TURKIGA U XILSAAR BADDA SOOMAALIYA
- Caliqeyr M. Nuur
Caliqeyr@hotmail.com
Maqaalkani wuxuu tixraacayaa
talooyin badan oo laga bixiyey difaaca badda Soomaaliya. Misana fikradahaas
ayaan ku weeleynayaa sal iila eg danta qarankeenna.
Bishii 8aad ee 2009ka
waa tii uu baarlamaanka Soomaaliya laalay heshiiskii loogu magac-daray ”Is
Afgarad” ee muranka lagu geliyey badda Soomaaliya. Haddana bishii 10aad
ee 2011 ayuu baarlamaanku laalay qorshihii ‘Dhulbadeedka Soomaaliya’ loogu
rogayey ‘Aag Dhaqaale’ oo isagu kii hore ka halis badnaa. Maantana (14 Ok. 2011)
waxay shabakadda Somalitalk soo bandhigtay qormo caddeynaysa in ay Kenya weli
shidaal ka baaranayso dhulbadeedka Soomaaliya. Qofka aanan arrinkan la soconi ha
eego qormooyinka difaaca badda ee ku dhigan www.somalitalk.com
Labada shirqool ee sare
haddii laga badbaaday miyaad maleyn kartaa dhagarta xigta iyo inta ay halisteedu
la eg tahay? Waxa la hubaahi waa afar arrimood oo kala ah.-
i)
Dalalkii baddeenna dhagrayey waxaa
weli u muuqda kala daadsanaanta qaranka Soomaaliya.
ii)
Haddii ay Kenya shidaal ka soo
saarto badda Soomaaliya, waxaa ceelkaas u ilaalin doona dowlad reer-galbeed ah
oo aanay Soomaaliya la taag ahayn. Arrinkuna wuxuu ku dambaynayaa dood aan
dhammaad lahayn.
iii)
Badda sun baa lagu qubayaa waxaana
laga guranayaa kalluun sharci darro ah.
iv)
Innagu ma lihin ciidan-badeed
horjoogsan kara kuwa boobaya oo haddana sumaynaya khayraadka baddeenna.
Haddaba maxaa dan ah?
Admiral Faarax-qare oo ka
hadlayey barnaamijka ’Falaqaynta Dhacdooyinka’ ee Somali Chanel ayaa tusaale u
soo qaatay dalka Siishelis oo ilaalada baddiisa u xilsaartay Hindiya. Markaas
buu ku talinayaa in aan innaguna u baahannahay quwad aan biyaha u xilsaaranno
taniyo inta laga helayo ciidan Soomaaliyeed oo xooggan.
Waa lagama maarmaan awood
diyaarsan oo loo xilsaaro badda ilaa laga helayo ciidan-badeed Soomaaliyeed oo
xilkaas gudan kara. Dalka ugu sokeeya ee xilkaas gudan karaana waa Turkiga;
saddex sabab awgood.
1.
Waa dal ka tirsan gaashaan-buurta
NATO. Sidaas awgeed wuxuu galgal xooggan u leeyahay la macaamilka dalalka
isbahaysigaas ee xad-gudubka joogtada ah ku haya baddeenna.
2.
Waa dal leh ciidan-badeed xooggan
oo u babac-dhigi kara awoodaha wax xumaynaya ee shisheeye iyo burcad-badeedba
leh.
3.
Waa dal xiriir wanaagsan la leh
dadka & dowladda Soomaaliya.
Maxaa laga dheefayaa
ilaalada Turkiga?
Danaha badan ee halkan noogu
jira waxaa iila weyn afar qodob oo aan u kala hormariyey hadba sida ay u kala
mudan yihiin. Waxay kala yihiin.-
1.
In ay horjoogsadaan kuwa badda
sumaynaya, kuwa kalluunka xadaya iyo weliba shirkadaha sida sharci-darrada ah
shidaalka uga baaraya dhulbadeedka Soomaaliya.
2.
In ay baaraan tanka sunta lagu
shubay badda, kana tala-bixiyaan sidii looga saari lahaa.
3.
In ay tababbaraan ciidan-badeedka
Soomaaliya, si ay xilkaas ula wareegaan maalinta la gaaro waqtigii uu heshiisku
ku ekaa.
4.
In ay bixiyaan tababbarro la
xiriira badmaaxnimada, kalluumaysiga iyo warshadeynta cunta-badeedka.
Turkigu maxay ka dheefayaan heshiishkan?`
Turkigu ma aha dal ku jira
loollan dagaal oo dan weyn kama laha istiraatijiyada labada badood ee Soomaaliya
(B. Cas & B. Hindiya). Sidaas awgeed haddii loo oggolaado in uu ka kalluumaysto
baddeenna inta lagu jiro xilliga ballan-galka, markaas wax weyn buu ka
dheefayaa. Aan ku celiyo ee faa’idada Turkiga ugu jirta ilaalinta baddu waa in
loo oggolaado kalluumaysi sharci ah.
Yaanan lagu kadsoomin?
·
Maanta waxaa baddeenna ka
kalluumaysta dalal kor u dhaafaya 50 oo sida uu Admiral Faarax sheegay aanay
jirin dan ay noo hayaan. Si taas ka duwan kalluumaysiga hal dal oo weliba
hadimooyinkii kale kaa ilaalinaya ayaa roon, ee yaanan lagu kadsoomin in
roonaantaas weyn looga bakheylo kalluumaysi yar oo tankiisa la og yahay.
·
Maanta dalalkii Carabta waxaa ka
oogan kacdoon dadweyne oo laga yaabo in uu ku dambeeyo meel ka xun qaran-jabkii
Soomaaliya. Sidaas awgeed yaanan lagu kadsoomin heshiis bad-ilaalin ah oo lala
galo dal Carbeed. Sidoo kale yaanan lagu kadsoomin ballan noocan ah oo lala
galo dalalka kale ee Yurub, sababta oo ah heshiiskaasi wuxuu u jidaynayaa
xadgudubyadii aan hore u tirsanaynay. Haddii aanu Turkigu xilkan qaadi karin
waxaa lagu doorsan karaa Indoniisiya oo iyadu leh siyaasad xasilan, adeeg
daacadnimo iyo ciidan-badeed xooggan.
·
Maanta dowladda Soomaaliya waxay ka
talisaa caasimadda barkeed. Dalka intiisa kale waxaa haysta maamul-gobaleedyo
iskugu jira kuwa sheegta dal madax bannaan iyo kuwa dowladda xiriirka u jaraya
haddii ay dantooda ka waayaan, ururro diimeed iyo weliba beelo hubaysan. Waxaana
laga yaabaa in ay dowladdani burburto oo loo laabto xilligii kooxaysiga. Sidaas
awgeed yaanan lagu kadsoomin fikirka ah dowlad baa curatay oo dhowaan hanan
doonta ilaalinta badda.
·
Maanta Soomaalidu ma laha
waaya-aragnimo ay uga hortagto saliidowga biyaha. Cismaan Abshir Cigaal (Daawo
Youtube ) ayaa ku taliyey in aanan lagu
degdegin shidaal badda laga qodo maadaama uu berrigiiba shidaal ku jiro. Halista
ka dhalan karta ayuu misana tusaale u soo qaadanayaa aafadii ka dhacday Gacanka
Meksiko;
halkan ka eeg
.
Haddaba innaga oo berrigiiba shidaal ka heli karna yaanan lagu kadsoomin in aan
u bareerno halista shidaal-badeedka oo haddii uu faruurmo ay sumoobayaan
kheyraadkii badda iyo hawada dalku. Aan saliidda berriga qodanno, tan baddana
aan dhaxal ugu reebno jiilasha dambe oo iyagu awoodi doona maareynta aafooyinka
saliid-badeedda.
·
Maanta waxa aanan weli quusan kuwii
dhagarta u maleegayey badda Soomaaliya. Kuwani waa dowlado dhisan iyo gardarro
garab og oo weliba haddii uu qorshe ka fashilmo haddana la imanaya qorshe kii
hore ka dhib badan. Sidaas awgeed yaanan lagu kadsoomin awoodda uu
baarlamaankeenna sharfani ku diidi karo wax kasta ee arrinkaas la xiriira. Waxaa
lagu dhici karaa dabin aanay jirin tab looga baxo.
Haddaba dowladda waxaan ku
oranayaa “Turkiga u xilsaar badda Soomaaliya” si aan Alle ka sokow uga
gabbaadsannno dhagarta tan aan u jeedno iyo tan kale ee weli naga dahsoon.
Mahadnaq
Allaa mahad leh oo dalka iyo
dadkaba ka badbaadiyey wixii dhagar lala maagganaa, waxa soo socdana awooddiisa
ayaan uga magan nahay. Tan Eebbe ka sokow, waxaan u mahadnaqayaa qof kasta ee
kaalin ka galay difaaca badda Soomaaliyeed. Aan si gaar ah u xuso hawlwadeenka
Somalitalk, Baarlamaanka Soomaaliya, Bashiir Sheekh Maxamuud, Admiral Faarax C.
Axmed (Faarax-qare), Cismaan Abshir Cigaal iyo boqolaalka aqoon-yahan ee difaaca
badda u isu xilqaamay.
Caliqeyr M. Nuur
Caliqeyr@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | October 14, 2011
|