SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYA

Boobka Lagu Hayo Badda Soomaaliya Sideen uga Badbaadnaa?!!

  • maxaa weerarka loogu yahay biyaha Soomaaliya iyo badda Soomaaliyeed, loona rabaa in la boobo in kabadan 180% biyihii Ummadda Soomaliyeed xaqa u laheyd, iyadoo la doonayo in 200-Nowtikal mile laga soo reebo 12-nowtikal mile oo keliya, 188-na leyska boobo oo la cadeeyay inay tahay Mandiqaddaasi tan ugu kalluunka badan adduunka iyo inay tahay meesha ugu shidaalka badan badweynta Hindiya, hadaba waxaa la doonayaa in lagala wareego Soomaaliya oo ay noqoto soona aan cidna sheegan, si markaas magaca UN-ka loogula wareego ka dibna loo boobo kheyraadkeeda badda amaba loogu wareejiyo Kenya si markaas loo wada aboobo kheyraadkaasi.
  • waa In Baarlamaanka KMG Soomaaliya shir degdeg ah ka yeesho arrinkan kana soo saaro go’aano diidmo cad ah oo uu ku cadeynayo inaysan jirin cid ka tanaasulikarta xuquuqda shacabka Soomaaliyeed heshiiskii xadidayey biyaha Soomaaliyana ee 10/9/1972-

Waxaan shaki laheyn in dhibaatada Soomaaliya ay ka dambeyso quwado shisheeye oo dalkan dabin u dhigayey lagas oo bilaabo madaxbanaanidiisii la qaatay sanadkii 1960-kii ilaa xilligan, balsa markastaba loo gelinayey shaar siyaasadeed oo munaasab u ah xilligaasi siyaasadda jirta ka tarjumeysa, waxaan tusaalayaal u soo qaadan karnaa arrimahan soo socda oo kulligood tusaala u ah neceybka reer galbeed iyo adnaabtoodu u haayaan dalka Soomaaliya.

Diidmadii ay diideen wadamada reer Galbeedku dhismihii ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed xilligii xoriyadda oo ku amray dowladdii Aadan Cabdulle Cusmaan Alle ha u naxariistee inay Ruushka aaddo oo la soo saxiixato hesshiiskii Meleteri ee uu fuliyey Janaraal Maxamad Siyaad Barre Alle ha u Naxariistee.

Burburintii Ciidankii qaran ee Soomaaliyeed oo la burburiyey sanadkii 1978-dii markii Gaashaanbuurta NATO iyo WAARSO isku raaceen in Soomaaliya meel looga soo wada jeesto si loo burburiyo ciidanka xoogga badan ee Soomaaliya, loona ilaaliyo dowladda masiixiga ee Xabashida.

Rididdii Xukuumaddii qaran iyo taageeradii jabhadihii SNM, SSDF, USC, iyo kuwa kale oo ku guuleystay iyagoo adeegsanaaya qabiil inay ku yaacaan dowladdii qaran ee liidatay, kana eriyaan dalka bilowgii sanadkii 1991-dii.

Diidmadii laga hor istaagay jabhadihii inay is afgartaan, iyagoo ku dabafeylay adeegsadayna Xukumaadda Itoobiya oo jaanis weyn u aragtay burburka Soomaaliya, iyadoo Mareykanka iyo Yurub ay si cad ugu wareejiyeen arrinta Soomalaiya dalka Itoobiya ee cadowga Soomaaliyeed ee taariikhigaa ah.

Hagardaameynta Soomaaliya oo loo sameystay ururo badan oo haddana aan waxba inay u qabtaan Soomaaliya aan rabin, balsa ku qaraabta qadiyadda dalkan nasiibdaradu uga dhacaday cadowgiisa iyo dadkiisaba si isku mid ah sidii IGAD, ICG, EU, CA iyo kuwa badan oo ku qaraabta magaca Soomaaliyeed, kuna lacageystay.

Haddii aan qormadeena u soo laabano maxaa weerarka loogu yahay biyaha Soomaaliya iyo badda Soomaaliyeed, loona rabaa in la boobo in kabadan 180% biyihii Ummadda Soomaliyeed xaqa u laheyd, iyadoo la doonayo in 200-Nowtikal mile laga soo reebo 12-nowtikal mile oo keliya, 188-na leyska boobo oo la cadeeyay inay tahay Mandiqaddaasi tan ugu kalluunka badan adduunka iyo inay tahay meesha ugu shidaalka badan badweynta Hindiya, hadaba waxaa la doonayaa in lagala wareego Soomaaliya oo ay noqoto soona aan cidna sheegan, si markaas magaca UN-ka loogula wareego ka dibna loo boobo kheyraadkeeda badda amaba loogu wareejiyo Kenya si markaas loo wada boobo kheyraadkaasi.

Haddaba sidee looga hortegi karaa boobkan iska cad ee la damacsanyahay in Soomaaliya lagu qaato kan ugu weyn kheyraadkeeda dabiiciga ah ee Alle ku maneystay, iyadoo laga faa’ideysanayo kala daadka iyo burburka dalka Soomaaliya ka jira iyo dowlad la’aanta heysta mudada dheer, sidaas awgeed waxaa loo baahanyahay si loo fashiliyo mashruucaasi khiyaano arrimahan soo socda ee kala ah:-

In la daba galo Dukumentiga la hayo, lana hubiyo in khiyaanadan qaran cid Soomaaliya ah ay lug ku leedahay oo ka tirsaneyd dowladda uu hogaamiyo Sheekh Shariif oo taariikhdaas mugdiga ah iyo nasiibdaradaasi umadeed kula kacday hadday sax noqoto in cid Xukuumadda ka mid ah ay ka dambeysay.

In markii la hubiyo loo aqoonsado ciddii saxiixday iyo ciddii la ogeydba inay yihiin khaa’inul wadanno, Maxkamadna loo diyaariyo, iyagoo ku muteysan doona arrinkaasi ciqaab aad u adag iyo magac daro taariikhda u gasha intaba, loogana baahanyahay madaxda qaranku inay warcad ka soo saaraan arrinkan murugada leh.

In Baarlamaanka KMG Soomaaliya shir degdeg ah ka yeesho arrinkan kana soo saaro go’aano diidmo cad ah oo uu ku cadeynayo inaysan jirin cid ka tanaasulikarta xuquuqda shacabka Soomaaliyeed heshiiskii xadidayey biyaha Soomaaliyana ee 10/9/1972-kii, uuna yahay kan sharciga wax is bedel ahna aan lagu sameyn karin marnaba.

In shacabka Soomaalyeed hurdada ka kaco ogaadaanna in dalka baddiisa iyo barigiisaba la doonayo in maxmiyad la geliyo, ugu dambeynna waxa lagu sheego beesha caalamka oo burcadda ah la doonayo in gacanta laga geliyo sidii Laybeeriya loo galay oo kale dowlad yar oo aan qiimo laheyn oo hantida Soomaaliyeed ee dabiiciga ah marba mid laga saxiixdana loo sameysto oo ka amar qaadata tuugadaasi.

In Madaxweynuhu hadduu dalka dan ka leeyahay uu ka dalbado dowladda Turkiga ciidamo gaaraya ugu yaraan 10.000 oo la wareega biyaha Soomaaliya, kana ilaaliya burcadda caalamiga ah iyo tan yaryarba, marnabana uusan naf ka raadin Afrikaankan iyagu doonaya inayba dalka Soomaaliya iska googoostaan, marka damana maxmiyad geliyaan iyo reergalbeedka cadonimada Soomaaliya dilatay oo weligeenba tan iyo xoiyadeynii aan wax la taaban karo aan nala qaban inay na baabi’iyaan maahine.

In ummaddu siiba aqoonyahanka Soomaaliyeed inaysan wax badan ka sugin waxa caalamka lagu sheego iyo kuwa kuraastu indha tirtay oo aan wax dan ah ka laheyn Ummadda Soomaaliyeed ee ay is abaabulaan sameystanna xisbiyo siyaasadeed iyo warbaahin xor ah oo ay ka difaacaan qadiyaddooda iyo inay arrintan il gaar ah ku haayaan baaritaanna loogula dhaqaaqo.

In wasiirkii hore ee kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Dr. Maxamuud Macalin Xasan uu cadeeyo waxa uu ka ogyahay arrintan, iskana beri yeelo waxa lagu tuhmay ee saxaafadda ku qoran amaba qirto inuu saxiixay oo uu ku dhacay khiyaano qaran, balsa ay taas ka sii xuntahay inuu Ummadda ka qariyo xaqiiqada isagoo magaca ummadda Soomaaliyeed ku haya xilka wasiirnimo.

Ugu dambeyntii waa in Ummaddu ogaato in arrintan oo aad u muruga leh rag aqoonyahan sarasre ah oo weliba qaarkood ku takhasuseen kheyraadka badda Soomaaliyeed ay ka hadleen sida Prof. Faarax Axmad Cumar Qare oo ah Admiraalka ciidanka badda, ahna ninka ugu aqoonta badan Soomaaliya badeeda maadaama uu ku qaatay takhasus PHD ah, kheyraadka badda Soomaaliyeed Janaraalka oo aad u cadeeyay dhagarta lala damacsanyahay badda Soomaaliya iyo Prof. Yaxya Sheekh Caamir Sheekh Ibraahim Sheekh Maxamuud oo ah dhaqaala yahan sare ahna ninkii aqoonyahanka ahaay ee ugu horeeyay ee kashifay in shirkii Muqdisho ee ugu dambeeyay ujeedada loo qabtayba ay ka mid aheyd in laga saxiixo madaxda dowladda KMG arrinkan boobka badda Soomaaliya lagu hayo, haddaba waa in dedaalkaasi la sii lama jibaaraa, aadna looga dhiidhiyaa boobka qaawan ee xaaraanta ah ee lagu bilaabay qarankii Soomaaliyeed baddiisii barigina leysku diyaarinayo in lala wareego, Ilaahay waxaan ka baryeynaa inuu qaran caafimaad qaba iyo dad qadiyadda Ummadda Soomaaliyeed ilaaliya uu noo sahlo, kuwa boobka ku wada dalka Soomaaliyana naga qabto aamiin..aamiin.

Waxaa qoray:- Sheekh Cali Wajiis

Email:- caliwajiis@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 13, 2012

 

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: