Qaybtii 2 aad: Baddeenii Waxay Baylah ku tahay Aqoon
darrida Madaxdeenna?
Qasim Hersi Farah:
Email:
qaasim@mail.com,
www.qasimhersi.com.
2nd Ph.D. Candidate on Marine Policy
Ra’isul Wasaareheenna Dr. Gaas waxa uu shirkii ugu
dembeeyey ku dooday in ay Soomaaliya xaq u leedahay 12 NM oo keliya oo biyaha
Badweynta Hindiya ka mid ah. Markii kulamo is dabo joog ah oo todobaad ka hor ka
dhacay Toronto, Canada dhawr jeer lagu weydiiyey isaga iyo Dr. Mahige waxay
labaduba jawaabtaas oo ku adag isaga wareejinayeen Wasiirka Dastuurka oo la
socday ooy ku tilmaameen khabiirkii Badaha.
Laakiin marna jawaabihiisu kama
badan in uu yiraahdo “War idinku Bad maqan baad ka hadlaysaane, tii aan haysanay
ayaaba Burcad Badeedi buuxisay”. Bal adba isla bar bar dhig labadaas
mushkiladood oo soo saar midda sii daran. Waxa kale oo uu Wasiirku ku doodayey
in waxa la saxiixay ay tahay Heshiis is Afgarad (MoU) oo keliya, laakiin waxa
uusan malaha xusuusan in kolka la doonayo in sharci cid la marsiiyo lagu bilaabo
Heshiis is Af garad oo hadhow weligii ahaada tix raac.
Waxa kale oo uu ku dooday
in dacwada loo diray Dhex dhexaadin (Mediation), laakiin waxaa loo baahan yahay
in la ogaado in ay xallinta Dhexdhexaadinta noocaan oo kale ihi qaadato ugu
yaraan 40 sano. 40 sano ka dibna Kenya wayba la baxday wixii nuxur meesha ku
jiray ee hadaad rabto qaado oo ku guulayso iyada oo gorof ah. Mar la
waraysanayey Wasiirka Ammaanka ee Buntland, Mr. Saciid waxa uu ku dooday in
niman looga shakiyey burcad badeed laga soo qabtay meel ka durugsna xeebta 60
km, isaga o ki doodaya inay 60 km tahay biyaha Caalamiga ah. Intaas waxaa ka sii
daran kuwii markii horeba saxiixay oo looga gatay in baddooda laga celin doono
Burcadda iyo in Qaadka Muqdisho ka soo gelaya Kenya looga qaadayo Canshuur inta
uusan soo bixin. Taas macnaheduna waa “Keena Barwaaqada Baddaada oo Qaato Sunta
Qaadkayga”.
Xeeb ahaan Badda Soomaaliyeed waa tan ugu dheer Qaaradda
Afrika iyo weliba dunida Carabta ama Bariga Dhexe. Waxay fidsan tahay 3,333 km.
Intaa waxaa inoo dheer Moolka Xakabadda Qaaradeed ee loo yaqaan “Continental
Shelf” oo aan ku leenay cabbir dhan . Teeda kale Soomaaliya waxay leedahay labo
Badood oo kala ah Badda Cas ama Khaliijka Cadmeed iyo Waqooyi Galbeed Badweynta
Hindiya. Waxay ila tahay in aan Muran ka taagnayn in ay Soomaaliya cabbir ahaan
uleedahay 200 NM ee ka xiga xagga Badweynta Hindiya. Shakiga 12 ka waxa ay dad
ku qaldayaan sharci hore oo jiray, wixii ka horeeyey 1972 kii. Waddamada dunida
oo dhami waxay lahaayeen 12 , qaarna 24 M oo keliya.
Laakiin Canada ayaa 1970
kii. Madaxweynihii Soomaaliya oo arintaa ka dabaakhaya ayaa dagaal weyn u galay
in Soomalaiyana loo kordhiyo ilaa ugu yaraan 200 NM. Sidaa ayey sharci ku
noqotay inta badan wadamada aduunkana loogu sharciyeeyey 200 NM, waxay
ugaarayso. Haddaba waxaan maanta sida arigeenna xaq ugu leenahay 200 NM oo u
dhiganta 370 KM + 350 Continental Shelf ah = 550 M oo dhiri ah. Weliba ogow
taasi waa in aan ka hadlayno labada gobol ee xorowday 1960 kii. Lakiin waxaa
maqan Jasiirado waa weyn oo ka khayraad badan dhammaan dhulka Soomaaliyeed oo ay
haysato Yemen; Jasiiradaha Soqondara oo horay loogu aqoon jiray Jasiiradihii
Waaq Waaq.
Xuduudaha Badda Adduunka waxaa loo cabiraa labo siyaabood
oo kala ah: Toos (Vertical) iyo Dadab yara jalleeca (Perpendicular). Toos oo ah
Vertical waxaa loo cabbiraa marka ay labada wadan ee loo kala goynayaa iska soo
horjeedaan sida Soomaaliya iyo Hindiya oo kale oo ay biyaha baddu udhexeeyaan.
Dadab yara jalleecana oo ah Perpendicular isagase waxaa loogu kala cabbiraa
labada wadan ee garbo siman u deriska ah sida Soomaaliya iyo Kenya. Habkaan
dambe waxaa shardi ah in markasta loo qalloociyo dhanka Koonfur Galbeed. Haddaba
marka cabbirka badda inoo dhexays ainaga iyo Kenya la cabbirayo waxaa la
raacayaa xariiq tooska ka yara dadban oo u sii jan jeera xagga Koonfur Galbeed
oo ah dhanka ay Kenya markaa naga xigsanayso, kana bilaabanaya bedka dhulka
labada waddan udhexeeya ee ay iska qabsadaan.
Laakiin Kenya oo is tiri malaha Soomaalidu waa inta aad
maalin walba aragtaan ee ay aqoontu ku liidato ayaa fikirtay in ay muran iyo
hagag ku aaddan arintaan abuuraan. Waxay ku andacoonayaan in uu xadka inoo
dhexeeyaa ku cabbirmayo ujanjeersi uu janjeersanayo xagga Koonfur Bari ee ahayn
xagga Konfur Galbeed, sida adarteedna ay xaq uleeyihiin inay soo dhex galaan
gudaha Soomaaliya iyaga oo doodad ka bilaabaya biyaha moolka hoose ee Buur ka
degaandegga moolka loo yaqaano Xakabadda Qaaradeed ‘Continental Shelf.” Haddaba
maxay Kenya ku aragtay Bartaas biyaha Soomaaliyeed ah oo ay isugu dhejinaysaa?
Qormada dambe ayaan ku sii qaadaan dhigaynaa Nafciga iyo
nuxurka ku jira Bartaas Biyo hoobadka ama Moolka ah ee la soco. Ka dibna waxa ay
qormadu taaban doontaa “Ayaa Leh Aqoonta Badda”? ma cid kasta oo Iskuul aadda,
mise: hydrographic, Oceanographer iyo Marine geophysical ayeyse yihiin kuwaasi?
Qormadii hore ka akhri halkan
Dr. Qasim Hersi Farah
email: qaasim@mail.com
Faafin: SomaliTalk.com | September 30, 2011
|