SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACADA BADDA SOOMAALIYA

Raisal Wasaaraha dalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa jaaliyada Soomaalida London ka shaafiyay murankii dhul badeedka u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya.

London 29/10/2009. Jaaliyada Soomaalida magaalada London ku nool ayaa caawa xaflad qurux badan ugu qabatey Hall-ka Friends House oo ku yaal xaafada Euston wafdi balaaran oo u hogaaminaayo Raisal wasaaraha dalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo booqasho sadax maalin ah ku soo gaarey dalka Ingiriiska.

Xafladatan oo ay ka soo qayb galeen dad aad u badan oo Soomaali ah islamarkaana ka kale yimid dhamaan xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada London iyo magaalooyinka Bermingham iyo Liecester.

Wafdiga Raisal wasaaraha ayaa waxaa ka mid ahaa ilaa 5 Wasiir oo ka tirsan Dowladiisa sida Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta mudane C/risaaq Osman Juriile, Wasiirka Dib u heshiisiinta mudane C/rashiid Deeroow, Wasiirka Amniga Qaranka Mudane C/laahi Mohamed Cali Sanbaloolshe iyo Wasiirka Iskaashiga iyo Xiriirka Caalamiga mudane C/raxmaan Cabdishakkur Warsame iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka dalka Soomaaliya.

Wafdiga Raisal Wasaaraha Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharmaake ayaa booqasho 3 maalin ah ku soo gaarey magaalada London islamarkaana kulamo kale duwan la yeeshay dowlada dalka Britian sida Wasiirkeeda Arimaha Dibada mudane David Millaband iyo xubno kale ka tirsan xiriirka iskaashiga caalamiga, iyo Amniga, Mudane Cumar Cabdi Rashiid ayaa wareysiyo kale duwan siiyay jaraaidka , TV-ga iyo kuwa TV Caalamka ee ku sugan magaalada London.

Raisal wasaaraha iyo wafdiga la socda ayaa caawa u helay fursad inay kula kulmaan jaaliyada Soomaaliyeed ee degan dalkaan, si ay warbixino iyo figrado u kale qaatan islamarkaana isla meel dhigaan marxalada dalka Soomaaliya uu maanta marayo iyo sidii iskaashi midaysan looga yeelan lahaa soo celinta Dowladnimada iyo sharafta dalka Soomaaliya.

Hall-ka xaflada ka dhacaysay ayay soo buux dhaafiyeen jaaliyada Soomaaliyeed ee degan magalaada London islamarkaana waxaa aad loo adkeeyay amaanka goobta iyadoo si qurux badana loo furey xaflada soo dhawaynta Raisal Wasaaraha iyo xubnaha Dowladiisa ka tirsan ee ku wehliya booqashada dalkaan.

Waxaa lagu furey sidii caadaada ahayd aayada quraanka iyo wacdi diini ah islamarkaana waxaa hadalka qaatey xubno laga soo dhax xulay jaaliyada magaalada si ay ereyo soo dhawayn iyo taloba leh ugu jeediyaan wafuuda Qaran ee goobta ku sugan caawa, iyadoo gabayo , heeso iyo buraanburo qiiro leh oo taabanayay dareenka dadka Soomaaliyeed halkaasi laga soo jeediyay.

Waxaana qudbado kale duwan ka jeediyay ururo kale duwan oo ka dhisan Magaalada London iyo magaalada Bermingham, dhamaantoodna waxay ka hadleen qoraalo iyo fariimo ay farayaan Dowlada Soomaaliya islamarkaana waxay ka hadleen qaabka ururadooda kale duwan uga howl galaan dalkaan, balse kale qaybsanaanta Soomaalida London ayaa durbadiiba u muuqanaysay marti sharafka madaama mid walbo hadlo loogu yeerayay gudoomiye hebel, arinkaasi dadka badankiisa ma jeclaysan meesha yimid, waxayna dadka qabeen in hal magac jaaliyada Soomaalida London oo kale lagu soo dhaweeyo madaxda sharafta leh iyo wixii hada kadib noo imaanaya insha Allah.

Intaas kadib waxaa hadalkii ugu horeeyay qaatey wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta mudane C/risaaq Osman Juriile oo halkaas warbixin kooban ka jeediyay kana xog waran marxaalada dalka Soomaaliya maanta u ku sugan yahay iyo dhibatada , abaaraha iyo colaadaha ka jira, islamarkaana jaaliyada Soomaaliyeed ee degan magaalada London kula dardaarmay sidii ay gacmaha isku wada qabsan lahaayeen, dalkaana wax uga qabsan lahaayeen si mustaqbalka dalkooda wax uga qaban lahaayeen.

Waxaana hadalkii ku xigay qaatey Wasiirka dib u heshisiinta mudane C/rashiid Deerow oo ku nuuxnuux saday in laga shaqeeyo sidii dalka Soomaaliya nabadeeda looga wada shaqayn lahaa islamarkaana waxana u ka hadlay sidii loogu baahan yahay sidii gacan looga gaysan lahaa dib u dhiska dalka Soomaaliya, dowladatan waa Dowlad dib u heshiisiineed waxay ku dhisan tahay waa taa waxana raadinayno waa Nabad iyo dib u heshiisiin ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay, islamarkaana waxaa mahad gaar ah u celiyay dalalka soo dhaweeyay Soomaalida ka soo carartey dagaalada.

Wasiirka Iskaashiga iyo Xiriirka Caalamiga mudane C/raxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa hadalka qaatey islamarkaana warbixin ka bixiyay xaalada dalka Soomaaliya maanta u maraya iyo in laga soo gudbay qabyaalad iyo oor ku kacsiga , qof kastana uu maanta jooga uu og yahay waxa jira iyo meesha loo socda, cid la qaldi karo ma jirto ayuu yiri shacabkiina waa ka soo gudbayn waxyaabo badan, waxayna u baahan yihiin waa dowladnimo, inkastoo goobta shirka dhawr mar laga maqlayay dad ku dhawaaqaya arinka muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa wasiirka hadalkiisa uu ku soo darey madaama Wasiirkii ka horeeyay C/risaaq Juriile uu ka hadlay islamarkaana uu sheegay inaysan jirin bad la gatey.

Mudane C/raxmaan Cabdishakuur ayaa yiri aniga waxaan ka mid ahay golaha Wasiirada dowlada Raisal Wasaare Cumar Cabdi Rashiid amar ayaa la igu siiyay tag baa la yiri dowlada heshiiskaas u saxiix waana saxiixay ayuu yiri ee hadii aad arinkaas dacwad ka qabtaan rasial wasaarihii i amrey waa kan ee arinka isaga waydiiya ayuu hadlalkiisa ku soo koobay wasiirka iskaashiga iyo xiriirka caalamiga dalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Dheere.

Waxaa xusid mudan Wasiir C/raxmaan uu sheegay in dalka maanta ay joogan dad ajaanib ah oo hadane oranaya dalkaan Soomaali ma leh ee Islaam ayaa leh taasoo uu ku tilmaamay ayaandaro, waxana u dadka Soomaaliyeed ka codsaday inay si run ah xaalada dalka u darsaan islamarkaana ay ku fara adeegaan Dowladnimadooda iyo ciidooda Soomaaliya, waxana oo u xusay in dadkii Soomaaliyeed ee dalka xataa ka soo cararey in dalalkii ay nafta ula soo baxsadeen loogu geeyay dhibaato sida dalalka Australia, South Africa, Malaysia, iyo Uganda islamarkaana argagaxiso sumad looga dhigay, waxaas oo dhibaato ah waxaa ka dambeeyo waa kuwa diinta sida qaldan dadka ugu adeegsanaya iyagoo shisheeye la socda.

Wasiirka Amniga Qaranka dalka Soomaaliya mudane C/laahi Mohamed Cali oo ku magac dheer Sanbaloolshe ayaa isna ka hadlay goobta xaflada waxana uu ka sheekeeyay xaalada dalka Soomaaliya ku sugan yahay islamar ahaantaana waxaa dadka Soomaaliyeed ugu bishaareyay in dhawaan amniga caasimada Muqdisho lagu soo celin gacanta Dowlada insha Allah, islamarkaana loo gudbi doono gobalada kale ee dalka Soomaaliya ee hada gacanta kuwa dowladiidka ay ku hayaan, waxana u wasiirka jaaliyada Soomaaliyeed ka codsaday inay ka caawiyaan dowlada Soomaaliya sidii amniga dalka gacanta loogu dhigi lahaa

Wasiirka ayaa Jaaliyada Soomaaliyeed ka codsaday inay caruutooda il gaar ah ama fiiro u yeeshaan islamarkaana ay la socdaan kana digtoonaadan in caruurtii ay dhibatada kale soo carareen dalkooda in hadane ay ku laabtaan kana soo sameeyaan dhibaatooyin aan dadka Soomaaliyeed shaqo ku lahayn, wadankaan aad joogtaan waa idin soo dhaweeyay marka wax ka qabsada kana ilaaliya kuwa doonaya inay dhibaato idin horseedaan, waxana idin ka codsanayaa inaa mushaarka ciidanka amniga sugaya nala bixisaan ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay mudane C/laahi Mohamed wasiirka Amniga Qaranka.

Ugu dambayntiina waxaa micrafoonka lagu soo dhaweeyay Raisal Wasaaraha dalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo dadka intiisa badan ay aad ugu dhaga taagayeen qudbada Raisal wasaaraha uu u jeedin doono jaaliyada magaalada London ee soo buux dhaafiyay Hallka xaflada ka dhacaysay.

Sacab iyo heesta calanka Soomaaliya ayaa lagu bilaabay inta uusan hadlin Dr Cumar Cabdirashiid , dadkii goobta buux dhaafiyayna way sara istaageen si ay u soo dhaweeyan raisal wasaaraha, waxayna luxayeen calanka dalka Soomaaliya ee quruxda badan, Raisal wasaaraha ayaa ku bilaabay salaan iyo ka mahadcelin soo dhawaynta sharafta badan ee loogu sameeyay magaalada London iyo dadkii soo qaban qaabiyay iyo dadkii kale ee ka soo qayb galay, waxana uu warbixin kooban ka bixiyay safarka ay ku joogaan magaalada London islamarkaana ay caawa saq dhaxe safar kale ugu bixin doonaan caasimada dalka Biljamka ee Bruxsells si ay kaga qayb galeen shir ay la leeyihiin European Union madaxdooda sida Luis Micheal iyo Borosso .

Raisal wasaare Cumar Cabdi rashiid ayaa ka hadlay xaga amaanka iyo dowladiisa mudada 9 bilood ay jirtey waxyaabihii ay qabatey, xaga amaanka waxa u yiri Dowladiisa inaysan dhaxlin ciidan dhisan iyo nidaam balse ay magaalada Muqdisho ugu tagtey labo ciidan oo iska soo horjeeda oo is dili jirey, (ARS V TFG), waxay nagu qaadatey mudo badan sidii labadaas ciidan la iskugu dari lahaa islamarkaana waxaan dowlada ku soo darnay rag badan oo markii hore naga soo horjeeday ayuu yiri Raisal wasaaraha.

Anaga waxaan wax ku raadinayno waxaa weeye waa Nabad, laakinse dadka Soomaaliyeed waxaa moodaa waxa ka socda inaysan indhaha iska tiri karin dalka waayo dadkii xaga fikirka ayaa laga soo galay dagaal aan ujeedo ama faa’ido laga helaynin ayaa lagu wadaa marka waxaas oo dhan waxaan uga bixi karnaa waa inaan midoowno gacmahana is qabsano dhamaanteen si aan dalkeena ugu soo celino Nabad iyo amaan.

Waxaa kale oo u soo qaatey kulamada ay la yeesheen dalkan Ingiriiska waxayna walaac ka muujiyeen in dhibaatada Soomaaliya ka jirta inay tahay burcad badeed iyo argagaxisada laakinse waxaan u sharaxnay dhibaatada Soomaaliya ka jirta inaysan labadaas kaliya ahayn laakinse loo baahan yahay in dowlada gacan laga siiyo sidii dalkeeda amaankiisa gacanta ugu dhigi lahayd lagana taageero waxyaabo badan, runtii rajo weyn ayay noo muujiyeen kulamadii aan la qaadanay oo dhan waana ka filaynaa in wax badan ka soo bixi doonaan, hadane waxaan u soconaa Bruxsells si aan EU uga dhaadhicino sidii ay nooga taageeri lahaayeen soo celinta Nabadda iyo Amaanka dalka Soomaaliya, laakinse waxaan idin sheegayaa Soomaaliyeed inaan anagana isku tashano dad kale wixii laga soo baryo aan meel lagu gaareynin laguna noqonaynin dal jira oo haybad iyo karaamo leh, run ahaantii marka uu arimahaan Raisal wasaaraha u soo jeedinayay waxaa hallka xaflada laga dhadhansan karey in Soomaalida ka daashay dhibaato iyo baryo kaalmo shisheeye, halka Raisal wasaaraha ay ka muuqatey daacadnimo, Soomaalinimo iyo nin ka soo jeedo qoys sharaf iyo magac ku leh dadka Soomaaliyeed dhaxdiisa sababta aan saas u leeyahay waxaa weeye ma arag nin Soomaaliyeed oo sheegayana darajo oo ka xun in shisheeye loo baryo tago ka hor mudane Cumar Cabdi rashiid Cali Sharmaake dowladihii ka horeeyay, run ahaantiina waxaan oran karaa hogaamiye daacad ah oo mustaqbal leh islamarkaana ay ka muuqato deganaan iyo asluub fara badan waxa uu sheegayana ay run ka tahay markaan qudbadiisa sii raac raaco.

Raisal Wasaaraha ayaa soo hadal qaaday muranka xad badeedka Soomaaliya iyo Kenya waxana u yiri arinkaan waa soo noqnoqatey, marka waxaan idin sheegayaa in markii ugu horeysay ee dowlada la soo dhisay in magaalada Muqdisho ay yimaadeen Ergayga Qaramada Midoobay ee dalka Soomaaliya Mudane Axmed Wallad Abdalla iyo nin qabiir baddaha ah oo ka socda UNta , waxayna noo sheegeen in hadii aynan saxiixin heshiiskii hore Baddaha oo dhacayay, in Badda Soomaaliya qayb ka mid ah lagala wareegayo islamarkaana ay muhiim tahay in arinkaasi Dowlada Soomaaliya ka hor heshiiska cusboonaysiisaa , marka anaga Dowlad ahaan waxaan rabnay inaan heshiiskaas cusboonaysiino laakiinse Dowlada Kenya ayaa waxay si qaldan u rabtey inay nagu qiyaanto kadib markii ay dhulkeena calaamadooda gudaha badda Soomaaliya ku soo darsatey laakiinse hadaa fiiriso tan aan anaga gudbinay Kenya waxaan xaq ugu leenahay inaan gudaha u sii galno madaama laga cabiraayo dhulka meesha uu ka biloowda, marka arinka arinkaas ayuu ahaa Kenya kama aanan yeelin waana ka daba tagnay mana dhacayso in dhul Soomaaliyeed iyo Badd Soomaaliyeed inaan ka tanaasulno taako inta aan hayo xilka waa igu balan, qof dhiibi karana ma jirto, arinkaasi waxaan filayaa inaa ku seexataan waxaa Dowlada Kenya damacsanayd inaysan dhici karin lana aqbalaynin, ayuu yiri Raisal Wasaare Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharmaake, dadkii goobta buuxay ayaa sacab la sare istaagay markii hadalaas qiirada badan ee runta ah uu sheegay Raisal wasaaraha islamarkaana heesta Soomaaliya ayaa wadajir loogu luuqeeyay madax iyo shacaba dhamaanteen.

Isku soo duuduuboow booqashada Raisal Wasaare Cumaraani Cabdi rashiir Cali Sharmaake iyo Wafdigii la socday oo ay ku joogeen magaalada London ayaa ku soo gabagaboway guul iyo farxad, dadkii Soomaaliyeed ee soo qaban qaabiyay xaflada soo dhawaynta ayaa si gaar ah loogu mahadceliyay marti iyo jaaliyadba si wada jir.

Arinka dabagalka muran baddeedka Soomaaliya iyo Kenya waxaa mahadeeda leh Somalitalk website oo si wadaninimo leh arimhaas shacabka Soomaaliyeed tooshka ugu ifiyay madaama dabin loo dhigtey ciida Soomaaliyeed ee muqadaska ah, inkastoo tuhunka arinkaan aan rumaysan karno in rag ka tirsan Dowlada Soomaaliya ku lug leeyihiin , balse wixii jira cakaaro ayuu iman doonaa laakinse hadalka caawa Raisal wasaaraha Dowlada Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashiis Cali Sharmaake waa mid mudan in loo riyaaqo lana soo dhaweeyo kadib markii uu si geesimo leh boqolaal qofood oo Soomaali ah daaha uga qaaday wax markii hore mugdi ku jirey oo qiyaano Qaran ahaan lahayd hadii ay dhacdo.

Waxaase nasiib xumo dadka dowlada Soomaaliya ku dacaayadaynaayo arinka BADDA inaysan ka ahayn Soomaalinimo iyo wadanimo balse iyagoo kooxo Dowlad diid ah taageerayaal u ah ayay rabaan inay dadka ku qaldaan arimahaan oo kale, halka Dowladaha dariska Ethopia iyo Kenya ay u doonayaan inay dalkeena ku qataan caqli caqli, halka dadkii dalkaan lahaa ay ku mashquulsan yihiin isdhabar goyn iyo xasuuq aan dhamaad lahayn.

W/D: Yusuf Mohamed Abdi Yusuf
Sports Editor of SSPAMEDIA
mrsomalia@hotmail.com
London, UK

Halkan ka daawo sawiradii kulankii Jaaliyadda London
Sawirada waxaa faafiyey: Maxamuud Maxamed Xasan Shire (Boocame)

cumarabdiCumar C/rashiid: Dawladdu waxay u Hoggaansameysaa Go’aanka Barlamaanka (Arrinta Heshiiskii Is-Afgarad ee Badda Soomaaliya)

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya


Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version



Waxaan ku baaqeynaa in Heshiiska badda ee dhexmaray dowladda Kenya & DFKMG loo soo bandhigo culimaa’uddiinka iyo qaanuunyahanno, kadibna baarlamaanka DFKMG.. Akhri