Mudaharaad Email Ku Jawaabid ah Looga soo Horjeedo Boobka Badda Soomaaliyeed
"Wa n Madaxda DFKMG la xusuusiyo xeerkii badda Soomaaliyeed u degganaa
ilaa 1972 (LAW NO. 37), iyo in ilaa 1972 ay xuduudda badda Soomaaliyeed ahayd
200 maly badeed oo u dhiganta 370 kiiloomitir, islamarkaasna laga soo bilaabo
2009 ay xudduuda badda Soomaaliya noqoneyso 350nm (648 km). Arrinta muhiimka
ahna ay tahay in cabbirka 200nm uu ahaa TERRITORIAL WATERS ee uusan ahayn EEZ.
Sidaas daraadeedna ay caddeeyaan sababta ku kallifasa in ay aqbalaan 12 mayl."
Waxaan Ummadda Soomaaliyeed horay ula socodsiiyay
laga soo bilaabo sanadkii 1960kii waxaa Soomaaliya shidaal ka baaray shirkado
badan oo ay ka mid yihiin : AMOCO, CONOCO, PHILLIPS, CHEVRON, SHELL-(PECTEN),
ARCO, AGIP, ENI, SINCLAIR, Total-Fina-ELF (French company). Shirkadahaasina
waxay haystaan heshiisyadii ay la galeen xukuumadihii waddanka soo maray ilaa
markii calanka la taagay. Waxayna shirkadahaasi heshiis lagula galay shidaal
baarista bad iyo berriba.
Waxaan halkan hoose idiinku soo dhajinaya qoraal yar oo muhiim ah oo caddeynaya
in si sharciyan ah aaysan qorshaha ROADMAP-ka uusan u
hirgali karin.
QUOTE
- Industry sources said the other U.S. companies with contracts in Somalia cited
"force majeure" (superior power), a legal term asserting that they were forced
by the war to abandon their exploration efforts and would return as soon as
peace is restored.
UNQUOTE
Haddaba su'aasha meesha taalla waxaay tahay Shikadahaas aan kor kusoo sheegay oo
aay u horreeyaan (the American oil giants Conoco, Amoco, Chevron and Phillips)
oo heshiisyo caalami ah la galay Soomaaliya rajana ka qaba in aay dib ugu soo laabtaan markii aay Dowlad rasmi ah
Soomaaliya ka
dhalato.
Haddaba, SIDEE BAA HESHIISYADOODU NOQONAYAAN KUWA HESHIISKOODU UU KU JIRO IN AAY
XAQUUQ BAARIS U LEEYIHIIN ILLAA 200nm Territorial Water? Ma waxaay yeeli doonaan qorshaha ROADMAP-ka
oo xadadaya illaa 12nm.?
Waxaa meeshaas ka billaabmi doona - Conflicts of interest related to the
practice of law. Waa is-herdan u dhexeeya shirkadihii heshiiska kula jirey
Dawladihii hore iyo qolyaha dabada ka riixaya Roadmap-ka cusub - waaba ayadoo
aan la gaarin Soomaalida.
Shirkadahaas Batroolka sinnaba kuma yeeli doonaan in aay wax sharci aay u
haystaan in aay ka tana sulaan. Intaas waxaa dheer in aay iska hor imaanayaan
kuwa ROADMAP wata oo aay u horreeyaan Shirkadihii Kaluunka oo badda Soomaaliya
ka daldashay kheyraadkii dhex qotomay 21-kii sano oo lasoo dhaafay oo raba in
badda Soomaaliya lagu soo xadado 12nm ayagoo
meesha ka saaraya xeerka Law no. 37 ee 1972 oo si cad u qeexaya in
Soomaaliya ay leedahay DHUL-BADEED (Territorial Waters), dhul-badeedkaas oo
cabirkiisu xeebta ka durugsan yahay 200 mayl-badeed.
Sababta ugu weyn oo Shirkadahaas Kallumeysiga iyo kuwa sunta ku daadshay Badda
Soomaaliya waxaay tahay in aay ka cararayaan in dacwad lagu soo oogo markii aay
Dowlad rasmi ah ka dhalato Soomaaliya.
ROADMAP-ka waxaa kaloo si gaar ah dabada ka riixaya Commonwealth iyo Norway oo
raba in aay batroolka Badda Soomaliya ku jira u gacan galiyaan Dowladda Kenya.
Sida aanu wada arkeyno ROADMAP-ku waxuu wataa wajiyo badan oo uu rabo in uu ku
hirgalo annagoo wada arkeyna in MADAXDAYADII aay
horboodayaan.
Haddii aan usoo gudbo shirka lagu qaban doono Magaalada Garoowe wajigiisa
labaad, waxaan Dowladda KMG Soomaaliyeed la socodsiinayaa in Qorshahaan
ROADMAP-ka ay Soomaalida oo dhami ay hadda la wada socdaan oo ay ogyihiin in
saxiixyo laga arruursanayo.
Waxaan Ummadda Soomaaliyeed la socodsiinayaa in markii ay helaan saxiixyada u
dhimman oo ay ka sugayaan Gaoowe iyo Muqdisho in qorshohoodu u dhammaaday oo xataa aan la
sugeynin muddada beenta ah oo la leeyahay
19-ka December 2011 ayaa lagu dhawaaqi doonaa xuduud badeedka
Soomaaliya ee
loo yaqaan "EEZ" (Exculisive Economic Zone) ama "Aagga Dhaqaalaha ee Gaarka
ah".
Waxaad halkan hoose ka akhrisan kartaan sababta rasmiga ah oo aay u aruursanayaan
saxiixyada Dowladda KMG iyo Dowlad goboleedyada
in aay tahay qorshe horay u yaallay oo hadda la dhameestirayo.
Fadlan akhriya warbixintaan.
Billow:
- October 20, 2010 warbixin ay faafisay ECOTERRA ayaa sheegtay in uu jiro
dukumiinti cusub oo looga golleeyahay "agaasimid cusub ee aagga ganacsiga badda
EEZ" ee Soomaaliya. Dukumiintigaas "loogu magac daray bud-dhigidda ama
dib-u-agaasimida aagga Ganacsiga EEZ", haddii ay saxiixaan DFKG iyo/ama
Maamuladda Dawlad Goboleedyada, waxaa dukumiintigaas ku jira weero sheegaya
in Soomaaliya iyo/ama Dawlad Goboleedyadu ay tahay in ay ka tanaasulaan xuquuqda
ay u leeyihiin baaxadda badda ee ah 200 mayl-badeed, isla markaasna xuquuqdooda
lagu xadido ama lagu soo koobo 12 mayl-badeed."
Dhamaad
Waxaa aad u cajaa'ib badan in xukuumadda KMG ay dad ajnabi ah kala doodeen "War
nimanyahow yaan la idin khiyaamayn oo la idinka dhicin dalkiina." Arrintaas waa
mid aad looga xumaado in wasiirkii kalluumaysiga oo arrinta lagala talinayo
uusan dheg u dhigayn ama iska indha saabayo.
Arrinta shirka Garoowe waxaa muhiim ah in MASUULIYIINTA ka socda Dowlad
Goboleedyadu ay ku mintidaan sidii qodobka Badda Loo Difaaci lahaa oo ay ku
adkaystaan in aan loo baahnayn in xeer cusub lagu dhawaaqo ee la yiraahdo "WAA
LAHAYN XEER BADEED" - Waa Law No. 37 oo jirey laga soo bilaabo 1972, taas in laga dhaadhiciyo kuwa dabada ka riixaya qorshaha
gurracan ee loogu magac daray ROADMAP. Anigoo aaminsan in xubnaha ka qeebgalaya
Shirka GAROWE ay fahamsanyihiin khayaanada meesha ku jirta, ayaa waxaan ka
codsanayaa in lagu adkeesto in "Soomaaliya AY LAHAYD XEER BADEED oo 200nm
TERRITORIAL WATERS." Khayaanada meesha ku jirtana ay miiska u saaraan.
Waxaan Xubnaha Dowlad Goboleedyada ka socda oo shirka GAROWE ka qeebgali doona
ku adkeeynayaa in aan la khayaanin oo dokumenti dambe aaysan saxiixin (WAA
MUHIIM) yaan saxiix la idinka helin. HADDII aad dukumiinti saxiixaysaan ha noqdo
mid dhigaya in "laga soo bilaabo 1972 ay Soomaaliya lahayd xuduud badeed oo ah
200 mayl-badeed (200nm), islamarkaasna laga soo bilaabo 2009 in Soomaaliya
leedahay xuduud badeed oo gaareysa 350 mayl-badeed."
-----------------
MUDAHARAADKA EMAIL KU JAWAABID AH OO LOOGA SOO HORJEEDO BOOBKA BADDA
SOOMAALIYEED.
Waxaan shacabka Soomaaliyeed farayaa ama ka codsanayaa in ay emailyo iyo
telefoono iyo su'aalo la xiriira badda Soomaaliya u diraan DFKMG, madaxdooda oo dhan sida xafiiska madaxweynaha, xafiiska
guddoomiyaha baarlamaanka, xafiiska ra'iisul wasaaraha, oo laga codsado qof
kasta oo Soomaali ah in uu u diro ugu yaraan hal email oo uu arrinta kaga soo
horjeedo ama hal telefoon.
Wadaniyiinta Soomaaliyeed ha isgaarsiiyeen dhexdooda E'mailyada iyo
teleefoonnada an kor kusoo sheegay si uu u hirgalo MUDAHARAADKA EMAIL KU
JAWAABID AH OO LOOGA SOO HORJEEDO BOOBKA BADDA SOOMAALIYEED.
Qaabka emailka ama telefoonka loo dirayo:
- Ugu horayn waa in ay noqdaan email aysan ku jirin wax yooyootan ah ama
aflagaado shakhsi ah,
- Cinwaanka Emailku ha noqdo mid lagu muujinayo sida looga soo horjeedo
boobka badda Soomaaliyeed
- in Madaxda DFKMG la xusuusiyo xeerkii badda Soomaaliyeed u degganaa ilaa
1972 (LAW NO. 37), iyo in ilaa 1972 ay xuduudda badda Soomaaliyeed ahayd 200
maly badeed oo u dhiganta 370 kiiloomitir, islamarkaasna laga soo bilaabo
2009 ay xudduuda badda Soomaaliya noqoneyso 350nm (648 km). Arrinta muhiimka
ahna ay tahay in cabbirka 200nm uu ahaa TERRITORIAL WATERS ee uusan ahayn
EEZ. Sidaas daraadeedna ay caddeeyaan sababta ku kallifasa in ay aqbalaan 12
mayl.
- Ha noqoto email ama dhambaal kooban oo si xigmadaysan loo qoray.
Taladii ugu dambeysay waxay tahay in ROADMAP laga horyimaado oo
aan la oggolaanin maadaama lagu duudsiinayo badda Soomaaliyeed iyo in aan yeelanno BAR KULAN aan ku badbaadinno
Baddayada iyo khayraadkayaga (Akhri
Xubin ka noqo Xaruntan Cusub)
Somaliya Soomaali baa leh.
Bashir Shekh Moxamed
bashirmohamud@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | September 18, 2011
- Qoraaga (Bashiir Shiikh Maxamed), waa diblomaasi Soomaaliyeed oo ka soo
shaqeeyay safaaraddii Soomaalida ee Stockholm xiligii uu safiirka ka ahaa
halgamaagii weynaa ee ee Cabdulaahi Ciise Maxamuud (Alle ha u naxariistee).
Sannadkii 1979-kiina waxa uu noqday sii hayaha (Charge D'affaires) ee
safaaradihii Soomaaliya uga furnaa waddamada Skandaneviyanka
Maanso- Deelleey-Difaaca Badda Soomaaliya
Jiiftadan
oo ah Deelleey, kuna saabsan diffaaca Difaaca Badda Soomaaliyeed waxaa tiriyey
Maxamuud Axmed Cabdalle oo ku magac dheer Maxamuud Shiine.
Abwaanku waxa uu jiiftada ka tiriyey damaca la soo cusboonaysiiyey ee lagu
doonayo in lagula wareego qayb kamid ah badda Soomaaliyeed. Waxana uu abwaanada
iyo gabayaaga kale ku boorinayaa in ay jiiftadan ka qayb qaataan.
"Damacaa Badda Gaarey Yaa Dareemi karaaya", ayaa abwaanku ku hal qabasanayaa.
"Yaa damiir ku dambeeyo, yaa difaaci baddeena."
Halkan ka
dhegeyso jiiftada. (MP3)