SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYA

SOMALI YOUNG POLITICIANS LEAGUE

حز ب سا سـة شبا ب الصوما ل
Official Opposition Political Party

موضوع:

Ref :SYPL/10/09

Date:01/05/2009 تاريخ :

Warqad furan oo ku socota Dhamaan Ummadda Soomaaliyeed Meelkasta oo ay joogto

Ujeeddo:Ka Hortagga Duulaanka Lagu Boobayo Kheyraadka Soomaaliya

The War Between International Pirates and Somali Marines In Somalia Coast

Tan iyo markey dhacday dowladdii Maxamed Siyaad Barre Janaayo 26, 1991kii waxaa xeebaha Soomaaliya si joogto ah dullaan ku ahaa maraakiib ka socda dalalka Reer Galbeedka, Dalalka Aasiya Dalka Carabta qaarkood iwm. Duulaanka ay Burcad Badeedka Caalamka Maraakiibtooda ku soo qaadeen xeebaha Soomaaliya waa gardarro oo loo huwiyey magacyo been been ah ayagoo adeegsanaya shirqoollo ay maleegeen sir doonka dalalka horseedka ka dullaankaasi una huwinaya dulmiga ay wadaan magac wanaagsan oo ah iney ka hortagayaan khatar ku soo food leh maraakiibta gaancsigaiyo kuwa sida taageero Bani’aadamnimo waa sidey hadalka u dhigeen waxey ka sharciyeeesteen Qaramada Midoobe oo noqotay goob ay hal qolo ku amartaagleyso markuu dhammaaday dagaalkii Qaboobaa 1992kii ka dib markay burburtay Imbiraadooryadii Midowga Soofiyeeti .

Balse xaqiiqdu waxey tahay waxaa xeebaha Soomaaliya ku diriraya Burcad Badeedka Caalamka oo adeegsanaya awood aan caadi aheyd Maleeshiyo Soomaaliyeed oo awoodooda aad u yar tahay balse mooralkoodu sareeyo.

Sababta Dagaalka: Burcad Badeedka Caalamka waxey howlo argagixiso iyo burcadnimo ka wadeen xeebaha Soomaaliya tan 1991kii ilaa 2009ka, howlaha ay u yimaadaan xeebaheena waxay kala yihiin :

1- Waxey ku aasaan xeebaha Soomaaliya Sunta Niyuuklerka iyo wasakh cusbitaaladooda ay ka soo ururiyaan ayagoo ku soo qaada haamo waaweyn kuna soo jiida maraakiibta taagga, tusaale daliil cad u ah labadan qodob waxa weeye iney geesiyaasha Soomaaliyeed ee ah Ciidanka Badda waxey soo qabteen bishii April,2009 labo markab oo ay dowladda Masar leedahay oo sidey libaax Badeedka ay ka boobeen xeebaha Soomaaliya, iyo Markab Talyaanigu leeyahay oo sidey haan weyn oo ay ku jiraan Sunta Niyuuklerka, waxay geesiyaasha Soomaaliyeenku soo xireen 3daasi markab Marsada Laasqorey.

2- Iney boobaan Kheyraadka badda Soomaaliya sida: kalluunka, Aargoosatada, Libaax badeedka iwm, Maraakiibta ay adeegsadaan Burcad Badeedka Caalamka waxay sitaan qalab iyo shabaakado aan ukala aabayeelayn kalluunka waaweyn ka yar yar, iyo ukumaha kalluunka kuwaasoo caalamka ka mamnuuc ah, maraakiibta ceynkan oo kele waxaa loo yaqaanaa Maraakiibta Jariifka ,waxey kaloo burburiyeen doonyaha iyo shabaagta ay kalluumeysatada Soomaalida ku kalluumeysato, waxey arintani dhalisay iney dhalinyarada kalumeysatada Soomaalida is abaabulaan si ay uga difaacaan Badda Soomaaliya cadowga ku soo duuley ee booba kheyraadka dalkooda kuna aasa suntan niyuukleerka. Intaa ka dib waxaa dhacday iney dalalka ku mashquulsan falalka waxshinimada ay fara gelin ku sameeyeen kuna dhax abuureen maleeshiyo qafaalata maraakiibta ganacsiga ayagoo laba ujeeddo ka leh:

a) Iney ka macaashaan madax furashada laga qaado maraakiibta la soo qafaalo, waayo ayaa dulaal ka ah loona soo marsiiyaa madax furashada malaayiinta doolaar, 99.5% waxaa qaata maraakiibta burcad Badeedda Caalamka ee xeebaha Soomaaliya ku soo duulay,0.5% waxey siyaan wiilasha ay ku dhex abuureen ciidamada ilaalada xeebaha Soomaaliya iyagoo adeegsanaya saxaafadda caalamka waxey faafiyaan in lacagtaasi ay qaateenwaxeyeen burcad badeedda Soomaalida.

Waxaa la yaab leh ka dib qaraxyadii 11 Sep,2001 ka dib haddii ehelkaa ama saaxiibkaa aad u dirto lacag dhan US$5000 inta ayan gaarin waxey mareysaa baaritaan adag, balse xaalku wuu is badalay marka laga hadlayo lacagaha madax furashada laga qaado maraakiibta la qafaasho oo iyada lagu soo qaado boorso ayadoo kaash ah, waayo lacagahan waxaa qaata 99.5% kuwii adkeeyey soona saaray sharciyada lagu xakameynayo lacaga la isu diro, waxaa meesha ka muuqata la jiifiyaa banana. Qaramada Midoobe oo hey’adda u xalaaleysay iney xeebaheena ku soo dulaan ayaa waxey qortay in hantida xeebaha Soomaaliya laga dhaco sanad kastaa ay dhan tahy ugu yaraan US$ 400million, waxaa la yaab leh meeshey wax ka qaban laheyd boobkaasi iney go’aansatay iney u sharciyeeyso iney maraakiiba cadowga iney difaacaan maraakiibtooda dulmiga iyo boobka ka wada xeebaha Soomaaliya, ayadoo hey’ad gobleedyada ay Soomaaliya xubinta ka tahay sida: IGAD,Ururka Afrikaanka (AU), Jaamicadda Carabta, Ururka Islaamka iwm ay dhammaan ka aamusan yihiin kolka laga reebo madaxweynaha Liibiya Mudane Mucaamar Al-Qadaafi

Hadafka ay u Yimaadeen:

Maraakiibta dagaal ee Burcad Badeedda Caalamka waxey xeebaha Soomaaliya u yimaadeen iney hal dhagax labo shimbir ku dilaan ahdaafta ay u yimaadeen waxay kal yihiin:

1- Iney lacagaha madax furashada 99.5% ka macaashaan eedana u leexiyaan xagga Soomaalida ayagoo iska dhigaya asharaaf xal raadin halkaa u tagay

2- Iney difaacaan maraakiibtooda ku mashquulsan kalluumeysiga sharci darada iyo kuwa sida suntan & wasakhda niyuukleerka si ay xeebaheena ugu aasaan.

3- Ugu dambeyn iney u soo gudbaan berriga ayagoo ku gabanaya waxaan baacsaneynaa waxey ugu yeereen burcad badeed si ay u boobaan kheyraadka berriga sida batroolka, yuraaniyamta iwm sidii ay hore ugu boobeen xilligii UNISOM maacdin badan aaway Buurheybo inta la jajabshay ayaa lagu guray gawaari dabadeed dekadda Muqdisho ayaa laga dhoofiyey, aawey bacaadkii Shalanbood, aawey jamalladii ku yiil Xeebta Kismaayo habeenkii kolka la kal seexdo ayaa la qarxin jirey dabdeed maraakiib ayaa lagu daabulay

Talo Soo Jeedin:

  1. Waa inaan qornaa wixii ay ka sameeyeen xeebaheena ku darnaa manhajka waxbarashada si aynu u barno ubadkayaga cadowgooda ku soo duulay kheyraadkii ay ku noolaan lahaayeen .
  2. Soomaalida guud ahaan gaarahaan dalalka Reer Galbeedka ee si sharci ah ku qaatay dhalashada dalalkaasi ee ka qeyb qaata doorashooyinka lagu dooranayo xubnaha baarlamaanka, madaxweyne ama ra’iisul wasaare iyo golayaasha hoose waxaan kula talineynaa iney ka qaban qaabiyaan dalalka ay ku nool yihiin mudaaharaadyo looga soo horjeedo joogitaanka maraakiibta Shisheeye ee xeebaha Soomaaliya una gudbiyaan madaxda , baarlamaanka dalalkaasi iney arintani xad gudub ku tahay Qawaaniinta Caalamka & sharafta Soomaaliya oo xubin ka ah Qaramada Midoobay iyo urur gobleedyada Caalamka ,idinkoo maanka ku haya in Soomaaliya oo idil duullaan lagu yahay ee aan loo jeedin qolo gaar ah,ama gobol gaar ah , adeegsiga waxaan ilaalineynaa maraakiibta ganacsiga waa oohinta orgiga ka weyn.
  3. Fursadda maanta ay heystaan Soomaalida ku nool qurbaha ma ayan jirin 1884kii shirkii Barlin ee Somaaliya loogu qeybiyey 5 qeybood, maanta wey ka duwan tahay kolka arinka laga eego meelo badan sida: aqoonta,dhaqaalaha,horumarka tiknoolajiyada sida isgaarsiinta internet-ka, iyto heysashada jinsiyadaha dalalka Soomaaliya ku soo duulay iwm
  4. Looma ogola Dowladaha loo dhiso Soomaaliya ee taagta daran iyo maamul Goboleedyada in la xoojiyo oo loo dhiso Ciidamo Badda ilaaliya.
  5. FG: Maamul Goboleedka Puntland Markey damceen iney la diriraan waxey mas’uuliyiinta ciidamada Mareykanka ee jooga xeebaha Soomaaliya ayaa digniin siiyey oo ku yiri haddii aad isku daydaan inaad weerartaan Burcad badeedda doonyaha ciidamadiina ayaan tooganeynaa oo dejineynaa keliya waxaa la idin ogol yahay inaad soo furataan maraakiibta ganacsiga ee Puntland u socda. Xiligii Maxkamadaha ay ka talinayeen koonfurta Soomaaliya muddo 6 billood ma jirin ama 99% bey hoos u dhaceen afduubka maraakiibta ganacsiga
  • Ciddii dan ka leh kheyraadka soomaaliya tartan ha u soogasho markii la helo dowlad Soomaali dalka gudihiisa wadajir uga dhisato oo ka madax bannaan faragelin shisheeye taasoo awoodeeda gaarsiisan tahay xuduudaha Soomaaliya .

Yours Sincerely

Hussein Ali Elmi
Chairman of SYPL
Tel:254-722173152
email: som_ytl@yahoo.com

Cc: International Reporters

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 30, 2011

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


 Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: