SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYA

Cabdi Qaasim Salaad Xasan “Baarlamaanka Go’aan kaliya lagama Rabo ee waxaa laga Rabaa in uu Maxkamad soo taago kuwii ka dambeeyey Heshiiskii Hore ee Badda iyo kuwa Hadda ku Howlan ”

  • SomaliTalk.com | Oct 6, 2011

Halkan ka dhegeyso codkii Madawenihii hore ee soomaliya (Alfurqaan)

Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Cabdi Qaasim Salaad Xasan ayaa isna ku biiriyey Codkiisa ololaha looga soo horjeedo in Baddda Soomaaliya la xadeeyo taasoo ay ku Howlan yihiin Xubno ka tirsan Dowladda Fedraalka islamarkaana ay soo Bilaaban tahay xiligii uu Raiisul Wasaaraha Dalka ka ahaa Cumar Cabdirashiid.

Cabdi Qaasim oo u waramayey Idaacadda Al-furqaan isagoo ku sugan Magaaladda Qaahira ayaa sheegey in Dowlad ku meel Gaar ah aysan Xad u sameyn Karin Badda Soomaaliya isagoo sheegey in Xitaa haddii ay ku meel gaar ka baxdo Xad uma Sameyn karto Badda Soomaliya

“Cid Badeli karto ma jirto Xuduudadaha Badda iyo Beriga wixii ka horeeyey Xoriyada iyo wixii ka dambeeyey Xoriyada Cid wax ka baddeli karta ma jirto Badda iyo Dhulka, dadka Soomaaliyeed baa leh” ayuu yiri Cabdi Qaasim Salaad Xasan oo intaa raaciyey “Dowladii maxamed Siyaad Allaha u naxariistee 200 oo Nautical Mile bay xadeysey in Badda Soomaaliya ay tahay oo Qaramada Midoobey ay ka Diwaan gashan tahay taas baa la doonayaa in hadda la xadeyso , Ciddii arinkaas ku howlan waxay dalka ka gashey Qiyaano Qaran waxaa idiin sheegyaa in Xuduuda badda Soomaaliya ay Caddahay in ku soo Xad gudbi karto ma jirto 200 Nautical Mile , iyadoo baa si sharcidarro loogu soo Xad Gudbayaa oo lala baxayaa Khayraadkii ku jirey, waxaa laga shaqeynayaa in aan la helin Dowlada Awood badan, sida Dhulka la noogula Dirirrayo Baa Baddiina na loogula Diriryaa ”

Dr Cabdiqaasim Salaad Xasan mar uu ka hadlyay Kulamada Baarlamaanka ee looga hadlayo Arrimaha Badda ayaa yiri “ Baarlamaanka waxaa looga fadhiyaa in arrinkaa Go’aan Cad uu ka qaato waayo markii hore heshiis ku sheegii Baarlamaanka lama horkeenin,kuwii ka dambeeyey iyo kuwa hadda ku howlan waxay dalka ka galeen khiyaano Qaran mar lama rabo inta la yiraahdo Baddii waa 200 Nautical Mile ee waxaa loo baahan yahay in kuwii ka dambeyey iyo kuwa Hadda Qorshahaas ku jira la Maxkamadeeyo waayo Baarlamaanka wuxuu la mid yahay Maxkamad”

Cabdi Qaasim Salaad Xasan waxaa uu sheegey in markii la saxiixay 200 Nautical waxay Dowladii Xiligaas jirtey ay dhistey Ciidan Xoog leh oo ilaaliya Badda Soomaaliya , Cidii kusoo xadgudubta 200 Nautical Mile Talaabo ayey ka qaadi jirey hadda waxaa loo baahan yahay in la dhiso Cidan Xoog badan oo ilaaliya Baddeenna

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

ARAGTIDA  DADWEYNAHA: Halkan ku qor aragtidaada

 


Waa Maxay Mayl-Badeed (Nautical Mile)

Mayl-Badeed Waxaa loola jeedaa maylka lagu cabiro badda, waayo waa mayl (mile) ka duwan kan berriga lagu cabiro. Mile-ka badda waxaa loo yaqaan "Nautical Mile" oo AfSoomaali ku noqonaya Mayl-Badeed, waxana uu u dhigmaa 1.85 km (ama 1,852 metres). Halka mile-ka caadiga ah ee berrigu uu u dhigmo 1.6 km (ama 1,609 metres). Taas oo muujinaysa in Mayl-badeedku uu waxyar ka badan yahay Mayl-ka berriga (1852 mitir - 1609 mitir = 243 mitir). Mayl-Badeedka waxaa loo soo gaabiyaa NM. Tixraac:

Xeerka Badaha Adduunka

Xeerka badaha adduunka waxaa in la saxiixo loo furay December 10, 1982, waxana uu dhaqan galay November 16, 1994 kaddib markii ay dhaqan geliyeen 60 dal. Dalalka ilaa hadda saxiixay tiradoodu waa 161 dal.

Dalalka saxiixay, laakiin aan ilaa hadda dhaqan gelin waxay gaarayaan ugu yaraan 17 dal oo ay ka mid yihiin Afghanistan, Bhutan, Burundi, Cambodia, Central African Republic, Colombia, El Salvador, Ethiopia, Iran, Democratic People's Republic of Korea, Libya, Liechtenstein, Niger, Rwanda, Swaziland, United Arab Emirates, United States.

Dalalka aan xitaa saxiixin,  oo aan dhaqan gelin waxay gaarayaan ugu yaraan 17 oo ay ka mid yihiin Andorra, Azerbaijan, Ecuador, Eritrea, Israel, Kazakhstan, Kyrgyzstan, San Marino, South Sudan, Syria, Tajikistan, Timor-Leste, Turkey, Turkmenistan, Uzbekistan, Venezuela iwm..

-----------------------------------------------

Soomaaliya Ururrada ay Xubinta ka tahay:

Soomaaliya waxay ka mid ahayd 33 dal oo asaasay Ururkii Midowga Africa 25kii May 1963, markaas ayayna xubin ka noqotay ururkaas OAU. Ururkaas waxaa 9kii July 2002 loo bedeley Midowga Africa (AU) waxana uu ka kooban yahay 53 dal. Ururka Jamciyadda Carabta oo ay xunbo ka yihiin 22 dal waxaa la asaasay 22kii March 1945, waxayna Soomaaliya Ururka Carabta xubin ka noqotay 14kii February 1974. Sidoo kale Soomaaliya waxay xubin ka tahay 192 dal oo ka tirsan Ururka Qarammada Midoobe (QM) oo la asaasay 1945 dagaalkii labaad ee Adduunka kaddib. Waxay Soomaaliya ururka QM xubin ka noqotay 20kii September 1960.

Faafin: SomaliTalk.com | October 7, 2011

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


 Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: