Home » Warar »

Shaqsi Xiriir Dhow la leh Dowladda Norway oo loo Doortey Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Somaaliya

Waxaa 28-kii Agoosto 2012 waxaa Gudoomiyaha Cusub ee Baaralamaanka ee Sooomaaliya loo doortay Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari oo ah Siyaasi Muddo ku soo dhex jirey Siyaasada Soomaaliya islamarkana ka mid ahaa Khubaradii loo Xilsaarey Dasuurkii la Ansaxiyey.

Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari waxa uu labaatankii sanno uu degenaa Dalka Norway oo ah Dowlad Dano fara badan ka leh Soomaaliya islamarkaana Kharashkii ugu balaarnaa ku bixisey Dastuurka KMG ee loo sameeyey Soomaaliya.

Waxaa ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in Gudoomiyaha Cusub Waqtiyadii ugu dambeeyey uu ka shaqeynayey dalka Kenya, kana shaqeynayey Hayadaha Daneeya arrimaha Soomaaliya, waxaana la sheegey in Gudoomiyanimadiisa ay ka dambeyeen Xafiiska Siyaasada ee Soomaaliya oo uu Galaangal weyn ku lahaa Musharaxnimadiisa.

Dawladda Norway ayaa si weyn ugu lug lahayd heshiiskii Dawladii hore ee KMG ahayd ay la gashay Kenya, kaas oo lagu damacsanaa in baaxad ballaaran oo dhul-badeedka Soomaaliya lagu wareejiyo Kenya.

Heshiiskaas oo loogu yeeray Is-afgarad, inkasta oo baarlamaankii hore uu waxba kama jiraan ka dhigay, haddana Kenya ilaa hadda ay ku andacooto, muranna ku geliso dhul-badeedka Soomaaliyeed, ayadoo Is-afgaradkaas saldhig ka dhiganaysana waxaa Kenya heshiis shidaal sahamin ay shirkado kula gashay dhul-badeed si qayaxan gudaha ugu jira Dhulka Soomaaliyeed.

Prof. Jawaari, markii la doortay waxa uu sheegay “Dalka Dastuur ayuu yeeshay, waa hubaal, hase yeeshee dastuurka ma dhamaystirna, si kumeel gaar ah ayaa waxaa u soo ansixiyey gole dastuur ansixineed. Baarlamaanka arrimaha ugu waaweyn ee xilalka sugaya waxaa weeye in ay dastuurka dib u eeegis ku sameeyo, oo aftina u diro, ilaa inta afti dadweyne lagu ansixinayo inta ka horeysa waxa uu u furan yahay baarlamaanku in ay wax ka bedelaan qodobadiisa, oo wax ku kordhiyaan ama ka dhimaan, taasi baarlamaanka ayey u furan tahay, dastuurka xaaladiisuna waa midaas…”

Hadalkaasi prof. Jawaari waxa uu tijaabo (lakmustest) lagu ogaanayo u noqonayaa halka uu Jawaari u jiheeyo baarlamaanka cusub iyo in uu si degdeg ah dastuurka uga saaro qodobada ka hor imanaya diinta Islaamka iyo qodobka 7aad farqadihii lagaga soo siyaadiyey Kenya ee muranka gelin kara dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya ee hore xorta u ahaa.

Waxaa kale oo xiriirka Norway iyo guddoonka baarlamaanka cusub tijaabo (lakmustest) lagu ogaanayo u noqonaya in ay baarlamaanka ku hoggaamiyaan sidii dastuurka loogu dari lahaa Sharciga No. 37 ee Dhul-Badeedka Wadanka (Somalia Territorial Sea) ee soo baxay 10–kii September 1972, kaas oo lagu cusboonaysiinayo baaxadda dhul-badeedka dalalka xeebaha leh loo ogol yahay oo ah 350nmi (648.2 km):

  • 1972 – 2009: Dhulbadeedka Soomaaliya (Somalia Territorial Sea) waxa uu 200 mayl-badeed oo u dhiganta 370.4 km – (FIIRO GAAR AH: waa 200 nmi oo ah Somalia Territorial Sea, ee arrinta laga hadlayaa MA AHA “EEZ”. Faraq weyn ayaana u dhexeeya EEZ iyo Territorial Waters.)
  • wixii ka dambeeyey 2009: Dhulbadeedka Soomaaliya (Somalia Territorial Sea) waxa 350nmi (648.2 km)

Waxaa kale oo baarlamaanka cusub iyo guddoonkiisa tijaabo (lakmustest) lagu ogaanayo u noqonaya sida ay u wajahaan ka hor-tagga damaca Kenya ee ku aadan dhul-badeedka Soomaaliyeed ee ay sida bareerka ah u cabiratay, isla markaasna shirkadaha heshiisyada shidaal sahaminta ugula gashay.

Dhul-badeedka gudaha ugu jira badda Soomaaliya ee Kenya qandaraasyada ku bixisay waxaa ka mid ah:

  • Block L5 (Anadarko)
  • Block L22 (Total)
  • Block L21, L23, L24 (ENI – Talyaani)
  • Block L26 (Statoil Norway)
  • Block L13 (Zarara Oil)

Khariidaddan hoose waxaa Kenya samaysay bishii May 2012 xilliggaas oo Soomaalidu ku mashquul sanayd waxa loogu yeeray Roadmap.

——————

Taariikhda Prof. Jawaari ee Lagu Faafiyey Internetka..

Prof. Maxamed Shiikh Cismaan Aden(Jawaari) waxaa ku dhashay Magaaladdaa Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose bishii December 1945. Wuxuu registration ka qaatay Degmada Buurhakaba.

Markii uu soo dhameestay waxbarashadiisa dugsiga sare Macalin luuqda English-ka ka noqday iskuul ku yaala magaalada Muqdisho.

Wuxuu Prof Jawaari sannadkii 1962 Shahaadada Diploma ah oo Islamic Law ka qaatay Machad Daraasaad Islaami ee magaalada Muqdisho sanadkii 1964.

Shahaado Macallinnimo, Machadka Macallimiinta (Istatuto Magistrale/Aggiornamento Magistrale) Muqdisho sanadkii 1967. Kulliyada Qaanuunka ayuu ka qaatay shahaado (Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed) sanadkii 1982.

Prof Maxamed Cismaan Jawaari waxa uu Wasiir hore uga soo noqday Dowladii hore ee Maxamed Siyad Barre Wasaarada Gaadiidka Dhulka iyo Cirka iyo Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada. sidoo kale waxa uu Wasiir ku xigeen ka soo noqday Wasaarada Gaadiidka dhulka iyo cirka.

Intii u dhexeysey 1979-1985 waxa uu soo noqday Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda Gaadiidka Dhulka iyo Cirka iyo Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

1973-1979 waxa uu Agaasime guud iyo ku xigeen Agaasime guud ka soo noqday Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Prof. Maxamed Cismaan Jawaari waxaa uu ka mid ahaa Golihii Shacabka ee Dowladii hore 1984-1990.
Waxa uu ku noolaa Dalka Nowey Magaalada Torendheim halkaas oo uu ka ahaa Guddoomiyaha Ururka Muslimiinta reer Trondheim, waxana uu ku shaqayn jiray Macallinnimo.

LUUQADAHA:

Waxuu ku hadlaa, Qoraa akhriyaana Afafka: Somaliga, Arabic, English, Talyaani iyo Norwegian.

SHAQOOYINKA HEER CAALAMI IYO HEER QARAN:

1-Senior Consultant Constitution Building: Somalia Constitution Making Support Project UNPOS/UNDP – May 2008 – December 2011;

2- Guddoomiyaha Guddiga Khubarada (CoE) – Dib-u-eegista Qabyoqoraalka Dastuurka iyo Diyaarinta Dastuurka loo dirayo ansixinta ku-meel-gaarka.

KHIBRADAHA QAANUUNIGA UU LEEYAHAY

3- Xubin ka mid ah Guddiga Farsamo ee Diyaarinta Dastuurka Jumhuuriyadda Soomaaliya. Mogadishu, Somalia. 1989-1990 – Guddigan wuxuu Qormadii Dastuurka u Gudbiyeen Golaha Shacabka . Dood muddo b5 bilood socotay ka dib waxaa la ansixiyey 12ki Oktobar 1990 waxaa Faafinta Rasmiga ah lagu soo saaray 14 Oktoobar 1990.

4- Guddoomiyaha Kooxda (Panel) Diyaarinta Sharciga Shaqada Soomaaliyeed ( Somali Labour Law) iyo Sharciga Shaqaalaha Riyadka ah ee Dawladda (the Somali Civil Servants Law) -Mogadishu, Somalia.

5-1970 – Guddiga wuxu dib-u-habayn ku samayey habka meeleynta Shaqaalaha Dawladda, wuxuuna hirgeliyey jagooyinka “Xoghaye Joogto” iyo qiimaynta Xirfadleyda iyo Farsamo yaqaanada – heerka Sharciga Shaqaalahana wuxuu aad u waafajiyey heer xuquuqda caalamiga ee loo oggol yahay Shaqaalaha.

6-Sannadkii 1991 – 2008 Waxaan xilal iyo shaqooyin kala duwan ka qabtay Dalka Norway, oo ay ka mid yihiin:

7– Macallin Dugsiyada Sare ee Koofurta Trøndelag

8- Xubin ka mid ah Guddi Dhexdhexaadinta khilaafaadka – (Trøndelag Konfliktrådet) – Wasaaradda Garsoorka;

9- Kaaliye Qareen – Leif Strøms Jus-Informasjonen law firm;

10–Xoghayaha Guud – Guddiga Fulinta Muslim Society of Trondheim, Norway;

11- Xubin ka mid ah Muslim/Christian Interfaith Forum for Dialogue, in Trondheim & Trøndelag

12-Xubin ka mid ah Guddiga ka hortagga Midabtakoorka -Kontaktforum mot Rasisme Og Diskriminering , Trondheim, Norway

13 -Xoghayaha Ururka Qareemada Caalamiga ah ee Trondheim – International Lawyers Association, Trondheim, Norway
.
Buugaag uu qoray Prof. Jawaari

1-Barashada Fagaagga Sare Adduunka:Published by Asheim Ungdomskole. 2004. ISBN. 9788292645-33-8

2-Taariikhda Norway 1814-1920 (History of Norway 1814-1920).
Published by Asheim Ungdomskole. 2007. ISBN: 9788292645-27-7

3-Dalka Norway. Published by Asheim Ungdomskole. 2004. ISBN: 82-9264500-4.

Isha taariikhda jawaari: Search / Taariikh

Akhri: Prof. Jawaari: Baarlamaanka Cusub Waxay dib u eegis ku samaynaaya Dastuurka KMG, qodobadiisana wax ka bedelayaan….

1dii Agoosto 2009 kulan uu yeeshay baarlamaankii KMG ahaa ayaa waxaa waxba kama jiraan ay ka dhigeen heshiiskii Is-fahamka.


Markii la diidey heshiiskii is fahamka
https://somalitalk.com/2009/may/13/badda87.html

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

6 Jawaabood " Shaqsi Xiriir Dhow la leh Dowladda Norway oo loo Doortey Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Somaaliya "

  1. marka hore mahad alle ayay u sugnaatay bahda somalitalk oo ah baraarujiyaha bahweynta soomaliyeed aad ayaad u mahadsantihiin, runtiina shaki weyn ayaa ka iman kara gudoomiha barlamanka xirirrka kala dhexeya norway iyo weliba shirkadaha shidalka norway oo kenya jooga waxaanse leeyahay lagu doortay jawaariyow ma waxaad u adeegi qaranka somaliya mase norway iyo kenya waqtiga ayaana ku xusi doono wanaag ayaanse kaa rejeynaynaa barlamak waxaan ugu baaqayaa in ay ilaa liyaan jiritaanka dhulka soomaaliyeed waana lama taabtaan sidi ay uga dhiidhiyeen xildhibaanadii ku meel gaarka aaha oo kale udifaaca sharafta iyo dhulka soomaaliyeed waana waxa aad u dhaarateen oo aad anaga inoogu meteleysaan waanag ayaan idinka fileynaa dhib waan kadaalnay aad ayaan idiku mahadcelinyaa mar 2baad bahda somalitalk.

  2. Soomaali says:

    Marka hore waxaan salaamayaa una mahad celinayaa walaalaha somalitalk.
    waxaan leeyahay howl weyn baad qaranka u haysaan insha allah ilaaheyna dayici maayo dadaalkiina ان الله لا يضيع اجر المحسنين
    Marka labaad waxaan ku raacsanahay fikirka walaalkeen TALO JEEDIYE uu soo bandhigey ee ah. in wixii macluumaad ah ee aad ka diyaariseen mashruuca difaaca badda loo bandhigo guddoonka cusub ee baarlamanka soomaaliya. waxaan rajo weyn ka qabaa iney hor istaagi doonaan xadgudubyadaas.

  3. Ismaaciil says:

    Runtu waxay tahay in marka u horraysa in madaxwyne loo dooran intii jagada wasiir iyi wixii ka sarreeya ka noqday dawladdi Shariif Sheekh Amed madaxweyne ka ahaa (2009). waayo waa xilligii lagu gattay badda dalkeenna.Waxaana ku daraya kuwa xiriirka xulufunimo la leh Shariif Sakiin in bannanka loo tuuro.Waa ayaan darro wayn in maanta Shariif Sakiin oo afkiisa ka cadeeyay in Dugsi sare aysan aqoontiisu dhaafsanayn inuu talada dalkeena qaaliga ah uu dawr wayn ka ciyaaro.Qabiiley ku nacay.

  4. Bile kaahin says:

    Asc dhamaan bahda somalitalk, hadii aan fikirkayga ka dheebto waxaan baarlamaanka cusub ee umada soomaaliyeed ku boorinayaa in ay aad uga fiirsadaan arinta bada soomaaliya dhankastana ka eegaan waayo waa arin aad u culus, keyna waxay ka faa’iidaysanaysay dawladii dkm ee aad u tamarta darnayd, marka barlamaanka iyo dawalad cusub ee soo socta waa in ay umadan xuduudaheedii,dhulkeeda iyo badeedaba ay masuulka xilkasnimo iyo daacad aykaga noqdaan dalkooda iyo musutaqbalka ayaaha dalkeena, waad mahadsantiin

  5. talo jeediye says:

    KU: Bahda somalitalk
    UJeedo: talo soo jeedin
    asalaamu caleykum
    walaalaha wadaniyiinta soomaaliyeed ee qorta somalitalk.com
    waxaan idinka codsanayaa in aad qoraalada iyo baaritaanada aad ka diyaariseen arinka boobka bada soomaaliyeed aad u gudbisaan gudoonka sare ee baarlamanka soomaaliya iyo xildhibaanada cusub si ay u ogaadaan uguna daraan dastuurka Sharciga No. 37 ee Dhul-Badeedka Wadanka (Somalia Territorial Sea) ee soo baxay 10–kii September 1972,
    sidoo kalena ay uga saaraan meesha qodobka 7aad farqadihii lagaga soo siyaadiyey Kenya ee muranka gelin kara dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya ee hore xorta u ahaa.
    waa mahadsantihiin
    wasaalmu caleykum waraxma tullaah

  6. aAbdiwali says:

    Mahadsanidiin bahda somalitalk. Waa in sidaas ookale loo daahfuro oo banaanka lasoodhigo waxa u qarsoon dadkan inay noo taliyaan usoo baxbaxsanaya xaqiiqatan waaba sida ay tahay macnaha saxaafadu bartaas kaga haya difaaca dalkiina koley geel duulkii dadkale uxadayo way adagtahay sida loo dhiciyo awal waxaa lagu maahmaahi jiray geel ninkii lahaa dhacayo: maanta waxaa taagan geel ninkale udhacayo waa yaab illaahaw adigu na illaali adaa waxkasta ogee