SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XADKA NFD

Kenya oo Shaaca ka Qaaday in Lamu laga Hirgelinayo Mashruuc Aag Dhaqaale (Economic Zone), islamarkaasna la samaynayo Waddo-tareen oo isku xiriirinaysa Lamu iyo Addis Ababa

Meles Zenawi ayaa Kenya u sheegay in uu diyaariyey kharashkii jidka-tareenka ee isku xiraya Addis Ababa iyo Mooyaale, laakiin Kenya laga doonayo in ay dhamaystiraan Mashruuca dhinacooda wadada-tareenka ee isku xireysa Lamu iyo Mooyaale, sidaas waxaa caddeeyey Raila Odinga.

  • SomaliTalk.com | Nov 24, 2011

"Waxaan qorshaynaynaa in aan mashruuc khaas ah keeno xeebta, mashruucaas oo la keenayo Lamu iyo Mombasa" sidaas waxaa yiri Ra'iisul Wasaaraha Kenya, Raila Odinga.

"Itoobiya waa dhamaystireen mashruucaan dhinacooda, waxaana arrintaas ka wada hadalay ra'iisul wasaaraha (Itoobiya) oo ii xaqiijiyey in ay diyaariyeen maal-gelinta waddo-tareen oo isku xiraysa Addis Ababa ilaa Mooyaale, laakiin lacagtas maalgelinta ah ma qoondayn karaan ilaa Kenya ay dhamaystirey qorshaha mashruuca dhinacooda oo isku xiraya Lamu ilaa Mooyaale. Haddii kale waxa uu noqonayaa waddo tareen ah oo aan meelna ku xiriirsanayn Railway to Nowhere."

Waxana uu intaas raaciyey in "jidkaa tareenku uu tegi doono ilaa iyo Jubba (koonfurta Suudaan) ilaa uu gaaro dalka Kamaruun." (Video Hoos ka daawo).

Dawladda Kenya ayaa markii dagaaladda sokeeye ka dhaceen Soomaaliya waxay bilowday qorshaha mashruuca Lamu oo markii hore ku bilowday sahamin shidaal oo ay doonayeen in ay ka sameeyaan aag gudaha ugu jira Soomaaliya, waxaana xigey mashruuc baaxad weyn oo Lamu la qorshaynayey in laga sameeyo deked weyn oo ay adeegsadaan Itoobiya iyo Koonfurta Suudaan.

Mashruucaasi si uu u hirgalo waxay Kenya u ku hamidey in ay fidsato xuduudka oo ay badda Soomaaliya qaar ka soo goosato, taas oo ay isku dayday in ay bedesho xadka badda ee aagga Raas Kambooni. Waxayna horaantii 1990-naadkii la xiriirtay qabqable-dagaal oo markaas ka talinayey Kismaayo oo ay ka dalbatey in uu la galo heshiis, laakiin wuuu ku gacan sayray.


Kenya oo Shidaal ka Baaranaysa 3900 Sq Km ee Gudaha Dhulbadeedka aagga Raas Kambooni ee Jamhuriyadda Soomaaliya

Waxaa xigtey 2004 markii xukuumadda FKMG lagu soo dhisay Nairobi/Eldoret in durbadiiba ay saraakiisha Kenya la xiriireen xukuumaddii Cabdullaahi Yuusuf, sida uu SomaliTalk u sheegay masuul xilligaas ka tirsanaa xafiiska Madaxweynaha, waxaana Kenya markaas loo sheegay in aan heshiis ku saabsan badda lala gelayn.

Kenya ma quusan. Markii Jabuuti lagu soo doortay xukuumadda Sheikh Shariif ayaa Kenya oo garaabsanaysa Walad Cabdalla waxay durbadiiba heshiis aan laga fiirsan la galeen DFKMG ee Sheikh Shariif, taas oo lagu doonayey in badda Soomaaliya qayb weyn loo gooyo Kenya si markaas mashaariicda Lamu ugu hirgalaan. Xukuumadda Shariif waxay arrintaas kala kulantay waji gabax weyn markii shacabka Soomaaliyeed ee dhulka leh ay arrintaas ka soo horjeesteen, ilaa markii dambe baarlamaanka DFKMG uu heshiiskaas Isfahamka loogu yeeray ka dhigay Waxba Kama Jiraan.

Markii ay arkeen in qorshahaasi uusan soconayn ayey u soo fekereen nidaam cusub oo ah in la yiraahdo Soomaaliya baddeedu maba cabirna, waxayna xukuumadda KMG ee uu hogaamiyo Sheikh Shariif halkii laga filayey in ay ka taliso danaha shacabkeeda ayey markale u ololaysay qorshaha cusub ee lagu doonayey in lagu duudsiiyo boqolkiiba 97% dhul-badeedka Soomaalida, lana doonayey in la baabi'yo sharcigii badda Soomaaliya ee Law No. 37.

Markale ayaa shacabka Soomaaliyeed arrimahaas gaashaanka u daruureen, kana hor yimaadeen qorshaha ay jaalka ku ahaayeen Sheikh Shariif xukuumaddiisa iyo Kenya oo ahaa in la yiraahdo badda Soomaaliya ma cabirna.  Inkasta oo diidmada dambe ee baarlamaanka ay arrimo weyn ku qarsoonaayeen, horena faallooyin looga qoray.

Markii ay Kenya aragtay in xagga sharciga caalamiga ah aan Soomaalida la loodin karayn, ayna shacabka Soomaaliyeed foojigan yihiin (inkasta oo xukuumadda FKMG ay jeebka ugu jirto Kenya), ayaa markaas Kenya dedejisey qorshaheedii saddexaad oo ah hore usoo qorshaynasay oo ah in ay Soomaaliya ku duusho oo ka samayso aag ood-celis ah (Buffer Zone) oo ay toos gacan ugu leedahay si mashruuca Lamu u dhaqan galo.

Kenya waxay Soomaaliya ku duushey 16-kii October 2011, waxayna duqaysay magaalooyin Soomaaliyeed oo ay ku laysay dad shacab ah oo aan waxba galaabsan, qaarkoodna ahaayeen qaxooti.

Kenya iyo Ethiopia waa laba dal oo ay Gumaystayaashii reer Yurub gacant au geliyeen dhul Soomaaliyeed (NFD iyo Soomaali-galbeed), taas oo dhul iyo dad ay kaga weli ku hoos jirey gumaystayaasha Afrika.

VIDEO: Ra'iisul Wasaaraha Kenya oo Arbacadii Nov 23, 2011 shacabkiisa iyo maal-gashadayaasha u caddeeyey in mashruucii Lamu uu dhaqan gelayo. Video hoos ka daawo.

Faarax Macallin: Ma dhici doonto in Mardambe Xamar looga taliyo Kulbiyow, ninka taas ku riyoonayana waxaa uu ku nool yahay qarni kale...

"Gelitaanka Ciidamada Itoobiya ay galeen Soomaaliya waxay dhibaato weyn u keeneysaa hawlgalka Kenya..." Faarax Macallim

faarax macallinNov 22, 2011:

Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Dalka Kenya, Faarax macallin oo ay waraysi la yeelatay idaacadda Alfurqaan ayaa sheegay in uu ka soo horjeedo soo gelitaanka ciidanka Itoobiya ay markale ku soo galeen gudaha Soomaaliya, isagoo arrintaas ka hadlaya waxa uu yiri "Itoobiya taariikhdeedu waa mid ka duwan taayada (Kenya), waana mid soo jireena ah, marka soo gelitaanka ay hadda soo galeen (Soomaaliya) ma soo dhaweyneyno, waxaana u arkeynaa mid dhib weyn u keeneysa hawlgalkanagii oo waji kale oo loo yeeli karo."

Laakiin Faarax Macallin waxa uu sheegay in taas ay ka duwan tahay Kenya hawlgalkeeda (duullaanka) ay ka waddo gudaha Soomaaliya. Waxa kale oo uu ka hadlay dastuurka DFKMG (ee lagu soo sameeyey Kenya) waxana uu yiri dastuurkaas "annagu" (kenya) uma soo samayn, waana Federaal, kaas oo uu markaas raaciyey "ma dhici doonto mar dambe in xamar laga taliyo oo nin jooga Kulbiyow....." Hoos ka dhegeyso:

Kenya iyo Ethiopia waxay gumaystayaashii reer Yurub ay gacanta u geliyeen dhul Soomaaliyeed (NFD iyo Soomaali Galbeed), taas oo ay shacab Soomaaliyeed qarnigan ku hoos nool yihiin gumaysiyadaas oo aysan xor u ahayn in ay ka tashadaan mustaqbalkooda.

Duullaanka cusub waxay Kenya ku qaaday gudaha Soomaaliya 16-kii October 2011 markaas oo ciidan koodu galeen gudaha Soomaaliya. Waxaana soo shaac baxayey khilaaf u dhexeeya Itoobiya iyo Kenya oo ku saabsan cidda maamuleysa Jubbooyinka. Waxayna ahayd October 30-keedii markii Jariidadda EastAfrican ay qortay in Kenya, Ethiopia iyo Faransiisku ay ku Muransan yihiin Cidda Loo Dhiibayo Xakunka Kismaayo haddii la Qabsado Kaddib.

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 24, 2011

Nov 18, 2011: Cabdulaahi Cabdi Yirid oo Shirkii London ku Tilmaamey Shirkii Hagardaamada Soomaaliya.

Nav 18, 2011: Safiirka Kenya ee Qaramada Midoobey oo Sheegey in Dhalinyaro u Dhalatey Mareykan oo Tiradoodu u dhaxeyso 700- 1000 ay ka Barbar Dagaalamayaan Xarakada Al-Shabaab

Nov 17, 2011: Maxamed Cumar Xabeeb ( Maxamed Dheere) Oo Soo Dhaweeyay Soo Gelitaanka Ciidamada Kenya ee Soomaaliya

Nov 17, 2011: Isbahaysiga Nabada Soomaaliyed (SPA) oo ku baaqay in Kenya iyo Al-Shabaaba loo aqoonsdado gumeysi cadow ku ah Qaranimada dalka

Nov 16, 2011: Sheikh Shariif oo gaarey Nairobi iyo Shacabka Kenya oo loo sheegay in Sheikh Shariif taageersan yahay hawlgalkooda Militari ee ay ka wadaan gudaha Soomaaliya

Nov 14, 2011: Kenya oo Sheegtay in ay Gaartey Boqolkiiba 50% Ujeedadoodii ugu weynayd ee Hawlgalka Militari, taas oo ah in ay Samayso Aagga loo yaqaan buffer zone

Nov 14, 2011: Prof Xuseen Warasame “Dowlada Kenya waa ku Fashilantey Duulaankii Soomaaliya , Taakulo yar oo ay ka Heshana Israa’iil waxay ku Diri doontaa Muslimiinta”

Nov 13, 2011: Kenya oo Sheikh Shariif  degdeg ugu yeertay Nairobi si uu u caddeeyo in uu Taageersan yahay Hawlgalkooda Militari ee ay ku galeen Soomaaliya

Nov 11, 2011: Axmed Madoobe oo 10 Kiilo oo Aargoosato ah ku casumay Weriye reer Kenya oo waraysi ka qaaday

Nov 10, 2011: Maxaa ka soo baxay kulan Dhex marey Madaxweynaha Kenya Kibaki iyo Xubno ka socdey Soomaalida Waqooyi Bari.

Nov 7, 2011: Guddoomiyaha Gobalka Gedo ee DFKMG Maxamed Cabdi Kaliil "Faarax Macalin wuxuu Huwan yahay Shaar ONLF ee Wax Azaaniya la yiraahdo ma jirto"

Nov 6, 2011: Ma Dhihi Karaa Dhamaan Dowladaha IGAD waxay Faregelin ku Sameeyeen Soomaaliya ?

Nov 5: 2011: Kalluumaysato reer Kenya ah oo Militariga Kenya ku laayeen doontii ay ku kalluumaysanayeen

Nov 5: 2011: Qaadka Quba - Ololaha Dhaqaale Kobcinta Soomaalida

Nov 4, 2011: Kenya oo Duqaynaysa Dameeraha ku sugan Soomaaliya

Nov 3, 2011: Sheikh Shariif oo Sheegay in uu yahay kan ugu Wanaagsan ee hoggaamin kara Soomaaliya kaddib 2012

Nov 2, 2011: Shariif Xasan iyo C/weli Gaas oo u dhoofay Xajka xilli Sheikh Shariif uu safar ugu maqan yahay Kampala

Nov 1, 2011: Heshiiskii Kampala Accord oo Ogolaanaya in Xukuumadda laga keeni karo Mooshin ka dhan ah haddii ay ku xad gudubto Axdiga FKMG

Oct 31, 2011: C/weli Gaas iyo Odinga oo ku heshiiyey 11 qodob oo ku saabsan Ciidamada Kenya ee Galay Soomaaliya

Oct 30, 2011: Kenya, Ethiopia iyo Faransiiska oo ku Muransan Cidda Loo Dhiibayo Xakunka Kismaayo haddii la Qabsado Kaddib

Oct 30, 2011: Diyaarado Dagaal oo Duqeeyey Xero Qaxooti oo ku taal Magaalada Jilib

Oct 30, 2011: Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo Gaarey Nairobi, xilli Sheikh Shariif weli ku adkaysanayo ka soo horjeedka Ciidamada Kenya ee soo galay Soomaaliya

Oct 29, 2011: Mooshin ka Dhan ah Ra'iisul Wasaaraha DFKMG C/wali Gaas iyo Kenya oo loo Gudbiyey Golaha Baarlamaanka.

Oct 28, 2011: Kenya oo Sheegatay in ay Qabsadeen Magaalada Buurgaabo iyo Sheikh Shariif oo aan ka hadlin Sheegashada Kenya

Oct 27, 2011: Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo ku celiyey Hadal ka soo horjeeda kii Madaxweynaha DFKM ku diidanaa Ciidamada Kenya

Oct 26, 2011: Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo Markii ugu horeysey qiray, soona dhaweeyey in Ciidamo Kenya galeen Soomaaliya, Arrintaas oo khilaafsan hadalkii Sheikh Shariif ku diidanaa Ciidamada soo galay Soomaaliya

Oct 25, 2011: Warbixin Dheer oo ku Saabsan Waxa Waqtigaan Keeney in Mugdi soo kala Dhexgalo Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya iyo Sida loo arko Hadalkii Shiikh Sharif

Oct 24, 2011: Kenya oo Sheegtay in ay DFKMG ka haysatey Qoraal u Ogolaanayey in Ciidamada Kenya galaan Gudaha Soomaaliya...

Oct 24, 2011: Madaxweynaha DFKMG oo ka soo horjeestey Faragelinta Kenya ee Gudaha Soomaaliya

Oct 24, 2011: Diyaarado Duqeeyey Kismaayo iyo Buur Gaabo iyo Maraakiib Dagaalka Faransiiska oo duqaysay magaalada Muday....

Oct 23, 2011: Sida loo arkey Soo Gelitaankii Ciidamada Meleteriga Kenya Qaybo ka mid ah Dhulka Soomaaliya

Oct 22, 2011: Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo Sheegay in uusan ka warqabin Ciidan Kenya oo soo galay gudaha Soomaaliya

October 21, 2011: Ra'iisul Wasaaraha Kenya oo Sheegay in Ciidamada Kenya Qabsadeen Raas Kambooni

Oct 20, 2011: Kenya oo Adeegsaneysa Erayadii Zenawi Adeegsadey markii Ciidamadiisu Weerareen Soomaaliya - Weerarka oo xilligaas ku wajahnaa kooxdii Sheikh Shariif Axmed....

Oct 19, 2011: Xisbiyada Mucaaradka Wadanka Kenya oo Dowladda Kenya uga Digey Faragelinta Milatari ay ku sameeyeen Soomaaliya

Oct 19, 2011: Dawladda Kenya Shacabkeeda u Xaqiijisay in Ciidankeedu 120 km Gudaha u Dhaafeen NFD, Kuna Muujisay Video...

Oct 18, 2011: Wasiirada Arimaha Dibadda iyo Gaashaandhiga ee Kenya oo Muqdisho kulamo kula qaatey Masuuliyiinta ugu sareysa Dowladda FKMG

Oct 18, 2011: Ciidamada Kenya oo Maalintii Saddexaad ku jira Gudaha Soomaaliya iyo DFKMG oo Beenisey arrintaas

Video / Video

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


 Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 

Mashruuca Waddo-tareen oo isku xiriirinaysa Lamu iyo Addis Ababa

faarax macallin
Faarax Macallin: Ma dhici doonto in Mardambe Xamar looga taliyo Kulbiyow, ninka taas ku riyoonayana waxaa uu ku nool yahay qarni kale...



Qaadka Quba



October 31, 2011 Communique - Read here



Sheikh Shariif oo Sheegay in uu yahay kan ugu Wanaagsan ee hoggaamin kara Soomaaliya kaddib 2012



Heshiiskii Kampala Accord oo Ogolaanaya in Xukuumadda laga keeni karo Mooshin ka dhan ah haddii ay ku xad gudubto Axdiga FKMG



Kenya, Ethiopia iyo Faransiiska oo ku Muransan Cidda Loo Dhiibayo Xakunka Kismaayo haddii la Qabsado Kaddib

oil somalia
Duulaanka Kenya waa mid salka ku haya in ay Shidaal ka Baarato Xeebaha Soomaaliya..



Oct 27, 2011:
Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo ku celiyey Hadal ka soo horjeeda kii Madaxweynaha DFKM ku diidanaa Ciidamada Kenya



Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo Markii ugu horeysey qiray, soona dhaweeyey in Ciidamo Kenya galeen Soomaaliya, Arrintaas oo khilaafsan hadalkii Sheikh Shariif ku diidanaa Ciidamada soo galay Soomaaliya



Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya ayaa sheegay in Kenya haysato warqad ay DFKMG ku ogolaatay in Ciidamada Kenya galaan Soomaaliya



Diyaarado Duqeeyey Kismaayo iyo Buur Gaabo iyo Maraakiibta Dagaalka Faransiiska oo duqeeyey magaalada Muday....



Sida loo arkey Soo Gelitaankii Ciidamada Meleteriga Kenya Qaybo ka mid ah Dhulka Soomaaliya



Kenya oo Shidaal ka Baaranaysa 3900 Sq Km ee Gudaha Dhulbadeedka aagga Raas Kambooni ee Jamhuriyadda Soomaaliya



Ra'iisul Wasaaraha Kenya oo Sheegay in Ciidamada Kenya Qabsadeen Raas Kambooni