Yaa ka dambeeya xadeynta lasheegay in Loosameynayo Badda
Soomaaliya 19 Dec 2011
- Qore: ABDIAZIZ KHALIIF BARRE
XADEYNTA BADDA SOOMAALIYA
SUAAL. Waa maxay farqiga
udhaxeeya (Somali Territorial Sea) oo macnaha ah Dhul badeedka wadanka
Soomaalida, iyo EEZ” (Exculisive Economic Zone) oo macnihiisu yahay Aagga
Dhaqaalaha ee Gaarka ah?
Waxaa maalinba maalinta kadambeysa
sii xoogeysanayo qeyla dhaanta kaimaneyso bulsha weynta soomaaliyeed qeybaheeda
kala gadisan, haba ugubadnaadeen aqoonyahaniintii, iyo waxgaradkii lasoo
shaqeeyay dowladihii hore ee dalka soomaray kuwaas oo kadhiidhinayo xadeynta
lasheegay in loosameynayo badda soomaaliya 19 DEC 2011.
HADABA YAA KADAMBEEYA ARINTAN.
Waxaa inta badan culeyska saara in
laxadeeyo badda soomaaliya { International marine organization} oo fadhigoodu
yahay magaalada London, sanadkiina mar lagu qabto, arintan xadeyntana waxay soo
bilaabmatay sanadkii 2008 markuu madaxweyne c/llaahi yuusuf ahaa madaxweynaha
soomaaliya.
Raggii madaxda ahaa ee aadka ugu
ololeeyay in sharcigan EEZ laqaato oo xad cusub loo sameeyo waxaa kamid ah oo
ugudaran Prof Cabdiraxmaan Xaaji Aadan Ibbi oo sanadihii 2009 iyo 2010 olole
ugujiray in laxadeeyo badda soomaaliya,
Waxaa kaloo kamid ah wasiirkii hore
ee kaluumeysiga iyo Kheyraadka badda Dr Maxamed Macalin Xasan kaa oo la
xaqiijiyey in u ahaa mas.uulkii ugu horeeeyey oo saxiixay in biyaha badda
somaliya lagu soo kobo 12 nowtikal mile,xili uu dolwada KMG uga qeybgalay Shir
ka dhacay magaalada Lonodn ee dalka Britain kaas oo u dowlada uga wakiil ahaa ka
qeybgalka shirkaa
Dr Maxamed Macalin Xasan Dhawaan loo
magacaabay safiirka Somaliya u fadhiyi doono dalka isu taga imaaraadka carabta
ee midoobay .
Waxaa kaloo kamid ah Wasiirka
Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee DFKMG hadda jirtaCabdiraxmaan Shiikh
Ibraahim Maxamed sida wareysigiisii dhawaa kucad.
Sidoo kale waxaa soo gudagelidoono
xukuumada/reysal wasaaraha/ iyo gudiga roadmap qeybihiisa kala duwan, iyo inta
saxiixday ee ilaa hadda lahayo, iyo shirka dambe ee garoowe lagu qaban doono
Waxaa arintan qeyb harudhac ah kasoo
gelidoono Raysal Wasaarihii hore ee Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ah Mudane
Nuur Xasan Xuseen, iyo safiirka soomaaliya ufadhiya Kenya MR. maxamed cali nuur
ameerico oo HESHIIS dhexmaray Midawga Yurub iyo Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ku
saabsan Ciidamada badda ee ay hoggaaminayaan Midowga Yurub ee Gudaha
Jamhuuriyadda Soomaaliya ee ku shaqaynaya Hawlgalka Militariga Midowga Yurub ee
(loogu magac daray) Atalanta Heshiiska
waxaa Nairobi lagu saxiixay 31/12/2008. Isagoo aan lamarsiin baarlamaanka,
iyo goloha wasiirada toona.
NB. Hadaba soomaaliya baddeeda waxaa
looqeybiyaa dhanka Indian Ocean oo ay katahay cabirkeeda 200 oo mayl baddeed
una dhiganta 370km, iyo dhanka gacanka cadmeed oo puntland iyo somalilandba soo
hoosgalayaan oo ay katahay 50% 50%, hadaba haddii cabirka dhanka loo ololeenayo
laga dhigo 12nm, dhanka kale muxuu noqonayaa?. Jawaab iyagaa laga rabaa.
SUAAL. Hadaba aan isweydiino badda
soomaaliya xad loo aqoonsan yahay maleedahay?
JAWAAB. Haa way leedahay laga soo
bilaa 1972 cabirkeeda waa 200 oo mayl baddeed una dhiganta 370km,
SUAAL. Waa maxay farqiga
udhaxeeya (Somali Territorial Sea) oo macnaha ah Dhul badeedka wadanka
Soomaalida, iyo EEZ” (Exculisive Economic Zone) oo macnihiisu yahay Aagga
Dhaqaalaha ee Gaarka ah?
JAWAAB. (Territorial Sea) Waa meel
aad adiga leedahay, lasoomari Karin, laga ugaarsan Karin, shidaal laga
qodankarin,, badda hoosteeda waxa kujira lagala bixikarin, qashin lagushubi
Karin, etc. waa meel adiga kuuxadeysan adiga aad sigaar ah uleedahay., laga soo
biulaabo 1972 ilaa hadda oo 2011 soomaaliya cabirkeeda waa 200 oo mayl baddeed
una dhiganta 370km.
EEZ” (Exculisive Economic Zone) waa
meel maraakiibta dagaalka marikaraan, cadowgaadu kuusoo istaagikaro 12meel in
kuudhow, maraakiibta xamuulku marikaraan.
Hadaba arinta hada ladoonayo oo
laleeyahay EEZ” (Exculisive Economic Zone) ayaa laxadeenayaa wuxuu yahay in
cabir badeedkeenii ahaa 200 oo mayl baddeedka magaca loobadalo oo 12 kamid ahna
lagadhigo (Somali Territorial Sea) xadka aan gaarka ulahaan doono ee nooxiran uu
noqdo 12nm kaliya, meeshuu awal ka ahaa 200nm, inta kadhiman labadii boqol ee
horana ay noqoto meel nalala wadaago oo aynaan gaar ulaheyn., waana tan lagu
qiyaameynayo madaxda oo loogu sheegay in taako kamid ah dhulkeena laqaadaneynin
oo ayan kawarqabin.
Ujeedada kadambeysa way wajiya badan
tahay waxaa kamid ah:
1- In laqariyo kaluumeysigii
reer yurub kuhayeen xaalufinta badda soomaaliyeed mudadii dheereyd.
2- Mar hadii xad cusub
lasameeyay wixii hore waxay noqanayaan wax tirtiran oo aan dib looraacan karin,
sida suntii badda lagushubay, dadkii lalaayay ee burcad badeeda lagu sheegay oo
layiraahdo xad kale ayay galeen oo lagu laayay, kaluunkii lagurtay, and etc.
3- In dowlada Kenya loo sameeyo
cabir badeed cusub si loogu gacan geliyo ceelka shidaalka ee ay shirkadii reer
norway kaheshay dusha sare ee raaskiyambooni 1980.
4- Sidoo kale ceel kale oo aad
uweyn oo isla shirkadan ay kaheshay inta udhaxeysa baraawe ilaa hobyo in
ceelkaas lagudaro badda lawada leeyahay si ay uwada manaafacaad sadaan inta
awooda leh ee haatan kusugan baddeena.
5- In soomaliya laduudsiiyo
xaqqa ay uleedahay in cabirkeeda badda ee hadda ah 200nm kadhigan karto 350 ilaa
400nm, sharcigaa oo soo baxay 2009, waana kan hada ay dhaqan gelineyso dowlada
Kenya kadib marka keena lasoo yareeyo.
Dowlada kumeel gaarka iyo dowlad
goboleedyada waxaan leenahay wixii lahayo lama lumiyee wixii maqan baa labaadi
goobaa, haatan waxaan leenahay oo naloo ictiraafsan yahay 200nm, xaqqa aan
leenahay wuxuu yahay laga soo bilaabo 2009 sharcigii soo baxay in Somali
Territorial Sea uu noqdo ugu yaraan 350nm, ugu badnaana 400nm, wixii intaa
kadambeeyo ayuu noqonayaa EEZ”(Exculisive Economic Zone) dhabta ah, ama sidii
hore haloo daayo oo ah sida aanu hadda nahay oo macnuhu yahay Somali Territorial
Sea waa 200nm, wixii intaa kadambeeyo ayuu kabilaabanayaaEEZ” (Exculisive
Economic Zone).
NB. Ogaada xadka ocean –ka badda hada
laga hadlayo waxay udhaxeysaa soomaliya iyo Seychelles , cabir badeedka inoo
dhaxeeyo haatan waa 600nm oo biyo caalami ah oo ay mari karaan maraakiibta
dagaalka, kuwa xamuulka, etc, sidaa daraadeed looma baahna in layiraahdo manta
waxaa dib loo cabirayaa aagga ganacsiga ee waxaan arin ujeedooyin kala duwan
laga leeyahay oo ay kumideesan yihiin dhamaan wadamada reer yurub iyo
xulafadooda, raga soomaaliya madaxda ka ahna lagu marsiinayo qaab dhaqaale xoog
badan, iyo in loo balan qaaday in kumeel gaarka laga saarayo oo laga dhigayo
dowlad aan kumeel gaar ahayn, inta maanta hor boodeysana dib loosoo celinayo oo
iyagamadax kanoqonayaan wasiilo kastoo loo maro.
Daawo Halkan
Hadaba dowlada kumeelgaarka hadey
ogolaato EEZ” (Exculisive Economic Zone) oo ay badasho, ama ay
baabiiso sharcigii hore ee ahaa Somali Territorial Sea waa 200nm, kana dhigto
ama ay ogolaato in laga dhigo Somali Territorial Sea inuu noqdo 12nm oo wixii
intaa kadambeeya uu noqondoono EEZ” (Exculisive Economic Zone). Waxay
kukacday khiyaano qaran, waxay noqoneysaadowlad ushaqeysa dowlado shisheeye
danahooda, cidii kuluglahayd laga soo bilaabo sanadkii 2008kii markii uu
maamulkii madaxweyne c/llaahi yuusuf ay uqoreen waraaqdii QM in ciidamada
shisheeye badda kusoo galayeen hashiiskii ay iyaga saxiixeen oo lahayo hadda,
lagasoo bilaabo waqtigaas ilaa haatan lataagan yahay madaxdii kulugyeelatay
dhamaan waxaa laga hayaa cod, saxiix, qoraal, & etc waqti kastoo ay noqoto iyo
meel kasta oo ay tagaan waa arin urahman fursadeeda ayaa lalasugayaa.
HADABA ragga qibrada iyo waaya argga
iyo cilmiga gaarka ah uleh baddeena ee aan soo jeedinayo iney kafaaideystaan
dowlada kumeelgaarka ah waxaa kamid ah:
1- CISMAAN ABSHIR CIGAAL.
Cismaan waa aqoon yahan iyo dublamaasi soomaaliyeed, waxuu todobaatameeyadii
kasoo shaqeeyay wasaaradii arimaha dibada xafiiskeeda lagu keediyo heshiisyada
soomaaliya lagashay dowladaha kale ee aduunka, waa ninkii waagaa talo
kusiiyay hogaankii sare ee kacaanka in cabirka badda soomalia laga dhigo 200nm
ee aynu hadda leenahay si halkaa aanu uga difaacano qeyraadka baddeena kujira
kaluun/batrool/&etc, taladiisii ayay qaateen hogaankii sare ee kacaanka sidaas
beyna soomaaliya laga soo bilaabo 1972 ilaa manta udiiwaan gashan
yahay 200nm.,sidoo kale Mr. cismaan abshir cigaal wuxuu ahaa safiir kuxigeenkii
safaaradii aynu kulahayn wadankaUganda { yugaandha } wuxuu haatan kunool
yahay wadanka England.
2- ISMAACIIL XAAJI NUUR waa
aqoon yahan kuxeeldheer cilmiga badaha, wuxuu QM talooyin kasiiyaa burcad
badeeda, waxna laga weydiiyaa xeerarka badda isagana LONDON buu kunoolyahay, waa
nin qibrado iyo aqoon aad umihiim ah leh oo laga faaideysan karo.
3- MR. Bashiir Shiikh
Maxamed waa dublomaasi Soomaaliyeed, waxaana May 07, 1979 markii uu Mudane
Cabdulaahi Ciise (AHN) aaday waddanka Norway si uu u soo qalqaaliyo shirkaddii
batrool baarista ee WESTERN GECO, loo magacaabay inuu noqdo sii hayaha (Charge
D'affaires) ee safaaradihii nooga furnaa waddamada Sweden, Denmark iyo
Norway, waa nin xog aad ubadan kahayo damaca waalan ee wadamadaas, gaar ahaan
Norway oo uu udiray waraaqo badan oo uu ugusheegay inuu ahaa dublomaasi waqtigaa
kashaqeeyay wadnkooda, wuxuuna ugadigay qaska ay sigaar ah uwado., wuxuu hayaa
document aad ubadan iyo xog , wuxuu kunoolyahay wadanka Holland.
NB. Raggaas aan kor kusoo xusay waxay
dowladu cinwaanadooda kahelikartaan {somalichanel} info@somalichanneltv TEL.
442080901915 LONDON.
DOWLADA KUMEEL GAARKA, DOWLAD
GOBOLEEDAYADA SOOMAALIYEED, IYO DHAMAAN SHACABKA SOOMAALIYEED WAXAAN LEENAHAY
SIDA HOOS KUQORAN:-
Dhulbaddeedka Ummada Soomaaliyeed
(Territorial waters) xadkiisu waa fogaan xeebta ka durugsan 200 oo Mayl baddeed
(200nm) oo u dhiganta 370km. Qorshaheenu waa inaan kordhisanaa Qalfoofka Qaarada
oo gaarsiinaa 350nm oo u dhiganta 648km oo Dhulbaddeedka wadanka (Territorial
water).
Halku dhigeenu waa (Maya EEZ, Haa Territorial Waters) - No EEZ, yes
Territorial Waters.
QORE. ABDIAZIZ KHALIIF BARE
abuhamaam [ A T ] hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | September 30, 2011
Maanso- Deelleey-Difaaca Badda Soomaaliya
Jiiftadan
oo ah Deelleey, kuna saabsan diffaaca Difaaca Badda Soomaaliyeed waxaa tiriyey
Maxamuud Axmed Cabdalle oo ku magac dheer Maxamuud Shiine.
Abwaanku waxa uu jiiftada ka tiriyey damaca la soo cusboonaysiiyey ee lagu
doonayo in lagula wareego qayb kamid ah badda Soomaaliyeed. Waxana uu abwaanada
iyo gabayaaga kale ku boorinayaa in ay jiiftadan ka qayb qaataan.
"Damacaa Badda Gaarey Yaa Dareemi karaaya", ayaa abwaanku ku hal qabasanayaa.
"Yaa damiir ku dambeeyo, yaa difaaci baddeena."
Halkan ka
dhegeyso jiiftada. (MP3)
|