Maxaa ka jira in Shariif Xasan uu la Wado Dowladda Kenya in dib loo soo
Nooleeyo Heshiiskii Badda Soomaaliya
Shariif Xasan "Wararkaasi waa been waxaa idiin sheegayaa in Kenya aysan Rabin
Bad iyo Dhul Soomaaliyeed"
Waxaa maalmahaan Waraahinta ay qorayeen warar ku saabsan Shariif Xasan Shiikh
Aadan Guddoomiyihii Barlamaankii Xilkiisu dhamaaday oo dhawaan Dalka degdeg uga baxay
ayaa wada olole uu ku doonayo sidii dib loogu soo nooleyn lahaa Heshiiskii lagu
bixinayay Badda Soomaaliyeed.
Shariif Xasan oo dhawaan magaalada Muqdisha ka raacay diyaarad gaar ah oo
laga leeyahay dalka Kenya isla markaana Safarkiisu uu ku wehelinayay Sarkaal ka
tirsan Xukuumadda Kiinya ayaa waxa ay gaareen magaalada Nayroobi.
Shariif Xasan ayaa kulano goono gooni ah la qaatay siyaasiin asalkoodu Soomaali
yahay kana tirsan Xukuumadda Kenya kuwaasoo uu kala hadlayay Heshiiskii Badda
Soomaaliya qayb ka mid ah lagu siinayay dalka Kiinya. Heshiiskaas oo ay hore u
saxiixeen xubno ka tirsanaa Xukuumaddii Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa
waxaa hakiyay Barlamaankii Soomaaliya ee Xiligaa jiray, kana dhigay waxba kama
jiraan.
Guddoomiyihii hore ee Barlamaankii ku meel gaarka oo si deg deg ah ku gaarey
cariga Kiinya
markii ay dhamaatey doorashadii Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa
saraakiisha uu la kulmay waxaa ka mid ah guddoomiye ku Xigeenka Barlamanka Kenya
Faarax Macalim, siyaasiga Ilayaas Barre Shiil oo ka mid ah la taliyayaasha
madaxweynaha Kenya iyo Maxamed Cabdi Gaanddi oo ah ninka sheegta Madaxweynaha
maamulka la magac baxay Azania.
Kualanadaas ka dhacay magaalada Nairobi ayaa waxaas la sheegey in
doweladda
Kenya ay aad u daneyneyso in dib loo soo nooleeyo Heshiiskii Badda ee uu laaley
Baarlamaankii Soomaaliya, waxaana wararka ay sheegeen in Kenya ay dooneyso in
Shariif Xasan uu taageero musharaxa Cabdiweli Cali Gaas si ay u sahlanaato
heshiiskii Badda ee dhacay sannadkii 2009.
Xukuumadda Kiinya ayaa aad u danaynaysa mashruucaas oo qiime weyn uu ugu fadhiyo
iyadoona la sheegay in sidoo kale heshiiskaas ay dabada ka riixayaan shirkado
dalka Norwey ka tirsan oo halkaa u jooga ama danaynaya sidii ay shidaal uga qodan lahaayeen
Xeebaha Soomaaliya.
Guddoomiyihii hore ee Barlamaankii ku meel gaarka ayaa wararku tibaaxeen in xiligan
uu si weyn ugu
hawlan yahay sidii heshiiskaas dib loogu ambaqaadi lahaa isla markaana loo dhaqan
gelin lahaa heshiiskii hore ee baaxad weyn oo dhul-Baeedka Soomaaliyeed ah looga
iibiyay dalka Kiinya, iyadoo
wararka qaarna ay sheegayaan in shidaalku uu ku badan yahay dhinaca Xadka Biyaha
Soomaaliya halkaasoo si weyn ay u dananayso Xukuumdda Kiinya iyo waliba
shirkadaha dalka Norwey.
Si kastaba Su’aasha ay dad badan is weydiinayaan ayaa ah sababaha keenay in
Guddoomiyihii hore ee Barlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan uu sida deg degta ah
ugu ambabaxo dalka Kiinya isagoo aan xitaa wareejin Xilkii Guddoomiyanimada
Barlamanka iyo doorka uu ku yeelan karo Heshiiskii Badda Soomaaliya lagu
bixinayay Xilligii uu Guddoomiyaha Baarlamanka ahaa.
Shariif Xasan oo shaley dib ugu soo laabtey ayaa waxaa Garoonka ku soo dhaweeyey
Xildhibaan Cali Khaliif Galeyr oo ahaa shaqsigii uu Shariif Xasan uu doonayey in
uu ku soo baxo Gudoomiyaha Baarlamaanka, balse waxaa aqlabiyad ku qaadey Maxamed
Shiikh Cismaan Jawaari oo
isna lagu tiriyo nin ay si aad ah isugu dhow yihiin
Dowladda Norway, waxaana Shariif Xasan la weydiiyey in uu jiro warakii ku
saabsanaa in dib loo soo nooleeyo Heshiiskii Badda waxaana uu ku jawaabey:
“War Anigu ma ihi Madaxweyne, Raiisul Wasaare iyo Gudoomiye Baarlamaan ee
waxaan ahay Xildhibaan caadi ah, marka ma jirto sabab aan Kenya uga wada hadalno
arrimahaas, marka waxaan idiin sheegayaa in Kenya aysan rabin dhul iyo
Bad Sooomaaliyeed, marka wararkaasi waa kuwa aan sal iyo Raad lahayn”.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
LIFAAQ: Khariidad Muujinaysa Dhul-Badeedka Soomaaliyeed ee Kenya
Qandaraaska ku bixisay
Dhul-badeedka gudaha ugu jira badda Soomaaliya ee Kenya qandaraasyada ku
bixisay waxaa ka mid ah:
- Block L5 (Anadarko)
- Block L22 (Total)
- Block L21, L23, L24 (ENI – Talyaani)
- Block L26 (Statoil Norway)
- Block L13 (Zarara Oil)
Khariidaddan hoose waxaa Kenya samaysay bishii May 2012 xilliggaas oo
Soomaalidu ku mashquul sanayd waxa loogu yeeray Roadmap.
Faafin: SomaliTalk.com | September 2, 2012
|