SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYA

Bannaanbax Deg deg ah oo ku wajahan Commonwealth iyo Damacooda Badda Soomaaliyeed


Qoraaga, Bashiir Shiikh Maxamed, waa dublomaasi Soomaaliyeed, waxaana May 07, 1979 markii uu Mudane Cabdulaahi Ciise (AHN) aaday waddanka Norway si uu u soo qalqaaliyo shirkaddii batrool baarista ee WESTERN GECO, loo magacaabay inuu noqdo sii hayaha (Charge D'affaires) ee safaaradihii nooga furnaa waddamada Sweden, Denmark iyo Norway - Waxana uu qormadan kula hadlayaa shacabka Soomaaliyeed si looga hortago boobka cusub ee la doonayo in lagu bililiqaysto badda Soomaaliya..

--------------------------------

Law No. 37 on FAO  & UN Websites
Law on the Territorial Sea and Ports, 1972
- http://faolex.fao.org/docs/pdf/som4925.pdf

Source: FAO Legal Office
Law No. 37 on the Territorial Sea and Ports, of 10 September 1972
- http://www.un.org/Depts/los/

Source: UN.org

Sidaan horayba  idiinku sheegay ma rabo in Dowladda hadda jirta oo tabarta yar in ay faraha ka baxdo, laakiin waxaan idiinla socodsiinayaa in aan ku sugannahay khatar aad iyo aad u weyn kuna taxalluqda hadalkii uu sii daayay Wasiirka Kallumeysiga.

Waxaan horay idiinku sheegay in qorshahaan loo soo dhiibtay Wasiirka Kallumeysiga in ay ka dambeeyaan COMMONWEALTH oo raba  Shirqoolka la doonayo in lagu maja-xaabiyo xeerka Dhul-badeedka Soomaaliya ee soo jirey 40 sannadood. Ayagu sharcigaas awood uma lahan in aay baa-bashaan, laakiin waxa aay raadinayaan waa arrinta uu ku dhawaaqay Wasiirka Kallumeysiga  oo yiri:-Baddayadu waa 200nm "Exclusive Economic Zone" EEZ (Aagga Dhaqaalaha ee Gaarka ah.)

Commonwealth waxa ay raadineysay way heshay, Ra'iisul Wasaarahana shirkii Qarammada Midoobay ayuu si dadban ugu markhaati furay.

Waxaa dhici karta in isla hadda Commonwealth ay ku dhex jirto qorshahaas gurracan qeybtiisii labaad oo ah in qaramada Midoobay web-kiisa lagu soo daaboco, kaddibna la dhoho Somaliya ayaa ka tanasushay sharcigii badaha ee uga diinwaangashanaa Qaramada Midoobay. (Xasuusta in uu kol hore  dhacay isku daygaan oo kale ee heshiiskii is-afgarad).

Qorshaha saddexaad oo ay ku tala jiraan waxuu noqonayaa sameenta cabiridda cusub oo loo sameynayo Soomaaliya.

Waxaan idin xusuusinayaa qormadeydii hore oo ahayd:-

Waxaannu la wada soconnaa in Carl Peter Salicath oo ka tirsan Wasaaradda  Arrimaha Dibadda ee Norway, isla markaasna hoggaaminayey waftiga Norway uga qayb  galay shirka New York, ayaa jariidadda Aftenposten waxa uu (July 11,2010) u sheegay in hawsha (u samaynta  aagga ganacsiga ee Soomaaliya) aysan qaadan doonin waqti dheer. Waxaana  jariidaddu intaas ku dartay "Soomaaliya malahan aagga Ganacsi badeed".  Waxaannu la wada soconnaa haddii ay arrintaasi hirgaliyaan, in ay Keenya doodeedii badda ay billaabeyso ayagoo ku andacoonaya in ay qeybtooda cabiridda wax ka helaan.

Bacdamaa ay caddeesteen in hawshaasi si deg deg ah loo sameeyo, ayaa waxaa iska cad in qorshahooda saddexaadna in uu si deg deg ah u hirgali karo.

Walaalayaal,

Sida aan wada arkeyno Dowladda KMG iyo Baarlamaankuba ayagaa isku mashquulsan oo waqti uma helayaan in ay wax ka qabtaan, waxaadna moodaa in arrintan la rabo in la hirgaliyo inta Somaalida oo dhani ku wada mashquulsantahay MADAXTINIMO raadiska.

Dhinaca Commonwealth iyo Carl Peter Salicath haddi aad eegtidna waxaa kuu muuqanaya sida xowliga leh oo qorshohooda u  rabaan in uu ugu hirgalo annagoo aanaan wax war ah ka heynin.

Maxaa hadda nala gudboon.

Walaalayaal, sidaan horay idiinku sheegay ma rabo in Dowladda hadda jirta oo tabarta yar in ay faraha ka baxdo, mana rabo in wadanku uu  qalalaaso galo, kaddibna si rasmi ah nalooga faaiideesto.

Aan sameyno sidee xeero lagu xagtaa, ilkana ku nabad galaan.

Aan sameyno BANANBAX  NABAD AH oo ku jeeda Commonwealth iyo Carl Peter Salicath .

Arrintaas waxaan qabaa in si deg deg ah loo sameeyo.

Waxaan Ummadda Soomaaliyeed  u sheegayaa in arrintani aaysan ka dhiginin  dhagayso oo kadhaqaaq. FICIL DEG DEG AH AAN SAMEYNO.

Haddii si cad naloo dhaco oo boobka la sharciyeesto, CALAACAL iyo QEYLO iyo MUDAHARAAD hadhow waxba nooma tarayaan ee hadda inta goori goor tahay aan ka hortagno oo aan muujinno in aanaan yeelayn boobka nalala damacsanyahay.

Bashir Shekh Moxamed
bashirmohamud@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 18, 2011

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


warbixin Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: