Cumar C/rashiid: Dawladdu waxay u Hoggaansameysaa
Go'aanka Barlamaanka (Arrinta Heshiiskii Is-Afgarad ee Badda
Soomaaliya)
Ra'iisul Wasaaraha DFKMG Jaaliyadda reer London ma u
cadayn doonaa Mowqifkiisa ku aadan warqaddii loo saxiixay....
Xafiiska Afhayeenka Dawladda Federaalka KMG Soomaaliya war uu
faafiyey ayaa sheegay in Ra'iisul wasaaraha DFKMG uu yiri
waxaa Dawladdu u hoggaansamaysaa go'aankii baarlamaanku ee ku
saabsanaa heshiiska Is-fahamka ee dhul-badeedka Soomaaliya ee
dhexmary DFKMG iyo Kenya.
Hadalkaas waxa uu Cumar C/rashiid u sheegay Telefishanka
Aljazeera oo uu waraysi siiyey October 18, 2009, waa sida ku cad
warka uu October 21, 2009 faafiyey Xafiiska Ra'iisul wasaaraha.
Waraysiga oo dheeraa qodobka ku saabsan heshiiska is-faham waxa
Xafiisku Ra'iisul wasaaraha DFKMG u qoran sidan:
Qoraalki isfahamka (Memorandum of Understanding) ee dhex
maray Soomaaliya iyo Kenya oo ku saabsanaa fidinta xadka badda
Soomaaliya inta ka shisheysa 200 ee maylka badda ee dhul biyoodka,
Dr. Cumar Cabdirashiid wuxuu sheegay in qoraalkaas si khaladan loo
fahmay. waxay ahayd in la calameeyo inta ka baxsan 200 ee maylka
badda ee Soomaaliya iyo Kenya waxa loo yaqaan "continental shelf".
iyadoo ay sidaas tahayna dawladdu waxay u hoggaansameyso go’aanka
barlamaanka.
Cumar C/rashiid Sharmarke
Hadalkaas (dawladdu
waxay u hoggaansameyso go’aanka barlamaanka)
waxa uu ka duwan yahay hadalkii madaxweynaha DFKMG Sheikh Shariif oo
uu kaga gows qabsaday go'aankii baalamaanka kaddib markii uu Agoosto
7, 2009 waraysi siiyey idaacadda British Broadcasting Corporation uu
ku sheegay erayadan: "....Baarlamaanka sida aad lasocotid
waxa uu xaqa u leeyahay waxa ay tahay heshiis inuu buriyo, laakiin
kani heshiis ma’ahayn wuxuu ahaa IS-AFGARAD".
Waxay ahayd Agoosto 1, 2009 markii ay Baarlamaanku si aqlabiyad
ah ugu codeeyeen in heshiiska Is-Afgarad laga dhigo waxba kama
jiraan (NULL & VOID). Waxaa markaas la filayey in Qarammada Midoobey
loo gudbin doono go'aankaas baarlamaanka. Laakiin waxaa Agoosto 19,
2009 Qarammada Midoobay loo gudbiyey warqad loo saxiixay Cumar
C/rashiid, warqaddaas oo garab siinaysey heshiiskii Is-faham. Waxaa
taas xigtey in October 12, 2009 ay Muqdisho shir jaraa'id ku qabteen
xubno kamid ah baarlamaanka DFKMG ay ku muujiyeen sida ay uga soo
horjeedaan warqadda cusub ee loo saxiixay Ra'iisul wasaaraha
(Halkan
dhegeyso)
Ilaa hadda Xukuumadda FKMG go'aankii baarlamaanku ku diidey
Is-Afgaradka uma gudbin Qarammada Midoobay.
Shirkii jaraa'id ee xubnaha Baarlamaanka, Oct 12, 2009
Ra'iisul wasaaraha DFKMG ayaa booqasho tegey magaalada London ee
UK (October 26, 2009), waxana la filayaa in uu jaaliyadda
Soomaaliyeed halkaas kula kulmo, una jeediyo hadal. Su'aashu waray
tahay, Cumar C/rashiid Sharmaarke jaaliyadda Soomaaliyeed ee reer
London ma u caddayn doonaa mowqifkiisa ku aadan warqadda loo
saxiixay, ee magaciisa lagu qoray laakiin qof kale saxiixay, taas oo
taageero siinaysay heshiiska Is-Afgarad.
Horraantii Bisha October 2009 mar uu gobolka Minnesota booqasho
ku yimid wafti uu hoggaaminayey Madaxweynaha DFKMG ayaa su'aalahii
ugu badnaa ee Jaaliyadda reer Minnesota intii la kulmay ay
weydiiyeen waxay ahaayeen kuwo la xiriira heshiiskii Badda dhexmaray
DFKMG iyo Kenya, iyo in Kenya cabiratay baaxad weyn oo ah
dhul-badeedka Soomaaliya oo gaaraya 116,000 kiilomitir oo laba
jiraabbaaran.
Laakiin, Sheikh Shariif reer Minneapolis madashii uu kala hadlay
uma uu furin in ay su'aalo toos ah weydiiyaan.
Waxana uu madashaas Minneapolis (October 5, 2009) ka yiri:
“Dacayadaha waxaa ka mid ah, dhul ayaa la gatay, bad ayaa la gatay,
annagu waxaan u nimid oo dawladdani u timidey in ay wax hagaajiso,
in ay horumar samayso, laakiin uma imaanin in ay bad iibsato, haddii
nin walba intuu idaacad qabsado wuxuu rabo ka sheego asagoo aan
xaqiiqada haynin waa dhibaato, qofkii xitaa wax la xunyihiin waxaa
fiican
in uu dawladda la soo xiriiro, macluumaad qaato, talo bixiyo,
laakiin dadka in la jaah wareeriyo waa arrin aad iyo aad aan uga
xunahay. Waxaad la socotiin warqadda la qoray waxay ku socotey
UN-ka, ujeedaduna waxay ahayd dhul maqan in la sheegto, dawladda
Kenya iyo dawladda Soomaaliyeed weligood xuduud kama heshiin
weligood oo waad la socotiin mid bad iyo mid barri, waxa laga hadlay
waxay ahaayeen aan ka wada hadallo xuduudda badda, dhinaca kalena
waxay ahayd dhulka naga maqan aan wada doonano oo wada sheegano, ma
garan karo intaas wax khiyaano ah oo ku jira.”
- Warkii uu Oct 21, 2009 faafiyey Xafiiska Ra'iisul wasaaraha
DFKMG
ka akhri halkan.
Xildhibaanada Barlamaanka oo xukuumada Cumar Cabdirashid Ku
eedeeyey in ay dib u soo nooleysay Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya
iyo Soomaaliya – Shir jaraa’id
Xildhibaanadda Baarlamaanka Soomaaliya oo Cod Aqlabiyad ah ku diidey
Heshiiska Badda ee Soomaaliya iyo Kenya
Cumar C/rashiid oo Qarammada Midoobay u Gudbiyey Waraaq Burinaysa
Go’aankii Baarlamaanka, Kenyana u ogolaanaysa Badda Soomaaliya ee ay
Cabiratay…
Akhri Halkan…
Dowlada
KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in
Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay
“Waa run (Kenya) badda Soomaaliya khalad bay ka gelayaan oo waa soo
gelayaan.” “Waa RUN iyada hadda xarriijinta ay samaysay ee hadda
map-yada addunyada la soo geliyey kii (Kenya) wuu ka soo durkoo toos
ayuu u socdaa,” Prof. Ibbi
Akhri/Daawo…
Sh.
Shariif oo ka gows qabsaday go’aankii Baarlamaanka” Baarlamaanka
sida aad lasocotid waxa uu xaqa u leeyahay waxa ay tahay heshiis
inuu buriyo,laakiin kani heshiis ma’ahayn wuxuu ahaa
IS-AFGARAD”…”heshiis rasmi ah in hada ladiyaariyo ayaa loo baahan
yahay”. Akhr…
Sheikh
Shariif oo Imanaya Maraykanka xilli ay dhici karto in UN ay Goaan ka
Gaaraan heshiiskii Isfahamka ee Kenya-Somalia… Sheikh Shariif
Soomaalida deggan Maraykaanka ma u sharxi doonaa sababta
xukuumaddiisa ku kalliftay in heshiis aan wax dan ahi ugu jirin
shacabka Soomaaliyeed ay la galaan Kenya… AKHRI…
Madaxweynaha DFKMG Shariif oo Xilku kaga egyahay October 14, 2009,
sida uu dhigayo Axdiga DFKMG?
Akhri Halkan…
Minneaplis: Ururka USD oo Caddeeyey Mowqifkooda in aysan
taageersanayn Sheikh Shariif, kuna soo dhaweynayn Minnesota…
Akhri.. Daawo…
Cilmibaaristii, warbixinadii, wararkii iyo maqaallada la xiriira
badda Soomaaliya iyo heshiiskii is-faham
Halkan ka
akhri…