SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYA

Jariidadda Standard oo soo Bandhigtay Caddaynta Saxiixii Labada Wasiir (Fowsiya & Aamina), kuna tilmaantay MoU ay kala saxiixdeen labada wasiir ee Arrimaha Dibadda

Waa saxiixii Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya ku eedaynaysey SomaliTalk.com in ay ku been abuuratay oo Jariidadda Standard caddaysay in sax yahay saxiixaasi...

  • Tarjumadii SomaliTalk.com | June 10, 2013

"Soomaaliya ayaa diidey dalabkii Kenya ku doonaysay in ay markale la furto wada hadal ku saabsan xadaynta xuduudaha Badda" Satandard


Saxiixii MoU-ga ee labada wasiir oo Original ah oo kusoo baxay jariidadda Standard, Jun 10, 2013 - Sawirka oo weyn

Jariidadda Standard ee ka soo baxda Nairobi ayaa warbixin dheer ka qortay qoraalkii ay kala saxiixdeen Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Kenya iyo Soomaaliya - soona raacisay saxiixii labada wasiir arrimaha dibadda.

Waxaa kale oo jariidaddu wax ka qortay Heshiiskii is-fahamka MOU ee 2009, in dadka Soomaaliyeed ka dhiidhiyeen heshiiskaas, in Kenya aysan helayn xuquuqda shidaal sahamineed haddii heshiiskaasi MoU uusan dhaqan gelin iyo bayaankii Golaha Wasiiradda ee DFS ee June 2013

"Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa diidey dalabkii wadahadal ku saabsan xadka muranku ka jiro ee ay la wadaagaan Kenya," sidaas waxaa qortay jariidada Standard ee ka soo baxda Kenya June 9, 2013.

Jariidaddu waxay qormadeed ku bilowday "arrintini waxay noqonaysaa markii labaad ee kala fogaansho siyaasadeed soo kala dhax galo labada dal ee deriska ah."

Standard oo warkeeda sii waday waxay qortay "Go'aankii Golaha Wasiirada Soomaaliya waxa uu raad ku yeelanayaa in shirkadaha shidaalka baara aysan batrool iyo gaas ka sahamin badda la isku haysto. Aagagga badda ee loo cayimay in la sahamiyo waxaa ka mid ah aagga Block L5."

Stardard waxay qortay "Sannadkii 2009 ayaa wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Kenya Moses Wetangula iyo Wasiirkii Soomaaliya ee Xiriirka Caalamiga Cabdiraxmaan (C/Shakuur) Warsame waxay kala saxiixdeen heshiis xadaynta. Laakiin heshiiskaasi waxa uu dhaliyey dood kulul oo ku saabsanayd sharci ahaanshadiisa taas oo dhaxmartay Xildhibaaanadii Baarlamaanka Soomaaliya, oo ugu dambayntii daaqada ka tuuray (heshiiskaas)."

Kulanka La Dhaliilay

Jariidadda Standard oo warbixinteedii sii waday waxay qortay "31-dii May (2013) ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Aamina Maxamed waxay arrintaas usoo bandhigtay dhiggeeda Soomaaliya Fawsiya Yuusuf Aadam, ayadoo rajaynaysay inay ku guulaysato in ay ayidaad ka hesho dawladda Soomaaliyeed ee ay beesha caalamku aqoonsan yihiin."

Qoraal ay si wada-jir ah u saxiixdeen Amina Maxamed iyo Fawsiya Aadam waxaa ku cad '"Labada Wasiir (ee Kenya iyo Soomaaliya) waxay hoosta ka xarriiqeen sidii loo agaasimi lahaa hab-raaca lagu samaynayo xarriiqda xadaynta badda", ayey qortay jariidadda oo intaas raacisay:

"Wasiiradu waxay lafa gureen heshiiskii hore ee Is-fahamka ahaa (MoU) ee u dhax maray Kenya iyo Soomaaliya iyo sidii loo dhaqan gelin lahaa."

Inta aynaan u gudbin qaybta dhiman faahfaahinta dheer ee ay qortay Jariidadda Standard, aan isla eegno muuqaalka sawirka kusoo baxay jariidadda:

Sida ka muuqata saxiixa ku soo baxay jariidadda (halkan ka eeg sawirka oo weyn), waa mid lamid ah sidii kusoo baxday SomaliTalk.com


Sawirka ee weyn guji halkan

BBC-da Afka Soomaaliga maxaa la gudboon

  • Jariidadda Standard oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ka Xaqiijisay Saxiixii Fawsiya ku Eedaysay SomaliTalk.com - Saxiix xaqiiq ah

Ilo wargal ah ayaa SomaliTalk.com u sheegay in jariidadda Standard ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ka xaqiijisay warka ku saabsan saxiixa labada wasiir uu sidaas u qoraa. Sidoo kale sawirka jariiadda ku soo baxay waxa uu caddayn u yahay saxiixii. Kaas oo lamid ah sidii hore ugu soo baxday SomaliTalk, eeg sawirkak midig.

 Sidaas daraadeed heshiiskii saxiixnaa ee SomaliTalk.com daabacday - ayadoo xaqiiqo ahaanba u hubtey - waxaa sii xaqiijinaya warkan Standard, ayadoo hore ay sidoo kale u qortay jariiadda Daily Nation.

SomaliTalk.com waxay idacadda BBC iyo Telefishanka Somalichannel weydiisanaysaa in ay warkaas jariidaddu xaqiijisay ay wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya dib u weydiiyaan mar haddii ay markii hore adeegsatay warbaahintaas ayadoo SomaliTalk ku eedaynasay in laga been sheegtay, ayna u caddaatay in saxiixaasi xaqiiqo ahaa.

BBC-da Laanteeda Afka Soomaaligu iskuma hawlin ama dan kama lahayn in ay warka ka xaqiijiyaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya (Sida ay hadda samaysay Standard), waxaana xusid mudan in weriyaha BBC-da ee waraystay uu xilligaa ku sugnaa Nairobi.

Qoraalkii Standard oo sii socda....

Haddii aan dib ugu laabano qormadii dheerayd ee Jariidadda Standard oo SomaliTalk.com tarjumtey waxaa ka mid ahaa sidan:

Jariidadda oo warkeedii sii wadatay waxay qortay "Waraysi ay BBC laanta afka Soomaaligu toddobaadkii hore la yeelatay (Fowsiya) Aadam waxay ku beenisay in Soomaaliya aysan heshiis ku saabsan xadaynta badda la yeelan Kenya."

"Waxay na weydiisteen in aan arrinta markale (wadahadal) ka furno laakiin waan ka diidey," ayey tiri ayadoo tilmaamaysa in ay Kenya u sheegtay in arrintani ahaanayso sidii uu u diidey baarlamaankii Soomaaliya 2009," ayey qortay Standard.

"Wasaaradda Arrimaha Dibadda (Kenya) waxay ku fashilantay in wax jawaabo ka bixiso (hadalkaas) xitaa markii jariidadda Standard ay u dirtay liis su'aalo ah, ayadoo su'aalaha u marsiisay qaybta xiriirka communication-ka u qaabilsan wasaaradda," ayey qoraalkeeda ku adkaysay jariidadda Standard.

"Arinta xuduudaha Badda ayaa sannadkii 2009 waxaa kadhashay caro ay Soomaalidu ka caroodeen kaddib markii ay soo shaac baxday in dalka (Soomaaliya) uu dhul ku waayayo, dhulkaas oo raacaya dhanka Kenya."

"TV-yada wararka ku laliya Satellite-ka ee Luuqadda Soomaaliga ku hadla, Website-yo iyo Idaacado (Radio) ayaa dhalliil usoo jeediyey hishiiska cusub, waxayna ku tilmaameen Xukuumadda hadda jirta mid boorka ka jafaysa hishiiskii fashilmay. Ugu dambayntiina dawladdu waxay ogolaatay (cadaadiskii ka imanayey shacabka)."

"Dowladda Federaliga Soomaaliya uma tixgelinayso arrin habboon in wadahadal cusub laga galo xadaynta xuduudda Badda Soomaaliya wakhtigaan, dhammaan qaybaha xuduudaha Soomaalida Bad iyo Qalfoofka Qaaradda", sidaas waxaa lagu sheegay Bayaan kasoo baxay Xafiiska Ra'iisalwasaaraha Abdi Farah Shirdon.

"Dad badan oo Soomaali ah waxay aamisan yihiin ujeedada Kenya u gashay Soomaaliya bishii October 2011 in ay tahay mid ku salaysan sugidda amniga dhulka xuduudaha ah ee la olloga ah xuduudaha badda ee labada waddan u dhaxeeya oo la rumaysan yahay in uu yahay dhul hodan ku ah khayraad shidaalka aan weli la daah-furin."

Soomaaliya waxay isku dayday in ay yaraysato khilaaf kasta oo ku yimaada Arimahaan. Bayaankii Golaha Wasiirada waxaa lagu sheegay: "Dawladda (Soomaaliya) waxaa ka go’an xoojinta cilaaqaadka ay la leedahay Kenya iyo wadashaynta dawladda Madaxweyne Uhuru Kenyatta, oo kala shaqaynayaan dhawr arrimood oo ay kamid yihiin dib-u dajinta qaxootiga Soomaaliyeed iyo xoojinta amaanka xuduudaha labada dal wadaagaan oo maslaxad u ah labada dal.

Gobolada Xeebaha

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa diiday qaar erayadii ku jirey hishiiskii Is-Afgarad  ee sanadkii 2009 (MOU), sida erayadan: "Sheegashada labada dal ee xeebta waa aag is-dul-saaran oo ah qalfoofka qaaradda, kaas oo noqonaya aag lagu muransan yahay". Waxayna ku doodaan in Kenya ka bilowday sahaminta shidaalka. Cabsidaas waxay keentay in Muqdisho ay khamiistii ka soo baxday bayaan kaddib markii ay kulmeen golaha wasiirada.

"Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37 ee dhul-badeedka iyo dekedaha oo la saxiixay 10-kii September 1972, ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf ", ayaa lagu yiri Bayaanka. "Waxaana Soomaaliya ay xeerka badaha aduunka ansixisay 24kii Luuliyo 1989" ayaa lagu yiri Bayaanka Golaha Wasiirada.

"Dowladda Soomaaliya waxay kale oo sheegtay in ay ayidsan tahay go'aankii Baarlamaanka (Soomaaliya) ay gaareen bishii August 1,2009, kaas oo laga soo qaaday waxba kama jiraan hishiiskii MOU ee ay saxiixeen bishii April 7, 2009 Abdirahman Warsame iyo Wetangula. Qaramada Midoobay ayaa bishii March 12, 2010 sheegtay hishiiskii 2009 ee MOU in uu yahay mid aan la cuskan karin ama lagu hawl geli karin, maxaa yeelay waxaa diiday Baarlamaanka Soomaaliya," ayaa lagu yiri bayaanka.

"Hishiiskii (MOU) oo Wargaysga Standard helay, waxaa qayb kamid ah kuqornaa "Inkasta oo Labada dal ee Xeebta (Kenya & Soomaaliya) ay dano kala duwan leeyihiin oo ku saabsan xadaynta qalfoofka Qaaradda ee hoos imanaya aagga muranka ku jira, haddana waxay si xoog leh uga dhaxeeya dano la xiriira sidii loo samayn lahaa xadaynta qalfoofka qaarada ee ka durugsan 200 oo mayl badeed, iyadoo aan mustaqbalka caqabad ku ahayn xadaynta qalfoofka qaaradda ee u dhaxaysa iyaga (Soomaaliya & Kenya)."

Aagga La isku haysto

Waxaa (heshiiskii MOU) intaas ku daray "Iyagoo halkaas ka duulaya labada dal ee xeebta waxaa ka go'an in ay wada shaqeeyaan si ay u ilaaliyaan oo u horumariyaan danaha ka dhexeeya ee ku saabsan samaynta xaadaynta  cabbirka Qalfoofka Qaaradda ee badwaynta ka xiga fogaan ka durugsan 200 oo mayl badeed".

Inkasta oo arrimaha la xiriira xadayntu aysan dadka (Kenyaatigu) sidaas ugu baraarugsanayn, laakiin arrin weyn ayey ka tahay Soomaaliya. Nairobi waxay rumaysan tahay haddii aan sida ku haboon, waqtiga ku haboon loo xallin arrinta la xiriirta xadaynta badda, in ay halis gelinayso xuquuqda ay Kenya u yeelan karto in ay bixiso shatiyada lagu baarayo shidaalka ee aaggaas iyo lacagta laga heli doono marka shidaal kasoo baxo aagga la isku haysto.

Sannadkii 2010, sida ku cad website Barwaaqasooranka-Yurub (Commonwealth), waxaa xoghaynteedu khubaro ka socda ay aqoon-koroshi u qabyeen saraakiil ka socda dawladda (Kenya) si ay dalka ugu diyaariyaan sidii wada xaajood xuduudaha badda ay ugala geli lahaayeen Soomaaliya, waayo "in la agaasimo xuduud badeed cad waxay muhiimad weyn u leedahay ammaanka, kala-gooshidda maraakiibta xamuulka, dhawrida degaanka, kalluumaysiga iyo sahaminta khayraadka ku jira badda ee gobolka."

Halkaas ayey warkeeda ku gabagabaysay Standard. (isha Warka / Source: Halkan ka akhri)

Fawsiya, wasiirka Arrimaah dibadda, oo dhahaysa waxaa saxiixayga ku been Abuurtay SomaliTalk Halkan ka Dhagayso (Somalichannel). Sidoo kale Halkan ka dhagayso (BBC) . Arrinta wasiirku ka hadlaysay waa saxiixa ay Standard hadda soo bandhigtay, kana xaqiijisay wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya. Waa saxiix dhab ah. Marka hadda maxay wasiirku arrinta ka dhehi doontaa? Shacabka Soomaaliyeed maxay u sheegi doontaa?

Baarlamaanka Soomaaliya ee hadda waxaa la gudboon in ay xeer dastuuri ah ka soo saaraan go'aankii golaah wasiiradda ee June 6, 2013 si aan cid dambe ugu soo hanqal taagin dhul-badeedka Soomaaliyeed.

MOU-gii 2009 oo AfSoomaali Loo Rogay

June 6, 2013 ayey ahayd markii golaha wasiriadda DFS shaaca ka qaadeen "Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran."
akhri....

  • FG: Dhul-badeedka Soomaaliya muran kuma jiro, kumana jiri jirin wixii ka horeeyey heshiiskii MoU ee 2009

Faafin: SomaliTalk.com |  June 10, 2013

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran.
akhri....



SomaliTalk.com miyaa Buun-Buunisay Badda Soomaaliya, mase Fowsiya Xaaji ayaan ku Baraarugsanayn waxa ku Qoran Heshiiska ay la Saxiixday Kenya


 

 

 

somalia map