Shacabka Kenya oo loo sheegay in Sheikh Shariif taageersan yahay hawlgalkooda
Militari ee ay ka wadaan gudaha Soomaaliya
Madaxweynaah DFKMG Sheikh Shariif ayaa Arbacadii Nov 16 waxa uu gaarey magaalada Nairobi,
halkaas oo uu kula kulmay madaxweynayaasha Kenya iyo Uganda, shir albaabadu u
xirnaayeen. Kulankaasi markii uu dhammaaday waxaa saxaafadda hor yimid Kibaki
iyo Musaveni si ay isula sawiraan Shariif-ka, laakiin aan saxaafadda la hadlin.
Kaddibna waxaa saxaafadda la hadlay wasiirka Arrimaha dibadda ee Kenya Watangula
(hoos ka daawo).
Waxaana markaas ay saxaafadda Kenya ku xeel dheeraadeen in joogitaanka Sheikh
Shariif ee kulanka ay meesha ka saareyso diidamadiisii uu hore u diidey
hawlgalka Kenya. Weli Sheikh Shariif shacabka Soomaaliyeed uma caddayn waxa
bedeley mowqifka hore ee uu ka qaatay diidmada ciidanka Kenya.
Oct 25 ayey ahayd markii Sheikh Shariif ka soo horjeestey ciidanka Kenya ee
galay gudaha Soomaaliya, intii ka dambeysey wax hadal ah lagama maqal. (Halkan
ka Dhegeyso hadalkii Sheikh Shariif).
Dhanka kale Afhayeenka Militariga Kenya Maj Chirchir ayaa
sheegay in aan laga afduubin 3 askari oo ka tirsan militaigooda ku sugan gudaha
Soomaaliya.
Maj Chirchir, Afhayeenka Militariga Kenya
Sheikh Shariif oo u Dhoofay Nairobi
Nov 16, 2011: Madaxweynaha DFKMG Sheikh Shariif ayaa gaarey magaalada Nairobi
ee dalka Kenya, arrintaas oo ku xiriirsan hadalkii uu agaasimaha wasaarada
Arrimaha dibadda Kenya sheegay in uu Sheikh Shariif degdeg u iman doono
Nairobi,cadayna doono mowqifkiisa uu ku taageersan yahay hawlgalka Kenya. Sheikh
Sharif ayaa hore u sheegay in uu ka soo horjeedo hawlgalka Kenya ay ku gashay
gudaha Soomaaliya. Warbixintaas hore hoos ka akhri.
Kenya oo Sheikh Shariif degdeg ugu yeertay Nairobi si uu u caddeeyo in
uu Taageersan yahay Hawlgalkooda Militari ee ay ku galeen Soomaaliya
"Sheikh Shariif si degdeg ah ayuu u imanayaa Nairobi, markaas ayuu
cadaynayaa in uu taageersan yahay hawlgalka Kenya ka wado gudaha Soomaaliya."
sidaas waxaa yiri Agaasime ka tirsan wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya oo
Sabtidii (Nov 12) la hadlay Saxaafadda
SomaliTalk.com | Nairobi, Nov 13, 2011
Kenya
oo degdeg ugu yeertay Sheikh Shariif
Wararka
ka imanaya magaalada Nairobi ayaa tibaaxaya in madaxweynaha DFKMG uu dhowaan
tegi doono magaalada Nairobi, arrintaas oo ay Kenya ka dalbatay si Sheikh
Shariif uu aqbalo faragelinta ay Kenya militarigeedu ku galeen dhulka
Soomaaliyeed.
Lindsay Kiptiness oo Agaasime ka ah Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa
Sabtidii Nov 12 yiri sidan: "Hadalkii Madaxweyne Shariif ee ahaa in ciidanka
Kenya aan lagu soo dhaweyneyn Soomaaliya waxa uu ahaa hadal nasiib darro ah,
waayo hadalkaasi waxa uu yiri laba maalmood kaddib markii aan wada gaarney
heshiis laba dhinac ah si aan uga wada shaqayno xagga siyaasadda iyo xagga
ammaanka, laakiin sidaad xusuusataan waxaa Nairobi loo soo diray ra'iisul
wasaaraha kaddib markii aan TFG weydiisaney caddayn, waadna ogeydeen in labada
ra'iisul wasaare ay saxaafadda la hadleen, laakiin hadalka (Shariif) waxa uu
ahaa nasiib darro. DFKMG waa taageersan tahay hawlgalka Kenya si ay ula
dagaalanto Al Shabaab. Madaxweyne Shariif waxa uu imanaya Nairobi si dhaqso ah,
marka uu yimaado waxa uu caddayn doonaa in uu taageersan yahay hawlgalka
(Kenya) ka waddo gudaha Soomaaliya." Hoos ka dhegeyso Video.
Dhanka kale waxaa Kenya ay taageero ka raadineysaa wadamada Carabta si ay u
fuliso hawlgalka ay ka waddo Soomaaliya, waxaana agaasimaha ka tirsan wasaaradda
Arimaha dibadda Kenya uu magacaabay wadamada Muslimka ee uu taageerada ka
raadinayo in ay ka mid yihiin Turkiga iyo Iiraan.
Sheikh Shariif hadalkii ugu dambeeyey oo uu kaga soo horjeestey
ciidamada Kenya (Oct 25, 2011) waxaa ka dambeeyey in ra'iisul wasaaraha DFKMG uu
degdeg u tegey Kenya, islamarkaasna heshiis la soo saxiixday ra'iisul Wasaaraha
Kenya. (Halkan
ka Dhegeyso hadalkii Sheikh Shariif).
Hadalkii Agaasimaha Qaybta Bariga afrika u qaabilsan Wasaaradda Arrimaha
Dibadda Kenya hoos ka daawo