Cali Axmed Jaamac Jangali oo Baarlamaanka DFKMG ku Taageeray Diidmadii
Heshiiskii Is-Afgarad ee Badda Soomaaliya!?
- SomaliTalk.com | December 25, 2009
Wasiirka Arrimaha dibadda DFKMG, Cali Axmed Jaamac Jangali, ayaa sheegay in
aan madaxweynaha DFKMG looga baahnayn in uu saxiixo xeerkii ay baarlamaanka
DFKMG ku diideen heshiiskii Is-faham (ee dhexmaray DFKMG iyo Kenya), isagoo
intaas ku daray in mar haddii baarlamaanku diidey ay arrintaasi xirantay.
Jangali waxa uu hadalkaas yiri mar uu magaalada Jabuuti waraysi kula yeeshay
Maxamed Macallin Cismaan (SomaliTalk Jabuuti) oo weydiiyey su'aal ahayd:
Dawladdu waxay hore u gashay Heshiis Afgarada, baarlamaanku waa ka soo hor
jeestey, ra'iisul wasaarahana waxa uu u gudbiyey Qarammada Midoobay, maxay tahay
sababta hor taagan in madaxweynaha saxiixo?
Waxana uu Wasiirka Arrimaha Dibadda DFKMG ku jawaabay: "Madaxweynaha dee
saxiix loogama baahnayn baan ku leeyahay BECAUSE (sababtoo ah) madaxweynuhu waxa
uu saxiixaa hindise.... ee... sharciyo. Waxay ahayd heshiiska RATIFICATION
(ansixin) ayaa looga baahnaa baarlamaanka, baarlamaanka ayaana xaqaas lahaa,
baarlamaanku markii uu diidey waa arrin xirantay dee, marka waa .... marka
heshiis dal dibadda ah lala soo galo waa la ansixiyaaye uma baahna saxiix
madaxweyne."
Kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen 347 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka
DFKMG ayaa 334 xildhibaan oo diidey heshiiskii is afgarad. Isla markiiba,
sida uu dhigayo Dastuurka DFKMG, waxa uu Guddoomiyaha Baarlamaanka
Agoosto 1, 2009 kulan ay xildhibaanadda DFKMG ku yeesheen
Muqdisho ayaa Guddoomiyaha baarlamaanka Dawladda FKMG, Sheikh Aaden Maxamed Nuur
(Sh. Aden Madoobe) waxa uu ka sheegay hadalkan: Tirada xildhibaanada soo
xaadirtay, oo doodda u fadhiday waxay ahaayeen 347 xildhibaan. 9 Xildhibaan
waxay soo jeediyeen in guddi ha loo saaro. 4 xildhibaan waxay yiraahdeen dib
haloo dhigo. 334 xildhibaana waa diideen heshiiska is-afgaradka. Sidaas
daraadeed Is-afgaradkii xukuumadda Kenya iyo
Kaddib, sida uu dhigayo Dastuurka DFKMG, waxa uu Sheikh Aadan Madoobe xeerkaas
ay baarlamaanku ku diideen heshiiska Is-afgarad u gudbiyey madaxweynaha DFKMG
Sheikh Shariif Sheikh Axmed si uu saxiixo oo uu dhaqan galo, islamarkaasna loogu
soo saaro FAAFINTA RASMIGA AH EE DAWLADDA.

Sheikh Aadan Madoobe,
Guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG
Ilaa hadda Sheikh Shariif arrintaas waa ka gaws adaygay in uu saxiixo
xeerkaas.
Sheekh Shariif oo mar sii horeysey ka hadlayey heshiiskaas waxa uu yiri: Heshiiskaas dantii laga lahaa waa laga gaaray waaba
laga gudbay, hada waxaa loo baahan yahay si rasmi ah in loo diyaariyo
een yacni.. Is-Afgaraduu ahaa .., heshiis rasmi ah in hada
ladiyaariyo ayaa loo baahan yahay.
soo rogo.
Ra'iisul wasaaraha DFKMG oo
October 28, 2009
kulan la yeeshay jaaliyadda Soomaaliyeed ee deggan London, UK, ayaa qiray in
Kenya ay ku xad gudubtey Qaanuunka Caalamiga ah ee xuduudaha badaha, kaddib
markii ay cabirka baddeeda u dhigtay qaab ka hor imanaya qaanuunka, waxana uu
Cumar C/rashiid halkaas Soomaalidii isugu timid u sheegay "Kenya waxay runtii
VIOLATION ku samaysay International Law", laakiin ilaa hadda ma muuqato
ficil qaanuuni ah oo uu qaaday intii ka dambeysey hadalkaas - waxaa xusid mudan
in Cumar C/rashiid warqad magaciisa lagu qoray, laakiin uusan saxiixin in loo
diray Qarammada Midoobey kaddib diidmadii baarlamaanka, warqaddaas oo garab
siineysa heshiiskaas uu Cumar C/rashiid ku tilmaamay Xad-gudubka - ilaa hadda ma
jiraan wax muujinaya in uu ka daba tegey warqaddaas magaciisa lagu qoray.
Labadii bilood ee la soo dhaafay (October iyo November 2009) waxaa jirey
xildhibaano dadaal weyn u galay sidii looga daba tegi lahaa heshiiskaas. Waxay
waraaq u qoreen Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobey ay ku muujinayaan in
heshiiska Is-faham ee badda (Soomaaliya iyo Kenya) ay diideen baarlamaanka
Soomaaliya. Ilaa hadda Ban-ki Moon uma uusan jawaabin xildhibaanada, warqaddii
ay u direena laguma faafin bagga Qarammada Midoobey, sidii ay u faafiyeen
heshiiska Is-faham iyo warqaddii ka dambeysey ee Cumar C/rashiid.

Ban Ki Moon iyo Sheikh Shariif | Isha:
innercitypress.com
Haddaba, arrimahaas marka la xeeriyo, maxaa loo qaadan karaa hadalka cusub ee
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee DFKMG ee ah: Waxay ahayd heshiiska RATIFICATION
(ansixin) ayaa looga baahnaa baarlamaanka, baarlamaanka ayaana xaqaas lahaa,
baarlamaanku markii uu diidey waa arrin xirantay dee, marka waa .... marka
heshiis dal dibadda ah lala soo galo waa la ansixiyaaye uma baahna saxiix
madaxweyne." Jawaabta akhrirtayaasha iyo taariikhda ayaan u dhaafnay.
Cali Axmed Jaamac Jangali waxa kale oo la weydiiyey sida uu u arko in Kenya
lagu daray Guddiga Sharci Dejinta Socdaalka Badaha Adduunka, waxa uu taas kaga
jawaabay "ma garanayo waxa aad ka hadleysid."
Xilliga waraysigaas la qaaday Jangali waxa uu (December 7, 2009) Jabuuti kaga
qaybgalayay shirkii Golaha Wasiiradda Arrimaha Dibadda Urur Goboleedka IGAD oo
ahaa Shirkii 33-aad.

Jangali iyo Shariif Xasan, Shirkii 33aad ee IGAD, Jabuuti
Halkan ka daawo sawiradii shirka IGAD ee Jabuuti
- Xildhibaanada Barlamaanka oo xukuumada Cumar Cabdirashid Ku eedeeyey in ay
dib u soo nooleysay Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya
Akhri
- Xafiiska Walad Cabdalla oo Qiray inaan Heshiiska Is-afgarad Lagu Qasbin
Dowlada Kumeelgaarka ah iyo Norway Shidaal ka baari doonta Xadka marka lacabiro
Akhri
QODOBKA 36 ee Dastuurka DFKMG oo ku saabsan SHARCI DEJIN
1. Marka Golaha Shacabka uu soo saaro sharci waxaa loo gudbinayaa
Madaxweynaha si uu u ansixiyo.
2. Madaxweynahu labaatan iyo kow (21) maalmood gudahood, marka
sharci loo soo gudbiyey si uu u ansaxiyo sida ku qeexan qaybta (1),
waxaa uu u cadeynayaa Gudoomiyaha Golaha Shacabka in uu ogaaladay
ama diiday sharcigaas.
3. Haddii Madaxweynaha diido inuu ku ansaxiyo sharci la soo
hordhigay afar iyo toban (14) maalmood gudahood, wuxuu qoraal
tilmaamaya faritaanada sharcigaas ee ay la tahay in dib loo eego si
wax looga beddelo uu u gudbinayaa Gudoomiyaha Golaha Shacabka.
4. Golaha Shacabka wuxuu dib u eegayaa sharciga Madaxweynuhu ku
soo celiyey iyadoo tixgelinaya faalada Madaxweynaha waxayna :
a) Ogolaanayaa soo jeedinta madaxweynaha iyagoo wax ka beddelay
ama aan wax ka beddelin, kuna celinaya mar kale Madaxweynaha si uu u
ogolaado, ama
b) Diidayaan soo jeedinta Madaxweynaha waxayna ansixinayaan
sharcigii hore oo aan waxba laga bedelin iyadoo lagu meel marinayo
cod bixin aan ka yareyn 65% xidhibaanada Golaha Shacabka taasoo
Madaxweynaha ogolaan doono sharciga afar iyo toban (14) maalmood
gudahood maalinta sharciga la soo gudbiyey.
5. Faafinta sharci uu sameeyey Golaha Shacabka ma dhaqan geli
karo ka hor inta aan lagu daabicin faafinta rasmiga ah ee dowaladda.
Tixraac: Dastuurka DFKMG: 2002:
www.somalitalk.com/dastuur/tfg.pdf – 38 bog.
Soomaaliya:
Dastuurkii 1979 : (somalitalk.com/dastuur/dastuurkii_1979.pdf) –
36 bog
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 25, 2009
|