Wasiirka Kalluumaysiga DFKMG oo Sheegay in Badda Soomaaliya La Xadaynayo 19-ka
December 2011
Arrintaas oo ah tii ay shacabka Soomaaliyeed ka soo horjeesteen....
SomaliTalk.com | September 24, 2011
Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee DFKMG Cabdiraxmaan Shiikh
Ibraahim Maxamed oo Jimacadii Sept 23, 2011 ku soo laabtay Muqdisho, kaddib
markii uu Seychelles iyo London ayaa shaaca ka qaaday in la doonayo in xadayn cusub loo sameeyo badda Soomaaliya, taas oo ah arrintii ay ka
dhiidhiyeen shacabka Soomaaliyeed.
Wasiirka
oo shir jaraa'id ku qabtay garoonka Muqdisho ayaa isagoo arrintaas ka hadlayeyna
waxa uu sheegay in uu tegey dalka England (UK), waxana uu yiri "Sidaad la socotaan waxaa deadline (waqti go'an) loo qabtay in la
xadeeyo xusuudaha badda, waxaana la soo kulmay khubaro ku shaqo leh xadaynta
badda oo hore wasaaradda hawlo ula wadey oo hore loo bilaabay sidii aan ka yeeli
lahayn, waxyaabo badan ayaan ka soo wada hadalay sidii wax looga qaban lahaa iyo
sidii loo dhamaystiri lahaa hawshaas oo waqtigeedu xadidan yahay, waxyaabo
badana meel ayaan isla soo dhignay."
Waxana uu intaas raaciyey "Badda anigaa masuul ka ah, wax la iibsadeyna ma
jiraan, heshiis la saxiixayna ma leh, badda in la xadeeyo uun ayuu ku qornaa
sharcigaas. Badda hala xadeeyo waqtigeeda oo ah 19-ka December (2011), haddii
waqtigaas ay suurtagal noo noqoto waa xadaynaynaa, haddii ay noo suurtageli
weydona dib ayaan u dhiganaynaa. Su'aasha badda yaan la soo celin. Waxaad ku
seexanaysaan qof kasta oo Soomaali ah in taako Soomaali leedahay aanan la
bixinayn."
Arrinta aadka khatarta u ah ee wasiirku qiray waxay tahay kelmedda "xadaynta
badda Soomaaliya oo waqti go'an loo qabtay 19-ka December 2011", taas ah arrin
lagu suulinayo xeerkii badda Soomaaliya ee Law No. 37 ee 1972 ee qeexayey in
badda Soomaaliya xadkeedu yahay 200 nautical miles (Teritorial Waters).
Waxa kale oo wasiirku qirayaa in uu Kenya kula soo kulmay (hay'ado) u sheegay
in ay ka caawinayaan xadaynta badda Soomaaliya.
Waxaa shacabka Soomaaliyeed is weydiinayaan maxaa ku kallifaya DFKMG inay ka
tanaasusho sharcigii badda Soomaaliya u degganaa 40-ka sano, maxayse ugu doodi
la'yihiin in adduunku hadda u ogol yahay 350 nautical miles, halka ay ku
doodayaan in cabirka badda Soomaaliya laga dhigo 12 nautical miles . Waa haddii
ay run ka tahay in "taako kamid ah badda Soomaaliya aysan bixinayn".
May
8, 2011 ayey ahayd markii Maxamed Macallin Xasan oo ahaa Wasiirkii Kalluumaysiga
ee xukuumaddii Farmaajo oo safar kaga soo laabtay London waxa uu yiri
"Dhibaatada jirta waxay ahayd inkasta oo aan anaga lahayn xeerka Soomaaliya ee
(19)72dii waxa uu qorayaa Territorial Sea (Waters) oo ah 200 nautical miles,
haddana dunida nooma aqoonsanin xeerka caalamiga ah, waxay nagu yiraahdeen oo
keliya 'Soomaaliya waxaan u aqoonsanahay 12 nautical miles oo keliya". (Akhri)
Shacabka
Soomaaliyeed waxay fahamsan yihiin haddii hadda la aqbalo in badda
la xadeeyo, in macnaheedu yahay hore baddeenu inooma xadaysnayn, halkaasna
waxaan ku waayeynaa xuquuqda badeena, kuma doodi karno xad gudubyadii lagula
kacay baddeena mudaddii 20-ka sano ahayd ee dawlad la'aanta, maxkamadaha
adduunka ma geyn karno dacwado ka dhan ah dalalkii sida sharci darada ahaa uga kalluumaysanayey
waqtigaas iyo kuwii sunta ku duugey. Waxaana xusid mudan in Wasiirka
Kalluumaysiga, C/raxmaan Sh. Ibraahim uu qudhiiso qirsan yahay in sun lagu
duugey badda Soomaaliya, si sharci darro ahna looga kalluumaysto, sida uu
saxaafada u sheegay in uu arrintaas ka caddeeyey shirkii Seychelles.
Wasiirka Kalluumaysiga ee DFKMG, C/raxmaan Sheikh, oo xad gudubka lagu hayo
badda qirayey ayaa sheegay in uu ka qayb galay shir lagu qabtay Seychelles oo
looga hadlayey burcad-badeeda Soomaalida ayaa yiri "Burcad badeedka ay ka
hadlayaan maahee waxaa kale oo jira burcad badeed badan oo kale sida kuwa
sharcidarrada ku kalluumaysta, kuwa qashinka ku shuba badda, kuw daroogada u
sida dhuumaalaysi ah ku soo mariya oo hubka sharci darrada kusoo geliya,
waxyaabahaas oo dhan meesha waa ka sheegnay in burcad badeeda keliya aysan ahayn
."
Tan kale wasiirku waxa uu qirayaa in Soomaali kor u dhaafaysa 1000 qof ay ku
xiran yihiin ilaa 20 dal, dadkaas oo loo xiray Burcad Badeednimo, taas oo sida
uu sheegay qaar waalidiinta dhallinyarada xiran ay wasiirka la soo xiriirineen
ayago ou sheegaya in aysan wax dembi ah lahayn. Marka haddii laga tanaasulo xaqa
aan u leenahay baddii inoo cabirnayd ee ah 200 nautical mile, sow taas
macnaheedu ma noqoneyso in la oran doono dadkaas waxaa laga qabtay badda
caalamig aah oo ka baxsan Soomaaliya, sidaasna ay xuquuqdoodii ku waayi maayaan?
Shacabka Soomaaliyeed waa ku baraarugsan yihiin in shirkii shirkii Seychelles
lagu doonayey in badda Soomaaliya lagu soo koobo xadka cusub oo ah 12 nautical
miles, taas oo uu ganafka ku dhuftay Taliyaha geesiga ah ee ciidanka badda,
Admiral Faarax Qare. Qadiyadda baddu waa mid qaran oo shacabka
Soomaaliyeed ka midaysan yihiin, warbaahintuna ay gudbinayaan dareenka
shacabka.
Shacabka Soomaaliyeed waa la socdaan sida loo doonayo in la duudsiiyo xeer
badda Soomaaliya u degganaa muddo 40-ka sano. Taas oo aysan aqbali doonin.
Waxaana arrintan duudsiinta badda Soomaaliyeed ay u socon weydey labadii
xukuumadood ee ka horeeyey xukuumadda C/weli Gaas.
Shirkii bartaamihii bisha September 2011 lagu qabtay Seycelles waxaa ka qayb
galay Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya, Admiral Faarax Qare, markii uu
arkay in lagu xad gudbayo badda Soomaaliya ayuu qoraal kulul dhexdhegay
saraakiishii ciidamada dalalka bariga Afrika ee kulanka fadhidey, taas oo uu
kaga dalbaday in ay raali gelin ka bixiyaan arrinta meel ka dhaca ah ee ay ku
xuseen in badda Soomaaliya ku kooban tahay 12 nm, waana bixiyeen raali
gelintaas. Su'aasha ku haboon in xukuumadda la weydiiyo waxay tahay maxay
khabiirka badda Soomaaliya hadalkiisa u qaadan la'yihiin. (Warqaddaas
ka akhri halkan).
Waxaa aad u cajaa'ib badan in Wasiirka Kalluumaysiga ee DFKMG C/raxmaan
Sheikh uu shirkiisii jaraa'id ku sheegay hadalkan "Shacabka Soomaaliyeed waxaan
u sheegi lahaa, awood kasta waxay ku jirtaa shacabka, anagu waxaan ka midnahay
wasiirka shacabka, waxa wax doorta waa shacab, waxa wax bedela ama wax qaban
kara waa shacab, marka shacabka Soomaaliyeed waxaan ka codsanayaa meelkasta oo
ay joogaan in ay ummadda dantooda u kacaan waxay rabaan haday gartaan. Haddii
aad xasuusataan kacdoon ka dhacay Masar waxaa ridey shacabka oo bannaanka soo
istaagey oo yiri marabno waxaas, marka awoodda aad raadinaysaan iyo su'aalaha
aad i weydiinaysaan awoodiina ayey ku jirtaa, Soomaali oo haddii ay xaqa u
hiiliso waxaan awoodnaa in aan soo ceshano wixii naga maqnaa."
Shacabka Soomaaliyeed soomaaliyeed waxa aysan doonayn waa in la yiraahdo ka
tanaasula xeerkii badda ee soo dhignaa 40-sano. Waxayna shacabka Soomaaliyeed
doonayaan in badda Soomaaliya la gaarsiiyo 350 mayl-badeed sida dalalka bahada
leh loo ogol yahay.
Mayl-Badeed Waxaa loola jeedaa maylka lagu cabiro badda, waayo waa mayl
(mile) ka duwan kan berriga lagu cabiro. Mile-ka badda waxaa loo yaqaan
"Nautical Mile" oo AfSoomaali ku noqonaya Mayl-Badeed, waxana uu u dhigmaa 1.85
km (ama 1,852 metres). Halka mile-ka caadiga ah ee berrigu uu u dhigmo 1.6 km
(ama 1,609 metres). Taas oo muujinaysa in Mayl-badeedku uu waxyar ka badan yahay
Mayl-ka berriga (1852 mitir - 1609 mitir = 243 mitir). Mayl-Badeedka waxaa loo
soo gaabiyaa NM. Tixraac: NM:
http://en.wikipedia.org/wiki/Nautical_mile iyo Mile:
http://en.wikipedia.org/wiki/Mile
Xeerka Badaha Adduunka
Xeerka badaha adduunka waxaa in la saxiixo loo furay December 10, 1982,
waxana uu dhaqan galay November 16, 1994 kaddib markii ay dhaqan geliyeen 60
dal. Dalalka ilaa hadda saxiixay tiradoodu waa 161 dal.
Dalalka saxiixay, laakiin aan ilaa hadda dhaqan gelin waxay gaarayaan
ugu yaraan 17 dal oo ay ka mid yihiin Afghanistan, Bhutan, Burundi, Cambodia,
Central African Republic, Colombia, El Salvador, Ethiopia, Iran, Democratic
People's Republic of Korea, Libya, Liechtenstein, Niger, Rwanda, Swaziland,
United Arab Emirates, United States.
Dalalka aan xitaa saxiixin, oo aan dhaqan gelin waxay gaarayaan
ugu yaraan 17 oo ay ka mid yihiin Andorra, Azerbaijan, Ecuador, Eritrea, Israel,
Kazakhstan, Kyrgyzstan, San Marino, South Sudan, Syria, Tajikistan, Timor-Leste,
Turkey, Turkmenistan, Uzbekistan, Venezuela iwm..
Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya