Heshiiska DFKMG iyo Shirkadda HallidayFinch waxa uu shacabka Soomaaliyeed
soo xasuusinayaa Heshiiskii TopCat
Heshiis ku sabsan in Shirkad Shisheeye ay masuul ka noqoneyso bixinta
Shatiyada (laysanka) lagaga kalluumaysan karo Badda Soomaaliya, heshiiskaas oo
aan weli la horgeyn Baarlamaanka DFKMG...
- SomaliTalk.com | March 30, 2012
Shirkad DFKMG heshiis kula gashay in ay qaadanayso boqolkiiba 30% dakhliga
ka soo baxa Kalluumaysiga Soomaaliya iyo weliba boqolkiiba 2% dul socod ah.....
25-kii Febraayo 2012 ayaa warsaxaafadeed aan lahayd tixraac xukuumadda KMG waxaa
lagu faafiyey shabakadda shirkadda lagu magacaabo HallidayFinch, waxaana markaas
la sheegay in
warsaxaafadeedkaas uu soo saaray Wasiirka Difaaca ee xukuumadda FKMG, Xuseen Carab
Ciise.
Warsaxaafadeedkaas waxaa ku qeexnaa in Wasiirka Difaaca Xuseen Carab
Ciise oo ku dhawaaqay sidan "anagoo caawinaad ka heleyna dhawr dal oo ka tirsan beesha
caalamka iyo jaal aan la noqonay shirkadda caalamiga ah ee HallidayFinch,
waxaan si dhaqso ah u dhaqan gelineynaa Ciidan DFKMG oo la dagaalama Burcad
badeedka. Waxaana tabaraka iyo sahayda
bixinaya shirkadda HallidayFinch".
Waxaa kale oo warsaxaafadeedkaas ka soo baxay Wasiirka Difaaca DFKMG, ku
qornaa in wixii akhbaar dheeraad ah ee ku saabsan arrintaas lagala xiriiri karo
emailka Shirkadda HallidayFinch.
Arrimahaas markii ay soo baxeen waxaa shacabka Soomaaliyeed u arkeen arrin
aan caqli gal ahayn oo u muuqatey macmal, maadaama aan qoraalkaasi u qornayn si
cilmiyaysan, lahayn tixraac xukuumadeed iyo taariikh ku suntan toona, isla markaasna lagu xusay in
Warsaxaafadeedka wasiirka difaaca lagala xiriiri karo emailka Shirkad shisheeye.
Laakiin waxaa Jimcadii (March 30, 2012)
heshiiskaasi in uu jiro xaqiijiyey Wasiirka Difaaca DFKMG oo waraysi uu la yeeshay idaacadda
codka Maraykanka ku xaqiijiyey in uu heshiis isagu la saxiixday shirkadda HallidayFinch. Waxa kale oo Idaacaddu waraysatay madax ka tirsan Shirkaddaas oo
faahfaafiyey heshiiskaasi in uu jiro.
Wararka ugu horeeya ee ka soo baxay heshiiska uu Wasiirka Difaaca DFKMG la
saxiixday Shirkadda waxay sheegayaan in heshiisku dhigayo in Shirkaddaasi ay
masuul ka noqoneyso bixinta Shatiyada (laysanka) lagaga kalluumaysan karo Badda
Soomaaliya. Arrintaas oo xad gudub weyn ku ah xornimadda Qaranka Soomaaliyeed.
Waxa kale oo jira lacag joogto ah oo u soconeysa shirkadda iyo yadoo saami badan
ku yeelanaysa macaashka mashruuca.
Dhanka kale Shirkadda HallidayFinch sida ay websitekooda ku qoreen waxay
sheegeen in ay shaqaalaysiinayaan 60 rag ah oo ay u shaqaalaysiinayaan kuwaas oo
qaabilsan la dagaalanka burcad-badeedka. Waxayna shirkaddu sheegtay Qofka shaqadaas soo
dalbanaya waa in uu lahaado khibrad milateri oo khaaska ah, ama ciidan badda ama
qaybaha kale ee militariga. Laakiin waana in raggaasi ay ka yimaadaan ama u dhasheen
dalalka UK, US, EU, ama South Africa, waa sida shirkaddu ku qeexday
websitekeeda.
Waxana shirkaddu sheegtay in 10 sano ay mashruucaas ku bixi doonto 900
million oo doolar. In kasta oo uu hadalkaas yiri haddana heshiiska waxaa ku
qoran in uu dhacayo 2016, ayadoo aysan jirin in baarlamaanka Soomaaliya ansiyey,
ama lama horgeynba.
Heshiiska Shirkadda Halliday Finch iyo DFKMG oo markii hore loo gudbiyey
xukuumaddii Farmaajo, markii dambena xukuumadda C/weli Gaas (oo
Nuqul kamid ah aad ka akhrin karitid halkan) waxyaabaha cajiibka ah oo ku
qoran waxaa ka mid ah in xeerka sharcigan lagula dhaqmayo xukuumadda FKMG uu
yahay xeerka dalka Ingiriiska u dhigan, halkaas oo ay muujineysa in gebi ahaanba
aan xukuumadda FKMGu muuqan dawlad xor ah u ah sharcigeeda.
Waxa kale oo heshiiskaas ku cad in DFKMG ay shirkadda siineyso boqolkiiba 30%
dakhliga ka soo baxa Kalluumaysiga Soomaaliya iyo wilba boqolkiiba 2% dul socod
ah iyo kharash kale.
Nuqulka
Heshiiska Shirkadda Halliday Finch iyo DFKMG
Waxaa kale oo xad gudub ku ah shacabka Soomaaliyeed in heshiiska
ay ku xusan taahy in badda Soomaaliya ay tahay EEZ taas oo ah middii shacabka
Soomaaliyeed ka dhiidhiyeen, waayo cabbirka badda Soomaaliya waa Territorial
Waters. Hadalkaas EEZ wasiirka Difaaca DFKMG ahna waxa uu ku xusay wareegtadiisa
ayadoo la ogyahay baarlamaanka DFKMG uu hore u sheegay in aan xukuumaddan KMG
ahi fara gashan karin cabbirka badda Soomaaliya.
Waxa kale oo heshiiska ku cad intiiba aan heshiiska la saxiixin in shirkaddu
sheeganeyso lacag qaan ah oo ka badan $97,000 taas oo ay tiri waa ka baxday
shirkadda.
Arrimahaas oo si dardar ah ku socda ayaan haddana heshiiskaas la hor geyn
baarlamaanka DFKMG, mana ansixin baarlamaanka Soomaaliya. Afhayeen u hadlayey
shirkadda waxa uu waraysiga VOA ku sheegay in heshiiskan dhanka xukuumadda FKMG
ay ku jiraan Ra'iisul Wasaaraha, Wasiirka Difaaca, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo
Wasiirka Kalluumaysiga iyo wasiiro kale oo uusan magacaabin.
Shirkaddan HallidayFinch
ayaa xafiis ku leh magaalada Nairobi ee dalka
Kenya. Dalka Kenya waa dalka cabirtay Block L5 oo ah gudaha dhul-badeedka
Soomaaliyeed ee ku beegan Raaskambooni halkaas
oo ay shidaal ka baaranayso, ayadoo hadda ay ciidamaduudu si xad gudub ah ku
joogaan aagga Raaskambooni ee ciidda Soomaaliyeed.
Shirkadda HallidayFinch qaabka ay heshiiska ula gashay DFKMG waxay shacabka
Soomaaliyeed soo xasuusineysaa heshiiskii DFKMG iyo Shirkaddii la baxday
TopCat heshiiskaas oo ku saabsanaa
in shirkaddaas TopCat ay ku andacooeneysey in ay ilaalin doonto xeebaha
Soomaaliya, waa heshiis la mid ah sida shirkaddan cusub ee HallidayFinch.
Heshiiskii TopCat iyo DFKMG ayaa socon waayey kaddib markii Shacabka
Soomaaliyeed ku baraarugeen cawaaqibka heshiiskaasi.
Waxaa sidaas oo kale socon waayey heshiiskii Xaafuun ee shirkaddii
HAFZA ee dooneysey inay
kiraysato Xaafuun muddo hal qarni ah (99 sano).
Haddii aan u soo laabano heshiiskan cusub, waxa waraysiga Idaacadda Codka
Maraykanka ay shirkaddu ku xaqiijisay in heshiiskaasi yahay kii ay hore ugu
direen xukuumaddii Farmaajo, waxa keliya oo is bedeley uu yahay Ra'iisul
wasaaraha (Gaas oo bedeley Farmaajo). Laakiin mar arrinta heshiiskaas waxa uu
kala socdo wax laga
weydiiyey Maxamed Faraajo waa uu ka warwareegey.
Warsaxaafadeedkii wasiirka Difaaca ee aan tixraaca iyo taariikhda lahayn
Waxaa
jira warar sheegaya in Shirkadda Halliday Finch ay 52 million oo doolar ka heshay xukuumadda Kuwait
in kasta oo arrintaas ay shirkaddu tiri ma jirto.
Laakiin sida shacabka
Soomaaliyeed xasuustaan waxay ahayd 2008 markii heshiis dhex maray DFKMG iyo
shirkadda reer Kuwait ah oo ku saabsanaa in ay Soomaaliya loo sameeyo
hay'adda Bartoolka oo markaas ay shirkadu leedahay boqolkiiba 49%.
Heshiiskaas oo socon waayey.
Shacabka Soomaaliyeed waxay baarlamaanka DFKMG ka sugayaan in ay
xukuumadda si degdeg ah uga dalbadaan in heshiiska dhex maray wasiirka Difaaca iyo
shirkadda HallidayFinch la hor keeno baarlamaanka.
Tixtaac:
-
Heshiiska
Shirkadda Halliday Finch iyo DFKMG
-
Waraysigii Idaacadda Codka Maraykanka VOA Jimce March 30, 2012
-
Halkan ka akhri Warsaxaafadeedkii wasiirka Difaaca DFKMG
- Akhri qoraalladii laga
qoray heshiiskii TopCat 2005
Faafin: SomaliTalk.com | March 31, 2012 |