"Qorshaha la wado ee Dastuurka iyo Qaabka loo wajahay Waa
mid la doonayo in lagu Xalaalaysto Badda Soomaaliya..."sidaas waxaa yiri
Xildhibaan Cawed Axmed Casharo
-- Sheikh Umal oo si xooggan uga soo horjeestey dastuurka qarsoon ee
ummadda lagu khasbayo
-- Prof. Mahadallah oo ku taliyey in dastuurkii 1960 la sii isticmaalo
inta waddanka oo dhan laga dejinaayo, maadaama Oday Dhaqameen uu Taangiga
Itoobiya dul taagan yahay oo aan xor ahayn aan lagu aamini karin masiirka
ummadda Soomaaliyeed....
-- Qorshaha Dastuurka cusub ee ay hadda waddo DFKMG oo ka hor imanaya hadal Sheikh Shariif hore ugu
sheegay shacabka Soomaaliyeed September 4, 2010 waxana uu markaas yiri “Dastuur si uu ku noqdo dastuur
Qaran, waa in uu helaa afti dadweyne, Haddii taa ay ka hor yimaadaan caqabado
waa weyn oo laga garaabi karo, waxaa xusid mudan in waxa hadda ay Soomaali
haysato — oo afti dadweyne lagu ansixiyey — uu yahay Dastuurkii 1960-kii…” Hadda
Dawladda Sheikh Shariif waxay waddaa qorshe ay dastuurka ku ansixineyso ayadoo
aan afti dadweyne loo qaadin....
-- Shirkii Oodoyaasha Dhaqanka ee Ansaxinta Dastuurrka qabyo qoraaleedka
oo May 5, 2012 ka furmay Muqdisho, gar ahaan Dugsigii Sare ee Boliiska...
(Khudbadihii furitaanka hoos ka dhegeyso)...
-- Xildhibaan Maxamed Mashruuc oo sheegay in Odoyasha Dhaqanka ee loo
asteeyay in ay ansixiyaan Dastuurka inaysan ahayn Odoyaashii dhaqanka ee dhab
ahaan matalayay Beelaha ay ka kala socdaan...
- SomaliTalk.com | May 5, 2012
Sheikh Umal oo si xooggan uga hadlay dastuurka qarsoon ee ummadda lagu
khasbayo
Sheikh Maxamed Cabdi Umal ayaa khudbadiisa si kulul ugaga hadlay dastuurka
cusub ee lagu qulaaminayo ama lagu khasbayo shacabka Soomaaliyeed, waxana uu
yiri: Dastuur qoran waxaa fahmi kara oo keliya waa dad yaqaan qaanuun ahaan waxa
uu ka tarjumayo. Marka in dad caamo ah la soo ururiyo oo la yiraahdo ummaddii
Soomaaliyeed oo malaayiinta ahayd ayey ka tarjumayaan, kaddibna la yiraahdo
farta taaga waan ansixinay, maxay tahay sirta ku jirta, sirta ku jirtaa waxaa
weeye wax aadan diyaarsan, talona aadan kulahayn, ee laguu soo diyaariyey ayaa
la doonayaa in lagu laqsiiyo oo aad qaadato ama jeclaw ama nebcaw. Kaddibna maro
been bee ah loo huwiyo." (Khudbada ka dhegeyso dhanka hoose ee boggan)...
Xildhibaan Casharo: "Arrinta maanta la wado waa arrin la rabo in lagu
xalaalsado hawlahii badda laga wadey,"
Sida wax u socdaan ma aha tubtii saxda ahayd oo maanta ay ay Soomaalidu kaga
bixi lahayd dhibaatada dheer ee ay kusoo jirtey muddadii 20-ka sano ahayd, taas
oo maanta dad badani ay ku dhimanayaan badaha iyo ayadoo sidii la rabay laga
yeelay Soomaaliya sida in wasakh (sun) lagu shubay badda," sidaas waxaa yiri
Xildhibaan Cawed Axmed Cashara oo u waramayey idaacadda Codka Maraykanka.
Waxana uu intaas raaciyey: Dariiqa loo marayo in laga baxo muddada kumeel
gaarka ah waa dariiq khaldan. Odayaasha la isu keenay si ay axdiga ansixiyaan waa gardarro, waayo Soomaaliya waxay lahayd dastuur la
sameeyey 1960. Marka dastuur la sameeyona waxaa lagu sameyaa uun ammendment ama
wax ka bedelid haddii wax is bedeleen. Laakiin dariiqa hadda loo maray waa dariiq
aan sax ahayn, kharsh badana in uu ku baxo sax ma ahayn. Raodmap-kana
baarlamaan lama keenin.
Xildhibaan Cashara waxa uu hadalkiisa ku adkeeyey sida aysan suurtagal u ahayn
in dastuur la sameeyo ayadoo aan dadweynaha guud ahaan cod bixin laga qaadin,
waxana uu tilmaamay in taasi aysan dhici karin hadda waayo, ayuu yiri "Ayadoo
aan goboladii oo dhan la tegi karin" ama dawladda KMG aysan tegi karin goboladda
dalka Soomaaliya oo dhan sidee loogu samaynayaa axdi qaran. Xildhibaan Cawad
Axmed Cashara waxa uu sheegay in sababta loo dedejinayo in xukuumadda
laga saaro kumeel gaarka ay tahay sidii badda Soomaaliya faraha looga bixin
lahaa, isagoo arrintaas ka hadlayeyna waxa uu yiri "Annaga danigayaga waxaan u malaynayaa
dadka dedejinaya waxay rabaan sidii badda faraha uga bixi lahayd oo hawlo kale
lagu dhamaystirto dawladaha kale oo imanaya ee la sheegayo in laga saarayo Kumeel
gaarka." Waxana uu hadalka ku adkeeyey "Kumeelgaar lagama bixi karo ilaa la helo
codbixin oo dadka la tiriyo oo xisaab la sameeyo oo doorsho dhacdo." Xildhibaan Cashara waxa uu sheegay
"in sharci daradani ay ka soo bilaabatay kuwo
Jamciyadda Quruumaha sheeganaya oo hadda dadka u hanjabaya oo dhahaya dad ayaan
xirxirneynaa haday ka hadlaan danta Soomaaliyeed. (Hanjabaada Mahiga iyo Kirwa
hoos ha eeg)." Waxna uu sheegay "in aysan jirin
qodob la waafajiyey waxa la wado oo dhan oo ay tahay qarjajeex. Waayo lama
marsiin nidaamkiisaxda ahaa, waxay ahayd in qorshana la marsiiyo golaha
wasiirada, markaasna loo gudbiyo Baarlamaanka, baarlamaankuna uu go'aankiisa u
gudbiyo madaxweynaha si uu u saxiixo, markaas ayuu noqon lahaa in lala sugo afti
dadweynaha oo dhan."
"Arrinta maanta la wado waa arrin la rabo in lagu xalaalsado hawlahii badda laga
wadey," ayuu yiri Xildhibaan Cawed Axmed Casharo. "Ujeedooyin ayaa lagu fushanayaa qabyo-qoraalka la leeyahay sharci halaga
dhigo ee ummadda Soomaaliyeedey ka digtoonaada," ayuu hadalka ku adkeeyey
Xildhibaan Cashara.
Digniinta uu xusay Xildhibaan Casharo waa qoraal aan lahayn taariikh aysoo
baxday iyo tixraac-xafiiseed toona
oo May 1, 2012 uu faafiyey xafiiska Nairobi ee Qarammada Midoobey ee qaabilsan
Arrimaah Soomaaliya, taas oo ay ku saxiixan yihiin: Kipruto Arap Kirwa, oo ah fududeeyaha IGAD ee nabadda iyo dib u heshiisiinta
Soomaaliya (oo xilkaas ay Kenya u magacawday 21 December 2008 shirkii lagu
qabtay magaalada Addis Ababa),
Augustine Mahiga, wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya, iyo Boubacar Gaoussou Diarra,
oo AU u qaabilsan Soomaaliya - AMISOM.
Warqadda oo weyn ka eeg halkan
Oday ay Itoobiya taangigeedu dul taagan yahay laguma aamini karo masiirka
ummadda Soomaaliyeed
Prof.
Xasan Mahadallah oo sido kale ka qayb qaatay warayskiga Idaacadda Codka
Maraykanka ee VOA ayaa isaguna sheegay in dariiqa lagu soo xulayo cidda xubnaha
barlamaanka dooranaysa ay tahay "Hiddi-Hoobey" oo aan loo marin dariiq
sax ah.
Waxana uu muujiyey in aan la aqoon qaabka lagu soo xulay. Isagoo intaas ku daray
in muwaadiniinta aan degmadooda ama xaafadooda loogu tegi karin, sidaas
daraadeedna in dastuurkii 1960 la sii isticmaalo inta waddanka oo dhan laga
dejinaayo. Tan kale dhaqankii Soomaalida lagu yiqiin ma a ahayn in dawladda ay
sameeyaan Ugaasyo. Waxana uu sheegay in arrinta qaranka aan handadaad lagu sixi
karin. (Eeg digniinta sare ee Mahiga iyo Kirwa). Prof. Mahad-Allah waxa uu sheegay in maanta dawladda Soomaaliya aysan ka bixi
karin Xamar, gobolada oo dhanna waxaa deggan cadow, Itoobiya ayaa maanta
taangiyadeedii taagan yihiin, ma oday chief ah oo Itoobiya taangigeedu dul
taagan yahay miyaad leedahay masiirka Soomaaliya ha lagu aamino. Awood ka weyn
ayaaba dul taagan, odaygu maba codayn karo inta taangigaasi ka fogaanayo. Odayaasha
Soomaalidu xor ma aha, degmooyinkii xor ma aha, qabaa'ilku xor ma aha".
Dhanka kele Injineer yariisow oo ah Afhayeenka xukuumadda KMG ayaa difaacey
qaabka qaabka ay DFKMG wax kuwado.
Waraysiga Idaacadda Codka Maraykanka oo ay ka qayb qaateen Xildhibaan
Cashara, Prof. Mahadallah iyo Engineer Yariisow:
Ka
Dhegeyso Halkan (mp3) (VOA May 4, 2012)
Akhri waxa ka khaldan dastuurka cusub ee DFKMG
Shirkii Oodoyaasha Dhaqanka ee Ansaxinta Dastuurrka qabyo qoraaleedka oo
ka furmay Muqdisho
Waxaa Sabt May 5, 2012 Magaalada Muqdisho, Dugsigii Sare ee Boliiska, ka furmey Shirkii Oodoyaasha Dhaqanka ee
Ansaxinta Dastuurrka loo samaynayo Soomaalida, waxaa arrintaa qayla dhaan
fara badan ka keeney shacabka Soomaaliyeed, culimada iyo xildhibaano ka tirsan
baarlamaanka Soomaaliya.
Waxaana shirkaas furitaankii shirkaas ka qayb galay, oo khudbado
kajeediyey, madaxweynaha DFKMG Sheikh SHariif, ra'iisul wasaaraha DFKMG C/weli
Gaas, iyo guddoomihii ay baarlamaankuxilkaka qaadeen Shariif Xasan.
Sheikh Shariif hadalkii uu hore uga yiri Dastuurka ka akhri dhan ka hoose ee
bogga.
- Khudbadda Ra’iisul Wasaaraha DFKMG ee Furitaankii Shirweynaha Oday
Dhaqameedka Soomaaliyeed
Muqdisho 5ta May 2012 oo qoraal ah
ka akhri halkan...
Dhanka kale Xildhibaan Maxamed Mashruuc oo ka mid ah Xildhibaanada ka
soo jeeda Gobolka Bakool, isagoo sheegay in Odoyasha Dhaqanka ee loo asteeyay in ay ansixiyaan
Dastuurka inaysan ahayn Odoyaashii dhaqanka ee dhab ahaan matalayay Beelaha ay
ka kala socdaan isagoona Dastuurkaasi gebi ahaantiisaba ku sheegey mid aan u
cuntamayn Ummadda Soomaaliyeed.
Sheikh Maxamed Umal oo khudabad dheer ka jeediyey Dastuurka
Cusub ee Shacabka lagu Qulaaminayo
Sheikh
Maxamed Cabdi Umal ayaa Khudbadii Jimcada (May 4, 2012) waxa uu si weyn ugaga
hadlay "Dastuurka cusub ee loo dejinayo Soomaalida", isagoo wax laga yaabo ku
tilmaamay sababta loo qarinayo.
Dastuurkan ummadda lagu khasbayo ee lagu hirgelinayo qaybtiisa rasmiga ah ee
ugu dambaysa ummadda looma soo bandhigin ilaa hadda, ayuu yiri, timirta laf ayaa
ku jirta, Soomaalidu waxay tiraahdaa wax la qariyo qurun ayaa ku jira.
Waxa kale oo wax lala yaabo ku tilmaamay in dad caamo ah la soo ururiyey la
yiraahdo dastuurka hirgeliya. Halkaas isagoo sharaxayo waxa uu yiri: Dastuur
qoran waxaa fahmi kara oo keliya waa dad yaqaan qaanuun ahaan waxa uu ka
tarjumayo. Marka in dad caamo ah la soo ururiyo oo la yiraahdo ummaddii
Soomaaliyeed oo malaayiinta ahayd ayey ka tarjumayaan, kaddibna la yiraahdo
farta taaga waan ansixinay, wa billaahi towfiiq, maxay tahay sirta ku jirta,
sirta ku jirtaa waxaa weeye wax aadan diyaarsan, talona aadan kulahayn, ee laguu
soo diyaariyey ayaa la doonayaa in lagu laqsiiyo oo aad qaadato ama jeclaw ama
nebcaw. Kaddibna maro been bee ah loo huwiyo."
Waa wax la doonayo in ummadda Soomaaliyeed ee muslimka ah lagu qulaamiyo ama
lagu khasbo wax aysan ayagu degsan.
Sheikh umal waxa uu is weydiiyey waa maxay sababta loo qarinayo. Dadka ka qayb
gelanaya waxa uu ka yiri "wax aydin ka jawaabi karin khaladkiisa haka qayb
gelina. Wax khaladkiisa aydin fahmayn haka qayb gelinaya, wax magaciina lagu
marsanaya haka qayb gelina, Allah hortiisa qiyaamaha wax aydin ka jawaabikarin
haka qayb gelina."
Dastuurku waa in uu helo Afti Dadweyne, haddii taas la waayo waa in la
qaato Dastuurkii 1960-kii. Hadalkii Sheikh Shariif ee September 4, 2010..
Madaxweynaha DFKMG ayaa bishii September 2010 isagoo ka hadlayey qaabka loo
wejihi karo samaynta dastuur cusub iyo ansixintiisaba waxa uu yiri, “Dastuur
si uu ku noqdo dastuur Qaran, waa in uu helaa afti dadweyne, waana taa midda
laga doonayo xukuumadda in ay waqtigeeda isugu geyso sidii lagu gaari lahaa,
furuhuna waa in amniga la sugo.”
“Haddii taa ay ka hor yimaadaan caqabado waa weyn oo laga garaabi karo, waxaa
xusid mudan in waxa hadda ay Soomaali haysato — oo afti dadweyne lagu ansixiyey
— uu yahay Dastuurkii 1960-kii, Haddaba, iyada oo baarlamaanka hadda jira ay
adeegsanayaan awoodda uu siiyey Axdiga KMG, ayay Dastuurkii 60-kii ku dari
karaan qodobada ka dhammin sida ku dhaqanka shareecada Islaamka iyo habka
maamulka Federaalka ah – go’aankase waa mid baarlamaanka u yaal.” Ayuu
hadalkiisa ku daray Sheekh Shariif. (Tixraac
warbixintii xilligaas).
Hadalkaas Sheikh Shariif waxaa ka horimanaya qaabka hadda la doonayo in
lagudhaqan geliyo dastuurka cusub oo la doonayo in la ansixiyo ayadoo aan afti
dadweyne loo qaadin. Sidee lagu rumaysan karaa qowlka madaxda DFKMG haddii ay ka
dhabayn waayeen hadalkii ay ummadda hore ugu sheegeen. Waana tan shakiga weyn
keentay in la doonayo in xukuumaddan laga xalaalaysto badda Soomaaliya.
Dhanka kale, April 9, 2012 ayey ahayd markii Ha’yada Culimada Soomaaliyeed ay
soo saareen bayaan ay Shacabka Soomaaliyeed uga Digayaan Dastuurka Qabyo
Qoraaleedka “Waxaan caddaynaynaa in qabyaqoraalka dastuurku yahay mid dayacaya
diinta, dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Waxaana intiisa badan laga soo miin
guuriyay dastuuro aan la jaanqaadi karin waaqica ka jira Soomaaliya saas darteed
waxaan uga digaynaa shacabka Soomaaliyeed ee Muslimka ah inay ku dagmaan
ansixinta dastuurkaas,”
ayaa ku cad Bayaanka Culimada Soomaaliyeed…
Xildhibaan Maxamed Mashruuc oo si Weyn uga soo Hor Jeestay Shirka Maanta
Muqdisha uga Furmay Ergada Ansixinta Dastuurka.
Faafin: SomaliTalk.com | May 5, 2012
|