Weli Ma Quusannin Waraabayaashii Baddu !!
- Inj. Maxamed C. Cibaar| Email:
Mohamed_ebar@hotmail.com | May 21, 2010
Arrimaha muujinayaa in horarradii shalay ay hagardaameynta halkoodii
ka wadaan wey badanyihiin, aanse ka soo qaadanno qoraal hordhac ah oo
laga soo saaray qodobbada looga hadli doono shirka Istanbul.
Qoraalkaasi wuxuu sheegayaa: "Marka la eego xeebta dheer,
Soomaaliya ma lahan aag ganacsiga ee gaarka ah EEZ (Exclusive Economic
Zone) oo lagu sameeyay hab waafaqsan Xeerka Qarammada Midoobay ee
sharciga badaha (UNCLOS). Dooddaani waxay la micno tahay in Soomaaliya
uusan ka jirin xeer u qoran oo ku saabsan aagga ganacsiga ee badda.
Waxaa la iska indhatirayaa in Soomaaliya ay tahay dal xuduudihiisa
dhulka iyo badduba ay calaamadeysanyihiin, waxaana sida muuqata aan la
qirsaneyn in aagga ganacsiga ee badda Soomaaliya uu yahay 200 mayl
badeed, in la sii kordhiyana warkeedaba daa.
Maanta oo ay taariikhdu tahay, 21 May 2010, waxaa ka furmay magaalada
Istanbul ee waddanka Turkiga shir saddex maalmood soconaya oo looga
hadlayo arrimo muhiim ah oo khuseeya Soomaalida. Shirka waxaa garwadeen
ka ah Ururka Qaramada Midoobay, mana aha midkii ugu horreeyay ee
noociisa oo kale ah. Waxaa horay shirar la sheegay in looga hadlayo
arrimaha cakiran ee Soomaaliya lagu qabtay magaalooyinka New York (USA),
Oslo (Norway), Brussels (Belgium), Rome (Italy) iyo meelo kale. Dowladda Turkiga oo martigelineysa kulankaan saddexda maalmood
soconaya, waxaa Soomaaliya kala dhexeeya xiriir saaxiibtinnimo oo soo
jireen ah. Sanadihii la soo dhaafay dowladda Turkigu waxay muujisay
dareen wanaagsan iyo dadaal ay ku dooneyso in Soomaaliya ay ka hirgasho
nabad iyo degganaansho. Sidoo kale dowladda Turkiga iyo dadkeeduba waxay
si firfircoon uga qaybqaataan kaalmooyinka samafaleed ee loo sameeyo
Soomaalida dhibaateysan. Haseyeeshee, marka la qiimeeyo qaabka shirka
loo abaabulay, cidda hoggaamineysa shirka, ergada la filayo in ay ka soo
qaybgasho, waqtiga shirka lagu beegay iyo qodobbada xasaasiga ah ee
looga hadlayaba, waxaa abuurmaya shaki weyn.
Sidaan kor ku soo xusnay, Shirka Istanbul ma aha kii koobaad, labaad
iyo saddexaad midna. Waxaana la isweydiin karaa dhib iyo dheef waxa
shirarkaas hore ee malaayiinta doollar ku baxday ay u soo kordhiyeen
ummadda Soomaaliyeed.
Maxaa looga hadlyaa shirka Istanbul?
Qodobbada horay loo asteeyay ee la sheegay in shirkaan lagu lafaguri
doono waxaa ka mid ah arrimo la xiriira: Tamarta, Bangiyada,
kalluumeysiga, Xoolaha, Isgaarsiinta iyo Waddooyinka ay gaadiidku
isticmaalaan. Arrimahaan loo xushay shirku dhamaantood waa kuwo muhiim
ah oo wax-ka-qabasho u baahan. Haseyeeshee, marka si fiican loo derso
qaabsocodka shirka iyo halka loo jiheeyay, waxaa muuqaneysa in si cad la
iskaga indhatirayo, loogana meermeerayo arrimo kale oo aad uga mudnaa.
Sida lala wada socdo, Koofurta Soomaaliya siiba caasimadda Muqdisho,
waxaa weli ka socda xasuuq, waxaana magaalada weli qulqulaya dhiigga
shacabka aan waxba galabsannin. Waxaa weli ololaya suuqyadii,
masaajiddadii, dugsiyadii iyo goobihii lama taabtaanka ahaa. Waxaa
maalin walba barakacaya kumannaan dad ah oo ku dandarreysan duurkii ay u
qaxeen. Waxaa sidoo kale Isbitaallada daadsan dhaawacyo loo la’yahay wax
lagu dhayo. Qolooyinka shirkaan horboodayaa arrimmahaas musiibada ah ee
taagan si fiican ayay uga dheregsanyihiin, haddana iska daa
wax-ka-qabashadooda oo la isku howlee, waxaa dhacda si aan gabbasho
laheyn loo dhiirrigeliyo gumaadka socda, lana gacan siiyo inta wadda
ficillada gurracan.
Waxaa haddaba isweydiin mudan: Haddiiba aan dan laga laheyn dadkaa la
dabargoynayo oo aan cidi u diireynin, maxaa loogu mashquulayaa ka
hadalka Badaha,Batroolka iyo Bangiyadooda? Maatida la xasuuqayaa maxay
ku waayeen mudnaanta ay leeyihiin xoolaha iyo kalluunku? Macnaa meesha
ku jiree qof walbow malee !!
Mar i dage Alle ha dago
Si bal aan u qiimeyno shaxdan Istanbul, shar iyo khayr waxay
Soomaalidu ka filankarto, aan dib u milicsanno shirarkii hore iyo
mirihii laga gurtay macaan iyo kharaar waxa ay ahaayeen. Shirarkii la
qabtay wey badnaayeen, waxaanse si gaara diiradda u saareynaa laba shir
oo saameyn weyn ku leh waxa ka soconaya Soomaaliya.
Shirka hore, waa kii ka dhacay June 15, 2006 magaalada New York
carriga Mareykanka, laguna aasaasay ururka loo yaqaan “International
Contac Group”. Waqtiga uu dhacayay shirka New York, waxay warbaahinta
caalamku aad wax uga qortay in waddanka shirka martigaliyay, waa
Mareykankee, uu si toos ah ugu lug lahaa dagaalladii lagu hoobtay ee
Muqdisho ka dhacay billowgii 2006dii. Taasina waxay ururkii ICG ka
dhigtay ilmo dhashay isaga oo cudur la dhibban. Halaaggii ka dhashay
hoosaasintii ICG iyo ciidamadii hororrada ahaa ee ay soo hubeeyeen waa
mid mahadhooyin reebtay, taariikhdana jiilba uu jiilka ka dambeeya u sii
tabin doono.
Shirka labaad, waa kii 29-30kii April 2008dii lagu qabtay magaalada
Oslo, waxaana shir-guddoominayay waddanka Norway oo dan aad u balaaran
ka lahaa Soomaaliya. Shirkaas go’ aannadii ka soo baxaa waxaa ka mid
ahaa in
Ahmed Oloude Abdalla (ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u
qaabilsan arrimaha Soomaaliya) looga dambeeyo wixiiba khuseeya
Somaaliya. Waxaa kale oo ka soo baxay in dowladda Norway ay ballanqaaday
in dhaqaale gaaraya ilaa 50 milyan oo doollar ay ku caawineyso
Soomaaliya. Laakiin, darajadaas lagu sharfay Ahmed Abdalla iyo deeqda
dowladda Norway maxaa ka dambeeyay: Dareen, mise diirsasho?
Dowaladda Norway muddo dheer ayay mashquul ku aheyd sidii
shirkadaheeda batroolka baaraa ay uga howlgali lahaayeen Afrikada bari.
Waxaa xusid in shirkadda WESTERN GECO ay ka sanadkii 1980 shidaal ka
sahmisay Soomaaliya kuna guuleysatay. Wixii waqtigaas ka dambeeyay
Norwey si aad ah ayay isha ugu haysay fursadaha qaaliga ah ee Soomaaliya
ka soo muuqanayay, waxaase jiray caqabado ka hor istaagay in ay howl
halkaas shirkadaheedu ka qabtaan. Sanadahaan dambe ayuu damacii shidaal
doonista ee Norway sii laba lixaadsaday. Waxay Norway la shirkowday
Kenya oo ay heshiisyo dhanka shidaal baarista ah la gashay, waxayna ku
taageertay hanti badan iyo khubaro howsha shidaal baarista ku
xeeldheer.
Dhaqdhaqaaqa shidaal baarista ee ka socday gobolka, Soomaalida
badankeedu wey ka diimoonaayeen. Nasiibwanaagse waxaa jiray aqoonyahanno
Soomaaliyeed oo arrinkaan si fiican uga warhayay, ishana ugu hayay. Si
kastaba ha noqotee, waxaa arrinka lagu wada baraarugay markii Kenya oo
gacan ka heleysa waddanka ay shirkada yihiin ee Norway iyo waliba
wakiillada QM ay
heshiiskii
IS-AF-GARAD ( MOU) ka saxiixdeen
shaqsiyaad Soomaali matalaya oo aan waxba ka fahamsaneyn waxa ay
qalinka ku duugayaan. Wuxuuna arrinku ka sii daray markii laga warhelay
in dowladda Soomaalidu ay QM u gudbisay
codsi qaldan oo taageeraya damaca Kenya ay ku sheegatay dhul-badeed
uu badkiisu ku dhowyahay 38,000km2 ( soddon iyo siddeed kun kiilomitir
oo laba jibbaaran). Qorshahaas dhagareed waxaa gacan ka geystay dowladda
Norway iyo Qaramada midoobay oo u bareeray in Kenya ay ugu hiilliyaan
boobkeeda bahalnimada ah, waana arrinkaas tan ay ku muteysteen in
warbaahinta caalamku ay ku magacowdo
Buracadda Qalinka. Waxaa xiiso gaar ah leh in shaqsiga
abbaanduuliyaha ka ah dhagartaan ee isku dubbarididdeeda u xilsaarani uu
yahay
Ahmed Oloude Abdalla oo ah ninka maanta laga sugayo in uu Soomaaliya
gaarsiiyo nabad iyo horumar. Reer ba’ow yaa ku leh!!
Soomaalidu waxay horay ugu maahmaahday “ Nin sigtay ma noola”. Waan
sigannay oo Alle Weyne wuxuu naga samatabixiyay cadowyadii isi soo
baheystay oo cududdoodii ugu cusleyd cagacaddaan waddanka looga
ceyriyay, ceeb kaleba ha ka dabeysee. Waan sigannay, oo Rabbi wuxuu naga
badbaadiyay
Buracaddii Qalinka ee isku soo baheysatay in dhul-badeedkeenna ay
boobaan. Arrintaas Alle Weyne ka sokow waxaa mahaddeeda leh intii u
istaagtay, naf iyo maalna u hurtay. Waxaase loo baahan yahay in hadda
wixii ka dambeeya aad loo feejignaado, waxna laga barto wixii la soo
maray. Daad inta uusan ku soo gaarin ayaa la iska moosaa.
Halis miyaa hadda taagan ?
Ugu horreyn, marka la qiimeyno abaabuleyaasha iyo ergada shirka,
waxaa soo baxaya in arrinku yahay “ Raggu waa raggii, raqduna waa
raqdii”. Waa marka horee, ergada Soomaalida uga qaybgaleysa shirku waxay
la mid yihiin kuwii ka horeeyay ee ka qaybgali jiray shirarkii luggooyo
ee hore. Waa hubaal in ay jiri karaan dad samaddoon ah oo goobjoogeyaal
ka ah shirarkaas, laakiin badanaaba ergada Soomaalida mataleysa waa kuwo
ay ku yartahay aqoonta iyo waayo-aragnimada ay u leeyihiin arrimaha
miiska saaran. Taas waxaa u raacda daacadnimo darro iyo daneysi kooxeed
ama qof ahaaneed. Waxaana arrimaas ka dhalan kara in lagu degdego go’
aanno aan la fahmin ama laga aan fiirsan oo saameyn ku yeesha aayatiinka
ummadda, sida heshiiskii
IS-AF-GARAD, heshiisyadii
sunta
lagu aasay Soomaalya iyo kuwo kale ka sii halis badan. Waa marka
labaade, waxaa muuqata in
Buracaddii Qalinka iyo kuwo ka sii hawo badani ay weli howsha
horboodayaan. Nin aad taqaannana yaad tahay lama yiraahdo.
Arrimaha muujinayaa in horarradii shalay ay hagardaameynta halkoodii
ka wadaan wey badanyihiin, aanse ka soo qaadanno qoraal hordhac ah oo
laga soo saaray qodobbada looga hadli doono shirka Istanbul.
Qoraalkaasi wuxuu sheegayaa: "Marka la eego xeebta dheer,
Soomaaliya ma lahan aag ganacsiga ee gaarka ah EEZ (Exclusive Economic
Zone) oo lagu sameeyay hab waafaqsan Xeerka Qarammada Midoobay ee
sharciga badaha (UNCLOS). Dooddaani waxay la micno tahay in Soomaaliya
uusan ka jirin xeer u qoran oo ku saabsan aagga ganacsiga ee badda.
Waxaa la iska indhatirayaa in Soomaaliya ay tahay dal xuduudihiisa
dhulka iyo badduba ay calaamadeysanyihiin, waxaana sida muuqata aan la
qirsaneyn in aagga ganacsiga ee badda Soomaaliya uu yahay 200 mayl
badeed, in la sii kordhiyana warkeedaba daa.
Waxaan hore u soo sheegnay doorkii Qaramada Midoobay iyo urrada
gacansaarka la lihi ay ka geysteen
iskudaygii dhicisoobay ee lagu boobayay badda Soomaaliyeed. Weyna
muuqataa in iskudaygaasi uusan noqon doonnin kii ugu dambeeyay ee lagu
duudsiinayo dadka Soomaaliyeed.haddii aan lala imaannin feejignaan iyo
fiiro dheeri ah.
Maxaa Soomaali la gudboon?
Walow ay jiraan cillado badan oon cidi inkiri karin, haddana
waxyaalihii laga bartay dhacdooyinkii sanadihii la soo dhaafay waxaa ka
mid ah, in haddii dadka Soomaaliyeed ay doc u wada jeestaan ay iska
caabbin karaan cadow kasta oo duullaan ku ah. Cadowgaasi qori ha ku soo
duulo ama qalinka wax ku duudsiiyee. Waa wax la fahmi karo in marxaladda
qallafsan ee lagu jiraa ay keeneyso niyadjab, daal iyo isku-kalsooni
la’aan badan. Waase in lagu baraarugsanaadaa in xaalku marayo “ cidi uma
maqna , ceelna uma qodna”
Waxaan qabaa in xaalku uu meel halis ah marayo, loona baahanyahay in
cidkastoo gacan ka geysan karta badbaadada umaddaani aysan wixii ay tari
karto la bakheylin. Si gaar ah waxaan qaylodhaan ugu dirayaa dadka
aqoonta iyo waxqabadka leh oo hubaal haddii ay iskaashadaan wax badan
badbaadin kara. Nin la sugayow adna yaad sugi?
Dhanka kale, waa in si weyn looga feejignaado oo lala xisaabtamo
qolooyin aan ku magacaabayo sheegato oo ummaddaan duminteeda u taagan,
ayagoo sheeganaya in ay u daneynayaa. Kuwani waxay noqon karaan dowlado,
ururro iyo shaqsiyaad shisheeye iyo sokeeyaba leh. Waxaanan si gaar ah u
xusayaa damiirlaaweyaasha Soomaalida ah ee caadada ka dhigtay in
aayatiinkii ubadkooda ay ku gorgoriyaan geed iyo goob kasta oo ay
itaagaan. Kuwaas oo haddii aan si geesinnimo leh looga hortagin geli
kara heshiisyo-dhagareed ka noqoshadoodu ay hadhow aad u adkaan doonto.
Heshiisyada sida gaarka ah isha loogu haynaya waxaa ka mid ah, kuwa la
xiriira xuduudaha sida kii
IS-AF-GARAD, iyo kuwa kale ee iyaguna halista gelin kara
madaxbannaadida ummadda Soomaaliyeed.
Waxaanan in hubaa Soomaalida wanaagga jeceli ay aad uga badantahay,
inta yar ee dulmi-ku-noolka ah, waxaan Rabbi ka baryayaa inuu garansiiyo
inaan danteenna iyo badbaadadeenna u istaagno, dariiqa toosanna nagu
hago.
Inj. Maxamed C. Cibaar
Mohamed_ebar@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | May 21, 2010
.. Sawirada: www.bing.com & Google Earth
/ images
.. Eeg Agendaha
shirka Istanbul
.. Warqad DRAFT ah ee shirka Istanbul
EEG HALKAN
|