Dowladda Federaalka oo loo Gudbiyey Su'aalo looga Digayo in 19 Desember ay
Gasho Heshiiska Xadeynta Badda Soomaaliya
Dr Xuseen Cali Cilmi " Waxaan
Sannadkii 2009 Dacwad ku saabsan Boobka iyo Duulaanka lagu hayo Badda
Soomaaliya u gudbiney Maxkamadda Adduunka
Iyadoo la filayao in 19 Desember 2011
ee fooda nagu soo hayso Dowladda Federaalka ay sheegtay in la Xadeeynayo Badda
Soomaaliya ayaa Suaalo ku aadan arrimaha Badda Soomaaliya waxaa loo gudbiyey
Dowladda Federaalka oo looga digayo in ay gasho Heshiiskaas oo lagu waramey in
wax badan Soomaaliya ay ku weyn doonto, waxaana Suaalahaas gacanta laga
saarey Dr Xuseen Cali Cilmi oo ah la taliyaha Siyaasada ee Raiisul Wasaaraha ,
wuxuuna isagan u gudbiyey Masuuliyiinta ka sareysa ee Xafiiska Raiisul
Wasaaraha si ay ugu gudbiyaan Golaha Wasiirada maadaama uu Maqnaa Raiisul
Wasaaraha.
La taliayha ayaa waxaa Suaalahaas u
dhiibey Amiin Yuusuf Khasaaro oo ka mid ah Qorayaasha web-ka Somalitalk
madaama kal Hore markii la damcay in la dhaco Badda Soomaaliya Dowladii
Xiligaas jirtey iyana loo Gudbiyey Qoraalo ku aadan haddii Dowladda Federaalka
ay gasho Heshiiskaas ay wax badan ku weyneyso Badda Soomaaliya hase yeeshee
Dowladda Federaalka qoraalkii kal hore dheg Jalaq uma siinin Qoraalkaas waxayna
Madax isugu tuurtey Heshiiskii loogu yeerey Is afagarad
Su'aalahaan ayaa waxaa sidoo kale
lagu wadaa in loo gudbiyo Golaha Baarlamaanka Soomaaliya si uu uga hortago in
Dowladda Federaalka ay gasho heshiiskaas ama beshesho xeerkii badda
Soomaaliyeed, maadaama sidoo kale kal hore loo gudbiyey Qoraalo ku aadan Badda
Soomaaliya taasina waxay suura gelisey in Baarlamaanka Soomaaliya uu si
aan leexleexad lahayn u diidey heshiiskii loogu yeerey Isgafarad ee la doonayey
in ay wada galaan Soomaaliya iyo Kenya.

Amiin Yuusuf oo Su'aalaha u dhiibaya Dr Xuseen Cali Cilmi, Muqdisho
Dr Xuseen ayaa waxaan weydiiyey In
Hadda ka hore ay Dacwad u Gudbiyeen Maxakamadda Caalamiga ee Aduunka , Dacwadaas
oo ku aaddan Boobka iyo Duulaanka lagu hayo Badda Soomaaliya wuxuuna ku
jawaabeyy "Qoraalkaas waan u gudbiney isagoo ka kooban
dhowr bog oo ka hadlaya dhibaatooyinka kala Duwan ee lagu hayo Badda
Soomaaliya iy weliba Kaluumeysiga Sharcidarada ee lagu hayo Badda Soomaaliya"
Waxaan weydiiyey maxay Dacwdiina
ku saabsaneyd wuxuu ku jawaabey "Dacwadeena waxay ku saabsaneyd in Maxakamadda
Adduunka ay Dacwad ku soo oogto Dowladaha , Shirkadaha iyo Shaqsiyaadka Boobka
ku hayo Badda Soomaaliya maadaama Dalka aysan ka jirin Dowlad Xoog Badan oo wax
ka qabata Boobkaas iyo Kaluumeysiga Sharcidarada ee lagu hayo Badda Soomaaliya
iyo weliba Sunta lagu duugayo Badda Soomaaliuyeeda "
Sanandkii 2010 mar uu yimid Dacwada
Soo oogaha Maxakamada Addunka Lewis Muriino Acampo Magaaladda Nairobi ee Dalka
Kenya ayaa mar uu halkaa ku qabtey Shir-Jaraaid ayaa wax laga weydiiyey in uu
wax ka qabto Boobka lagu hayo badda Soomaaliya wuxuuna Su'aashaas uga Jawaabey"
Soomaaliya Xubin kama aha Maxakamadda Aduunka marka Dal aan Xubin ka ahayn wax
Shaqo ah kuma lihin Dalka Liibiya Xubin kama aha Maxkamadda Adduunka
waxaana Dacwdad loogu soo ogey Hogaamiyahoodii Khadaafi waxaana halkaa kaaga
soo baxaysa In Maxkamadda Adduunka ay tahay Mid ku shaqeyneysa laba
weiiilinimo oo ah La jiifiyaano Banaan sidaa Darteed aysan wax dan ka lahayn
wadamada Soo koraya.
Su'aalaha la gaarsiiyey DFKMG, weli
waxaa laga sugayaa jawaabaha...
Akhri qoraalkii Dr. Xuseen
Ka Hortagga Duulaanka Lagu Boobayo Kheyraadka Soomaaliya
W/D Amiin Yuusuf
Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 30, 2011
|