SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BADDA SOOMAALIYA

Dugsiga Badda iyo kaluumeysiga ee lagu Baran jirey Culuunta Badda halkee buu ku Dambeeyey.

Markii ay burburtey Dowladii Soomaaliya ee Sanandkii 1991 waxaa dalka ku habsadey Burbur aad weyn oo soo gaarey Adeegyadii Bulshada ee Shacabka Soomaliyeed iyadoo taasi ay jirto ayaan mar aan booqdey Dugsigii Sare ee Badda waxaa iiga muuqdey Burbur uu la qaybsadey Dugsiyadii dalka ka jirey oo ay ka soo bixi jireen Xirfadlayaal Badeed wax badan ku soo kordhiyey Xagga badda Hadaba si aan wax uga ogaano Dugsiga Badda ayaa waxaa la kulmey Ing Muuse Maxamed Shiikh oo ka mid ahaa ardeydii ka soo baxdey Dugsigaas islamarkaana ka mid ahaa Shaqsiyaadkii isku Xilsaarey dib soo nooleeynta Waxbarashadii Dugsiga loona gartey in uu noqdo Gudoomiyaha Dugsiga waxaana wax ka weydiiney Heerarkii uu soo marey dugsigaas iyo waqtigaan waxa u qabto..

Ing Muuse Shiikh Wuxuu sheegey in Sannadkii 1993 dii uu dugsiga ka Dayactirey ilaa Shan Fasal Saddex Musqulood iyo Meel lagu hagaajiyo kaluunka isagoo gacan ka helaya Hayado Caalami ah iyo Hayadaha Maxaliga isagoo sheegey in Dugsiga uu noqdey meel lagu tababaro kaluumeysatada Yar yar .

“Mudadaas Dugsiga Badda waxaa ka qalin jabiyey ilaa Labaatan Dafcadood oo Xirfadlayaal kaluumeysto ah kuwaas oo maanta ku Xamaasha Xirfadiihii ay ka barteen Dugsiga Nasiibdarro Dugsiga waxaa mar kale uu noqdey Meelihii ay saameeyeen Dagaaladii ugu dambeeyey”ayuu yiri Ing Muuse Shiikh oo mar kale dib boorka ugu Jafey Waxbarashadii Dugsiga Badda gaar ahaan Xirfadeynta Kaluumeystada yar yar iyadoo weli ay ka muuqato Burburkii Dagaaladii ugu Dambeeyey..


“Cid kasta oo daneyneysa in ay sii Socoto Waxbarashadii Dugsiga Badda ha noqdaan Hayadaha Caalamiga ah , kuwa Maxaliga ah , Ganacsatada iyo Dowladda Federaalka waxaan ka codsaneynaa in ay gacan nagu siiyaan si loo soo nooleeyo waxbarashadii Dugsiga si ay uga faaiideystaan Kaluumeysatada Soomaaliyeed ee ku dhereran xeebta dheer ee Soomaaliya,isla markaana loo soo celiyo Waxbarashadii Caadiga ahayn ee uu dugsigaas ku caan baxay.

Haddii aan dib u qooraansano Heerarkii uu soo marey Dugsiga Badda ee magaaladda Muqdisho waxaa Dugsiga la aas aasey Sannadkii 1958 dii Xiligii Gumeysiga , 1958 dii ilaa 1968 dii Dugsiga wuxuu ahaa Mid dhexe , 1969 oo ah xiligii ay dhalatey Dowladii Kacaanka Dugsiga wuxuu noqdey Mid Sare Xirfadihii lagu baran jirey waxaa ka mid ahaa Navigation, Fishery iyo Mechanic,Xiliga waxbarashada Dugsiga waa mid 4 sanno ,Difcadi ugu horeysey waxay qalin Jebisey 1973-1974.

Ugu Dambeyn Ardeygii ugu Dambeeyey ee Dugsigaas ka qalin jabiya waa sannadkii 1988 waxayna qiyaastii maanta Da’adiiu tahay 50 sanno , sidaa oo ay tahay waxaa sii dabargo’aya aqoontii Cilmiga Badda hadaba waxaa lagu wargelinayaa Ardeydii ka qalin jibeysey Dugsigaas iyo Cid kasta oo Daneyneysa Badda Soomaaliyeed in laga faaiideysto in ay gacan ka geystaan dib u soo nooleyntii waxbarashadii Culuunta Badda soomaalida waxay tiraahdaa “Caano Daadey Hambadoodaa la Daba Qabtaa”.

Hadaba Ciddii Dooneysa in ay wax badan ka ogaato ha la soo Xiriireen Gudoomiyaha Dugsiga Badda Ing Muuse Maxamed Shiikh oo aad ka heli kartaan Cinwaanadaan.

Qore:
E-Mail mfinstitute@hotmail.com
Tel 00 252615513665
Tel 00 252699513665

Waxaa soo tebiyey:
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 27, 2011

 

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


 Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: