caliyow Ibrow...."
Dr. Cabdicasiis Sh. Yuusuf waxa uu hadalka ku adkeeyey in labadaas (Geeddi
iyo Ibrow): ay is raaceen iyaga oo wata been abuurkii ay ka sameeyeen golaha
wasiirada - labadoodu markii hore isma raacin ee Cali Maxamed Geeddi waxa uu
sheegtay in uu xanuunsanaa oo doonayo in uu Sacuudiga isku soo daweeyo, halka
Ibrow uu soo maray meel kale (oo ay isugu tageen Sacuudiga) - lacagtii sidaas
ayey uga soo saareen Koontadii ay dawladdu ku lahayd Bank Al Ahli ee Sacuudiga,
taas oo ah xatooyo aan waafaqsanayn sharciga, ayuu yiri. "Sidaas ayuu Ra'iisul
wasaarahii hore lacagta kula soo baxay isagoo caawinaad ka helay Saalim Caliyow
Ibrow. Sidaas ayey ku qaateen. Cali Maxamed Geeddi ayey jeebkiisa gashay
lacagtaasi."
SomaliTalk markii ay weydiisey: Arrintaasi waa eedeyn weyn ee maxaad cadayn u
haysaa in Cali Maxamed Geeddi lacaagtaas qaataay isagoo ka jawaabayey Dr.
C/casiis waxa uu sheegay in uu hayo cadaymo dukumiinta ah, waxana uu sheegay in
arrintaasi markii ay dhacday ay golahii wasiiradu la xiriireen Bangiga Al Ahli
ee Sacuudiga, waxana bangigii uu markaas soo diray dukumiinti muujinaya in
lacagtaas la qaatay oo ay saxiixa ku qaateen Cali Maxamed Geeddi iyo Ibrow oo u
kaalmaynayey.
Markii aan weydiiney waxa ay arrintaas ka qabteen golahii wasiirada ee uu ka
tirsanaa Dr. C/casiis waxa uu yiri: Waxba kama aysan qaban "Waan qiranayaa in
Golaha Wasiiradu aysan waxba qaban, oo waxba ka qaban in madaxdoodii oo ay
ogyihiin oo tuugo hanti qaran ah samaysay oo lacagtii dawladda dhacday, taas
ayada ah waan qiranayaa golahii wasiirada ee aan ka mid ahaa waxba in aysan
arrintaas ka qaban."

Safka gadaal taagan, ka bilow midig, kan labaad waa Dr. C/casiis Sh. Yusuf
Wasiiradii DFKMG, Dec 1, 2004
Dr. Cabdicasiis oo ka hadlayey Kenya oo uu xilligan deggan yahay Geeddi waxa
uu yiri "Dawladda Kenya waxay ila tahay in ninkaas hantida Qaranka boobay isla
markaasna doonaya in dawladda jirta oo sharciga ah ku furfuro ama awooddii ugu
soo laabto mar dambe si uu wax yaalahaas iyo wax la mid ah ugu kaco in dawlada
deriska aan nahay - taas oo mudadii dalku burbursanaa shacabka Soomaaliyeed si
wanaagsan ula dhaqantay - in ay dalkeeda ka erido ninkaas ummadda Soomaaliyeed
ku ogtahay in uu hantidii qaranka uu si xaqdarro ah u qaatay oo u booqay."
Waxa kale oo uu ka hadlay waxa hadda arrimahaas kala gudboon xukuumadda hadda
jirta ee Sheikh Shariif iyo sidii lacagtaas wixii ka haray looga daba tegi karo.
Waxana uu sheegay in uu diyaar u yahay in uu ku markhaanti furo.

Dr. C/casiis Sheikh Yuusuf
Mar uu ka hadlayey sababta ku dhalinsay in uu arrintaas hadda ka hadlo Dr
C/casiis waxaa hadalkiisii ka mid ahaa "Waxaan u diyaar garoobey in aan ummadda
horteeda ka markhaanti kaco dembiga uu ninkaasi galay iyo hantida qaran ee uu
qaatay. Ilaahay Hortiisna waa kaga markhaanti kacayaa haddii Allah idmo," ayuu
yiri Dr. Cabdicasiis Sheikh Yuusuf.
Waxa kale oo uu ka hadkay sidii Geeddi lagu soo doortay iyo ciddii doorka ku
lahayd soo doorashadiisii oo uu muujiyey in ay ka mid ahaayeen Dawladihii IGAD.
Dr. Cabdicasiis oo ka jawaabayey waxa uu u soo jeedin lahaa Geeddi haddii uu
dhagaysto waraysigan waxa uu yiri: "Cali Maxamed Geediyow walaalow xoolahii aad
ka qaadatay ummadda Soomaaliyeed ... oo aad uga qaadatay sharci darrada ... oo
aad uga qaadatay xaq darrdada ... oo aad adigu ogtahay dukumiinti ahaan in aan u
hayno haddaan nahay guddigii golaha wasiirada... celi xoolahaas oo ku celi
dadkii lahaa oo ah ummadda Soomaaliyeed .. markaas iyada ah muwaadin
Soomaaliyeed oo shariif ah ayaad noqoneysaa .. laakiin ma ahid hadda ee waxaad
uga dhigan tahay ummadda Soomaaliyeed tuug maal ka dhacay ayaad tahay... kuuma
bannaana tartan xafiis ummadda Soomaaliyeed ay leedahay....
Dr. Cabdicasiis oo aan wax ka weydiiney, waraysigiisii
hore uu u siiyey SomaliTalk ee ku saabsanaa heshiiskii is fahamka, maadaama
muddo ka soo wareegtey oo waxyaabo badani is bedeleen sida uu heshiiskaas u arko
waxa uu yiri "Anigu sidii aan hore u sheegay waxaan u
arkaa khalad weyn oo ka dhacay dawladda. Tan labaad madaxda sare ee dawladda wax
baarlamaanku sharciyan u diidey in ay ayaguna baarlamaankii ku diidaan waa ku
khaldan yihiin. Waxay ahayd oo ku abbaarayd in arrintan ay ummadda Soomaaliyeed
qaylada ka bixisay in ay baarlamaanka u wareejiyaan oo go'aanka uu ka qaato ku
aqbalaan. Waxaan ogahay in dawladda ay go'aankii baarlamaanka diidan tahay,
taas oo khalad aad iyo aad u weyn ah. Waxay tahay marka oo aan ku baraarujinayaa
ummadda Soomaaliyeed ay dagaalkooda wadaan oo aanay ka daalin in ay diidaan in
si sharci darro ah dalkooda qayb ka mid ah lagu qaato , oo ay dagaalka wadaan,
waxaana ka mid noqonayaa haddii Allah idmo dadka dagaalamaya oo diidaya sidaas,
maadaama sharci dejintii laga diidey go'aankeedii wax aan ahayn in shacbigu
dagaalamo oo harsanba lama arko. Dawladana diidmadii ay diideen baarlamaanka
go'aankiisa waan ku cambaaraynayaa, oo waxay istaahilaan in lagu cambaareeyo -
in ay u hogaansamaan ayey ahayd go'aanka baarlamaanka oo ay raacaan."
Waxa waraysigaas qaaday Maxamed Cali (Minneapolis)
FG. SomaliTalk (Nairobi) waxaan isku daynay in aan waraysi la yeelano Geeddi,
weli arrintaasi nooma suurta gelin.
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 26, 2009
|