Sharciga Badda Soomaaliyeed oo Af-Soomaali loo rogey 40-sano kabacdi:
SomaliTalk.com
***
Waxaa Af-Soomaali ku tarjumey: SOMALITALK.COM
***
Sharciga No. 37 ee Dhul-Badeedka Wadanka (Somalia Territorial Sea)
iyo Dekedaha ee soo baxay 10 –kii September 1972
Qodobka 1aad
Dhul-Badeedka
Wadanka (Somalia Territorial Sea)
1. Dhul Badeedka Wadanka Soomaaliya (Territorial Sea) waa
qayb kamid ah badda oo gaaraysa 200 mayl badeed (nautical miles) ee xeebaha
qaaradda iyo xeebaha jasiiradaha, oo lagu xadeeyey sida ku qeexan qodobka 2aad
iyo 3aad ee Sharcigan.
2. Dhul Badeedka Wadanka Soomaaliya waxa uu soo hoos
gelayaa Xornimada (Sovereignty) Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya. Dembiyada
ku saabsan xagga caafimaadka iyo ammaanka shacabka ee lagu galo maraakiib
maraaysa gudaha xuduudka dhulbadeedka Soomaaliya, waxaa lagu xukumayaa Sharciga
Soomaaliya.
Qodobka 2aad
Cabbirka
Dhul-Badeedka Wadanka (Somalia Territorial Sea)
1. Asaaska caadiga ah ee laga cabbir qaadanayo fogaanta uu
xeebta ka durugsan yahay xaduud badeedka Wadanka Soomaaliya, waa xarriiq toosan
oo xeebta ku dherersan, taas oo dhacda meel joogga biyaha baddu hooseeyo.
2. Goobaha xeebta ee sii gashan gudaha berriga ama meesha
leh jasiirado yaryar oo ku teedsan cirifka xeebta, markaas nidaamka (xadaynta
ee) la raacayaa waa xarriiq toosan oo isku xireysa laba barood oo ku haboon,
taas oo looga cabbir qaadanayo fogaanta uu xeebta ka durugsan yahay xadka dhul
badeedka wadanka (Somalia Territorial Sea).
3. Biyaha dhanka xeebta ka xiga xarriiqda asaaska u ah
cabbirka dhul badeedka wadanka (Somali Territorial Sea) waxay la mid noqonayaan
biyaha xiga gudaha dhulka qaranka, waxaana taas sii qeexaya qodobka 4aad ee
hoose.
Qodobka 3aad
Dhul-badeedka
Jasiiradaha iyo Jasiiradaha yaryar ee teedsan
1. Meelaha ay jasiiradi ku dhextaal gudaha xadka
200-mayl-badeed biyaha halkaas ku dhex wareegsani waxay soo hoos gelayaan
dhul-badeedka wadanka Soomaaliya (Territorial Sea). Biyaha halkaas ku xeeran
ballacoodu wuxuu noqonayaa 200 mayl badeed, waxaana laga cabirayaa meesha ugu
hoosaysa ee biyuhu u gaarayaan jasiiradda.
2. Jasiiradaha yaryar oo isku xiriirsan waa in loo
tixgeliyo in ay isku dhegan yihiin, isla markaasna dhul badeedka (Territorial
sea) waxaa laga cabbir qaadanayaa jasiiradda dhexda u ah jasiiradahaas aadka u
yaryar ee isku xiriirsan.
Qodobka 4aad
Biyaha Gudaha
(ka xiga xarriiqda cabbir qaadashada) iyo Dekedaha Badda
1. Biyaha badda ee dhanka gudaha (ee xeebta ka xiga
xarriiqda looga cabbir qaato xadaynta), oo ay ka mid yihiin biyaha lagu dhex
safri karo ee webiyaasha Soomaaliya ee u furan maraakiibta badda iyo dekedaha
badda ee ku yaal aaggaas, waxaa cabbirkooda sugaya shaxda ku lifaaqan
sharcigan.
2. Biyaha gudaha Soomaaliya waxay la xeer yihiin
xornimada/madaxbannaanida Jamhuuriyadda sida ay dhigayaan Qaanuunadda Soomaaliya
iyo qodobada kamid ah sharcigan.
Qodobka 5aad
Kalluumaysiga
iyo ku safridda dhul-xeebeedka
1. Kalluumaysiga gudaha dhul badeedka wadanka (Somalia
Territorial Sea) iyo ku safrida caadiga ah ee dadka iyo alaabooyinka ee inta u
dhaxaysa dekedaha Soomaaliya waxay u xafidan tahay (gaar u tahay) maraakiibta
ay suran yihiin calanka Soomaaliya, iyo maraakiibta kale oo si sharci ah loogu
ogolaaday.
2. Ku xad gudub kasta oo lagu sameeyo qodobka sare waxaa
lagu ciqaabi doonaa ganaax u dhexeeya 5,000/- ilaa 10,000/- Somali shillings,
waxaana ganaaxaas la laba laabayaa haddii xad gudub soo noqnoqda uu ku kaco
markab ama hawl-wadeenkiisa (naakhuudaha), isla markaasna naakhuudaha markabku
waxaa lagu qaadi karaa qaanuunka fal-dembiyeedka ee u deggan Soomaaliya (penal
laws), iyo in islamarkaasna markabka lala wareego.
3. Waxaa waxba kama jiraan ah oo aan wax ka soo qaad lahayn
qandaraas kasta oo ku saabsan xamuul qaadis (transportation) oo la galo ayadoo
aan la waafaqin Faqradda 1 ee sare, islamarkaasna markabka fuliya hawshaas (aan
waafaqsanayn Faqradda 1 ee sare) ama isku daya in uu fuliyo waxaa gaanaaxiisu
noqonayaa mid u dhigma 5-laab xamuulka uu sido ama lacagtii uu ka soo qaatay
xamuulka ama ganaax go’an oo u dhigma hawl gal la mid ah oo hore loo fuliyey.
Qodobka 6aad
Eed la’aan ku
Maridda Dhul-Badeedka Wadanka Soomaaliya
Ayadoo la raacayo qodobada sharcigan (ayadoo sharcigan Soomaaliya loo
hoggaansamayo), maraakiibta ganacsiga
ee dalalka oo dhan waxaa loo ogol yahay in ay si eed la’aan ah u maraan dhul
badeedka wadanka (Somalia Territorial Sea) ayadoo la raacayo qodoba ku qeexan
sharcigan iyo asaaska guud ee sharciga caalamiga ah ee badaha.
Qodobka 7aad
Macnaha/qeexidda: Eed La’aan ku marid
1. Maridda (eed la’aanta ah) macnaheedu waa in la dhex maro
dhulbadeedka wadanka (Somalaia Territorial Sea) ayadoo ujeedadu tahay mid ka
mida arrimahan: in laga gudbayo baddaas ayadoo aan la gelayn biyaha xiga dhanka
xeebta ama in la marayo ayadoo loo socdo biyaha gudaha, ama laga yimid biyaha
gudaha oo loo socdo badweynta.
2. Maridda(eed la’aanta ah) waxaa ka mid ah in la istaago
ama barroosinka la dhigto, laakiin waa haddii oo keliya ay arrintaasi ku dhacdo
si aan ula kac ahayn ee safridda caadiga ah ama ay khasabto xaalad ka awood
badan ama xaalad degdeg ah oo dhib la soo dersey, laakiin waa in aan laga rarin
xamuul ama rakaab.
Qodobka 8aad
Shuruudaha Eed
la’aan ku maridda
Mariddu waa eed la’aan ilaa inta aysan carqaladaynayn
ammaaanka, kala dambaynta, caafimaadka ama ammaanka Jamhuuriyadda. Maritaanka
noocaas ah waa in uu ahaado mid waafaqaya qodobada uu dhigayo sharcigani, iyo
xeerarka guud iyo asaaska sharciga caalamiga ah.
Qodobka 9aad
Maridda
Mamnuuca ah
1. Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya dalalka aysan
aqoonsanayn maraakiibtooda looma ogola in ay dhex maraan dhul-badeedka wadanka
(Somali Territorial Sea) iyo biyaha xiga dhanka xeebta.
2. Haddii ay dhacdo in lagu xad gudbo Faqradda sare waxaa
maamulka Soomaalidu qaadi karaan tallaabo kasta oo loo baahan yahay si taas loo
xaqiijiyo qodobkaas.
Qodobka 10aad
Maraakiibta
Dagaalka
1. Maraakiibta dagaalka looma ogola in ay dhex maraan
dhul-badeedka wadanka (Somalia territorial sea), haddii aysan ogolaansho ka
haysan Dawladda Soomaaliya.
Qodobka 11aad
Qadarinta
Sharciyada Soomaaliya ee dhul-badeedka (Territorial Sea)
1. Dhammaan maraakiibta si eed la’aan ah u maraya (badda
Soomaaliya) waa in ay u hoggaansamaan Sharciyada Soomaaliya iyo xeerarkeeda.
2. Markab kasta ee dhex maraya dhul-badeedka wadanka
(Somalia territorial sea) waa in ay muujiyaan calanka dalkooda, isla markaasna
waa in ay u hoggaansamaan amarrada lagu bixiyo sida ay dhigayaan sharciyada
Soomaaliya oo ay bixiyaan maamullada u xilsaaran.
3. Haddii ay dhacdo in lagu xad gudbo mid kamid ah
Faqradaha sare waxaa markabka lagu ciqaabayaa ganaax u dhexeeya 1,000/- ilaa
100,000/- Somali shillings, waa haddii dhacdadu aysan mutaysan fal-dembiyeed aad
u weyn.
Qodobka 12aad
Gelidda Biyaha
Gudaha (xeebta ka xiga xarriiqda cabbir qaadashada)
1. Dhammaan maraakiibta ujeedadoodu tahay in ay galaan
biyaha gudaha (xeebta ka xiga xarriiqda looga cabir qaato xadaynta) ama dekedaha
waa in ay u hoggaansamaan Faqradaha ku qeexan Xeerka Badda.
2. Ayadoo la waafaqayo sida ku xadidan Qodobka 5aad ee
sharcigan, dhammaan maraakiibta ganacsiga, marka laga reebo sida ku xusan
qodobka 9aad, Faqraddiisa 1aad ee sare, waxaa la siinayaa ogolaansho ay ku geli
karaan dekedaha Soomaaliya oo ay u gelayaan hawlgal ganacsi kasta, gaar ahaan
raridda iyo dejinta xamuulka ama dejinta rakaabka.
Qodobka 13aad
Aagagga Difaaca
Maamulka Soomaaliyeed ee u xil saaran waxay ku dhaqaaqi
karaan hawlgal loo baahan yahay oo ah in si kumeel gaar ah loo joojinayo
dhammaan maraakiibtu in ay maraan meel la cayimay oo ka mid ah dhul-badeedka
wadanka (Somalia territorial sea) haddii loo baahdo si loo difaaco ammaanka
Qaranka.
Qodobka 14aad
Khidmadda
Adeegyada la fuliyey
Khidmada laga qaado maraakiibta geleysa biyaha xiga dhanka
xeebta, mid la mid ah waxaa laga qaadayaa maraakiibta shisheeye ee dhex maraya
dhul-badeedka wadanka (Somalia territorial sea) taas oo looga qaadayo adeeg loo
qabtay ama hawl la qabtay oo la xiriirta ammaankooda ama dhaqan gelin xeerarka
booliska bad-ku-safrida (navigation police).
Qodobka 15aad
Qaanuunka
Fal-dembiyeed eek u aaddan Maraakiibta Shisheeye
1. Qaanuunka fal-dembiyeed ee Jamhuuryadda Soomaaliya ayaa
loo adeegsanayaa waxa saaran markiibta shisheeye ee dhex maraya dhul-badeedka
wadanka (Somalia territorial sea) ama kuwa kusoo xirta dekedaha, arrintaas oo ku
saabsan xabsiga in loo taxaabo dad ama in la fuliyo baaritaan la xiriira
fal-dembiyeed ka dhacay markabka dushiisha ayadoo markabkaasi dhex marayey
(badda Soomaaliya). Qaanuunka fal-dembiyeedku wuxuu ku xadidan yahay xaaladaha
soo socda:
(a) Haddii cawaaqibka fal-dembiyeedku uu gaarayo dhulka
Jamhuuriyadda;
(b) Haddii fal-dembiyeedka noociisu yahay mid
carqaladaynaya nabadda dalka ama kala dambaynta dekeddaha ee dhul-badeedka
wadanka (Somalia territorial sea);
(c) Haddii maamulka ku sugan agga uu gargaar soo weydiisto
naakhuudaha markabka ama dalka leh calanka suran markabka;
(d) Haddii loo baahdo in la hor istaago shixnad daroogo ah.
2. Maamulka (u xilsaaran) wuxuu qaadi karaa tallaabo kasta
oo ay ogolaanayaan sharciyada Soomaaliya iyo xeerarkeeda oo ku aaddan xabsi u
taxaabid ama baaritaan (investigation) lagu sameeyo waxa saaran markab shisheeye
ah marka uu dhex marayo dhul-badeedka wadanka (Somalia territorial sea) kaddib
marka uu ka tago biyaha xiga dhanka xeebta ama deked.
3. Haddii ay dhacaan xaaladaha ku xusan qodobkan
faarqadiisa 1aad iyo 2aad maamulku waxa ay samaynayaan, haddii naakuudaha
markabku uu sidaas weydiisto, in ay la tashadaan maamulka dalka leh calanka
suran markabka kahor inta aan wax tallaabo ah la qaadin, islamarkaasna la sahlo
wada xiriirka maamulkaas iyo shaqaalaha markabka. Haddii ay dhacdo xaalad degdeg
ah (emergency) waxaa wargelintaan la gaarsiinaya ayadoo islamarkaas arrintaas la
maaraynayo (la xallinayo).
4. Maamulka aagga ku sugan wax tallaabo ah kama qaadi
karaan markab dhexmaraya dhul-badeedka Soomaaliya, sida in la xiro qofna ama
lagu sameeyo baaris ku saabsan fal-dembiyeed dhacay ka hor inta aan markabku soo
gelin dhul-badeedka wadanka (Somalia territorial sea), markabkaas oo waxa keliya
oo uu samaynayaa ay tahay in uu ka dhex gudbayo dhul-badeedka Soomaaliya isagoo
aan geleynin biyaha gudaha xeebta.
Qodobka 16aad
Xeerka Madaniga
eek u aaddan Maraakiibta Shisheeye
Maamulku uma geysan karaan xabsi markab ayadoo arrintu
tahay oo keliya mid la xiriirta madani, marka laga reebo:
(a) Ayadoo la eegayo waajibaad saaran ama uu masuul ka
yahay markabka qudhiisu taas oo uu sameeyey inta uu ku dhex jiro safarka uu ku
dhexmarayo dhul-badeedka wadanka Soomaaliya ama biyaha xiga dhanka xeebta.
(b) Aydoo la eegayo xaaladaha ku qeexan Xeerka Badaha.
Qodobka 17aad
Maraakiibta
Dawladeed
1. Xeerarka ku qeexan qodobada sare waxa ay sidoo kale
khuseeyaan maraakiibta ay leeyihiin dawladaha shisheeye, marka maraakiibtaas
loo adeeegsanayo arrimo ganacsi.
2. Qodobka sare ma saamaynayo maraakiibta dawladeed ee aan
ahayn ganacsiga ee haysta ogolaansho ruqsad khaas ah.
Qodobka 18aad
Maamulka oo
Xabsiga u taxaaba Maraakibta
Haddii ay dhacdo xaalad ay ciqaab ka dhalay ee xad gudub uu
geystey markab shisheeye, markaas maamulka Soomaaliya waxa ay xiri karaan
markabka ilaa ciqaabtaas la oofiyo ama la helo dammaanad la xiriirta ammaan
arrintaas.
Qodobka 19aad
Waa wax aan waxba laga soo qaadayn oo waxba kama jiraan ah
qodob kasta oo ka hor imanaya sharcigan iyo waxa ku qoran.
Qodobka 20aad
Marka
Sharcigani Dhaqan Galay
Sharcigani waxa uu dhaqan galay soddon maalmood markii ay
ka soo wareegtey daabacaadiisii.
Mogadishu, 10 September 1972
***
Waxaa asalkii qoraalka oo English ah faafiyey Website-ka
Qarammada Midoobey
Sharci Qaran - Kaydka dukumiintiyada DOALOS/OLA - Qarammada
Midoobey
***
Tarjumadii SomaliTalk.com - September 2011
(Waa 40 sano kabacdi markii uu dhaqan galay xeerka Law No. 37)
***
Isha: UN Website:
http://www.un.org/Depts/los/LEGISLATIONANDTREATIES/PDFFILES/SOM_1972_Law.pdf
Isha: FAO Website: http://faolex.fao.org/docs/pdf/som4925.pdf
FG: 1972 Xilligii sharcigani soo baxay Shillinka Soomaaligu qiime ayuu
lahaa, waxana sarrifku ahaa US$1 = 7Sh.So.
Sharciga Kalluumaysiga Soomaaliya Law No. 23 ee soo baxay 30 November 1985
Maadaama ilaalinta iyo beekhaaminta kalluunku uu muhiimad weyn u lahaa
Soomaalida, waxaa dawladdii Soomaaliya soo saartay Xeerka Kalluumaysiga oo
lambarkiisu ahaa N° 23 ee soo baxay 30kii November 1985 (kaas
oo ka diiwaan Qarammada Midoobey /FAO), xeerkaas oo qeexayay maraakiibta iyo
shakhsiyaadka la siiyo shatiga ee ka kalluumaysanaya baadda Soomaaliya in ay
dhawraan xeerkaas, islamarkaasna ay soo sheegaan inta ay leegtahay kalluunka ay
badda kala soo baxeeen iyo nidaamka ay adeegsadeen. Ciddii xeerkaas ku
xadgudubtana ay la kulmayso ganaax adag ama xabsi. Waxaa xeerkaas ku cad in:
- Ganaax gaaraya ilaa So.Sh. 10,000 laga qaadayo doonta aan matoorka
lahayn ee xeerkaas ku xadgudubta.
- Ganaax dhan So.Sh. 15,000 ilaa So.Sh. 4,000,000 laga qaadayo doonyaha uu
saaran yahay matoorka baaxadiisu dhaxayso 6 HP (HorsePower) ilaa 101 HP.
- Xabsi 3 ilaa 10 sano ah ama ganaax So.Sh. 5,000,000 ilaa So.Sh.
50,000,000, ama in la isugu daro xabsi iyo ganaax, qofkii kalluumaaysiga
u adeegsa waxyaabaha qarxa, ama adeegsada aalad mamnuuc ah, ama kalluumaysta
xilliga xirmada ee aan la ogolayn in kalluunka la dabto, ama soo jillaabtay
kalluun mamnuuc ay tahay in la soo qabto.
- (FG: Xilligaas 1985 qiimaha sarrifku wuxuu ahaa US$1 = 36 So.Sh. Sidaas
daraadeed 50 million So.Sh waxay u dhigaantey 1.4 million doolar.)
- Akhri: Somali
Fishery Law N° 23 of 30 November 1985
Faafin: SomaliTalk.com | September 30, 2011
|