Aqoonyahanno
Soomaaliyeed ayaa wada olole aad u ballaaran oo la doonayo in shacabka
Soomaaliyeed loo soo jeedinayo inay gebi ahaanba joojiyaan cunista qaadka,
meel kasta oo ay dunida ka joogaan.
Gaar ahaan dhaqaalaha qaadka nooca Miirowga waxa uu si toos ah ugu xeroodaa
dalka Kenya. Waxaana Wasaarada Beeraha ee Kenya ay qaadka u aqoonsan tahay
in uu ka mid yahay dalagyada la beerto oo u dhigma khudaarta ama furudka.
Dhaqaalaha ay Kenya ka hesho Qaadka (Miraa)
Warbixin barnaamij loo yaqaan Untold Stories oo bartamihii sannadkan
(2011) laga diyaariyey qaadka loo yaqaan Miraa ee Kenya ayaa sheegtay in
maalin kasta Soomaaliya loo dhoofiyo 20 ton oo qaadka nooca Miraa ama
Miirowga loo yaqaan (16 tan oo laga dhoofiyo garoonka Wilson iyo 4 tan oo
laga dhoofiyo Jomo Kenyata). Waxaa kale oo maalin kasta Yurub loo dhoofiyaa
10 tan oo Miraa ah - Qaadka Yurub loo dhoofiyo waxaa ugu badan UK oo ay
deggan yihiin Soomaali badan. Waxaana gudaha Kenya lagu cunaa 8 tan oo
Miirow ah.
Waxaana warbixintaasi ku qiyaastay in lacagta qaadka nooca Miraaga oo keliya
ka soo gasha Kenya ay tahay 30 million oo Kenya Shilling ah maalin kasta
(Taas oo u dhiganta 315,000 US Dollar maalin kasta) - Lacagtaas oo toddobaad
kasta noqoneysa Ksh 200 million, ama bil kastana Ksh 900 million ama Ksh 11
Billion / Sannad kasta. Lacagtaas oo kor u dhaafeysa 115 million oo doolar
sannad kata ayaa Kenya waxay ka soo gashaa Qaadka nooca Miraaga.
Kenya waxay qaadka u aqoonsan tahay in uu ka mid yahay dalagyada khaaska ah
oo u dhigma sida qudaarta ama furudka. Sida ku cad buugga ay soo saarto
wasaaradda beeraha Kenya - The Agriculture (Declaration of Special Crops).
Waxa kale oo raadiyuhu soo daayey hadal uu dhawaan jeediyey Gudoomiyaha gobolka
"waqooyi bari" kenya dhulka ay Soomaalidu degto James Ole
Serian, waxana uu sheegay maalmo yar ka hor in maalin kasta ay gobolkaasi
sadexda degmo ee uu ka gooban yahay ee kala ah Garissa, magaalo madaxda gobolka
, Wajir , Mandera ay soo galaan ugu yaraan 12 gaari oo qaad wada isagoo sheegay
in lagu qiimeeyay gaadiidkasi in ay sidaan qaad qiimihuusu dhan yahay 12 Million
KSH , una dhiganta 126 kun oo dollar .
James Ole Serian waxaa uu sheegay oo kale in sanadkii ay 3.4 Billion shilling
KSH ay ka baxdo gobolkaasi .
Dadweynaha soo wacay raadiyaha waxay si weyn isugu raaceen in loo baahan
yahay in la dabar gooyo qaadka, maadaama uu curyaamiyey dhaqaalaha Soomaalida
guud ahaan meel kasta oo ay joogaan.
"Haddii aynu qubno qaadka lacagta xaddigaas le’eg waxaynu ku qabsan
karnaa wax weyn .. tusaale waxaa lagu dhisi karaa Hospitals ama lagu qodi
karaa ceelal, ama waddooyin ayaa lagu bixin karaa ama beero ayaa lagu falan
karaa. billah calaykum qaadka quba.." sidaas waxaa yiri Maxamed Jaamac oo
ra'yigiisa ka
dhiibtay halkan.
May 2006 warbixin ay qortay Washington Post
ayaa ku qiyaaystay in dalka Kenya ay dhooofiso Qaad lagu qiyaasay lacag dhan $250
million sannadkiiba, kaas oo ka badan ama ka kor maray lacagta ay Kenya ka hesho
caleenta Shaaha oo ah dalag lacag badani ka soo gasho dalka Kenya, sidaas waxaa
laga soo xigtey dawladda Kenya.
Warbxintu
waxay intaas raacisay
Maalin kasta waxaa labada garoon ee ugu weyn Nairobi (Jomo Kenyata iyo Wilson) ka duula dersin diyaarado
ah oo sida jawaano uu ka buuxo Qaad oo usii jeeda Soomaaliya, taas oo lacagta ay
(Kenya ka hesho) lagu qiyaasay $300,000 maalintiiba..
Warbixin ay October 2003 qortay jariidada Kenya ee Daily Nation ayaa waxay
ku qiyaastay in garoonka Deyniile oo keliya laga dejiyo qaadka nooca
Miirowga loo yaqaan oo qiimihiisu dhan yahay $170,000/bishiiba, taas oo
sannadkii ka dhigeysa $2,040,000 doolar oo Kenya ka soo gasha garooonka
Deyniile oo keliya.
Eeg halkan...
"Kasoo horjeedka Cisbitaalka Boosaaso waxaa kuyaal suuqa daroogada Qaadka oo
ay kasoo baxdo miisaaniyad lagu qiyaasay $US50,000 maalintiiba, laakiin
lacagta halkaas ka soo baxda iyo cashuurteedu toona ma gaaraan cisbitaalka,
sidaas waxaa qoray," sidaas waxaa qoray
ABC
Australia... March 2004.
Warbixin uu 2002 qoray
Prof. Yuusuf Xirsi Axmed oo ahaan jirey macallin iyo Hormuud hore ee
Kulliyaddii Caafimaadka ee Jaamacaddii Ummadda ayaa waxaa ka mid ahaa:
"Keenidda qaadka waxaa ku baxda lacag adag oo waxyaalo kale oo faa’iido leh
lagu keeni kari lahaa. Waagii Dawladda Soomaaliyeed qaadka mamnuucday
(1983kii) waxaa la qiyaasay inay keeniddiisa ku bixi jirtey lacag gaaraysa
US$ 47 malyan. Joornaal carabi ah oo dhowaan soo baxay wuxuu sheegay inay
Xamar maalin walba ku soo degaan 12 dayuuradood oo qaad sidaa. Isugeyntooda
kharajka maalmeed oo ku baxa waxaa joornaalku ku qiyaasay US$ 87,771. Marka
kharajka sano ee qaadka ku baxa, Xamar oo keli ah, wuxuu noqonayaa (US$
87,771x365=US$ 32,036,415). Haddaba, haddii laysu geeyo kharajka qaadka ku
baxa dalka gudihiisa oo dhammi intee buu noqonayaa? Waa lacag fooqal caqli
ah. Lacagtaas tirada badani waxay gashaa labo dal oo aan xinif leennahay,
taasoo xoojinaysa awooddooda dhinac kasta ah. Sow arrintaasi muujin mayso
fiiro gaabni dhaqaale iyo ficilo yari qarannimo ?!
Cilmibaarisyo la sameeyey 2006 waxa ay ku qiyaaseen in boqolkiiba 75% ay raga
qaangaarka ah (ee Soomaaliyeed) ay isticmaalaan daroogadaas (Qaadka). Magaalo
kasta waxa ay leedahay qol loogu talo galay Qaadka, halkaas oo raggu gabran
yihiin saacado badan iyagoo dhegeysanaya Muusik aad u cod dheer oo calashanaya
caleenta cagaaran oo ay ka kasoo dheecaameyso calyadu (candhuufta), kuna
lingaxmaya ama ku dhegaya ilkahooda dhexdooda.
Marka laga soo tago xagga dhaqaalaha oo uu qaadku ka curyaamiyey mujtamaca
Soomaaliyeed, waxaa sii dheer hab dhaqan iyo caafimaad iyo qoys oo uu
burburiyey.
Daawo Video-a hoose oo muujinaya Diyaarad sidey in k abadan 50 Jawaan oo qaad ah
oo Soomaalidu ku qamaamaayaan
Waxyeellada qaadka
Cathinone: (C9H11NO), waa nooc aalkolo ah (alkaloid) oo laga soo dhex saari
karo qaadka, taas oo meelaha qaarkood looga yaqaan Catha edulis Forsk. (http://www.somaliatalk.com/cilmi/qaad.html)
Dhibka
ugu weyn oo qaadku u geysto qofka cuna waa cafimaad darri ka dhalata hurdo
la’aan (insomnia), raaxo la’aan (restlessness), hadal tiro iyo Himmo-kicin
(talkativeness & excitement), daal badan (physical exhaustion), dabeecadda
oo is beddesha (mood swings), il-waaynaad (mydriasis), cunto-xumo (decreased
appetite), dhidid joogto ah (sweating), hamimga iyo dareenka qofka oo
dhaca, shuban (constipation), feker badan iyo buuq nafsiyan ah (suicidal
depression). Waqti dheer qofka isticmalaayey qaadku wuxuu u keeni karaa
waxaas oo dhan wax ka sii khatarsan sida: dhib xagga maskaxda ah (mental
problem), cudurka wadnaha (coronary artery disease), kansarka afka (oral
cancer), cudurka kelyaha (kidney disease) iyo cudurka beerka (liver
disease). Waxaa la ogyahay oo cad in qaadku dhibka ugu weyn u geeysto
habdhiska dareenka dhexe oo loo yaqaan Central nervous system (CNS) .Waxaana
lagu ogaadey taas marka la darsey xaaladda dadka cuna jaadka kuwaas oo ku
nool walwal iyo cabsi (anxiety and paranoia) iyo dubaab (paracusia).
Dakhtar lagu magacaabo Dr. Michael H. Chapman oo ah dhakhaatiirta aad looga
yaqaan dalkan Ingriiska kana tirsan jaamacadda college London Medical
school, ayaa sheegay malintii cafimaadka (health day) in lix bukaan
(patients) oo ahaa dad horey jaad u soo cuni jirey una dhashey East Africa
ay dhammaan qabeen cudurada beerka kuwaas oo uu dhamaan sabab uga dhigay
jaadka baaritaan uu ku sameeyey dabadeed.
Qormadii Muna Abshir (http://somalitalk.com/2010/10/03/muna/)
Daroogada Qaadka oo burburneysa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK
Telefeshanka SkyNews ee dalka Ingriiska ayaa soo bandhigay
dhibaatooyinka dhaqan-bulsho ee Qaadku ku hayo Jaaliyadda Soomaaliyeed
ee ku dhaqan dalka Ingriiska, halkaas oo boqolaal jawaab oo qaad ah la
geeyo maalin kasta. SkyNews oo warkiisa ku bilaabaya “Tani waa warbixin
ku saabsan daroogo burburinaysa Jaaliyad”, ayaa Video si qarsoodi ah uga
duubtay Daroogada Qaadka ee la keeno Ingriiska.
Warbixinta TV-gu waxay sheegtay in 10 sano ka hor qaadka la soo gelin
jirey dalka UK uu ahaa 10 tannes sannadkiiba. Laakiin hadda caddadka
Qaadka ah ee la soo geliyo UK uu aad kor ugu kacay oo uu gaaray 10,000
tonnes sannad kasta (TOBAN KUN OO TAN).
“80% furriinku waxa uu la xiriiraa Qaadka. Raggii maalintii oo dhan waa
hurdaan. Habeenkiina waa baxaan ayagoo guriga bannaanka kaga maqan, ayagoo
qaa-cunid ku maqan. Dumarkiina ma awoodaan in ay isku wadaan korinta
carruurta iyo in ay shaqeeyaan… Dhammaan raggii sidaas ayaan ku weyney” ayey
yiraahdeen hooyooyinka uu waraystay TV-gu. Halkaas waxaa ka cad in Qaadku
yahay waxa ugu weyn ee burburiya qoysaska Soomaaliyeed, ayna sababta
leeyihiin ragga Soomaaliyeed ee qaadka cunaya.
Nin Soomaaliyeed oo ku dhaqan London oo magaciisu yahay Abuukar Cawaale oo
sheegay in uu markii hore qaadka aad u cuni jirey ayaa SkyNews waxa uu
sheegay in “Darooqada Qaadku uu fara ba’an oo burburin ah ku hayo bulshada
Soomaalida ku dhaqan UK, ayna tahay in qaadka laga mamnuuco UK.” Waxana uu
intaas ku daray in sannadkii hore ay magaalada London ku dhinteen 16
dhallinyaro ah arrimo la xiriira qaadka, ayuu yiri.
Video halkan ka daawo.
Sannadkii 1980 ayaa Ururka Caafimaadka Adduunka (ee loo soo gaabiyo WHO) waxa
uu Qaadka u aqoonsaday daroogo aan qofku ka fuqi-karin ama iska deyn karayn,
xilligaas ayaa hoggaamiyayaashii Geeska Afrika waxay u ololeeyeen ka soo
horjeedsiga (Qaadka), iyagoo dhehaya isticmaalka badan ee Qaadku waxa uu
dhaliyey Furriin badan, dumarka oo la garaacyo, iyo shaqo lumid. Dalka
Soomaaliya dadka kasoo horjeeda dabeecadan qaranka ee faraha ka baxday waxa ay
yiraahdeen in ragga isticmaala daroogada Jaadka waxa ay dayacaan qoysaskooda
iyagoo lacag aad u farabadan iyo waqti ku bixinaya (Qaadka). (Akhri...).
Dalal badan oo adduunka ah qaadka waa ka mamnuuc waxayna u tixgeliyaan
daroogo maan dooriye ah waana xarig qofkii lagu qabto.
Qormadii Axmed Shiil (http://somalitalk.com/2011/05/17/qaad/)
Dhaawacyada uu Maandooriyaha Qaadku keeno:
• Gaas ama nabarada caloosha ku dhaca.
• Calool istaag ama caloosha oo qofka adkaata.
• Dhaawac xagga ilkaha iyo cirridka ah (ilkaha iyo cirridka ayuu
burburiyaa).
• Beerka oo jirrada ama dhaawcyo ayaa soo gaadha.
• Qofka oo caatoobo.
• Qofka oo u nuglaado cudurrada kudhaco sanbabada iyo dhuunta.
• Ragganimada ama shahwada oo hoos udhacda.
• Xubinta taranka ee ninka oo hawlgab noqoto.
Isticmaalka maandooriyaha Qaadku wuxuu kaloo sababi karaa:
• Wadno garaac siyaado ah
• Naxdin, barax, qarracan iyo welwel degdega oo isla socdo oo halmar qofka
kuhabsada
• Waalli ama qofkoo isku dhax yaaco, garashadana ay katagto
• Kala daadasho xagga maskaxda ah ama iskudhaxyaac
Isticmaalka maandooriyaha Metkatinom iyo Qaadkaba wuxuu sababaa:
• Waxay burburisaa xuubabka sanka gudihiisa kuyaallo.
• Waxay dhaawacdaa ama googoysaa hilibka gudaha afka, dhuunta, xiidmaha iyo
mindhicirka.
• Waxay sababtaa caatonimo xaddhaafa.
• Waxay kuyaraysaa jirka biyaha oo way angejisaa.
• Waxay sababtaa xanuunno kudhaco maqaarka.
• Waxay keentaa cudurrada dhimirka kudhaco sida; qofkoo ay u muuqdaan wax
khayaali ah oon jirin.
• Waxay keentaa murugo badan oo qofka ka tan badiso.
• Waxay kalooy sababtaa cudur u eg cudurka lalleemada (gariir uu qofku iska
giriiro)
Isku soo duub oo haddii mujtamaca Soomaaliyeed ay hal mar si caam ah u
go'aan san lahaayeen in ay joojiyaan cunista qaadka, waxaa hubaal ain
Soomaalidu dib ugu soo kobci lahayd hab dhaqan-dhaqaale, iyo caafimaadba.
Waxaa u soo bixi lahaa ama u badbaadi lahaa 115 million oo doolar sannad
kata, lacagtaas oo horumar aad u weyn lagu fulin lahaa, lagaga kaaftoomi
lahaa in badan oo gacan shisheeye.
In baan oo kamid ah dadka Soomaaliyeed ayaa qirsan haddii la joojiyo qaadka
gebi ahaantiisba in mujtamaca Soomaaliyeed ka dhismaayo xag kasta,
dhaqan-dhaqaale, qoys, dhaqaale koboc iyo horumar dhinac kasta ah, maadaama
qaadku yahay daroogo ragga Soomaaliyeed 75% ka dhigtay in aysanba fekerin oo
ogeyn in dalku 20 sano dagaal ku jirey, burbur dhacay. Haddii la joojiyona
ay soo baraarugi doonaan.
Hal ku dhegga sannadka 2012 waa in uu noqdaa "QAADKA QUBA"
Waa ololaha la dagaalanka Qaadka oo ka imanaya shacabka.
Video: Taariikhda Qaadka -- Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil
"Militariga Kenya ayaa Twitter-ka ku sheegay in halista ugu dambeysey ee
dagaalka Soomaaliya ay tahay Dameeraha."
Militariga
Kenya ee ku jira gudaha Soomaaliya ayaa muujiyey in roobab xooggan oo ka da'ay
Soomaaliya awgeed aan loo baahnayn in biyaha lagu soo dhaansado dameeraha,
sidaas daraadeedna in Kenya haddii ay aragto koox dameero ah oo meel ku wada
sugan ay u tixgelineyso kuwo halis ku ah hawlgalkooda.
Sawir hore (AP) Dad ka qaxayey Muqdisho, oo alaabtoodii ku rartay dameero.
Maj Chirchir oo arrinta dameeraha ka hadlaya ayaa Twitter-ka ku qoray sidan:
"Roobab xooggan oo ka da'ay
Soomaaliya ayaa waxay jidadka ka dhigeen kuwo aan la mari karin. Warka na soo
gaaranayana waxa uu sheegayaa in Al Shabaab ay dameeraha ku raranayaan hubka.
Dadka degaanku dameeraha biyaha ayey ku soo dhaansadaan, laakiin maadaama roob
xoogani da'ay in biyo la doonto ma muuqato. Sidaas daraadeed koox dameero ah oo
hal meel ku wada sugan waxaa loo tixgelinayaa dhaqdhaqaa Al Shabaab. Waxaa
intaas dheer in ilo wargal ah noo sheegeen in qiimaha halkii dameer uu gaareen
$150 ilaa $200 doolar. Keenyaatiga ku sugan "xadka" Soomaaliya iyo Kenya ee ka
ganacsanaya dameeraha waxaa lagula talinayaa in aysan ka iibin Al Shabaab. In
Dameeraha laga iibiyo Alshabaab waxay wiiqeysaa hawlgalka aan ka wadno gudaha
Soomaaliya," ayuu
yiri Maj Chirchir.
MSNBC oo arrintaas dameeraha ka faallooneysay ayaa qortay warbixin ay cinwaan uga
dhigtay "Militariga Kenya ayaa Twitter-ka ku sheegay in halista ugu dambeysey ee
dagaalka Soomaaliya ay tahay Dameeraha."
Magaalooyinka ay Kenya sheegtay inay Diyaaradaha ku duqayn
doonto
Afhayeenka Ciidanka Militariga Kenya ayaa Talaadadii Nov 1, 2011
sheegay in weerar aan kala go'lahayn ay ku qaadi doonaan magaalooyinka:
Baydhabo, Baardhere, Diinsor, Afgooye, Bu'aale, Baraawe, Jilib, Kismaayo iyo
Afmadow.
Maj Chirchir isagoo adeegsanaya Twitter-ka waxa uu hadalka u dhigay
sidan: BAIDOA, BAADHEERE, BAYDHABO, DINSUR, AFGOOYE, BWALE, BARAWE, JILIB,
KISMAYO and AFMADHOW will be under attack continously - waxaa sidaas
qoraalka u qoray Maj Chirchir, laba jeer ayuu qoray Baydhabo, waxa uu sheegay in
weerarka uu ku qaadayo magaalooyinkaas uu xusay ay uu ahaanayo mid aan kala go'
lahayn (will be under attack continously)..
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 4, 2011
Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya