DFKMG oo u Ololaynaysa Qorshahii Badda EEZ ee 1970-kii Soomaalidu ku diidey
Kenya!
1972dii Mr. Njenga oo hoggaamiye ka ahaa waftiyada Kenya uga qayb galayey
shirarka looga hadlayey xadaynta badda waxa uu qiray "in ay jiraan dalal leh
(sheegtay) dhulbadeed ah 200 mayl-badeed oo ah TERRITORIAL SEA, sida dalal ka
mid ah Latin America iyo dalal Afrikaan ah oo ay ku jiraan Soomaaliya iyo Sierra
Leone." Waxana uu Mr. Njenga intaas raaciyey "Fursadda keliya oo jirta si
dalalkaasi ay dib uga noqon karaan go'aanada Qaran (ee ku saabsan xadaynta badda
o u ah 200nm Territorial Waters), waa in la soo jeediyo nidaamka EEZ oo ah 200
mayl-badeed, taasi waa fursadda ugu weyn oo ay ku aqbali karaan xad caalami ah."
Soomaaliya arrintaas ganafka ayey ku dhutay, waxayna soo saartay sharciga Law
no. 37....
- SomaliTalk.com | Oct 7, 2011
1960-1967: Soomaaliya markii ay xornimada qaadatay, waxay Dasruurkeeda
ku qeexday in dhulkeeda xorta ah uu soo hoos gelayo Dhul-badeedka (Territorial
Sea). Dawladdii Soomaaliya sannadkii 1967 ayey fogaantii xadka Territorial Sea
ee ahaa 12 mayl-badeed ee gumaystayaashii dejiyeen waxay ka dhigtay 200
mayl-badeed (370.4km) Territorial Sea. 1970: Arrintaas oo
meel u taal Soomaaliya, ayaa waxaa bilowday kullamo xiriir ah oo dawladaha
adduunku ugu gogol dhigayey xeerka badaha adduunka. Waxaa qabsoomay kullamo
badan oo looga hadlay qaabkii loo xadayn lahaa badaha. Waxaa kullamadaas ka mid
ahaa kulan 1970 lagu qabtay magaalada Accra, Ghana oo ay soo qaban
qaabiyeen guddigii wadatashiga ee xagga sharciga oo lagu magacaabi jirey AALCC
(Asian African Legan Consultative Committee) oo ay xubno ka ahaayeen dalal
Aasiya iyo Afrikaan ah. Kulankaas waxaa loo ballamay in kulanka xiga laga hadlo
cabirka dhul-badeedka ay sharci ahaan u yeelanayaan dalalka xeebaha leh.
1971:
Kulankii xigey waxaa sannadkii 1971 lagu qabtay magaalada Colombo,
Sri Lanka. Kulankaas ayaa Kenya markii ugu horeysey arrinta EEZ si aad ah
uga hadashay. Waxaana waftigii Kenya oo uu hoggaaminaayey Mr. Felix Njenga ay
aad ugu ololaynayeen arrinta EEZ. Soomaaliya waxay ka mid ahayd dalalka arrinta
EEZ aad uga soo horjeedey, kuna adkaysanayey Territorial Waters.
1972: Kulankii xigey ee 18-25 January1972 lagu qabtay magaalada
Lagos, Nigeria ayaa Kenya waxay soo jeedisey in EEZ laga dhigo 200 nautical
miles. Qoraagga Buugga "Eastern African States and the Exclusive Economic
Zone", oo ka hadlayey sababta ay Kenya u soo jeedisey in badaha lagu xadeeyo
200 mayl-badeed oo ah EEZ iyo hab fikirkii Kenya ee xilligaas waxa uu qoray
sidan: Mr. Njenga oo hoggaamiye ka ahaa waftiyada Kenya uga qayb galayey
shirarka looga hadlayey xadaynta badda waxa uu qiray "Waxaa xaqiiqo ah in ay
jiraan dalal leh (sheegtay) dhulbadeed ah 200 mayl-badeed oo ah TERRITORIAL SEA,
sida dalal ka mid ah Latin America iyo dalal Afrikaan ah oo ay ku
jiraan Soomaaliya iyo Sierra Leone." Waxana uu Mr. Njenga intaas raaciyey
"Fursadda keliya oo jirta si dalalkaasi ay uga laabtaan meesha ay ka taagan
yihiin go'aanada qaran ee ay hore gaarey, waa in la soo jeediyo nidaamka EEZ oo
ah 200 mayl-badeed oo lagu casumo, taas oo ah fursadda ugu weyn oo ay ku aqbali
karaan xad caalami ah." Qoraaga Buugga oo sii watey hab fikirkii Kenya ee
xilligaas waxa uu qoray: "Soo jeedinta Kenya ay soo jeesidisey in la qaato
nidaamka EEZ oo ah 200 mayl-badeed, waxaa arrintaas ku sababay ayadoo ay jireen
dalal leh 200 mayl-badeed oo ah Territorial Waters. Soo jeedintaas Kenya ee EEZ
waxay markaas rajaynaysey in ay dalalkaasi ka tanaasulaan 200 mayl-badeed oo ah
Territorial Waters, kuna bedeshaan 200 mayl-badeed oo ah EEZ." Waftigii
Soomaaliyeed ee shirarkaas ka qayb galay oo si kulul u diidanaa qorshaha EEZ,
waxaa hadalkoodii shirarka ka soo jeediyeen ka mid ahaa: "Arrinta caqli galka ah
ee xadka Badda ee Qaranku leeyahay waa in ay ahaato Dhul-badeed ah Territorial
Sea, ee ma aha in ay ahaato Aagga Dhaqaale EEZ (Exclusive Econmic Zone). Dalalka
soo koraya waxaa faa'iido ugu jirtaa oo dan u ah in dhulbadeed kooda Territorial
Water uu ku xadaysan yahay 200 maylbadeed." Waxaan waftiga Soomaaliyeed ay si
qayaxan u sheegeen muhiimadda ay leedahay Territoril Waters, isla markaana hab
fikirka EEZ uu yahay mid khaldan oo aan la socon karayn waaqaca. August
1972 ayey ahayd isku daygii ugu horeeyey ee Kenya ay guddigii Seabed
Committee u gudbisey qoraal (draft) ay ku taageereyso "In dhammaan dalalka
dhul-badeedkooda territorial Waters lagu xadido 12 mayl-badeed". Soomaaliya
arrintaas Kenya u ololaynaysey si adag uga hortagto, ayaa dawladdii Soomaaliya
waxay 10kii September 1972 Muqdisho ka soo saartay sharciga Law No. 37,
kaas oo qeexaya dhul-badeedka Soomaaliya in uu yahay Territorial Sea ,
kaas oo xoojinaya sharcigii Soomaaliya ay hore u soo saartay 1967 oo Badda
Soomaaliya ku xadaynayay 200 mayl-badeed oo ah (TERRITORIAL SEA).
Halkaas waxaa ka cad in Soomaaliya ay si qayaxan u diidanayd in
dhul-badeedkeeda oo ah Territorial Water loo bedelo EEZ. 1982:
Shirweynihii Qarammada Midoobey ee 10kii December 1982 lagu qabtay
magaalada Montego Bay ee dalka Jamaica, waxaa Soomaaliya ka mid ahayd 117 dal oo
saxiixay sharciga Qarammada Midoobey ee Badaha Adduunka, waxayna Soomaaliya
saxiixday ayadoo aan ka tanaasulin xeerka Law No. 37 (Territorial Sea). Waxayna
Soomaaliya sharciga Badaha Dhaqan gelisey 24kii July 1989 ayadoo aan ka
tanaasulin Law no. 37, sidaasna ay badda Soomaaliya ku xadaysan tahay 200 mayl
badeed oo ah Territorial Sea. Sidaas ayaa dawladahii hore ee Soomaaliyeed iyo
madaxdii Soomaaliyeed ay xilligaas ula xisaabtamayeen adduunka. Xilligaas Kenya
waxaa u socon waayey qorshaheedii. Halista Soomaalida ku soo fool leh ayaa ah in
Xukuumadda Soomaaliyeed ee hadda jirta ay duudsiiso arrintaan dhaxalka u ah
shacabka Soomaaliyeed ee badda Soomaaliya oo ku xadaysan 200 mayl badeed oo
TERRITORIAL WATERS ah in lagu soo koobo 12 mayl-badeed, ayadoo lagu "casumayo"
in ay qaataan 200 mayl-badeed oo ah EEZ. Taas oo 40 sano ka hor laga diidey.
2009: DFKMG ee uu madaxweynaha ka yahay Sheikh Shariif ayaa April 2009
waxay heshiis loogu yeeray Is-faham oo muran gelinayey badda Soomaaliyeed waxay
la gashay Kenya. Heshiiskaas waxaa markii dambe waxba kama jiraan ka dhigay
Baarlamaanka FKMG. 2011: Shirkii bishii September 2011 lagu qabtay
magaalada Muqdisho ayaa qodobadii laga soo saaray ee Roadmap-ka waxaa ka mid
ahaa in 19-ka December 2011 ay DFKMG ku dhawaaqdo EEZ. Hadalkaas oo aad halis
ugu ah xornimada Soomaaliya, kana hor imanaya xeerarkii u soo deganaa
Soomaaliya. Macnaha kale oo xambaarsanna uu yahay in Soomaaliya aysan hore u
lahayn bad u xadaysan oo hadda loo samaynayo xad. Arrintaas marka la eeg,
waxaa jira su'aalo ay shacabka Soomaaliyeed is weydiinayaan: maxaa xukuumadda
hadda ee FKMG ku kallifaya in ay ka tanaasusho xeer badeedka Soomaaliyeed oo ay
ayagii (xukuumadda FKMG ee Soomaaliya) ay u ololaynayaan qorshihii Kenya laga
diidey 1970-kii ee EEZ? Waxaa kale oo la isweydiin karaa: Maxaa kallifaya in
madaxda DFKMG in aysan difaacin in dhulbadeedka Soomaaliya ku xadaysan yahay 200
mayl badeed oo ah Territorial Waters? Soomaaliya Keli Kuma aha Xadka Dhulbadeedka ee Gaaraya 200 mayl badeed
oo ah Territorial Sea.
Soomaaliya keli kuma aha lahaanshada xeer baddeeda oo Territorial Sea ku
xadaynaya 200 mayl-badeed. Waxaa ku weheliya dalal kale oo ku yaal Latin America
iyo Afrika. (Eeg shaxda hoose oo muujinaysa qaar ka mid ah dalalkaas, iyo
sharciyada ay ka soo saareen Territorila Waters.)
Dalka |
Territorial Sea |
Sharciga (Law) |
Taariikhda |
Benin |
200 nm |
Decree No. 76-92 |
April 2, 1976 |
Congo |
200 nm |
Ordinance No. 049/77 |
Dec. 20, 1977 |
Ecuador |
200 nm |
Decree Law No. 1542 |
Nov. 11, 1966 |
El Salvador |
200 nm |
Constitution |
Sept. 7, 1950 |
Liberia |
200 nm |
Act No. |
May 5, 1977 |
Peru |
200 nm |
Supreme Decree |
Aug. 1, 1947 |
Somalia |
200 nm |
Law No. 37 |
Sept. 10, 1972 |
Dalka Peru si aan muran loo gelin dhul badeedkiisa, ama madaxda dawladdu ugu
gacan bannaanaan wax ka bedellida xad-badeedkaas, waxay cabbirka dhul badeedkooda
ku qoreen Dastuurka. Waxaana Axdiga Qaranka Peru ku cad in Territorial Waters soo hoos geliya dhulkooda xorta ah uu yahay 200 mayl-badeed. Qodobka Dastuurka Peru ee arrintaas qeexaya waa qodobka
Article 54aad.
Qodobkaas oo dhul-badeedkooda (maritime dominion) ku xadaynaya meel
xeebta ka durugsan 200 mayl-badeed. (Tixraac
Dastuurka Peru).
Qodobka Article 76 ee Xeerka Xadaynta Badaha waxa uu si qeexan u sheegaya
macluumaadka looga baahan yahay dalalka leh xeebaha si loogu kordhiyo ballaca
badda ay xuquuqda u leeyihiin. Waxaa loo baahan yahay cabbir ka soo bilaabanaya
Xeebta dalka ilaa 350nmi (648 km) oo dhanka badda ah.
Go'aannada laga filayo Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya
Mar haddii xildhibaanadda
baarlamaanka DFKMG looga bartay difaaca badda (Agoosto 2009), waxaa hadda
laga fili karaa in kulankan ay ka soo saaraan qodobbo lagu difaacayo badda Soomaaliya, laguna
qeexayo in Soomaaliya ay hore u lahayd xad badeed oo aysan xilligan u
baahnayn bad loo xadeeyo, dhulbadeedka Soomaaliya leedahayna uu soo hoos
gelayo Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Xorta ah, taas oo ah:
1. In Qeexid cad uu Baarlamaanku
ka bixiyo in Dhul-badeedka Qaranka Soomaaliya (Territorial Waters) uu yahay
200 mayl-badeed, sida ku cad xeerka Badda Soomaaliya ee Law No. 37 ee 1972,
xeerkaas Soomaaliya ayadoo aan ka tanaasulin ayay saxiixnay xeerka badaha
Adduunka 1982, isla markaasna ayadoo aan ka tanaasulin xeerkaas ayey
ansixinay xeerka badaha adduunka 1989.
2. In Gebi ahaanba Roadmap-ka laga saaro qodobka ku saabsan badda ee dhigaya
in EEZ lagu dhawaaqayo 19-ka December 2011. Waayo looma baahna hadda in bad
naloo xadeeyo, sida kor ku xusan xadka Soomaaliya ee dhinaca baddu waa
qeexnaa. 3. In Haba yaraatee aan
Baarlamaanka loo hoos gelin in ay aqbalaan EEZ halkii ay ka ahayd
Territorial Waters. Waayo haddii ay aqbalaan EEZ waxay ka tanaasulayaan
xeerka Law No. 37, si aysan islamarkaasna si toos ah ugu aqbalin in
Soomaaliya dhul-badeedkeedu yahay 12 nm.
4. In Gebi ahaanba DFKMG ay joojiso saxiixyada arrimaha ku saabsan xadaynta
badda oo lagu waayayo dhul-badeed.
5. iyo In xildhibaanadu
arrimahaas ka soo saaraan xeer sugaya sharcigii Badda Soomaaliyeed ee Law No. 37.
Taas si ay u xaqiijiyaana ay xeerkaas ku daraan Dastuurka Dalka si aanba
xukuumadi u farageli, ayagoo ku qeexaya in Dhul-badeedka Qaranka Soomaaliya
"Territorial Waters" uu yahay
200 mayl badeed oo u dhiganta 370km. Lana kordhin karo Qalfoofka Qaaradda oo
la gaarsiin karo 350 mayl badeed oo u dhigma 648km. Waa muhiim in la xuso in
la kordhin karo oo la gaarsiin karo 350 maylbadeed. Shacabka Soomaaliyeed waxay ka
dhur sugayaan go'aamada ka soo baxa kulanka baarlamaanka ee ka socda
Muqdisho.
-
Waxaa xusid mudan marka dalku
leeyahay 200 mayl-badeed oo Territorial Waters ah in uu isla markaasna
leeyahay aagga dhaqaalaha, maadaama uu Territorial Waters yahay kan
muhiimadda lahaanshada leh waxaa soo hoos gelaya aagga dhaqaalaha.
Sababtaas weeye tan Territorial Waters ay muhiimadda koowaad u leedahay.
-
ARAGTIDA DADWEYNAHA:
Jawaabtaada toos ugu qor
halkan (FG. Fadlan jawaabtaada ku qor dhanka hoose ee bogga soo baxa
RIIX HALKAN).
Aan markale is xasuusino erayadii waftigii Soomaaliyeed ee 1970-naadkii uga
qayb galay shirarkii xadaynta badaha siday u diidanayeen EEZ:
- "Habka caqli galka ah ee ay tahay in lagu magacaabo aagga badda ee
qaranku leeyahay waa in la yiraahdo Territorial Waters (badda ka tirsan
dhulka dalka), halkii laga oran lahaa EEZ (Badda Ganacsiga ee Gaarka u ah
dalkaas). Dalalka soo koraya dantooda waxaa loo adeegi karaa marka badda
dalalkaas ay ahaato fogaan ku xadaysan 200 mayl badeed oo ah Territorial
Waters. Waa in aysan fikir ahaan noqon Badda Gaarka ah ee Ganacsiga EEZ,
balse hab firkir ahaan waa in ay noqoto bad ka tirsan dhulka dalka
Territorial Sea".
Buugga "Eastern African States and the Exclusive Economic Zone"


- FG: 1960 markii Soomaaliya xornimada qaadatay, waxay dastuurka ku
qeexday in dhulkeeda xorta ah ay ka mid tahay Territorial Sea. Sannadkii
1967 ayaa Soomaaliya waxay fogaantii 12 mayl-badeed ee Territorial Sea ka
dhigtay 200 mayl-badeed (370.4km). Taas si ay u sii xaqiijiso ayaa dawladdii
Soomaaliya waxay sharci rasmi ah xadaynta badda ka soo saartay Xeerka Law
No. 37 oo 10kii September 1972 ka soo baxay Mogadishu.

Buugga "Eastern African States and the Exclusive Economic Zone" ee uu qoray Aggrey
K L J Mlimuka.
Waa Maxay Mayl-Badeed (Nautical Mile)
Mayl-Badeed Waxaa loola jeedaa maylka lagu cabiro badda, waayo waa
mayl (mile) ka duwan kan berriga lagu cabiro. Mile-ka badda waxaa loo yaqaan
"Nautical Mile" oo AfSoomaali ku noqonaya Mayl-Badeed, waxana uu u dhigmaa 1.85
km (ama 1,852 metres). Halka mile-ka caadiga ah ee berrigu uu u dhigmo 1.6 km
(ama 1,609 metres). Taas oo muujinaysa in Mayl-badeedku uu waxyar ka badan yahay
Mayl-ka berriga (1852 mitir - 1609 mitir = 243 mitir). Mayl-Badeedka waxaa loo
soo gaabiyaa NM. Tixraac:
Xeerka Badaha Adduunka
Xeerka badaha adduunka waxaa in la saxiixo loo furay December 10, 1982,
waxana uu dhaqan galay November 16, 1994 kaddib markii ay dhaqan geliyeen 60
dal. Dalalka ilaa hadda saxiixay tiradoodu waa 161 dal.
Dalalka saxiixay, laakiin aan ilaa hadda dhaqan gelin waxay gaarayaan
ugu yaraan 17 dal oo ay ka mid yihiin Afghanistan, Bhutan, Burundi, Cambodia,
Central African Republic, Colombia, El Salvador, Ethiopia, Iran, Democratic
People's Republic of Korea, Libya, Liechtenstein, Niger, Rwanda, Swaziland,
United Arab Emirates, United States.
Dalalka aan xitaa saxiixin, oo aan dhaqan gelin waxay gaarayaan
ugu yaraan 17 oo ay ka mid yihiin Andorra, Azerbaijan, Ecuador, Eritrea, Israel,
Kazakhstan, Kyrgyzstan, San Marino, South Sudan, Syria, Tajikistan, Timor-Leste,
Turkey, Turkmenistan, Uzbekistan, Venezuela iwm..
----------------------------------------------- Soomaaliya Ururrada ay
Xubinta ka tahay:
Soomaaliya waxay ka mid ahayd 33 dal oo asaasay Ururkii Midowga Africa 25kii
May 1963, markaas ayayna xubin ka noqotay ururkaas OAU. Ururkaas waxaa 9kii July
2002 loo bedeley Midowga Africa (AU) waxana uu ka kooban yahay 53 dal. Ururka
Jamciyadda Carabta oo ay xunbo ka yihiin 22 dal waxaa la asaasay 22kii March
1945, waxayna Soomaaliya Ururka Carabta xubin ka noqotay 14kii February 1974.
Sidoo kale Soomaaliya waxay xubin ka tahay 192 dal oo ka tirsan Ururka Qarammada
Midoobe (QM) oo la asaasay 1945 dagaalkii labaad ee Adduunka kaddib. Waxay
Soomaaliya ururka QM xubin ka noqotay 20kii September 1960.
Faafin: SomaliTalk.com | October 7, 2011
|