SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYA

Farmaajo ma waxa uu Qarammada Midoobey u gudbin doonaa in Xuduudda Badda Soomaaliya ay tahay 350 mayl, mase 12 mayl oo keliya?

  • Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo Sabtidii ka dhoofay Muqdisho isaga oo ku sii jeeda Xarunta QM ee New York -

Warbixin iyo Faallo SomaliTalk.com | May 7, 2011 | Jawaabaha: Aragtida Dadweynaha


Farmaajo Arrinta Xuduudda Badda Soomaaliya makaga hadli doonaa Khudbadda uu ka jeedin doono Qarammada Midoobey 10ka ilaa 11ka May 2011?

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Kumeelgaarka ah (DFKMG), Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Sabti May 7, 2011 ka dhoofay Muqdisho isagoo kusii jeeda xarunta Qarammada Midoobay (QM) ee New York ayaa warsaxaafaeed kasoo baxay xafiiskiisa waxaa uu sheegay "inuu Qaramada Midoobey siin doono warbixin la xiriirta xaaladda dalka uu marayo, horumarka dowladda ay ka sameysey dhinacyo badan sida amniga, dhaqaalaha, gargaarka bani’aadanimo, adeega bulshada, iyo maamul wanaaga." iyo " inuu Qaramada Midoobey uu ka dhaadhiciyo go’aankii Golaha Wasiirada ee ahaa in doorashooyinka Madaxda Qaranka dib loo dhigo muddo 12 bilood ah."

Warsaxaafadeedkaas (oo hoos ku qoran) ee xafiiska ra'iisul Wasaaraha DFKMG laguma xusin in Farmaajo uu QM u gudbin doono dukumiintigii uu May 5, 2011 ka hadlay Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda, Maxamed Macallin, ee ahaa in safarkiisii dalka Ingriiska kaddib in uu "ka keenay dukumiintigii ugu dambeeyey ee finalka ahaa ee jeexayey xadaynta badda (Soomaaliya). Dukumiintigaasna loo gudbin doono Qarammada Midoobay."

Wasiirka Khayraadka Badda oo ka hadlayey dukumiintigaasi ayaa sheegay in "Xuduudda Dhaqaale ee u Gaarka ah" Soomaaliya (Exculisive Economic Zone) ay tahay 200 nautical miles oo u dhiganta 370.4 km".

Sida aan qormadii hore u faahfaahinay, hadalkaas  ka soo yeeray xukuumadda Farmaajo waxa uu meel ka dhac weyn ku yahay jiritaanka dhul-badeedka Soomaaliyeed, waayo marka ay aqbalaan 200 maly-badeed oo ah "Xuduudda Dhaqaale ee Gaarka ah" (Exculisive Economic Zone), waxay si ula kac ah u aqbalayaan in xuduud badeedda rasmiga ah (Territorial Waters) ee Soomaaliya ay tahay 12 mayl-badeed.

Waxay ahayd October 2010 markii ay soo shaac baxday in uu jiro dukumiinti la doonayo in laga saxiixo DFKMG, dukumiintigaas oo la sheegay in ay ku qoran yihiin in ay tahay in xukuumadda Soomaaliya ka tanaasulaan xuquuqda ay u leeyihiin baaxadda badda ee ah 200 mayl-badeed, isla markaasna xuquuqdooda badda lagu soo koobo 12 mayl-badeed."

Haddaba, maadaama weli ay Qarammada Midoobay wadaan qoondaynta xadaynta badaha oo 2009 la sheegay in laga dhigayo 350 mayl-badeed, ayaa waxaa isweydiin mudan sababta ay DFKMG ugu doodeyso in "xuduudda Dhaqaale" ee badda Soomaaliya ay tahay 200 mayl badeed.

Haddaba maadaama Ra'iisul Wasaarahaxukuumadda FKMG uu ka qayb gelayo kulanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo lagu wado inuu dhaco 10ka iyo 11ka May 2011, waxaa isweydiin mudan saddexdan su'aalood:

1. Ma waxa uu QM ka dhaadhicin doonaa in xadka badda Soomaaliya yahay 12 mayl-badeed, taas oo meel ka dhac ku ah jiritaanka qaranka Soomaaliyeed. (FG. Haddii uu ku doodo in AAGGA GANACSIGA ama XUDUUDDA DHAQAALE ee loo yaqaan Exculisive Economic Zone ay tahay 200 nautical miles oo u dhiganta 370.4 km, markaas waxa uu si qayaxan u qirayaa in xuduudda DHUL-BADEEDKA ee rasmiga ah  ee loo yaqaan Territorial Waters ay tahay 12 mayl-badeed.)

2. Mase waxa uu si geesinimo leh khudbadiisa ku caddayn doonaa in Soomaaliya ay 1972 lahayd xeer badeed oo qeexayey in DHUL-BADEEDKA "Territorial Waters" kaas oo intii u dhaxaysay 1972 ilaa 2009 ahaa 200 mayl-badeed. Laakiin wixii ka dambeeyey 2009 in Soomaaliya ay leedahay xuduud badeed "Territorial Waters" gaaraya 350 nautical miles oo u dhiganta 648 km, ayna tahay QM in ay cabbirkaas dambe u sharciyeeyaan Soomaalida.

3. Mase Farmaajo arrinta badda si guud (public) ah uguma soo dari doono khudbadda uu ka jeediyo QM. (FG: Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka badda waxa uu sheegay in dukumiintiga ay ka keeneen UK ay u gudbinayaan QM. Dukumiintigaas oo baylah gelinaya badda Soomaaliyeed - sidaas daraadeed haddii Ra'iisul Wasaaraha DFKMG si qayaxan fikirkiisa ku aadan cabirka badda Soomaaliya uusan ka hor caddayn QM, waxay loo qaadan karaa waxaa meel maraya hadalka uu sheegay wasiirka Kalluumaysiga, kaas oo ka hadlay aagga ganacsiga, balse aan ka hadlin xuduudda rasmiga ah, oo aan qormadii hore u faahfaahinay.)

Saddexaad arrimood kee ayaad u malaynaysaa in Ra'iisul Wasaaraha DFKM yeeli doono?

Warsaxaafadeedkii Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha DFKMG hoos ka akhri.

***

War-saxaafadeed: Ra'iisul Wasaaraha iyo wefdi uu hogaaminayo oo u dhoofay New York

(Muqdisho – Sabti, 07 May 2011) Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Mohamed Abdullahi Mohamed (Farmajo) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho si uu uga qeybgalo kulanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo lagu wado inuu dhaco 10ka iyo 11ka May 2011.

Ra’iisul Wasaaraha Somaliya ayaa lagu wadaa inuu Qaramada Midoobey siiyo warbixin la xiriirta xaaladda dalka uu marayo, horumarka dowladda ay ka sameysey dhinacyo badan sida amniga, dhaqaalaha, gargaarka bani’aadanimo, adeega bulshada, iyo maamul wanaaga. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu wadaa inuu Qaramada Midoobey uu ka dhaadhiciyo go’aankii Golaha Wasiirada ee ahaa in doorashooyinka Madaxda Qaranka dib loo dhigo muddo 12 bilood ah, si loo dhameystiro howlgalada amniga bilowday oo aysan dhicin inay hakad galaan oo ay kooxaha nabad diidka ah ka faa’iideystaan.

Waa markii seddexaad ee uu Ra’iisul Wasaaraha Somaliya ka qeybgalo kulamada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey tan iyo bishii Janaayo 2011, tan oo muujineysa sida Qaramada Midoobey ay mudnaanta u siinayaan arrimaha Somaliya.

Sidoo kale waxaa maanta ka ambabaxey magaalada Muqdisho wafdi uu hoggaaminayey Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka ahna Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Abdiweli Mohamed Ali oo u kicitimay inay ka qeybgalaan shir lagu wado inuu ka dhaco Dalka Turkiga. Wafdigan ayaa lagu wadaa inay ka qeybgalaan shirka lagu casuumay waddamada aan horumarka sameynin ama kobocooda dhaqaale yar yahay si looga saacido waxii mashaariic ah ee lagu kobcinayo dhaqaalahooda.

-DHAMAAD-

Isha: Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha, Muqdisho, Soomaaliya

***

Jawaabaha Dadweynaha: Jawaabtaada toos ugu qor Halkan (FG. fadlan jawaabta ku qor dhanka hoose ee bogga kuusoo baxa markaad RIIXDID HALKAN)

Akhri Qormadii: Dhul-Badeedka Soomaaliyeed: Been aan gabasho lahayn oo si joogto ah la idiinku sheego

Faafin: SomaliTalk.com | May 7, 2011


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


warbixin Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: