SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYA

Tol Beelaye, Baddeennu ma waxay Sababsanaysaa Cilmi La'aanta Madaxdeena?

Qasim Hersi Farah
www.qasimhersi.com            
email: qaasim@mail.com

Markii aan dhawr jeer dhagaystay jawaabo ay qaar Mas'uuliyiinta dawladda ka mid ihi ka bixinayaan su'aaha ku saabsan dayaca ama bixinta ula kaca ah ee ay baddeenii qayb ka mid ihi ay qarka u saran tahay, ayaan waxan dib u xusuustay dhawr oraahood oo kuwaas la falgalaya. Haddaba aan hadda meeriskaas mariyo.

Su'aasha ah "war meeday baddeenii? Maad Kenya naga dhicisaan?" ayey mas'uuliyiinta dawladda ku meel gaarka ihi wax jawaba ah ilaa hadda u la'yihiin. Laakiin jawaabta ay la'yihiin ma ahan mid aqoon li'i kelya ku maqan ee waa mid ku qotonta macangegnimo iyo madax adayg. Iyaga oo uu midiba midka kale ku garriin tiranayo ayey qaar isla iyaga ka mid ah isaga reebaan eedda. Kuwa ayse eedda ku reebayaan ayaa inta badan jawaabta laga hayaa ay tahay "War Bad maqan baad ka hadlaysaane, tii aan horay u haysanay ayaaba Burcad badeed looga cararay ee aan ka fikirno sidii aan Burcad badeedda isaga celin lahayn."

Haddaba aan isla barbardhigno Burcad badeed iyo baddii ooba la dhacayo. Taasi waxay la mid tahay iyada oo intuu reerka deriskaaga ihi gurigaaga soo galay ku yiri "isaga bax gurigaan aniga ayaa qaadanayee" oo markaa uu willkaagii curadka ahaa eed ciidanka ka sugaysay kugu war celiyey 'Aabbe adigu guriga la dhacayaad ka hadlaysaaye sow ma ogid in uu guriga inoo joogo wiilkeenaan yar ee ciyaala suuqa ah". Waa muuqataa in uu odaygaasi ku jawaabayo "war wiilkayga anaa edebsanaya, ciddii uu xoolo ka soo dhacayna way iga soo doonan kartaa ee yaa iga qabta kuwan gurigaygoo oo dhanba iga dhacaya".

 Intaa waxaa dheer in ay markii horeba dawladda Kenya dawladdeena uga siratay in ay labo wax ka kaalmayso iyaguna ay baddaas ka tanaasulaan. Labada wax oo kala ah: 1) in ay Qaadka laga soo dhoofiyo Carro Miirow ee Kenya canshuurta uga qaadayso Gegida dayuuradaha ee Wilson, illeen iyagu Somalia ugama qaadi karaane. 2). In ay ka caawin doonaan la dagaallanka Burcad badeedda iyo weliba bad ka faa'iidaysiga.

Aniga oo la qarracansan jawaabtaas aan munaasibka ahayn iyo sida uu qof mas'uul ihi sidaa oo kale ugu fikiri karo ayaan hadana soo xusuustay labo qiso oo kale. Waa mide, sanadkii 2004 tii ayaan aniga oo ka mid ah Murashaxiintii Jagada Madaxweynenimo ee Soomaaliya, kolkii la joogay shir-ku-sheeggii Mpagathi (Doofaareey) ayaa maalin la soo hor dhigay Ergadii shiraysay qaar ka mid ah qodobadii Axdiga ku meel gaarka ah si ay uga doodaan, oo doodooda ka dibna loo ansaxiyo sida xeerka waafaqsan. Qodobadii markii la akhriyey oo Ergadii oo u badnayd Qabqabayaal dagaal lagu yiri 'maxaad ka dood qabtaan" ayuu mid Dagaal ooge ihi soo istaagay oo ku qayliyey "Arreey kuwaan wax giir giira (qora) aanba la yaabee xay waraaqaha uga buuxiyaan wax aan macno lahayn oo xabadna tarayn. Bal fiiriya qodobkaan "Khayraadka Dabiiciga ah Soomaaliyeed waa kan saaran ama ku jira dhulka, dhulka korkiisa, dhulka hoostiisa, Hawada, Badda korkeeda, badda dhexdeeda, iyo badda hoosteeda." Dagaal oogihii oo qoraalka qodobkaas naqdinaya ayaa yiri 'dhuka korkiisa waaba garanoo beeraa ka baxa, badda korkeeda iyo dhexdeerana waaba garanoo malaayaa ku jiree, Xay yihiiin waxa ku jira Badda hoosteeda?

Halkaa markuu hadalkii dooduhu marayo ayaan ka war helay ilmo iga gofo' leh ka dib markii aan soo xusuustay qisadatan oon hadda ka hor akhriyey: Nin Ciidan culus wata ayaa qaadayey weeraro is dabo jog ah oo uu ku qabsanayey dalka uu markii uu qabsaday u bixiyey magicii Aabihiis ilaa hadana loo yaqaan magacaas, firkiisuna ilaa hadda ka boqorro yahay, waa dalka Sacuudi Carabiya. Ina Sacuud waxa uu qoladuu soo kor degaba u dirayey ergo intuusan weerar ku qaadin waxa uuna usoo bandhigayey in ay heshiis la galaan, ama ay doortaan in uu qasab ku qabsado oo ku xukumo. Heshiiskaas qodobkiisa koowaad waxa uu ahaa; 1) in ay udaayaan in uu isagu ardiga ka ahaado Boqor ka fir ka firna ay caruurtiisu xukumaan oo aysan cid kale weligeed xukunkaas soo faro gelin, 2) in ay isaga iyo umadda kale oo dhan kala qaybsadaan waxa khayraad uu dalku leeyahay. Khayraadkaas oo loo kala lahaanayo: B. in ay isaga u daayaan dhammaan wixii khayraad ah ee dhulka hoostiisa iyo badaha hoostooda ku jira, T. Iyaguna ay gaar uleeyihiin dhammaan wixii khayraad ah ee dhulka dushiisa iyo badaha dushooda ama dhexdooda ku jira oo uusan marnaba ugu imaan doonin. Gobol kasta oo uu hareereeyo ama kor dago, markuu odayaasha beelaha heshiiskaas usoo bandhigo waxay is weydiinayeen "war horta maxaa nafci ah oo ku jira dhulka hoostiisa iyo badda hoosteeda"? waa waxba. Hadde naga daaya intaan dagaal ku jabi lahayn bal ninkaan iyo ciidankuu wataa waxay rabaan ha sameeyeene.

Laakiin maanta oo la joogo ninkii iyo firkiisii waxay dhammaan dadweynihii dalkaas ka masruufaan intii uu qaybta isagu qaatay ee lagu heshiiyey in aan loogu tagin waa Batroolkee. Haddaba si ay mas'uuliyiiinteenu u gartaan khayraadka ku jira badeena, siiba qaybta la dhacayo ayaan maqaalka dambe ku falanqayn doonaa noocyada khayraad dabiiciga ah ee ka buuxa goobta badda ee laynaga boobayo ee la soco qormada damabe.

Dr. Qasim Hersi Farah
www.qasimhersi.com

email: qaasim@mail.com

Faafin: SomaliTalk.com | September 22, 2011


Maanso- Deelleey-Difaaca Badda Soomaaliya

Jiiftadan oo ah Deelleey, kuna saabsan diffaaca Difaaca Badda Soomaaliyeed waxaa tiriyey Maxamuud Axmed Cabdalle oo ku magac dheer Maxamuud Shiine.

Abwaanku waxa uu jiiftada ka tiriyey damaca la soo cusboonaysiiyey ee lagu doonayo in lagula wareego qayb kamid ah badda Soomaaliyeed. Waxana uu abwaanada iyo gabayaaga kale ku boorinayaa in ay jiiftadan ka qayb qaataan.

"Damacaa Badda Gaarey Yaa Dareemi karaaya", ayaa abwaanku ku hal qabasanayaa. "Yaa damiir ku dambeeyo, yaa difaaci baddeena."

Halkan ka dhegeyso jiiftada. (MP3)


 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


 Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: